haka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haka
haka! (tilmaame) erey la yidhaahdo marka wax wannagsan oo laga raalli yahay la arko; guddoomay. Dh: haakah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaka
Mahadnaq; baga!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaka
e.d Mahadnaq; baga! la-mid: haakaalle, haakah, hakah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaka
inter. good!, well done!; bravo!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haaka
(interjection) used to express approval or agreement; good (guudh)-, OK; bravo (baraavo)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaka
haaka! (tilmaame) wax laga haqabbeelay oo loo jeellanaa; wax la qaayibay; wax la guddoomay. Adoo hiil ii taray weli haaka! kuma odhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haaka
de: good!, well done!; bravo!
lx: haaka
ps: intj
key: haaka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hakad
(Hakad-ka)
1. Joogsad yar oo uu joogsado ama la joojiyo wax socona hayey ama dheerayna hayey; iscelin yar.
2. (naxwe) astaanta (,).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Joogsad yar oo wax soconayey sameeyaan. 2. Astaan qoraal oo kala qoqobta ereyada iyo weeraha. 3. la-mid: hakasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
Hakad
,
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hakad
vl. n. pause, pausing; comma {punctuation}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hakad
-ka: (n) 1. temporary cessation, break, stop, or rest; pause (powz). 2. [Grammar]: comma (kam-ma) [, ]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hakad
-ka: (magac, lab, keli) hamse yar oo xagga hoose la dhigo (.) oo weedh macno buuxda leh qaybaheeda lagu kala sooco. Hamse qalinku uu joojiyoo meel hakada saaran.
hakad -ka: (magac, lab, keli) joogsi aan badnayn oo socod ama hawl la joojiyo wakhti gaaban. Shaqada hakad geli. Dh: gabin, nasin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hakad
de: pause, pausing; [ext.] comma {punctuation}
lx: hakad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: hakad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hakad
فاصلة، فارزَة، شولة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakah
e.d la-mid: haaka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halka
n. phr., loc. here
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halka
(adv) here (hiyer) ~ halkaan, halkan. Ex: xaggee dhigaa? Fadlan, halka dhig! where shall I put? Please put it here!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halka
de: here Lit: the place
lx: halka
ps: np-loc
xe: We came here to talk to you.
xv: Halka waxaannu u nimid inaan kula hadallo.
key: halka
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
halka
هَهُنَا وَ هُنَا
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaacin
(Gaacin-ta)
1. Wax dagaal u taagan ama u soo socda, nabar uu la hakado ama uu ka gabbado, u taagid; waabin.
2. Wax badan oo biyabbiyood ah, isku mar xoog u daadin, qubid, butaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulmid
(Guulmid-da)
Sida wax la guuley oo cabsiyi gashay dib u joogsasho, hakasho, leexasho, didid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hakasho
(Hakasha-da)
Joogsad yar joogsasho: iscelin yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogsi
(Joogsi-ga)
1. Joogsasho.
2. (astaamaha farta) astaan dhibic ah, (.) oo tixda is-haysata dhammaadkeeda lagu dhigo; hakad dheer.
3. Meelaha gaadiidku istaago oo laga raaco ama looga dego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waqaf
(Waqaf-ka)
1. Hanti si sharci ah loogu wareejiyo - samafal aawadi - maamul ama urur ama cid u baahan, oo aan dabadeed la kala xigin.
2. (naxwe) joogsi; hakad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astaamayn
astaamayn¹: m.f.dh eeg astaamee. la-mid: astayn.
astaamayn²: m.dh (naxwe) Astaamo lagu kala qaybiyo hadal qoran sida: hakad, joogsi, kolmo, bilo, laba dhibcood iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareeri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. la-mid: dureeri. Nafley, meel ay tuurnayd ka dhaqaajin. 2. Hilib dareerin ka dhigid. 3. Si dhaqso ah oo aan hakad lahayn wax u akhrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dululub
m.l (-byo, m.dh) Meel hoobad ah oo biyuhu ayan ku hakan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabsasho
m.f.dh eeg hagabso. la-mid: hagabsad, hagabsi, hakabsad, hakab-sasho, hakabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Aragti yari awgeed tartiib u socosho. 2. Wax aan la garanayn ka hadlid. la-mid: hakabso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakaabsad
m.l la-mid: hakaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakaabsasho
m.f.dh eeg hakaabso. la-mid: hakaabsad, hakaabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakaabsi
m.l la-mid: hakaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakasho
m.f.dh eeg hako. la-mid: hakad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiqhiq
m.dh.sh.r Oohin hag-hakasho leh oo hingada u eg; feerafuglo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiqhiqlee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Oohin hag-hakasho leh oo hingada u eg samayn. la-mid: hiqlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taddawur
taddawur¹: m.l la-mid: taddawurid.
taddawur²: m.l (cilmiga naflayda) Hab soo korid ah, oo aan hakad lahayn, oo leh horumar gaar ah oo ku xiran waqti go'an.
