had iyo goor
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
had iyo goor
adv., time: always, continually
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
had iyo goor
(adv) at all times; always (ool-weeyz) ~ had iyo jeer, marwalba
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
had_iyo_goor
de: always, continually
lx: had iyo goor
pd: (had iyo jeer)
ps: adv-time
key: had_iyo_goor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balxasho
(Balxasha-da)
(xoolo) Biyo badan, had iyo goor, cabbid; biyo durduurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bashaash
(Bashaash-ka)
Qof had iyo goor weji iyo laab furan; aan dadka u jirxumayn; fallaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddibid
(Caddibid-da)
Dhib had iyo goor ah ku hayn; kadeedid; silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuqdad
1. (Cuqdad-da) (qof) wax waa hore gaarey ama ku dhacay oo xusuustii lahan, maskaxda ku reebtay, welina uusan arrintaas si fiican ugu soo jeensan oo u foodsaarin oo laabtiisa uga tirtirin; cudur (maan) oo qofku moodo inuu dadka ka liito, ama ku abuura qabweyni iyo inuu dadkoo dhan ka fiican yahay; iin (soo qaadiddeeda qofku neceb yahay, ama jecel yahay in had iyo goor, la hadal hayo).
2. (Cuqdad-ka) Ciriiri; qaad iyo mug yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuqdadlow
(Cuqdadlow-ga)
Cuqdad qaba had iyo goor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halhays
(Halhays-ka)
Erey ama tix gaaban oo aan ulajeeddo lahayn oo qof ku soo daro hadalkiisa had iyo goor; aalaa inta maskaxdu hadalka isku duweyso baa la yiraahda oo lagu sii sugaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilfuur
(Ilfuur-ta)
Wax qarsoodi lagu samayn lahaa, wax kuu diida, oo had iyo goor ku kor taagan oo isha kugu haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogto
(Joogta-da)
(waqti, kd.) had iyo goor joogta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaab
1. (Ladaab-ka) leg.
2. (Ladaab-ta) (cabidda xoolaha) maalin walba; had iyo goor; kalaggo'id la'aan; durduur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marmar
(Marmar-ka)
1. Dhagax dhalaala oo adag oo aad u sifaysma oo wax lagu dhiso.
2. Socsocod.
3. Aan had iyo goor ahayn; kolkol.
4. Sur; luqun; tun; qoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naadir
(Naadir-ka)
Aan had iyo goor la heli karin ama aan meel walba laga heli karin; dhib lagu helo ama lagu arko; lagu diimo; dhif ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suufi
(Suufi-ga)
1. Qof danihiisa adduun illaawey ama aan dan u gelin oo cibaadada Ilaah keliya u go'ay.
2. Qof had iyo goor jidbeysan ama jidbo ka dhowdahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirsiis
(Tirsiis-ta)
Cilmiga ku saabsan waxyaalaha bulshada gudeheeda ka dhaca had iyo goor, iyo habka loo tirsho; ~ tirakoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
aale
-aale: Erey ulajeeddadiisu u dhowdahay kasta, walba, alla (sida had iyo goor-aale, wax alla ama wax allaale).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balxo
f.mg3 (-xaday, -xatay) Cabbitaan laga dhergey ku noqnoqosho (dad); biyo badan, had iyo goor cabbid (xoolo); biyo durdurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashaash
m.l (-shyo, m.dh) B. ah: nin bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashaashad
m.dh (-do, m.l) B. ah: qof haween ah, bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhasheeg
dhasheeg¹: m.l (-gyo, m.dh) Biyakuhar; balli; laas.
dhasheeg²: m.l (-gyo, m.dh) (juqraafi) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naadir
naadir¹: m.l.kh Aan had iyo goor la heli karin (wax); dhif ah.
naadir²: m.l (juqr) Bar ku dhisan aragtida aan sababaysnayn ee laga helo samada gudaheeda, taas oo lid ku ah fuqa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balxo
f.mg3 (-xaday, -xatay) Cabbitaan laga dhergey ku noqnoqosho (dad); biyo badan, had iyo goor cabbid (xoolo); biyo durdurasho. m.f.dh, balxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
il iyo goon
fuji v. slap someone in the face
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laf iyo dooxo
Ridge and valley
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aad iyo aad
(adv) extremely. (ikistrimli); very intense. Ex: aad iyo aad baan ugu baahnahay; I need it very much -isku aad -ka: (n) [sports] playoff also play-off. Ex: isku aadka kooxaha; the playoff of the teams —isku aaddi -yey / say: (V) align (alayn); to arrange in a line or line up. Ex: safka isku aaddi: line up
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shan iyo toban
num: fifteen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shan iyo toban
(n) fifteen (fiif-tiin); number 15
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wadaamo gooye
Southemcroas
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Taniyo goortaas
depuis peu.