hadalhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalhee
f.g2 (-heeyay, -haysay) 1. Wax muhimad gaar ah la siiyo wax ku saabsan sheeggiddiisa ku celcelin. 2. Qof maqan wax ku saabsan sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadalhee
f.g2 (-heeyay, -haysay) 1. Wax muhimad gaar ah la siiyo wax ku saabsan sheeggiddiisa ku celcelin. 2. Qof maqan wax ku saabsan sheegid. m.f.dh, hadalhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalhee
-ga: (magac, lab, keli) Wax muhimad gaar ah la siiyo wax ku saabsan sheeggiddiisa ku celcelin.
hadalhee-ga: (magac, lab, keli) qof maqan wax ku saabsan sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haalhee
f.mg2 (-heeyay, -haysay) Wax isu xilsaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haalhee
v. take responsibility (for), organize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haalhee
(fal) arrin ama wax kale, xilkiisa qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haalhee
de: take responsibility (for), organize (with preposition u)
lx: haalhee
pd: (haalheeyey)
ps: v2b=
key: haalhee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhee
(fal) arrin ama wax kale saamayn ku yeelo. Dh: hadhay.
hadhee: (fal) hadh u samee ama hoos u yeel. U hadhee magasha dhulku waa kulayle. Dh: hadhay, haree, haray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halhee
f.g2 (-heeyay, -haysay) Mar kasta wax ama qof ka hadlid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halhee
f.g2 (-heeyay, -haysay) Mar kasta wax ama qof ka hadlid. m.f.dh, halhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadallee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Fadal samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadallee
(fal) xoog u orod oo fadallo kici.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadalhay
v. talk about, mention, name someone ~ something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalhay
(fal) war ama sheeko hore loo ogaa, sii wadwad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadalhay
a: hadalhee (hadalheeyey) [v2b=tr]
de: talk about, mention, name s.o. ~ s.t.
lx: hadalhay
pd: (hadalhayey)
ps: v2a=tr
key: hadalhay
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadaljecel
-aa: (adj) talkative (tookativ) ~ warbadan, hadalbadan —Syn: loquacious, garrulous, voluble
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaljeeli
m.dh Rabitaan qof rabo in uu ka hadlo mar kasta meel hadal lagu hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadaljeeli
m.dh Rabitaan qof rabo in uu ka hadlo mar kasta meel hadal lagu hayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaljeeli
(fal) hadal badan oo aan milgo iyo murti lahayn ku hadal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalhayn
m.f.dh eeg hadalhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) war ama sheeko hore loo ogaa, sii hadalhayn. Dh: hadalhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadalhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambalyee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) Cid hambalyo u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hambalyee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) Cid hambalyo u jeedin. m.f.dh, hambalyayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hambalyee
v. congratulate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hambalyee
-yey / hambalyeysay: (v) [with preposition u] congratulate (kongaraajuleeyt) ~ u tahniyadee, hanbalyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambalyee
(fal) eeg hambalyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hambalyee
a: hanbalyee
de: congratulate
lx: hambalyee
pd: (hambalyeeyey)
ps: v2b=
key: hambalyee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanbalyee
v. congratulate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanbalyee
-yey / hanbalyeysay: (v) [with preposition u] congratulate (kongaraajuleeyt) ~ u tahniyadee, hambalyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbalyee
(fal) eeg hanbalyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanbalyee
a: hambalyee
de: congratulate
lx: hanbalyee
pd: (hanbalyeeyey)
ps: v2b=
key: hanbalyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hangalle samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaaree
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid haydaaro u gaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdallee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: nacaladee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax cusboonaysiin ama qurxin. 2. Guri, meel ay hawo ka soo gasho u yeelid. 3. Dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah nasin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax cusboonaysiin ama qurxin. 2. Guri, meel ay hawo ka soo gasho u yeelid. 3. Dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah nasin. m.f.dh, dalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalee
v. found a country, establish a nation; decorate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalee
(fal) gal u samee. Kitaabka dalee. Dh: galee.
dalee: (fal) dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah. nasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalee
de: found a country, establish a nation; decorate
lx: dalee
pd: (daleeyey)
ps: v2b=
key: dalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadal
(Hadal-ka)
Wax uurka ku jira ama la iskula hadlayo, oo iyagoo ereyo iyo tixo ka kooban, afka laga yiraahdo, laga soo saaro, laga sheego; tiraab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadal
hadal¹: m.l (-llo, m.dh) Dhawaaq afka dadka ka soo baxa, ereyo ka kooban oo macno leh.
hadal²: f.mg1 (-dlay, -dashay; -dli) Ereyo macno leh sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadal
hadal¹: m.l (-llo, m.dh) Dhawaaq afka dadka ka soo baxa, ereyo ka kooban oo macno leh.
hadal²: f.mg1 (-dlay, -dashay; -dli) Ereyo macno leh sheegid. m.f.dh, hadlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadal
v. talk, speak, converse; express
hadal vl. n. talk, talking, speech, word, expression; sentence {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadal
-ka: (n) speech (ispiij); talk (took); expression (ikispareeshen)
wada hadal -ka: (n) bilateral negotiations; discussion (dis-kashen)
hadal -hadlay / hadashay: (v) speak (ispiik); talk (took); converse (kon-veersi); utter (at-er); discourse (diskoors). Ex: af Ingiriis ku hadal; speak English
ku hadlaya: (expression) speaking on behalf of
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hadal
Parola
Word
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadal
(fal) afka kala fur oo odhaah dheh; waxa ay maskaxdu ka fekertay ama uurku dareemay afka ka soo saar.
