ereyga

hadhhadhyood

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhhadhyood

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) noolaha marka ay hadhhadhyo hayso. Dh: hadhaadhyood.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhaadhyood

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) kolka uu dhulku kulul yahay ee uu nooluhu milicda u adkaysan waayo, dhaqdhaqaaqa iyo ruxanka uu sameeyo iyo doonista in uu hadh galo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhhadhyo

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadhaadhyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhaadhyoo

DHAFAN

(fal) kulayl daraaddii, harraad la lulan adiga oo carrabka soo saaraya oo ruxmaya, meel hadh ahna doonaya inaad fadhiisato.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qadhqadhyood

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) gariirid ilkaha la isla dhaco. Dh: qarqaryood.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hiraahir

DHAABAN
1

-ka: (magac, lab, keli) neeftuurka iyo dhaqdhaqaaqa biyo doonka ah ee noole aad u harraadani sameeyo. Dh: hiraanhir, hidhaanhidh, hadhhadhyood.

2

hiraahir: (fal) harraad dartii, hadhhadhyoo oo neeftuur. Dh: hiraanhir.

3

hiraahir -ka: (magac, lab, keli) hadhhadhyo iyo neeftuurid. Dh: hiraanhir.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hiraahirid

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) hadhhadhyood iyo neeftuurid. Dh: hiraanhirid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhaadhyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) nooluhu dhaqdhaqaaq uu sameeyo oo uu carrabka soo saaro ubucduna ay highiglayso kulaylka cimilada daraaddii. Dh: hadhhadhyo, haraaryo, hiraanhir.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qadhqadhyoo

DHAFANDHAAF

(fal) qadhqadhyo samee; aad u dhaxmoo. Dh: qarqaryoo, dhaxmoo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

faadhyood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) socod uu ku jiro isqaadqaad oo la faanjafaanjoodo. Faadhyood iyo Kibir waa lagu kufaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ladaadyood

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg ladaadyoo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ladaadyood

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg ladaadyoo. la-mid: laqanyood. ladan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax caafimaad qaba ahaansho. 2. Wax barwaaqaysan ahaansho. m.f.dh, ladnaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qadhqadhyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) gariir dhaxantu keento oo ilkaha la isla dhaco; dhaxan aad u badan oo lala gariiro. Xalay dhaxan ayaa jirtay oo qadhqadhyo ma seexan. Dh: dhaxmood, qarqaryo, diilalyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cadhacadhood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) marka uu jeermis ku dhasho jidhka noolaha ee uu u yeelo baro cuncun ku dhaliya.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhaadhacid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) calaacalid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhaanhadhyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dareenka marka qofku bacad joogo ee uu harraado. Waaberi hadhaanhadhyo darteed ayuu hadli kari la'aa. Dh: harraad, hadhsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadho

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) eeg badhaadhe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cadanyood

DHAFANDHAAF

m.f.l eeg cadanyood. la-mid: cadayood, canaanyood, cananyood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cadanyood

DHAFANDHAAF

m.l eeg cadanyood. la-mid: cadayood, canaanyood, cananyood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cadanyood

DHAFANDHAAF

inch. v. feel itchy from a rash

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cadanyood

DHAFANDHAAF

-ay / cadanyootay: (v) have a skin itching or skin rashes ~ canaanyood, xajiimood

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cadanyood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xajiin iyo isxoqis dareen.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cadanyood

DHAFANDHAAF
1

a: cadanyoo, cadayoo, canaanyoo, cananyoo

2

de: feel itchy from a rash

3

lx: cadanyood

4

pd: (cadanyooday)

5

ps: v3a=inch

6

key: cadanyood

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhsasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qorraxda fallaadheheeda, hadh ka hoosgelid. Dh: hadhsad, harsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ladaadyoo

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-ooday, -ootay) Laqanyo dareemid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ladaadyoo

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-ooday, -ootay) Laqanyo dareemid. m.f.dh, ladaadyood.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadhid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) liibaan helid; farxad iyo raynrayn ku jirtid. Dad iyo duunyo ba badhaadhid Allow na gaadhsii. Dh: baraarid, lii, barwaaqoobid, rayrayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadhow

DHAFANDHAAF
1

(fal) barwaaqo iyo raaxo ku noolow.

2

badhaadhow -ga: (magic, lab, keli) barwaaqo iyo nabad ku maashoobid; badhaadhe iyo bashbash la kulmid. Dh: barwaaqaw.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fadhaqbood

DHAFANDHAAF

(fal) si sahlan oo degdeg ku jiro arrin uga bax. Dh: faraqbood.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fadhfadhad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qodqodista meelo godad yaryar laga fadho oo lagu celceliyo. Dh: faqfaqid, qodqodid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fadhfadhid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadhfadhad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhaadhac

DHAFANDHAAF
1

(fal) hantaatac; calaacal; nuunaas.

2

hadhaadhac -a: (magac, lab, keli) hantaataca; calaacalka iyo nuunaaska.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

haraaryood

DHAFANDHAAF

m.f.l eeg haraaryoo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

haraaryood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) kulaylka aawadii iyo harraadka la ruxmid oo hadhgelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kadiidyood

DHAFANDHAAF

m.f.l eeg kadiidyoo. la-mid: kadiidoo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

laadadyood

DHAFANDHAAF

m.f.l eeg laadadyoo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

laadadyood

DHAFANDHAAF

m.f.l eeg laadadyoo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laadadyood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) laadadyo dareemid; lallabood; liidaanyood.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

madhmadhid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) aad u kibrid oo xadka dhaafid. Wiilyar oo madhmadhid sanka la taagaya ayaa gabadha caayay. Dh: kibrid.

2

madhmadhid -da: (magac, dhedig, keli) aad u qudhmid oo urid. Harag la aasay madhmadhid ka sug. Dh: qudhmid, qurmid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qadhqadhid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qabaw ama xummad darteed la gariirid. Dh: jarayn, jarcayn, burunjiyeyn, qarqarid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagabidhyood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaajinta addimada iyo ciyaarta cunugga yar ee aan weli fadhiga baranin uu sameeyo kolka uu jirjirka u jiifo. Dh: cagabiryood.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qadhaadhayso

DHAFANDHAAF

(fal) wax aan macaanayn oo qadhaadh ama sida dacarta ah ka dhigo Qadhaadhayso bunka. Li: macaanayso.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wadhaadhiyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) kala hadlid; hantaatac cabsi ah ku hadaaqid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhaadhaysan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) liibaan qaba oo aad u ladan; mid farxad iyo raynrayn ku jooga. Dh: barwaaqaysan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fallaadhnoqod

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) noqoshada ilaysku uu ka noqdo marka uu dul sibiil ah ku dhaco si uu meel kale u iftiimiyo sida cawirka muraayadaha.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidhiidhicood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) marka naxdin ama farxad darteed jidhka huruurac uga soo daato.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

saddexdhudood

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) Maro weyn, cad oo haweenka reer miyigu xir-taan; saddexqayd.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saddexdhudood

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) maro ballaadhan oo dumarku garaysan jireen iskuna duuduubi jireen oo hu' la xidho ahayd.

waa la naqliyay ✓