hadiwaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadiwaa
(fal) kariwaa wax la rabay in la qabto oo awood iyo karti u waa.
hadiwaa -ga: (magac, lab, keli) karti shay lagu sameeyo waayid. Hadiwaa ayaan u samayn waayey howshii kariwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhiwaa
-ga: (magac, lab, keli) qof ama neef inuu hadho la moodayo oo hadhi waaya. Hadhiwaa xaqiisu ma hallaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadliwaa
-ga: (magac, lab, keli) aamusitaan iyo afxidhasho. Ka hadliwaaga arritan maxaa idiinku wacan. Li: hadlitaan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hadaa
maintenant, alors.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adigaa
pron., sg. It is you who ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adigaa
(pron.) it is you... Ex: Adigaa laguu yeerayaa; it is you who is called
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adigaa
de: It is you who ... = adiga + baa
lx: adigaa
ps: pro-2sg + focus
key: adigaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haddaa
Hadahaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaa
conj., [expression] so, therefore, then
haddaa: question word, time: now?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddaa
(adv) at this time; yet (yat). Ex: haddaa diyaar ma aha; isn't ready yet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaa
(xidhiidhiye) miyaanay ahayn! haddanad heesay, haddaa maxaad fanka ugu biirtay?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhaa
-ga: (magac, lab, keli) wax baaba'ay ama tegey inta ka joogta ama laga hayo. Dadku waxay ka soo farcameen hadhaagii raacay doonnidii Nebi Nuux. Dh: dabaadi.
hadhaa -ga: (magac, lab, keli) lacag ama wax kale marka laga bixiyo intii loo bahnaa wixii baaqi ah ee soo hadha. Dh: baaqi.
hadhaa -ga: (magac, lab, keli) marka abaaruhu dhacaan xoolaha inta socodka kari wayda. Horow orod faarax, horweynta dhaqaaqday, hadhaaga u jooji. Dh: haraa, hoome.
hadhaa-ga: (magac, lab, keli) markay dhacdo falgal kimikaad, inta salka ku hadha.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hadiya
name-f gift
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadwad
m.l la-mid: hadwasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadwad
-da: (magac, dhedig, keli) si aan habaysnayn oo loo socdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harwaa
m.l Qof aan quusan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badiyaa
(falkaabe) tilmaama wax inta badan dhaca; sida badan. Dh: aalaa, badi, badanka, dhaaxaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadahaa
Goortaan; haddaa; (ama hadahaan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadimay
(fal) dibindaabyee oo luggoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadiyad
(Hadiyad-da)
Wax la siiyo qof la xurmaynayo ama la raalli gelinayo; deeq; diiqo; siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadiyad
m.dh (-do, m.l) Hanti yar oo cid la sharfayo loo geeyo; deeq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadiyad
m.dh (-do, m.l) Hanti yar oo cid la sharfayo loo geeyo; deeq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadiyad
f. n. present, gift
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadiyad
-da: (n) gift (gift); present (parezent)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hadiyad
Regalo
Present
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadiyad
-da: (magac, dhedig, keli) wax la isa siiyo oo xormayn iyo qaddrini ku jirto amaah iyo abaalna laga sugayn. Dh: hadaayo, hadyad, deeq, diiqo, siin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadiyad
bw: Arabic
de: present, gift
lx: hadiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hadiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubiwaa
m.l Wax aan la hubin; shaki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubiwaa
m. n., [abstract] uncertainty, insecurity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubiwaa
(fal) wax aan la hubin ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubiwaa
de: uncertainty, insecurity
lx: hubiwaa
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: hubiwaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huriwaa
m.l.kh H. ah: wax lagu qasbanyahay oo meel kale oo laga maro aysan jirin. la-mid: huriweyto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huriwaa
m.l.kh H. ah: wax lagu qasbanyahay oo meel kale oo laga maro aysan jirin; huriweyto.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huriwaa
- ah: (adj) unavoidable; inescapable; inevitable ~ lama huraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huriwaa
-ga: (magac, lab, keli) wax aan laga maarmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kariwaa
m.l Qof madax adag oo aan wax laga dhaadhicin karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kariwaa
m.l Qof madax adag oo aan wax laga dhaadhicin karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kariwaa
-ga: (magac, lab, keli) karti lagu maareeyo u waayid: wax u caalwaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawriwaa
dhawriwaa¹: m.l 1. Samir yari aan wax lala sugi karin. 2. la-mid: dhawriwaayid.
dhawriwaa²: f.g1 (-waayay, -wayday; -waayi) Wax sugi kari waayid (cid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawriwaa
v. be too impatient to wait
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawriwaa
de: be too impatient to wait
lx: dhawriwaa
pd: (dhawriwaayay / dhawriwayday)
ps: v1=tr
key: dhawriwaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhiwaa
-ga: (magac, lab, keli) hawl fulinteed, gaadhi waayid. Dh: gaariwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaditaan
-ka: (magac, lab, keli) duulitaanka hawada. Dh: haadid, lalitaan, duulitaan.
haaditaan -ka: (magac, lab, keli) «ka naf, noole, ka bixitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
had walba
adv., time: always
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
had_walba
de: always
lx: had walba
ps: adv-time
key: had_walba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddidaad
m.dh Hadal ama ficil cid lagu cabsi gelinayo. la-mid: haddidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haddidaad
m.dh Hadal ama ficil cid lagu cabsi gelinayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddidaad
-da: (magac, dhedig, keli) hanjabaad iyo cagajuglayn. Dh: cabsiin, handidaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) inta wax kale ka hadhay. Dh: hadhniin, haritaan.
