hafaryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafaryo
(Hafarya-da)
Qof wax aan la siin, la yiraahdo waa la siiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafaryo
m.dh la-mid: hafrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hafaryo
vl. n. pretense; tantalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafaryo
-da: (magac, dhedig, keli) qof, wax aan la siin ama aanu qabin dusha laga saaro. Dh: nabis, masabidid.
hafaryo -da: (magac, dhedig, keli) denbi qof aan samayn dusha laga saaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hafaryo
bw: hafriin
de: pretense; tantalization
lx: hafaryo
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: hafar
key: hafaryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafriin
(Hafriin-ta)
Hafaryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kajan
(Kajan-ka)
Hadal hafaryo been ahi ku jirto oo kaftan iyo cayaar u eg; jeesjees; likaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafrid
m.f.dh eeg hafar². la-mid: hafaryo, hafriin, hafriinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kajan
-ka: (magac, lab, keli) hadal hafaryo been ahi ku jirto oo kaftan iyo ciyaar u eg. Kajan iyo kaadi duulduulkeed ba waa lagu cadaabgalaa. Dh: kaftan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hafriin
a: hafaryo
de: tantalization; pretense
lx: hafriin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hafriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraaryo
(Haraarya-da)
Hiraanhir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraaryo
m.dh Neef-tuur xooluhu samee-yaan wakhtiga kulaylaha markay qooraxdu qabato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraaryo
f. n., [abstract] breathlessness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haraaryo
-haraaryaha / da: (n) gasp or breathlessness caused by sun's heat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraaryo
-da: (magac, dhedig, keli) hiraanhirid; neeftuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraaryo
de: breathlessness
lx: haraaryo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: haraaryo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harharyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadhaadhyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haaro
Escarpment
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafar
hafar¹: m.l Masabididda wax been ah oo aan cid la siin lagu masabido. la-mid: hafaryo, hafriin, hafriinyo.
hafar²: f.g1 (-fray, -fartay; -fri) Qof wax aan la siin ku masabidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hafar
m.l Masabididda wax been ah oo aan cid la siin lagu masabido. la-mid: hafaryo, hafriin, hafriinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hafar
v. attribute beyond the truth; pretend to give more than one has really given; tantalize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hafar
-hafray / hafartay: (v) present false information about oneself to make a false impression ~ is hafar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafar
(fal) cid kale, wax aanay samayn dusha ka saar. Dh: masabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hafar
de: attribute beyond the truth; pretend to give more than one has really given; tantalize
lx: hafar
pd: (hafray)
ps: v1=tr
key: hafar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafro
-da: (magac, dhedig, keli) xanuunka oo ku biira socsodka hawada darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaryo
(Caarya-da)
Wax cad oo dhogor la moodo oo sida likaha uga soo kor fufa alaabada, kd., siiba wixii ku sugan meelaha qoyan ama dheelku ku dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaryo
m.dh Uskag caddaan xigeen ah oo weel, dhar iyo wixi lamida yeeshaan marka ay muddo meel ku huursanaadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caaryo
m.dh Uskag caddaan xigeen ah oo weel, dhar iyo wixi lamida yeeshaan marka ay muddo meel ku huursanaadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaryo
f. n., [collective] mold, mildew, algae; mud, dirt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaryo
-caaryada: (n) fungus (fangas); smut (ismaat); mold (mooldh); mildew (mil-duu)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaryo
-da: (magac, dhedig, keli) qaajeer cad oo uu uskaggu jidhka ku reebo kolka uu qofku dhidido ama qoyaan taabto.
caaryo -da: (magac, dhedig, keli) wax dhogor la moodo oo cad oo wixii meel ku raaga saarma, siiba wixii qoyan ee huura ama dheelku ku dhaco. Cuntadii bakhaarka ku raagtay caaryo ayaa fuushay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaryo
de: mold, mildew, algae; mud, dirt
lx: caaryo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: caaryo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haanyo
f. n. hug, embrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haanyo
-haanyada: (n) hug (haag); embrace (embareey) ~ habsiin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haanyo
de: hug, embrace
lx: haanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: haanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habayo
(Habaya-da)
Weel habya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habayo
m.l 1. Weel biyood. 2. la-mid: habay¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habayo
f. n. leaky vessel; improvised baby feeder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habayo
-da: (magac, dhedig, keli) haan ama weel cusayb dartii biyaha ama dareere kale u sii deynaya. Dh: habay, hibitiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habayo
de: leaky vessel; improvised baby feeder
lx: habayo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: hab (3)
key: habayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafroo
-ga: (magac, lab, keli) timaha oo inta la daayo kor loo feedho. Dh: buuko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafaran
f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Qof la hafray noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax aanay samayn dusha ka saarid. Dh: masabidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafasho
(Hafasha-da)
Biyo badan ama xoog leh ku dhexdhimasho ama ku rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafasho
m.f.dh eeg hafo. la-mid: hafad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hafasho
vl. n. state of drowning ~ sinking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hafasho
-hafashada: (n) the act of drowning; submergence (sab meerjansi) ~ hafad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafasho
-da: (magac, dhedig, keli) neefqabatawga biyaha dhexdooda; biyo badan oo xoog leh ku dhexhafad. Nuur hafasho ayuu u dhiman gaadhay. Dh: qarqoomid, hafad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hafasho
a: hafad
de: state of drowning ~ sinking
lx: hafasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hafasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanaayo
(Hanaaya-da)
Eed; utun; asaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanaayo
m.dh Cadaawad, nacayb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanaayo
f. n. accusation, blame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaayo
-da: (magac, dhedig, keli) eed ama utun la galo. Hanaayadu qofkii gala ayey sugtaa. Dh: asaaye, utun, eed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanaayo
de: accusation, blame
lx: hanaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hanaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibco iyo baro uu yeesho neef uu aqal ku darrooshimeeyay.
