haghagid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haghagid
m.dh la-mid: haghaglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghagid
-da: (magac, dhedig, keli) qof in xaqiisa la siiyo, iska hor taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagagid
(Hagagid-da)
Hadal hadal ka hor keenid, ku gudbid; murmid; asaraarid, ogaaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagagid
m.f.dh eeg hagag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagagid
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon la is maqlayn mormid. Dh: mormid, doodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagaagid
(Hagaagid-da)
1. Qallooc la'aan u socosho; si toosan u dhaqaaqid.
2. Sidii la rabey noqosho; wanaagsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaagid
m.f.dh eeg hagaag². la-mid: hagaag¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) qallooc la'aan u socosho; si toosan ah u dhaqaaqid.
hagaagid -da: (magac, dhedig, keli) wax markii hore qaldanaa wanaagsanaan oo fiicnaan; sidii la rabey noqosho. Dh: wanaagsanaasho, hagaagis, hagaagsami fiicnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haghagleyn
m.dh eeg haghagaglee. la-mid: haghagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haagid
(Haagid-da)
Dhab u cunid; ka dhergid; ka xiisadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haagid
m.f.dh eeg haag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haagid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cunto si fiican u cunid oo ka dhergid; si dhab ah u cunitaan. Caalooli sahay ma leh oo ka haagiddu waxba kuu tari mayso. Dh: dhergid, qaraarid, haagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haghag
haghag¹: m.l Iin qof yeesho oo u diidda in uu hadalka si bayaan ah u yiraahdo; shigshigid. la-mid: haghago.
haghag²: f.mg1 (-gay, -gtay) la-mid: haghaglee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haghag
m.l Iin qof yeesho oo u diidda in uu hadalka si bayaan ah u yiraahdo; shigshigid. la-mid: haghago.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haghag
m. n. stuttering, stammering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghag
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal googgoyn oo soo wada saari kari waayid. Dh: shigshigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haghag
de: stuttering, stammering
lx: haghag
pd: (-ga)
ps: n-m
key: haghag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agtagid
-da: (magac, dhedig, keli) meel u dhow, aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haghago
m.dh la-mid: haghag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghago
-da: (magac, dhedig, keli) hadalka oon si wanaagsan qofka uga soo bixin oo ereyga uu ku celceliyo. Dh: shigshig, gaangi, gango.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagaagid
(Cagaagid-da)
Meel cagaag leh oo cago caddaan lagu maray, xanuunkeed dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaagid
m.f.dh eeg cagaag². la-mid: cagaag¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) kabo cagaha la geliyo waayid.
cagaagid -da: (magac, dhedig, keli) meel dhagax, quruurux iyo wixii la mid ah leh, cagacaddaan ku kor marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaagid
(Dagaagid-da)
Gaajo iyo diihaal darti la qaxid; dalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaagid
m.f.dh eeg dagaag². la-mid: dagaag¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) baahid oo dhulka ku dul ballaadhasho; sida ay u baxaan geedaha aan jirridda lahayn sida xabxabka. Dh: dagaagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagfagid
-da: (magac, dhedig, keli) qodqodid is dabajoog ah. Fagfagid bay farihii nagu daaleen. Dh: faqfaqid, rifrifid, miiqmiiqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagaagis
-ka: (n) 1. fixing (fiksing); the act of repairing; improvement ~ hagaagin. 2. the act of arranging into a methodical or systematic arrangement
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagaasid
(Hagaasid-da)
Yaraantii, korriimo wanaagsan waayid: hagaas noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaasid
m.f.dh eeg hagaas². la-mid: hagaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaasid
-da: (magac, dhedig, keli) hagaas noqosho; korriimo wanaagsan waayid. Dh: hagaasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haghagle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof hadalka shigshiga; shigshigow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haghagle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof hadalka shigshiga; shigshigow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haghagle
m. n. stutterer, stammerer, person who stutters ~ stammers
haghagle m. n. intruder, someone who goes places to which he is not invited ~ not wanted; 'gate-crasher'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghagle
-ha: (magac, lab, keli) qofka gaangida ama shigshigada leh.
