haddi si
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Haddi si
(condition).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haddii
Erey tixda ama hadalka ka dhiga mid wax ku xiran ama male iyo wax aan la hubin ku dhisan ama ulajeeddooyin kale u yeela; (haddii lacag la i siiyo, hawsha waa aan qabanayaa; haddii Warsame yimaado, gaarsii farrintayda).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddii
xi. 1. Erey lagu xiriiriyo weer shardiley ama waqtiley ah. Tusaale: “Haddii aad dersiga akhrin lahayd, imtixaanka waad ku gudbi lahayd”, “Haddii Warsame yimaado, farriintayda gaarsii”. 2. H. kale: haddii sidaas aysan noqon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haddii
xi. 1. Erey lagu xiriiriyo weer shardiley ama waqtiley ah. Tusaale: Haddii aad dersiga akhrin lahayd, imtixaanka waad ku gudbi lahayd. Haddii Warsame yimaado, farriintayda gaarsii. 2. H. kale: haddii sidaas aysan noqon. xi., had.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddii
conj. if, when; while
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddii
(conj) if (if)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddii
(xidhiidhiye) isku xidhiidhiya weedh shardiley ku xidhan oo ku salaysan male iyo wax aan la hubin. Haddii waxbarashada la xooijiyo, saboolimada waa laga bixi lahaa. Dh: haddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddii
de: if, when; while Lit: the time
lx: haddii
ps: conj
key: haddii
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
haddii
إِذا
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddis
m.l la-mid: geddis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gaddis
Cambio; commercio; baratto
Trade; barter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddis
-ka: (magac, lab, keli) ganacsi samayn. Dh: rogrogad, ganacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadis
haadis¹: m.l la-mid: haadin.
haadis²: m.dh la-mid: haadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg haadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg haadsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddid
haddid¹: m.l la-mid: haddidid.
haddid²: f.g1 (-day, -dday) Cid cabsi gelin. la-mid: handad².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haddid
f.g1 (-day, -dday) Cid cabsi gelin. m.f.dh, haddidid. la-mid: handad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddid
v. threaten, intimidate, harass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddid
(fal) u hanjab oo u cagajuglee. Dh: handid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddid
bw: Arabic
cf: handad
de: threaten, intimidate, harass
lx: haddid
pd: (haddiday)
ps: v1=tr
key: haddid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadhin.
hadhis-ta: (magac, dhegig, keli) eeg hadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhsi
-ga: (magac, lab, keli) meel hadh leh kulka cadceeda ka gelid. Dh: hadhsasho, hadhsi, harsi. Li: cadceedsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddiso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: geddiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddiso
(fal) alaabo rogrogo; ka baayacmushtar; ka ganacso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaddiis
(Xaddiis-ka)
Cilmi kooba waxyaalaha Nebi Maxamed laga hayo: waxyaaluhuu ku hadlay ama uu falay ama siyaaluhuu ahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddiis
m.l (axaadiis/-syo, m.dh) (dii.) Falalkii ama hadalladii Rasuulka (n.k.h.a.) laga guuriyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaddiis
m.l (axaadiis/-syo, m.dh) (dii.) Falalkii ama hadalladii Rasuulka (n.k.h.a.) laga guuriyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xaddiis
m. n. tradition derived from the acts and sayings of the Prophet Mohammed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaddiis
-ka: (n) the sayings of the Prophet Mohammed [peace be upon him]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddiis
-ka: (magac, lab, keli) cilmi kooba wixii Nebiga, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, laga soo weriyay oo hadal, fal ama oggolaansho ah. Dh: xadiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xaddiis
bw: Arabic
cf: Quraan, Ijmaac, Qiyaas
de: tradition derived from the acts and sayings of the Prophet Mohammed
initial: x
lx: Xaddiis
pd: (-ka Pl: Axaadiis (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: Xaddiis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xaddiis
حديث
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg aaddaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaysi
(Caddaysi-ga)
Caddaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaysi
m.l la-mid: caddaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddaysi
vl. n. openness, being open, plain
caddaysi vl. n. act of whitening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg caddaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddifni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caddifnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadiidsi
-ga: (magac, lab, keli) u badheedhid oo u kasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadiigsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cadiigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddinsi
m.l la-mid: diddinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diddinsi
-ga: (magac, labs, keli) gororsasho oo biyo weel guntii ku jira aayar u shubasho. Dh: dindinsi, gororosi, dharruurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiisi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: fariisi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadhiisi
v. seat, sit someone down; cause (aircraft) to land, force down
fadhiisi v. fire, dismiss ~ retire someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadhiisi
-yey / say: (v) cause or help to sit down; seat (sift) ~ fariisi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiisi
(fal) gof meel salka u saar ama wax uu ku fadhiisto sii.
