hadateelis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadateelis
-ka: (magac, lab, keli) hadateel kula kicid qof ama wax kale. Dh: luqluqaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadateeli
(fal) gilgil oo luqluqaami. Wiilka hadateeli oo ha dilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadateel
-ka: (magac, lab, keli) gilgilid qof ama wax kale. Dh: luqluqaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanateelis
m.dh la-mid: caanateelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhabeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cadhabeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjaleelis
m.l la-mid: hanjaleelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haqabbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) baahi jirtay ka bixid. Dh: hagabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg haleelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedis
m.dh Haaneedka iska taagid oo lisid (geel). la-mid: haaneedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneedis
-ta: (magac, dhedig, keli) geel dhinaca iska taagid oo lisid. Dh: haaneedis.
haaneedis-ta: (magac, dhedig, keli) neef geel ah, ka lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelis
m.l la-mid: hanjeelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaweelis
m.l la-mid: maaweelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaljeeli
m.dh Rabitaan qof rabo in uu ka hadlo mar kasta meel hadal lagu hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadaljeeli
m.dh Rabitaan qof rabo in uu ka hadlo mar kasta meel hadal lagu hayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaljeeli
(fal) hadal badan oo aan milgo iyo murti lahayn ku hadal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhabeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg candhabeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbayeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aabbayeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanateelid
(Caanateelid-da)
Caanateel ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanateelid
m.dh eeg caanateel². la-mid: caanaddiiqid, caanateel¹ (3), caanateelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanateelid
-da: (magac, dhedig, keli) caanateel ka dhigid; caanadiiqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho ka soo noqosho; cadhabeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagabbeelis
m.dh la-mid: cagabbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqangelis
m.l la-mid: dhaqangelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo baahi jirtay tirid; dhergid oo baahibbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjaleelin
m.f.dh eeg hanjaleeli. la-mid: hanjialeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haqabbeelid
m.f.dh eeg haqbbeel². la-mid: haqqabbeel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardajeexis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qardajeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talanteelid
m.dh la-mid: teelteelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talanteelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan isku dhoweyn noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelis
(Dheelis-ka, Dheelis-ta)
Cayaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelis
dheelis¹: m.l la-mid: dheelin.
dheelis²: m.dh la-mid: dheelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheelis
vl. n. playing, dancing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheelis
de: playing, dancing
lx: dheelis
pd: (-ka ~ -ta)
ps: vn2-m, vn1-f
key: dheelis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadatee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Cid xadato dareensiin. la-mid: xanantee, xanatee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xadatee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Cid xadato dareensiin. m.f.dh, xadatayn. la-mid: xanantee, xanatee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadatee
v. tickle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadatee
(fal) farahaaga caaradooda dubka qofkale si aayar ah u dul marmari oo kaga jidhiidhic Xadatee ha baraarugee. Dh: xadantee, xanatee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadatee
de: tickle
initial: x
lx: xadatee
pd: (xadateeyey)
ps: v2b=tr
key: xadatee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addeecis
m.dh la-mid: addeecid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addeecis
-ta: (magac, dhedig, keli) u hoggaansanka amarrada ka soo baxa cid xil kugu leh oo waalid ama madax ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli)mindi iyo wixii la mid ah, waxba jarid la'aan. Dh: afbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulis
-ta: (magac, dhedig, kuli) ecg baatu.id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canateel
-ka: (magac, lab, keli) dadka xooladhaqatada ah ee deegaanka magaalada ka ag dhow ku nool. Dh: caanadiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareeris
dareeris¹: m.dh la-mid: dareerin¹.
dareeris²: m.dh (daawo) Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareeris
m.dh (daaw.) Dareerin dhacaan ku jira meel jirka ka mid ah sida biyaha isgoosyada xubnaha gala ama malax ama kaadi qof kaadi ku dhagtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadcelis
-ka: (magac, lab, keli) cirka oo mar kale dib u daruuraystay. Fadcelis buu cirku maanta leeyahay Dh: naqkicis, daruurayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanteeli
f.g2 (-iyay, -isay) Meel firaaqo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Haaneed ka dhigid; qurxin. 2. Lisid u diyaarin (geed). 3. la-mid: haneed².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haaneedi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Haaneed ka dhigid; qurxin. 2. Lisid u diyaarin (geed). 3. la-mid: haneed. m.f.dh, haaneedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaneedi
v. put in order, tidy; shape up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneedi
(fal) si wanaagsan u dhig oo qurxi.