hayaayo -da: (magac, dhedig, keli) siigo cas oo cirka isku shareerta oo indhaha u daran. Dh: siigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakaaryo
m.dh Garaacidda qof dhakaarka laga garaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraaryoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Haraaryo samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraaryoo
(fal) eeg hadhaadhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareyso
f.mg3 (-stay, -satay) Tiro afar ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: dhacaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhafar_1
de: be sleepless; stay up (usually late at night)
hm: 1
lx: dhafar
nt: dhafar (ka) [vn2-m] 'staying up'
pd: (dhafray)
ps: v1=
key: dhafar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhafar_2
cf: xarig
de: camel cord, strong rope for use on a pack camel
hm: 2
lx: dhafar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhafar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalalyo
m.dh la-mid: dhalaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax la sugayey raagsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhararso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax la sugayey raagsasho. m.f.dh, dhararsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhararto
-da: (magac, dhedig, keli) wax sacab ka baxsan muggii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaryar
(Habaryar-ta)
Hooyada walaasheed ama abtiga walaashi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaryar
m.dh (-ro, m.l) Hooyada walaasheed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaryar
m.dh (-ro, m.l) Hooyada walaasheed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaryar
f. n., [compound] maternal aunt, mother's sister
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaryar
-ta: (n) the sister of one's mother; aunt (aunt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaryar
-ta: (magac, dhedig, keli) hooyo walaasheed. Habaryar waa hooyo naasa la'. Dh: habo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaryar
cf: abti (mother's brother), eeddo (father's sister)
de: maternal aunt, mother's sister
lx: habaryar
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
key: habaryar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habdarro
(Habdarra-da)
Si xun u habaysan; agaasin xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdarro
m.dh Nidaamdarro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdarro
m.dh Nidaamdarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habdarro
f. n. disorder, untidiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdarro
-da: (magac, dhedig, keli) qaab xumo, si xun u samaysnaan. Dh: agaasinxumo, nidaam-xumo, maamulxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habdarro
de: disorder, untidiness
lx: habdarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: habdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafarmid
m.f.dh eeg hafaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafarmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax aan la siin, lagu sheegay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambalyo
m.dh Hadal xambaarsan shucuur farxad leh oo loo jeediyo cid heshay ama soo hoyisay wax lagu farxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hambalyo
m.dh Hadal xambaarsan shucuur farxad leh oo loo jeediyo cid heshay ama soo hoyisay wax lagu farxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hambalyo
f. n. congratulations
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hambalyo
-hambalyada: (n) congratulation (kon garaaju-leey shen) ~ hanbalyo, tahniyad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hambalyo
Congratulazioni
Congratulations bet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambalyo
-da: (magac, dhedig, keli) ereyo dhiirrigelin ah oo lagu yidhaa qof wax loo bogay sameeyey ama helay. Hambalyada isdaba yací iyo waa hebele siida. Dh: bogaadin, tahniyad, kadabaa. Li: cambaarayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hambalyo
bw: hanbalyo
de: congratulations
lx: hambalyo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: tahniyad
key: hambalyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanbalyo
(Hanbalya-da)
1. Qof wax loo bogey sameeyey ama helay oo hadallo diirran oo dhiirriggelis ah lagu yiraahdo; bogaadis.
2. Cid faraxsan oo hadal lagu tuso in faraxooda lala wadaagayo ama lagala qaybgelayo.
3. baga! ama kadabaa! cid ku dhihid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanbalyo
f. n. congratulations
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanbalyo
-hanbalyada: (n) congratulations (kon garaajuleey-shinis); good wishes ~ tahniyad, hambalyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbalyo
-da: (magac, dhedig, keli) tahniyad iyo bogaadinta qof guul u soo hoyatay oo reeyay. Dh: bogaadin, bogaadis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanbalyo
a: hambalyo
de: congratulations
lx: hanbalyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hanbalyo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hanbalyo
مَبْرُوكَ مُبَارَكَةٍ، تَهْنِئَةً
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarso
(fal) si bahardaad ah u fadhiiso. Dh: bardados, fadhiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamaryo
m.dh la-mid: ibamar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabarso
f.g3 (-saday, -satay) Khabar raadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabarso
(fal) warayso; khabaarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqaryo
(Qarqarya-da)
Dhaxan weyn oo lala gariiro; diilalyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaryo
m.dh Gariirid ay dhaxan ama jirro keento.