habuuqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habuuqid
m.f.dh eeg habuuq². la-mid: haquuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haquuqid
m.dh la-mid: habuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuqid
(Buuqid-da)
Si buuq ah u hadlid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuqid
m.f.dh eeg buuq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuqid
-da: (magac, dhedig, keli) si guux iyo buuq ah u hadlid. Buugid looma baahna waxqabad la kaalaya. Dh: bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habuuq
(Habuuq-a)
Iniinaha aan weli adkaan oo galleyda oo sabuulka ku yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habuuq
habuuq¹: m.l.u (-qyo, m.dh) Sabuulka marka iniinihiisu jilacsanyihiin laakiin uu cunnimo galo; iniino meseggo ama galley oo curdun ah. la-mid: haquuq¹.
habuuq²: f.mg1 (-qay, -qday) Beer, waqti sabuulkeeda la cuni karo gaarid. la-mid: haquuq².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habuuq
m.l.u (-qyo, m.dh) Sabuulka marka iniinihiisu jilacsanyihiin laakiin uu cunnimo galo; iniino meseggo ama galley oo curdun ah. la-mid: haquuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habuuq
m. n. ear of corn ~ maize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habuuq
-a: (magac, lab, keli) iniinyaha aan weli adkaan ee sabuulka galleyda ku yaalla. Habuuqa galleydu waa macaan. Dh: hamuuq, caanalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habuuq
de: ear of corn ~ maize
lx: habuuq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: habuuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurid
(Abuurid-da)
Wax aan hor u jirin uumid; curin; alkumid; jirsiin; dhalin; ahaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurid
m.f.dh eeg abuur³. la-mid: abuur¹ (2), abuuris, abuuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin uumid; alkumidda wax cusub. Dh: ahaysiin, jirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduuqid
m.dh la-mid: baduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faquuqid
(Faquuqid-da)
Gooni u saarid, u eryid, u goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faquuqid
m.f.dh eeg faquuq². la-mid: faquuq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faquuqid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama neef inta kale ka dhex saarid. Dh: takoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habjaqid
m.f.dh eeg habjaq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habuuqso
f.g3 (-saday, -satay) Habuuq gurasho. la-mid: haquuqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuumid
m.dh eeg hamuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hamuuni hayso ahaansho, baahi sigaar, qaad, cunto ama wax kale qab. Dh: xaraaro, baahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuunid
(Hanuunid-da)
Hanuun helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuunid
m.f.dh eeg hanuun³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuunid
-da: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ee fiican ku toosid oo ku hagaagid. Dh: hanuunis, hagaagid. Li: hallaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haquugid
-da: (magac, dhedig, keli) oogada sare wax adag ka dul marmarin oo wixii horay ugu dhejisnaa ka goyn. Dh: xaquuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haruufid
m.dh la-mid: huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huluuqid
(Huluuqid-da)
Si debecsan oo kala fogfog, u tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluuqid
m.f.dh eeg huluuq². la-mid: huluuq¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maluuqid
m.f.dh eeg maluuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaquuqid
(Xaquuqid-da)
Wax xaquuqan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaquuqid
m.f.dh eeg xaquuq². la-mid: xaquuq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaquuqid
-da: (magac, dhedig, keli) dushaka oo renji ama wax kale oo dusha ka marsanla daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasuuqid
m.f.dh eeg xasuuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) aad wax u layn oo u gumaadid. Dh: layn, gumaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabuuliqid
m.f.dh eeg dhabuulaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) si foolxun, dareere u fuuqsasho. Dh: haanfuurid, fuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduuqmid
m.dh la-mid: baduugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuurid
m.f.dh la-mid: camambuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuurid
-da: (magac, dhedig, keli) canka oo inta neef laga buuxsho la afuufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbuunid
(Carbuunid-da)
Wax la gatay, carbuun ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuunid
m.f.dh eeg carbuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuunid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa curaar ka sii bixin. Dh: curaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaguugid
-da: (magac, dhedig, keli) si aad ah u madax'adayg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falluuqid
-da: (magac, dhedig, keli) si dhudhdhub ah gogol ama wax la mid ah u duubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mabsuudid
m.dh la-mid: maqsuudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mabsuudid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mabsuudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shamuumid
(Shamuumid-da)
Meel ku soo wada ururid, isku xoomin, ku soo heemasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamuumid
m.f.dh eeg shammum.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamuumid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku soo wada ururid; meel isku xoomin; meel ku soo heemasho.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Tabguurid
Hannaanka waxtabaynta oo luma ama salguura.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax curin oo wax cusub keenid. Dh: hal'abuuris, curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hal-abuurid
m.f.dh eeg hal-abuur². la-mid: hal-abuuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buqid
(Buqid-da)
Biyo, neef, gaas iyo wixii la mid ah oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celina hayey tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqid
m.f.dh eeg buq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax buqanaya ahaan. Dhiisha buqidda ka ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habid
(Habid-da)
Carruurta yaryar oo aan weli gacnaha wax ku qabsan karin, haruub yar (dhoqol) caano ku siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habid
m.f.dh eeg hab4.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habid
Permeability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habid
-da: (magac, dhedig, keli) haan iyo wixii la mid ah, biyo sii deyn. Dh: habis.