hadhitaan-ka: (magac, lab, keli) cid socotay, raacid la'aan. Hadhitaanka iska daa oo soo soco. Dh: gadaalin, hadhniin. Li: raacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadlitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadiraac
m.l Dhicinta uu neef markaas rimay dhiciyo; qubeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaditaan
-ka: (magac, lab, keli) meel ka dhaqaaqid oo tu kale u socdaalid. Dh: aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadawaar
gadawaar¹: m.l Cirku marka uu qaawan yahay oo uusan daruur lahayn.
gadawaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Daruur beelid (cir).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadawaar
m.l Cirku marka uu qaawan yahay oo uusan daruur lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadawaar
-ka: (magac, lab, keli) cirku marka uu qaawan yahay oo uusan daruur lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gam'iwaa
gam'iwaa¹: m.l Hurdada oo la iska waayo.
gam'iwaa²: f.mg1 (-aayay, -aayday; -aayi) Hurdo iska waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gam'iwaa
m.l Hurdada oo la iska waayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gam'iwaa
m. n., [abstract] insomnia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gam'iwaa
(fal) hurdo iska waa; seexan waa.
gam'iwaa -ga: (magac, lab, keli) hurdo iska waayid; seexan waaid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gam'iwaa
de: insomnia
lx: gam'iwaa
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: gam'iwaa
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Habarwaa
name-m he who misses his mother. Lit: he who his mother died after his birth because of birthing difficulties
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habitaan
-ka: (magac, lab, keli) quudinta carruurta aan weli dareere ma ahee wax kale quudan. Habitaan baa ilmaha wax lagu siiyaa. Dh: habid.
habitaan-ka: (magac, lab, keli) haan iyo wax la mid ah, biyo ama dareere kale sii deyn. Dh: heemitaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddiiba
(adv) suddenly (sadhanli); immediately ~ durbadiiba, si kadis ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddiiba
(falkaabe) isku xidhiidhiya weedh shardiley ku xidhan oo ku salaysan male iyo wax aan la hubin ama la hubo. Dh: kolkiiba, judhiiba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax baaqi soo noqday oo wax kale ka soo hadhay ahaan. Dh: harnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadimays, dibindaabyeyn; luggoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadimays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, khatalid oo luggoyn. Dh: hadimayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagitaan
-ka: (magac, lab, keli) hoggaaminta qof indha la'. Dh: hoggaamin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
handicap
/haandhikaap/ (n) 1. curyaan, ama qof dhimman xaga maskaxda. (v) 2. curyaamin, xannibid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
handicap
handicap, n.m. - curyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardabaa
m.l la-mid: haraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haritaan
-ka: (magac, lab, keli) hadhitaanka, wax kale oo tiro leh laga soo hadho. Dh: hadhniin.
haritaan -ka: (magac, lab, keli) xaadhitaan ama fiiqitaanka meel qushaash iyo uskag leh. Dh: xaaqitaan, xaadhitaan, fiiqid, fiiqitaan.
haritaan-ka: (magac, lab, keli) cid socdaalaysay, ka hadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdawaa
-ga: (magac, lab, keli) hurdo is ka waayid. Dh: seexanwaa. Li: gam'id, hurdid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Khadiija
pr. n., [feminine] Kadija
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khadiija
name-f great; Prophet Muhammad's first wife
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Khadiija
de: Kadija
lx: Khadiija
ps: name-f
key: Khadiija
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Khadiira
magac loo baxsho gabadh loo rajaynayo in ay noqoto mid nasiib badan oo lagu reeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaditaan
-ka: (magac, lab, keli) xiraad la'aan ku seexasho. Qaditaanka martida saakaa la ogaaday.
qaditaan-ka: (magac, lab, keli) wax qaday oon waxba helin ahaan. Qaditaanka waan ugu tala galay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raditaan
-ka: (magac, lab, keli) jilicid oo cabbaar biyo ku jiritaan. Raditaan ku tun gallayda haddi kale waad ku daali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samriwaa
-ga: (magac, lab, keli) samir la'aan; wax sugiwaa.
samriwaa -ga: (magac, lab, keli) qofka ka hadhi waaya godobta laga galo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waditaan
-ka: (magac, lab, keli) kaxayn; wadniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaditaan
-ka: (magac, lab, keli) qaaditaan hanti ciddii lahayd hoos ahaan looga qaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) caleen qoyan iyo wax lamid ah, qaadhitaan. Khudradda dhadhitaan ayaan uga cabsanayaa. Dh: dhadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) afbadnaanta birta wax goynaysa sida middida iyo billaawaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddiddaad
f. n. threat
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddiddaad
de: threat
lx: haddiddaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: haddiddaad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hadhima-da
déjeuner.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiddiwaale
(Hiddiwaala-ha)
Hiyiwaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiddiwaale
m.l 1. la-mid: hirimmaale. 2. Qof dadka been ku maaweeliya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiddiwaale
m. n. longing, hankering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiddiwaale
-ha: (magac, lab, keli) hadal xun oo maskaxda wareeriya. Dh: afxumo, hiyiwaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiddiwaale
a: hiyiwaale
de: longing, hankering
lx: hiddiwaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hiddiwaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidiwaasid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la wado ku heesid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saldhigwaa
-ga: (magac, lab, keli) (u ~) dagaal, arrin iyo wixii la mid ah, u jilibdhigiwaa; u adkaysanwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaa
mu.eb Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'aa 1'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adaa
pron., red, sg. It is you who ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adaa
(pronoun) to you.... Ex: Buuggaan adaa leh; this book belongs to you
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaa
(magac'uyaal) tilmaamaya qofla labaad ee lalahadlaha ah; 'adi' iyo 'ayaa' oo la isku daray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadi
(Hadi-ga)
Geed-quwaaxa geed kamid ah, oo xabag wanaagsan oo udgoon oo la ganacsado dhala.