haaneedi: (fal) dhinaca hasha kala gal hadhuubka si aad u listo. Dh: miskay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haaneedi
de: put in order, tidy; shape up
lx: haaneedi
pd: (haaneediyey)
ps: v2a=
key: haaneedi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeedis
m.l la-mid: habeedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeedis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg habeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaafis
m.l la-mid: hadaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadeecid
m.f.dh eeg hadeec². la-mid: hudeecid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhgeli
(fal) cid kale, hadh soo geli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haleelid
(Haleelid-da)
Wax la kulmid; wax la samayn lahaa kansho u helid; ku abbaarmid; seegid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleelid
m.f.dh eeg haleel². la-mid: haleel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qabashadeed wakhti u helid; wax la samayn lahaa kansho u helid. Dh: haleelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeeli
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley da' yar ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargelis
m.l la-mid: hargelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huleelis
m.l la-mid: huleelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huleelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg huleelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaweeli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid si xiiso iyo raaxo leh waqtiga ku dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maaweeli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid si xiiso iyo raaxo leh waqtiga ku dhaafin. m.f.dh, maaweelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaweeli
v. entertain, amuse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaweeli
-yey / maaweelisay: (v) entertain (en tarteeyn); amuse (amyuus), divert (diveert), regale (rigeeyl); keep amused ~ madadaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaweeli
(fal) maddadaalo u samee; u sheegee oo maad iyo maaweelin u samee. Carruurta sii maaweeli. Dh: maddadaali, haasaawi.
maaweeli: (fal) mashquuli oo wax aan muhiim ahayn ku baashaali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaweeli
de: entertain, amuse
lx: maaweeli
pd: (maaweeliyey)
ps: v2a=tr
syn: madaddaali
key: maaweeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaalis
m.l la-mid: madaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saameeli
-da: (magac, dhedig, keli) is la ekaysün Derbigu saameeli buu u baahanyahay. Dh: simid saameelid -da: (magac, dhedig, keli) ku bilmay. Saameelid buu maalkiisii ku waayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedis
-ta: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, toos uga hortagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) gubasho darteed la basbeelid. Basbeelis buu in yar u gaaray gurigii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadceedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanteelin
m.f.dh eeg fanteeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaneedid
(Haaneedid-da)
(geel) haaneedka iska taagid oo lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedid
m.f.dh eeg haaneed². la-mid: haaneedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneedid
-da: (magac, dhedig, keli) geel dhinaca iska taagid oo lisid. Dh: haaneedis.
haaneedid -da: (magac, dhedig, keli) neef geel ah, ka lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaneedin
(Haaneedin-ta)
Haaneed ka dhigid; hab wanaagsan u yeelid; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedin
m.f.dh eeg haaneedi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneedin
-ta: (magac, dhedig, keli) lisidda geela lafteeda. Haaneedinta hasha ayrada ah labo nin uun baa iska xajin karta.
haaneedin -ta: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan oo loo haneedi karo u joojin.
haaneedin -ta: (magac, dhedig, keli) haaneed ka dhigid; hab wanaagsan u yeelid. Dh: haaneedis, qurxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halayeelo
(tilmaame) hawraarsan; waa yahay; waa tahay; way tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelid
m.f.dh eeg hanjeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelin
m.f.dh eeg hanjeeli. la-mid: hanjeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harreemis
m.l la-mid: harreemin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgelis
m.l la-mid: hawlgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalgelis
m.l la-mid: maalgelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalgelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maalgashad.
maalgelis-ta: (magac, dhedig, keli) hanti lacageed oo la galiyo mashruuc si faa'ido badan looga helo kol dambe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaweelin
(Maaweelin-ta)
Wax maaweelo ah, cid u sheegsheegid, ku soo jeedin, u hayn; madaddaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaweelin
m.f.dh eeg maaweeli. la-mid: maaweelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaweelin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid maaweelo iyo baashalin u samayn. Dh: maddadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saameelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhiil cana ah dhiiqid. Saameelid mooyee dhimid laguma yaqaanno hashan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Samatalis
name-m good counselor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Samatalis
magac loo baxsho wiil la filayo in uu noqdo mid samaha iyo wanaagga ka taliya oo dadka isku keena.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samatalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg samaddoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santeecis
m.l la-mid: santeecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayeelid
m.dh la-mid: waayeeloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayeelid
-da: (magac, dhedig, keli) qof weyn oo xilkas ah noqosho. Wiilka calaamadihii waayeelidda ayaa ka muuqda. Dh: waayeeloobid, mudakarid, weynaan.