habid -da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar wax siin; caano iyo wax la mid ah afka kaga daadaadin si uu u cabbo.
habid-da: (magac, dhedig, keli) qadarka faafida siimawga hoore ama neefi dhex marto daloolwalxeedka, kadib marka uu ku habsado saamaynta cadaadisku.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haqid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq wixii uu lahaa siin. Dh: haqsiin, xaqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubid
(Buubid-da)
1. Hawada dhexdeeda ku duulid.
2. (geel) cararidda iyo dididda awrta aan weli rarka baran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubid
m.f.dh eeg buub². la-mid: buub¹ (2)..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi la cararid awrka raran, rarka tuurid. Buubidda layliga laha hayin kuma ogayne. Dh: buubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuqis
-ta: (magac, dhedig, keli) qaylo badan samayn. Buugis bay nagu rogtay gabadhan yari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buurid
(Buurid-da)
Taallo qaab buureed leh samayn: weyneyn; kuusid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurid
m.f.dh eeg buur³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurid
-da: (magac, dhedig, keli) intii hore ka weyneysiin; naaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buusid
m.f.dh eeg buus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusid
-da: (magac, dhedig, keli) buusbuus u yeelid, dhuucdhuucid u samayn. Buusidda buraashada adaa dhagax ku sii daayey.
buusid -da: (magac, dhedig, keli) hoos u diisid. Mooteerku buusid ma leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxid
(Buuxid-da)
Wax buuxa ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxid
m.f.dh eeg buux². la-mid: buux¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxid
-da: (magac, dhedig, keli) buuxsanaansho ahaan; wax budh ah ahaan. Weel afka jooga buuxid kale uma hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabqid
m.f.dh eeg dabaq². la-mid: dabbaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabqid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabbaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabuuq
m.l D. ah: xarig dun laga sameeyo oo fardaha lagu jareeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabuuq
-a: (magac, lab, keli) xarig dun laga sameeyo oo fardaha lagu jareeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqid
m.f.dh eeg fuuq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaqid
-da: (magac, dhedig keli) xaadhista meel uskag iyo gidaafadi taallo si ay u nadiifawdo. Dh: xaadhid, xaaqid, salabayn, fiiqid.
haaqid-da: (magac, dhedig, keli) dabargoynta iyo laynta aan la isku naxariisan. Haaqiddii gumeystaha, ayaan weli hafeeftaa. Dh: xasuuqid, xaaqid, tirtirid, dabargoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habcid
(Habcid-da)
(biyo) Habac noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habcid
m.f.dh eeg habac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habcid
-da: (magac, dhedig, keli) habac ama qof cagajiid ah noqosho. Dh: habacsanaan.
habcid-da: (magac, dhedig, keli) biyo habac ah oo ceel ku raagay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habuur
-ka: (magac, lab, keli) madow roobaad oo aan loo kala garanayn cir da'aya iyo daruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haquuq
haquuq¹: m.l la-mid: habuuq¹.
haquuq²: f.mg1 (-qay, -qday) la-mid: habuuq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haquuq
(fal) diirka sare wax adag kaga xag oo kaga jejebi, wax dusha ka saran wax adag kaga jijibi. Birta intaanad renjiyayn, kii hore ka haquuq. Dh: xaquuq.
haquuq -da: (magac,dhedig, keli) dheemaalka sarmaanta oo inta diirka laga xoqo la cuno.
haquuq -da: (magac, dhedig, keli) wax sharci ahaan qof uu cid kale ugu leeyahay. Dh: huquuq, xaquuq, xuquuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huufid
m.dh 1. la-mid: hiifid. 2. Qof soo orday neef gurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huufid
-da: (magac,dhedig,keli) canaanashada iyo haraamitaanka cid kale. Dh: hiif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huurid
(Huurid-da)
Kulayl ka yimid neecaw iyo dabayl la'aan la dhididid; huur dareemid; dhididid; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huurid
m.f.dh eeg huur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurid
-da: (magac, dhedig, keli) hawo la'aan iyo kulayl la dhididid. Dh: huuris. Li: laydhsi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Huusid
Percolation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabqid
m.dh la-mid: yabqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabqid
-da: (magac, dhedig, keli) talo iyo arrin, qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuqid
m.f.dh eeg juuq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruuqid
(Ruuqid-da)
Cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid, ku bashuuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqid
m.f.dh eeg ruuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqid
-da: (magac, dhedig, keli) cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid.
ruuqid: -da: (magac, dhedig, keli) danbas iyo wixii la mid ah, qori noolays ah dhexgelin. Dh: ruugis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u dhuubid. Gaajada ayaa suuqidda ugu wacan. Dh: miigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yabqid
(Yabqid-da)
Hadal badan oo aan milgo lahayn kol ku wada hadlid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yabqid
m.f.dh eeg yabaq². la-mid: jabqid.