hafid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafid
(Hafid-da)
1. Si kale u qaadasho; illaawid.
2. Si degdeg iyo boob ah wax u cunid, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hąfid
m.f.dh eeg hąf².
hafid²: m.f.dh eeg haf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafid
-da: (magac, dhedig, keli) si degdeg iyo boob ah wax kaga qaadasho. Dh: hafis, boobid.
hafid-da: (magac, dhedig, keli) si kale u qaadasho. Dh: illaabid, illaawid, hufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafid
(Dhafid-da)
Labo wax ama ka badan oo kala jaad ah isku dhexdarid oo mid ka dhigid; isku darid; isku dheehid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafid
m.f.dh eeg dhaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku dardarid oo isku mulaaqid. Digirta iyo bariiska ayaa isku dhafidda ku macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadfid
m.f.dh eeg hadaf³. la-mid: hadaf¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafrid
(Hafrid-da)
Qof wax aan la siin, in la siiyey been ah, sheegid, ku nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafrid
m.f.dh eeg hafar². la-mid: hafaryo, hafriin, hafriinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafrid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale wax aanay samayn ku masabidid; qof wax aanu samayn oo uu xogmoog ka yahay dusha ka saarid. Dh: nabid, masabidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shafid
(Shafid-da)
(beer) sabuulka ama miraha ama wax kale ka jarid; goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shafid
m.dh eeg shaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shafid
-da: (magac, dhedig, keli) beer sabuulka ama midhaha ama wax kale ka jarid; goyn Shafiddii beerta ayaa lagu jiraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley si uu u harqado biyo quusin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hafi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley si uu u harqado biyo quusin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin. m.f.dh, hafin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hafi
v. drown someone, sink something; remove (food) from the fire before it is fully cooked ~ ready
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafi
(fal) cid kale, biyo ku qarqi oo ha neefqabatoobo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hafi
cf: maashee
de: drown s.o., sink s.t.; [ext.] remove (food) from the fire before it is fully cooked ~ ready
lx: hafi
pd: (hafiyey)
ps: v2a=tr
key: hafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dafid
(Dafid-da)
Qaadasho degdeg iyo xoog leh; la boodid; dhifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dafid
m.f.dh eeg daf³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dafid
vl. n. act of grabbing ~ snatching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafid
-da: (magac, dhedig, keli) dhufsad degdeg iyo xoog leh, la boodid. Dh: dhufsasho, dafis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dafid
de: act of grabbing ~ snatching
lx: dafid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: dafid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gafid
(Gafid-da)
Gefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gafid
m.f.dh eeg gaf². la-mid: gefid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku faillaanshawaayid oo in ka go'id. Dh: gafitaan.
gafid-da: (magac, dhedig, keli) qaldamid oo danbaabid. Dh: gafis. Li: qummanaan, saxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habid
(Habid-da)
Carruurta yaryar oo aan weli gacnaha wax ku qabsan karin, haruub yar (dhoqol) caano ku siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habid
m.f.dh eeg hab4.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habid
Permeability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habid
-da: (magac, dhedig, keli) haan iyo wixii la mid ah, biyo sii deyn. Dh: habis.
habid -da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar wax siin; caano iyo wax la mid ah afka kaga daadaadin si uu u cabbo.
habid-da: (magac, dhedig, keli) qadarka faafida siimawga hoore ama neefi dhex marto daloolwalxeedka, kadib marka uu ku habsado saamaynta cadaadisku.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadid
(Hadid-da)
1. Garasho; kasid.
2. Dilid; wedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadid
m.f.dh eeg had³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof iyo wixii la mid ah, dilid; cid kale nafta ka jarid. Dh: dilid, wedid.
hadid-da: (magac, dhedig, keli) garasho iyo kasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafad
(Hafad-ka)
Biyo badan ama xoog leh dhexdood oo inta la galo ama lagu dhexdhaco, laga bixi waayo oo lagu dhinto ama lagu rafaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafad
m.l la-mid: hafasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hafad
vl. n. drowning, being overwhelmed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hafad
-ka: (n) the act of drowning; submergence (sab-meer-jansi) ~ hafasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafad
-ka: (magac, lab, keli) biyo badan dhexdood ku neefqabatoobid. Dh: hafasho, qaraqmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hafad
a: hafasho
de: drowning, being overwhelmed
lx: hafad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: hafad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafin
(Hafin-ta)
Biyo badan dhexdood, qof ama wax kale oo nool xoog u dhexgelin, dhayal ahaan ama kuba dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafin
m.f.dh eeg hafi. la-mid: hafis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo badan dhexgelin oo sanka neeftii geli lahayd kaga joojin; biyo ku muquuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafis
m.l la-mid: hafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagid
(Hagid-da)
Qof indhala' wadid, (taxaabid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagid
m.f.dh eeg hąg. la-mid: hagis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagid
vl. n. guiding ~ leading of the blind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagid
-da: (n) leading (Hiding), guiding (geeyding)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagid
-da: (magac, dhedig, keli) qof indhla' hoggaamin. Dh: hagis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagid
a: hagis (ta) [vn-f]
de: guiding ~ leading of the blind
lx: hagid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: hagid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haqid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq wixii uu lahaa siin. Dh: haqsiin, xaqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harid
(Harid-da)
1. Wixii lala socdey ama laga mid ahaa ka soo go'id, raacid la'aan.
2. Waxaan weli iman ama aan wax laga qaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harid
m.f.dh eeg har². la-mid: haris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harid
-da: (magac, dhedig, keli) hadhitaanka wax kale oo badan laga soo hadho. Dh: haris.