hadal -ka: (magac, lab, keli) dhawaaq la garto oo ku dhisan ereyo cabbiraya waxa uurka qofka ku jira, cod la fahmo oo sida asalka ah ka soo baxa bani'aadanka si uu ugu cabbiro ujeedooyinkiisa ku xidhan deegaanka ku xeeran. Hadal waa kii kooban ee kaalin gala. Hadal intuu afkaaga ku jiruu amaanadaada yahay. Dh: odhaah. Li: aamus.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hadal
کلام
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Qof dhintay quraan u akhrin. 2. Digsi dabool saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadee
v. lead ~ guide (in religious sense), guide someone to the right thing
hadee v. cover something with a lid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadee
(fal) xaqa iyo jidka toosan tus; waddada xaqa ah ku rid.
hadee: (fal) digsi dabool saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aallee
v., sg., opt. form: I may be (in a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aallee
de: I may be (in a place)
lx: aallee
ps: v4c-1sg-pot
key: aallee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
azalée
azalée, n.f. - Noocyo ubaxa kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahee
f.g2 (-heeyay, -heysay) U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) 1. Cadho ku daarasho. 2. Dhaliicayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) 1. Cadho ku daarasho. 2. Dhaliicayn. m.f.dh, cadhayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadhee
v. have a skin disease; contaminate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhee
(fal) ka xanaaji; ka caraysii; caree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadhee
de: have a skin disease; [fig.] contaminate
lx: cadhee
pd: (cadheeyey)
ps: v2b=
key: cadhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) naacawi ka soo gasho u hoosaasin. 1. Aqal meel yeelid. 2. Cid
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Aqal meel naacawi ka soo gasho u yeelid. 2. Cid hoosaasin. m.f.dh, dallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallee
(fal) cid kale, hoosaasin.
dallee: (fal) sheego wax aad qabto. Warkaaga dallee. Dh: caddee, bayaami. Li: ed, gari. dalleen: (tilmaame) si aad u fudud. Dalleen aniga iigama tagee waan dig siin jiraye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid gaal ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid gaal ka dhigid. m.f.dh, gaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaalee
v. turn someone into an infidel; convert from Islam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaalee
-yey / gaalaysay: (v) cause someone to become unbeliever, nonbeliever, disbeliever or infidel (in fi del) of Islam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalee
(fal) dad diinta islaamka haysta diin kale geli ama diinlaawayaal ka dhig.
gaalee: (fal) dad muslimiin ah gaalnimo ku sheeg. Li: muslimi, islaami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaalee
de: turn s.o. into an infidel; convert from Islam
lx: gaalee
pd: (gaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: gaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haahey
Haa; haaheeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haahey
qr. la-mid: haa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haahey
inter. yes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haahey
(tilmaame) waa sidaa; waa runtaa. Dh: haa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haahey
de: yes Also: 'I'm here' (response when called)
lx: haahey
ps: intj
key: haahey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Qof haar u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Qof haar u yeelid. m.f.dh, haarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaree
v. make a scar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaree
(fal) cid kale, haar iyo nabar u yeel. Dh: haaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haaree
de: make a scar
lx: haaree
pd: (haareeyey)
ps: v2b=
key: haaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddee
fk. Sidaas darteed; haddaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haddee
fk. Sidaas darteed; haddaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddee
conj-adv: so then, therefore, hence, consequently
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddee
(fal) hado saar; dabool.
haddee: (falkaabe) sidaas darteed; haddaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddee
de: so then, therefore, hence, consequently
lx: haddee
ps: conj-adv
key: haddee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkee
loc. question word: where?
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Halkee
quel lieu, où.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkee
(adv) to what place; where (weer) ~ meeshee, xaggee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkee
de: where?
lx: halkee
ps: qw-loc
xe: Where is he going?
xv: Halkee buu tagayaa?
key: halkee
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
halkee
أَيْنَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax qarribid. 2. Ku h.: qof wax ku aaminid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax qarribid. 2. Ku h.: qof wax ku aaminid. m.f.dh, hallayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hallee
v. ruin, spoil, put out of order; lose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hallee
-yey I halleysay: (v) inflict damage; mess up; disable (diseeybel)-, impair (impeer)-, mar (maar)-, spoil (ispooyl) ~ kharrib. Ex: waa cunug la halleeyey; this is a spoiled child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallee
(fal) eeg hallay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hallee
de: ruin, spoil, put out of order; lose
lx: hallee
pd: (halleeyey)
ps: v2b=tr
key: hallee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadlee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Si kadle ah u ordid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadlee
v. trot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadlee
(fal) orod aan xawaare ahayn, orod. Dh: saglee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadlee
de: trot
lx: kadlee
pd: (kadleeyey)
ps: v2b=intr
key: kadlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maahee
(ma + aha + e).