fadhiisi-ga: (magac, lab, keli) eeg fadhiisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habiibsi
-ga: (magac, lab, keli) cidda dad kugu xigta xoolaheeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habtirsi
-ga: (magac, lab, keli) hab ama dariiqo wax loo tiriyo. Tirakoobka dadweynaha waxa loo raaca habtirsi gaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddidid
m.f.dh eeg haddid². la-mid: haddid¹, haddidaad, handad¹, handadaad, handadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddidid
-da: (magac, dhedig, keli) cajaguglayn; hanjabid. Dh: hanjabid, handidid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddiiba
(adv) suddenly (sadhanli); immediately ~ durbadiiba, si kadis ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddiiba
(falkaabe) isku xidhiidhiya weedh shardiley ku xidhan oo ku salaysan male iyo wax aan la hubin ama la hubo. Dh: kolkiiba, judhiiba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg madaysi.
maddaysi -ga: (magac, lab, keli) kaalaysi oo qoloba maalin aroorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiifsi
m.l la-mid: nadiifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdiidsi
m.l la-mid: dhacadiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaddifsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: kha-tifsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaddifsan
(tilmaame) qof habaabaw; qoflunsan oo jidkii saxda ahaa ka habowsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madiidinsi
m.l la-mid: midiidinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaysin
(Caddaysin-ka)
Caddaysimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaysin
m.l la-mid: caddaysimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caddaysin
-ka: (n) unloaded pack animal, especially camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaysin
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg caddaysimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddibmid
m.f.dh eeg caddiban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddibmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato gaadhid; kadeedmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddidiif
m.dh Harag yar oo ka dillaaca ciddida labadeeda dhinac. la-mid: ciddidiif.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caddidiif
m.dh Harag yar oo ka dillaaca ciddida labadeeda dhinac. la-mid: ciddidiif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddilmid
m.f.dh eeg caddilan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddilmid
-da: (magac, dhedig, keli) labo isle'eg oo isku dhigma ahaan. Dh: caddillaan. caddilmid -da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaddigee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) la-mid: dheddigee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaddigee
v. make feminine; circumcise (a girl); bear female offspring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaddigee
(fal) gabadh yar xalaalee oo baarada ka goo. Inanta dhaddigee oo fircoonina ha ku samayn. Dh: gud.
dhaddigee: (fal) ilmo dhedig dhal. Dh: dhedigee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaddigee
de: make feminine; circumcise (a girl); bear female offspring
lx: dhaddigee
pd: (dhaddigeeyey)
ps: v2b=tr
see: dheddigee
key: dhaddigee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhansi
(Dhadhansi-ga)
Dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhansi
m.l la-mid: dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhensi

fadhiisin
fadhiisin¹: m.dh la-mid: fariisin¹.
fadhiisin²: m.l la-mid: fariisin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiisin
-ka: (magac, lab, keli) lacagta ugu horraysa ee ilmaha dugsi ama malcaamad galaya laga bixiyo. Aabbahay 1000 faran oo fadhiisin ah buu iga bixiyay. Dh: diimaasi, diimaaji.
fadhiisin -ka: (magac, lab, keli) ood buuxsin ah oo irridda reerka miyiga lagu oodo. Laan fadhiisin ah soo goo. Dh: jiitin, buuxsin.
fadhiisin-ta: (magac, dhediq, keli) qof taagan salka dhulka u dhigid; qof sara jooga oo la fadhiisiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadiidsi
(Gaadiidsi-ga)
1. Gaadiid ka yeelasho; hawl ku qabasho.
2. Sida gaadiidka ugu adeegasho; midiidin ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadiidsi
m.l la-mid: gaadiidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadiidsi
vl. n. act of transporting, carrying burdens
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadiidsi
-ga: (magac, lab, keli) muur ka dhigasho. Dh: gaadiidsasho, rarasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadiidsi
de: act of transporting, carrying burdens
lx: gaadiidsi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: gaadiidsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaarid
-da: (magac, dhedig keli) hadhuudh iyo wax la mid ah, biyo u galid oo dhadhan iyo urba isbeddelid.
haddaarid -da: (magac, dhedig keli) caajis iyo daal dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaydin
conj., vl. pron. when you ...; if you all ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddaydin
de: when you ...; if you all ... = haddii + aydin
lx: haddaydin
pd: (haddeydin)
ps: conj + vpro
key: haddaydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddidaad
m.dh Hadal ama ficil cid lagu cabsi gelinayo. la-mid: haddidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haddidaad
m.dh Hadal ama ficil cid lagu cabsi gelinayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddidaad
-da: (magac, dhedig, keli) hanjabaad iyo cagajuglayn. Dh: cabsiin, handidaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadduusan
conj., vl. pron., neg. if he ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadduusan
if he not..., also see [eeg] haddaadan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadduusan
de: if he ... not = haddii + uu + aan
lx: hadduusan
ps: conj + vpro + neg
key: hadduusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haldhacsi
(Haldhacsi-ga)
Haldhacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhacsi
m.l la-mid: haldhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhacsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg haldhacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhansi
m.l la-mid: haldhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo dhinac madaxa iskugu jiidid ama ciyaarta madaxa u bilaabid. Dh: herdisiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaddifid
m.f.dh la-mid: khatifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaddifid
-da: (magac, dhedig, keli) jidkii la mari lahaa ka lumid ama ka habaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddinsan
(tilmaame) eeg qaddiman.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
candidiasis
(n) a specific fungus infection.
jirooyin gaarah keeno fangasku