hadiiditaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadiiditaan
-ka: (magac,lab, keli) si isdabajoog ah u cunid ama u boobid.
hadiiditaan-ka: (magac, lab, keli) si aan kala go' lahayn ugu ridriditaan, ku miisitaan, ku weddemin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddiditaan
-ka: (magac, lab keli) hanjabitaan; cagajuglayn. Dh: handiditaan, cabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haliilitaan
-ka: (magac, lab, keli) si hamuun iyo doonis ah wax ugu gariirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madiixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg madiixid. madiixitaan -ka: (magac, lab, keli) dalxiisitaan oo tamashle ku jiritaan. Madiixitaan aan marwadaa kula socon waa nus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhiidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) qadhiidhidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akiditaan
-ka: (magac, lab, keli) adkaynta iyo xoojinta xog ama talo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayiditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ayidaad. ayidsan: (tilmaame) taageersan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaditaan
-ka: (magac, lab, keli) duulitaanka hawada. Dh: haadid, lalitaan, duulitaan.
haaditaan -ka: (magac, lab, keli) «ka naf, noole, ka bixitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) inta wax kale ka hadhay. Dh: hadhniin, haritaan.
hadhitaan-ka: (magac, lab, keli) cid socotay, raacid la'aan. Hadhitaanka iska daa oo soo soco. Dh: gadaalin, hadhniin. Li: raacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadlitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiifitaan
-ka: (magac, lab, keli) hiifid; canaanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigitaan
-ka: (magac, lab, keli) si baahi ka muuqato, harag ama tahar ama wax la mid ah, ruugid oo afka ula dhicid. Dh: hiigis, hiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liiditaan
-ka: (magac, lab, keli) xaqiraadda cid kale iyo yasiddooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addimitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg addimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajiibitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ajiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asiibitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg asiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hawirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiditaan
-ka: (magac, lab, keli) degitaan: quusitaan; tiinbad.
shiiditaan -ka: (magac, lab, keli) dhagax la dhicitaan, ku tuuritaan; meditaan; aa'itaan.
shiiditaan -ka: (magac, lab, keli) ridgitaan: budayn; daqiijitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasiditaan
-ka: (magac, lab, keli) xasad samayn. Dh: xaasidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddibitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caddibaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddilitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caddilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajiimitaan
-ka: (magac, lab, keli) rufaaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'iditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faa'idid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaqiditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faaqidaad. faar: (fal) caano, faar yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiyitaan
-ka: (magac, lab, keli) fadhdhiyidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fayiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haajiritaan
-ka: (magac, lab, keli) meesha aad joogto meel ka durugsan u gudaalitaan; meel fog aaditaan. Dh: haayiritaan, dalwid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haajiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaafitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) sida carruurta hadalbaradka ah u hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handaditaan
-ka: (magac, lab, keli) selel dartii, u booditaan.
handaditaan -ka: (magac, lab, keli) cid kale, u cagajugleyn; u hanjebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfaditaan
-ka: (magac, lab, keli) u cagajugleyn; u hanjebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madmaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg madmadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qadhiidhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raariditaan
-ka: (magac, lab, keli) hoos u riditaan: hoos u dhaadhicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasiditaan
-ka: (magac, lab, keli) xasad samayn; xaasid ahaan; u quudhid la'aan oo wanaagga cidda kale ka xumaan. Dh: xaasidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiiditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanadiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadoodilitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax hadoodilan ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) xidhiidhidda lafteeda. Dh: xiriiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeeditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badbeedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriijitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax meel maraya barriijintiisa. Barriijitaan ka dhab oo baallaha ka mara boholaha ka leexsha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneeditaan
-ka: (magac,lab, keli) eeg haaneedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadoodillaan
(Hadoodillaan-ta)
Wax hadoodilan ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadoodillaan
f. n., [abstract] state of being in the shade ~ covered (up)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadoodillaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhis iyo wixii la mid ah; dusha wax kaga dadnaan. Dh: dednaan, hadoodilnaan.
hadoodillaan -ta: (magac, dhedig, keli) indha la'an. Labo sanaba hadoodillaan buu ku socsocdaa. Dh: hadoodilnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadoodillaan
de: state of being in the shade ~ covered (up)
lx: hadoodillaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: hadoodillaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadoodilnaan
m.f.dh eeg hadoodilan. la-mid: hadoodillanaan, hadoodillanaansho, hadoodilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masabiditaan
-ka: (magac, lab, keli) masabidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadiidsanaan
m.f.dh eeg qadiidsan. la-mid: qadiidsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raarriditaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal, cashar iyo wixii la mid ah, ka dhaadhicin. Ka raarriditaan ayey dadku kaa rabaan iyo inay fikirkaaga arkaan. Dh: fahamsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharribitaan
-ka: (magac, lab, keli) jarribitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talbiisitaan
-ka: (magac, lab, keli) sibidh iyo niis maritaanka, simitaanka gidaarka la simayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashiilitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax dhaqaalayn, tabiinadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiiqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanadiiqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haad-haaditaan
-ka: (magac, lab, keli) leellitaan, duulduulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaditaan
-ka: (magac, lab, keli) meel ka dhaqaaqid oo tu kale u socdaalid. Dh: aadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg awdid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biditaan
-ka: (magac, lab, keli) dareensi malayn ah. Shaki iyo biditaan baad haysaa.