harid -da: (magac, dhedig, keli) meel, wasakhda iyo qashinka ka nadiinin. Dh: xaadhid, fiiqid, haris, xaaqid,haaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hasid
(Hasid-da)
Cabsi gelin; bajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hasid
m.f.dh eeg has².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hasid
vl. n. threatening, frightening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hasid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi gelin. Hasidda ka daa inanku wax ha dhigtee. Dh: bajin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hasid
de: threatening, frightening
lx: hasid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: hasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hufid
(Hufid-da)
Ka la soocid; inta xun ka reebid; jafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufid
m.f.dh eeg huf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufid
-da: (magac, dhedig, keli) haadin ama kala shaandhaynta firida iyo xashiishka; inta xun ka reebid. Dh: hufis, haadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafid
(Jafid-da)
1. Wax adag ku dhufdhufasho, si habaas ama wax kale uga soo daataan; garaacid; tumid; hufid.
2. Hurdo ka kicin; toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafid
m.f.dh eeg jaf³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafid
-da: (magac, dhedig, kali) habka wax loo kala saarsaaro ee loo fududeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safid
(Safid-da)
Saf saf ka dhigid; sarcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safid
m.f.dh eeg saf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safid
-da: (magac, dhedig, keli) faylin: rigayn; sarcid: safid.
safid-da: (magac, dhedig, keli) saf saf ka dhigid. Dh: sarbid, sarcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafid
(Tafid-da)
Meel sarraysa oo aan lagu socon karin ama geed dheer, afarta addin si dhib badan ugu fuulid, ugu korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafid
m.f.dh eeg taf².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tafid
-da: (n) the act of climbing (kalaaming) ~ fuulid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafid
-da: (magac, dhedig, keli) fagidda, dacalka marada oo la tifo.
tafid-da: (magac, dhedig, keli) meel sarraysa oo aan lagu socon karin ama geed dheer afarta adin si dhib badan ugu fuulid. Dh: korid.
tafid -da: (magac, dhedig, keli) ka dhex dusid oo dhinaca ama koonaha kale ka soo dhex saarid. Dh: dusin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xafid
f.g1 (-day, -dday) 1. Wax dayac ka ilaalin. 2. Cashar, Quraan iyo wixi lamida kor ka barasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xafid
f.g1 (-day, -dday) 1. Wax dayac ka ilaalin. 2. Cashar, Quraan iyo wixi lamida kor ka barasho. m.f.dh, xafidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xafid
v. protect, safeguard, save; memorize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xafid
-ay / xafidday: (v) put in a safe place; save (seeyf); secure (si-kiyuur); preserve (piri-zeerv); protect (poro-tekt)
xafid -ay / day (v) learn by heart; memorize (meme-raayz). Ex: Quraankii wuu xafiday; he memorized the Koran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafid
(fal) dhib iyo dhimaal ka ilaali; daranyada ka dhaw. Xafid ammaanada dadka. Dh: dhawr, badbaadi, daryeel. Li: dayac, daranyee, halladaadi, baylihi.
xafid: (fal) wax ad baranayso korka ka qabo oo dusha ka akhri. Qur'aanka xafid intaad yar tahay. Dh: xifdi, qayb.
xafid-da: (magac, dhedig, keli) wax cid kali gacanta ku hayso haf ka siin oo kala boodid. Dh: dafid, hafid, dhufasho, xafis.
xafid -ka: (magac, lab, keli) dhib iyo dhimaal ka ilaalin; daranyada ka dhawrid. Dh: dhawrid, daryeelid. Li: dayacid, daranyayn, baylihin.
xafid -ka: (magac, lab, keli) wax ad baranayso korka ka qabo oo dusha ka akhri. Qur'aanka xafid intaad yar tahay. Dh: xifdi, qayb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xafid
cf: badbaadi; dhawr
de: protect, safeguard, save; memorize
initial: x
lx: xafid
pd: (xafiday)
ps: v1=tr
key: xafid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xafid
حفظ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haf
haf: f.g1 (-fay, -ftay) 1. Wax, wax kale ku qaldid. 2. Wax halmaamid.
hąf¹: m.dh.sh.r Cod lagu muujiyo hąfidda.
hąf²: f.g1 (-fay, -ftay) Cunto boobid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Leakage
Hafid
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
annegare
v.tr. e intr.- hafin; hafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haf
(fal) (ka ~) xoog wax ku qaad; cid kale, wax ka faramarooji. Dh: dhufo, boob.
haf: (ereycodeed) lagu tilmaansado laguna muujiyo boobka iyo hafidda wax si xoog ah la dhifsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafid
(Dhaafid-da)
1. Gudbid; ka dheerayn; ka hormarid; ka tegid.
2. Iska deyn; dan u gelid la'aan; cafiyid; saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafid
m.f.dh eeg dhaaf.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhaafid
Discount
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhaafid
take-over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafid
-da: (v) overtake (oowvar- teyk); the act of passing ka hor marid. Ex: baabuur dhaafid badnidaa; You are overtaking too many cars
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaafid
Oltrepassare
To surpass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) ka gudbidda ama waydaarashada wixii hore. Dh: ka gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafmid
m.f.dh eeg dhafan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafrid
(Dhafrid-da)
Inta la soojeedo in ka badan soo jeedid; seexasho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafrid
m.f.dh eeg dhafar³. la-mid: dhafar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafrid
-da: (magac, dhedig, keli) saamalleylid oo hurdo la'aan soo jeedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax aanay samayn dusha ka saarid. Dh: masabidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharfid
m.f.dh eeg sharaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharfid
-da: (magac, dhedig, keli) muunayn; xurmayn: xushmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balfid
m.dh la-mid: bąlfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calfid
m.f.dh eeg calaf³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dheefsi.