taddawur³: f.mg1 (-ray, -rtay) Horumar samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haa
1. Haah; haaheey: haaheeyo.
2. Waa tahay; waa run.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haa
qr. la-mid: haah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haa
inter. yes
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Haa
oui.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haa
(expression) used to express affirmation or agreement: yes (yees) ~ haah. Ex: ma aragtay? haa; do you see? yes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haa
(tilmaame) erey macnihiisu yahay 'waa sidaa' ama waa runtaa oo loo adeegsado jawaabta su'aal ku bilaabantay 'ma'. Ma adaa ka jawaabay? Haa. Dh: haaheey, haaheeyto, haah. Li: may, maya, mayana.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
haa
نعم، بَلَى، إِي، أَجَلْ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baka
-da: (magac, dhedig, keli) meel bannaan. Bakada guri laga dhisaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haba
'ha' iyo 'ba' baa kolkol lays xijiyaa oo laysku kabaa (sida: haba yaraatee = ha yaraateeba), ulajeeddaduna ma baddalanto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haba
class, [conjunction] in any case; always
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haba
(falkaabe) loo adeegsado diidmada qayaxan. Hadduu kula diriray haba u tegin. Dh: ha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haba
de: in any case; always = ha + -ba
lx: haba
ps: class + conj
key: haba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haki
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haki
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar joojin. m.f.dh, hakin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haki
v. pause, halt for a moment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haki
-yey / say: (v) adjourn (ajeerri), pause (pooz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haki
(fal) wax socda ama karaaraya wakhti yar oo gaaban in yar jooji. Dh: gabbi, waabi, dabbaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haki
de: pause, halt for a moment
lx: haki
pd: (hakiyey)
ps: v2a=tr
key: haki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hako
f.mg3 (-kaday, -katay) In yar joogsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hako
f.mg3 (-kaday, -katay) In yar joogsasho. m.f.dh, hakasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hako
v. pause
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hako
(fal) joogsad yar samee, in yar joogso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hako
de: pause
lx: hako
pd: (hakaday)
ps: v3a=
key: hako
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hana
name-f happiness, peace of mind, bliss
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Maka
pr. n., loc. Mecca
Maka pr. n., [feminine] Mecca
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Maka
(n) Mecca; the city of Mecca
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maka
magaalada ugu barakada badan dunida oo ah halka dadka islaamka ahi u jeestaan kolka ay tukanayaan waxana ku dhashay Nebi Maxamad, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene. Mako waxay ku taal Sacuudiga. Dh: Mako.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maka
-da: (magac, dhedig, keli) jaad kalluunka badda ku jirta ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raka
-da: (magac, dhedig, keli) geed nagaadh iniin iyo qodax leh oo geelu daaqo. Geela rakadaa soo daaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakab
m.dh.sh.r Dh. dheh: si fiican u qabo; dhabdheh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakab
-ka: (magac, lab, keli) inanka yar ee geela ilaaliya. Dh: dabadhoon.
dhakab -ta: (magac, dhedig, keli) «~ ku dheh» ku dheg ama wax ku dhakhso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakad
m.l la-mid: dhakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhakal
(Dhakal-ka)
Weel xoolaha lagu liso; ameel; harrubgaal, toobte.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakal
m.l (-llo, m.dh) Haruub aad u yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhakal
m. n. milking vessel
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhakal
nickname; name-m a milking vessel. Lit: a small-framed person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhakal
magaca ama naanaysta wiil aad u gaaban ama muuq iyo jimidh yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakal
-ka: (magac, lab, keli) hadhuubka geela lagu maalo. Dh: dhiil, hadhuub, gorof, gaawe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhakal
cf: ameel, toobte, weel
de: milking vessel
lx: dhakal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhakal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhakan
Aan dhegaha si fiican wax uga maqal; dhego culus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof maqal ka liita ahaansho. 2. U dh.: qof meel ku dhuuntay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhakan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof maqal ka liita ahaansho. 2. U dh.: qof meel ku dhuuntay ahaansho. m.f.dh, dhakanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhakan
der. [adjective] hard of hearing, with impaired hearing, partially deaf
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhakan
-aa: (adj) deaf (dheef); partially lacking in the sense of hearing ~ dhaga cuius
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakan
(tilmaame) mid dhegaculus oon wax aad u maqal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhakan
cf: dhukan
de: hard of hearing, with impaired hearing, partially deaf
lx: dhakan
pd: (dhakanaa)
ps: adj-der
key: dhakan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakaw
m.l Tigin; dhidib; udub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhakaw
m. n. small stake (of a tent, hut); pin, anything like a pin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakaw
-ga: (magac, lab, keli) udub gaaban oo labo farraaq leh oo raarta tiir looga dhigo. Dh: udub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhakaw
de: small stake (of a tent, hut); pin, anything like a pin
lx: dhakaw
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dhakaw
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhanka
(n) the direction (di-rek-shin) ~ dhinac. Ex. dhankee u socotaa? in which direction are you going? dhanka koonfureed: southbound (sawth-bawndh) ~ koofur u socda. Dhanka galbeed: westbound (west-bawn dh) galbeedka u-socoda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haadka
de: hawk
lx: haadka
pd: (-ta)
ps: n-f
key: haadka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haakah
e.d la-mid: haaka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haakah
(tilmaame) eray la adeegsado kolka dhib laga baxo ama wax lagu farxo lala kulmo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hab-ka
modèle.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Haj-ka
pèlerinage.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hakkad
Sosta; virgola
Break; comma
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hal-ka
lieu, au lieu de.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkaa
n. phr., loc. there
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Halkaa
ici.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkaa
(adv) at or in that place; there (theer) ~ halkaan, meeshaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkaa
(falkaabe) lagu tilmaamo meel hadlaha ka durugsan laakiinse u muuqata. Dh: kobtaa, halkaas, meeshaa.