haghagle -ha: (magac, lab, keli) qof gaangi leh oo hadalka ku joogjoogsada oon horay u soo saari karin ereyga. Dh: gaangiile, giingaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoogid
m.f.dh eeg hagoog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagoogid
-da: (magac, dhedig, keli) aqal iyo wixii la mid ah, dusha wax ka saarid. Harrarka waxa loogu tala galay hagoogidda aqallada dasada ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaagid
(Halaagid-da)
Baabbi'in; layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaagid
m.f.dh eeg halaag². la-mid: halaag¹ (2), halaajin, halaajis, hallig¹, hallig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaagid
-da: (magac, dhedig, keli) baabi'in oo dabargoyn. Dh: halaagis, dabargoyn. Li: badbaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargagid
m.dh la-mid: xargagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagid
m.f.dh eeg higaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higaagid
-da: (magac, dhedig, keli) dibbirid; fuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaagid
(Magaagid-da)
Magaag ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaagid
m.f.dh eeg magaag². la-mid: magaag¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaagid
-da: (magac, dhedig, keli) wax magaagay oo cunid hilib u baahan ahaan; hilib cuniddii u baahasho; hilib u hamuumid. Dh: saruuradoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magmagid
m.f.dh eeg magmaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagxagid
m.f.dh eeg xagxag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagdhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) weel biyo yar ku xallayn. Dh: xallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargaagid
m.f.dh eeg cargaag². la-mid: margaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhabid
(Dhadhabid-da)
Hurdada gudaheeda muuqaallo kala jaad ah, maanka ku arkid; riyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhabid
m.f.dh eeg dhadhab². la-mid: dhadhab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhabid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo hurda, dhacdooyin sawiran ku riyood. Dhadhabidda hurdadu ma runbaa ma riyaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhamid
(Dhadhamid-da)
Dhadhan yeelasho; dhadhan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhamid
m.f.dh eeg dhadhan². la-mid: dhadhemid, dhandhamid, dhandhemid, dhedhemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhandhan yeelasho oo macaan ama qadhaadh mid ahaan. Dh: dhandhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaguugid
-da: (magac, dhedig, keli) si aad ah u madax'adayg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaygagid
(Dhaygagid-da)
Meel (ama wax) dhugasho oo indhaha ka qaadi waayid, libiqsi la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaygagid
m.f.dh egg dhaygag². la-mid: dhaygag¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaygagid
-da: (magac, dhedig, keli) yaabid oo fajac iyo anfariir qaadid. Dh: fajicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhgalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel hadh leh tegid. Kolka kulayl jiro xooluhu hadhgalidda way yagaanniin. Dh: hadhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghaglay
(fal) hadalka googgoo oo si xidhiidh ah ha u wada odhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haghaglee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Shigshigid. la-mid: haghag².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haghaglee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Shigshigid. la-mid: haghag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haghaglee
v. stutter, stammer, mumble
haghaglee v. intrude, enter ~ go places where one is unwanted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghaglee
(fal) gaangi isku yeel oo hadalka isku celceli. Dh: giingee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaagmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday noqosho. Dh: dabargo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gacanta ku qabasho oo meel fog ku tuurid. Dh: halgaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halgaadid
(Halgaadid-da)
Wax gacanta ku qabasho oo meel fog ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgaadid
m.f.dh eeg halgaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaadid
-da: (magac, dhedig, keli) waran, dhagax iyo wixii la mid ah, ku tuurid ama ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hankaagid
(Hankaagid-da)
Meel ku hungoobid, wax ka waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hankaagid
m.f.dh eeg hankaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaagid
-da: (magac, dhedig, keli)meel aad wax u doonatay ka soo waayid; meel ku hungoobid. Dh: hongoobid, luggo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagmid
m.f.dh eeg higaagan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdhabid
m.f.dh eeg magdhaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdhabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof waxyeello loo geystey ama wax laga bi'iyay mag ka bixin oo wixii gaadhay beddelkiisii ciddii lahayd siin. Reerkii baabuurka iga jejebiyay magdhabid ayay oggolaadeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magmaagid
m.f.dh eeg magmaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magmaagid
-da: (magac, dhedig, keli) gudbin xoog cid ugu tuurid. Magmaagid ka daa oo ku darbo. Dh: gudbid, kaynaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margaagid
m.dh la-mid: cargaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagsaagid
m.f.dh eeg sagsaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagsaagid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wixii la mid ah, fulintooda iska dhawrid; u hagarbixid la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghagaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax is dhexyaalla ama xumaaday dib u habayn oo ka shaqayn. Dh: sasamayn, haghagaajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghagaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg haghagaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagag
(Hagag-ga)
Hadal hadal ku gudub, ka hor keen; muran; asaraar; ogaal-diid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagag
hagag¹: m.l Inkiridda laysku inkiro wax laysku ogaa.
hagag²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax laysku ogaa inkirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagag
m. n. argument
hagag v. argue (with denial); contest, dispute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagag
-ga: (magac, keli) hadal, mid kale ku gudub oo ka hor keen.
hagag-ga: (magac, lab, keli) dood iyo muran aan la is dhegeysanayn. Dh: asaraar, muran, ogaaldiid. Li: isdhegeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagid
(Hagid-da)
Qof indhala' wadid, (taxaabid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagid
m.f.dh eeg hąg. la-mid: hagis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagid
vl. n. guiding ~ leading of the blind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagid
-da: (n) leading (Hiding), guiding (geeyding)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagid
-da: (magac, dhedig, keli) qof indhla' hoggaamin. Dh: hagis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagid
a: hagis (ta) [vn-f]
de: guiding ~ leading of the blind
lx: hagid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: hagid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bagagi
m.dh.kh B. ah: basari; baali, areebo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bagagi
f. n. dirty and unclean woman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bagagi
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay aan nadaafad badneyn; haweenay basari ah oo uskag badan. Sidii bagagi doora leh hadduu, bigigiflow rooro. Dh: baali, guumeys. Li: dhabeel, gaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bagagi
de: dirty and unclean woman
lx: bagagi
pd: (-da)
ps: n7-f
key: bagagi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caagid
(Caagid-da)
(wax) iska goyn, ka go'id; ka fogaan; geyid la'aan; naftiisa u diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caagid
m.f.dh eeg caag³.