biditaan -ka: (magac, lab, keli) noole ama wax baad leh duulitaankii. Biditaanka diyaaradda ayuu sugayaa. Dh: haaditaan, lalitaan.
biditaan-ka: (magac, lab, keli) gu'itaan timaha. Biditaanka timaha ka ilaali. Dh: rifmitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
di'itaan
m.l la-mid: di'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
di'itaan
-ka: (magac, lab, keli) roob soo daadasho oo di'id. Di'itaanka roobka aad baa loogu baahnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiditaan
m.l la-mid: fidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habitaan
-ka: (magac, lab, keli) quudinta carruurta aan weli dareere ma ahee wax kale quudan. Habitaan baa ilmaha wax lagu siiyaa. Dh: habid.
habitaan-ka: (magac, lab, keli) haan iyo wax la mid ah, biyo ama dareere kale sii deyn. Dh: heemitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haddatan
Goortatan la joogo; haddeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddatan
adv., time: immediately, just now
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddatan
(adv) now (naaw); at this moment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddatan
(falkaabe) haddeer, haatan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddatan
a: haddadan
de: immediately, just now
lx: haddatan
ps: adv-time
key: haddatan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadiidid
m.f.dh eeg hadiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadiidid
-da: (magac, dhedig, keli) si isdabajooga ah oo degdeg ah wax u cunid.
hadiidid -da: (magac, dhedig, keli) dhagax, feedh ama wax kale, si aan kala go' lahayn oo darandoorri ah ula dhicid, ku miisid, ku weddemin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagitaan
-ka: (magac, lab, keli) hoggaaminta qof indha la'. Dh: hoggaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haritaan
-ka: (magac, lab, keli) hadhitaanka, wax kale oo tiro leh laga soo hadho. Dh: hadhniin.
haritaan -ka: (magac, lab, keli) xaadhitaan ama fiiqitaanka meel qushaash iyo uskag leh. Dh: xaaqitaan, xaadhitaan, fiiqid, fiiqitaan.
haritaan-ka: (magac, lab, keli) cid socdaalaysay, ka hadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madiidin
madiidin¹: m.l la-mid: midiidin¹.
madiidin²: f.g1 (-imay, -intay) la-mid: midiidin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madiidin
m. n. servant, slave; lackey, stooge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madiidin
-ah: (adj) bondman (boondh-maan); bondservant (boondh-sar-vant) ~ midiidin -ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madiidin
-ka: (magac, lab, keli) qof shaqaale. mudakar ah oo hawsha udub dhexaad u ah. Geela waxa jira wiil madiidin ah. Dh: shaqaale
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Madiidin
Birta afka koobaaban ee ningaxa dubbayn lagula jaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madiidin
de: servant, slave; [fig.] lackey, stooge
lx: madiidin
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: midiidin
key: madiidin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadiidin
m.f.dh eeg qadiidi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaditaan
-ka: (magac, lab, keli) xiraad la'aan ku seexasho. Qaditaanka martida saakaa la ogaaday.
qaditaan-ka: (magac, lab, keli) wax qaday oon waxba helin ahaan. Qaditaanka waan ugu tala galay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raditaan
-ka: (magac, lab, keli) jilicid oo cabbaar biyo ku jiritaan. Raditaan ku tun gallayda haddi kale waad ku daali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riditaan
-ka: (magac, lab, keli) rididda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siditaan
-ka: (magac, lab, keli) sare u hayn, u qaadid, u xanbaarid: sidniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waditaan
-ka: (magac, lab, keli) kaxayn; wadniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xadiidin
(Xadiidin-ta)
Meel digdigo ah oo aan geed lagu arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadiidin
m.dh (-imo, m.l) Meel digdigo ah oo aan geed lagu arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadiidin
f. n. flat barren area, desolate place
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadiidin
de: flat barren area, desolate place
initial: x
lx: xadiidin
pd: (-ta Pl: xadiidimo (/ha))
ps: n1-f, n2-f
key: xadiidin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaditaan
-ka: (magac, lab, keli) qaaditaan hanti ciddii lahayd hoos ahaan looga qaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaditaan
-ka: (magac, lab, keli) kala maqnaansho daba dheeraaday. Baaditaan baan ku kala maqnqyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badcitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicitaan
-ka: (magac, lab, keli) doondoonasho iyo gardarraysasho qof aan waxba kuu dhimin. biicmushtar -ka: (magac, lab, keli) wax kala iibsi. Biicmushtarku waa shaqo fiican. Dh: tijaaro, baayacmushtar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifitaan
-ka: (magac, lab, keli) biifis ku suubbin. Biifitaan baan kala daalay muraaydaha daaqadaha. Dh: qurxitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilitaan
-ka: (magac, lab, keli) biil bixitaan. Dh: bilin, masruufitaan, quudin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiritaan
-ka: (magac,lab, keli) ku darsamitaan. Isku biiritaan meeshii laga sugayey miyey kala tageen. biirjeex -a: (magac, lab, keli) qof aan dhibta ka cabsoonin oo ka waaban, wax kastana u birdhiga. Biirjeex geesiyoo wacan, Allaw yaanu baas dilin. Dh: birjeex, hawlkar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilitaan
-ka: (magac, lab, keli) aad u shiiqid oo baabi'id. Dh: ciiritaan.
ciilitaan -ka: (magac, lab, keli) ciil iyo murug ku reebitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiritaan
-ka: (magac, lab, keli) liicitaan; dheelliyitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhicitaan
m.l la-mid: dhicid.