ereyga

habsan'udhac

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

habsan'udhac

DHAN

-a: (magac, lab, keli) xidhiidhinta wadajirka laxanka muusigga ee dhaliya jabaq iyo cod hallaasi ah oo la dhegaysan karo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Abaaldhac

DHAFANDHAAF
1

(Abaaldhac-a)

2

Abaal laysu falay been iyo asaraar ku gudid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

abaaldhac

DHAFANDHAAF
1

abaaldhac¹: m.l Samo la isu galay oo wixii uu mudnaa aan lagu gudin. la-mid: abaaldhicid.

2

abaaldhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka a.: samo la isu galay wixii uu mudnaa ku gudid la'aan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

abaaldhac

DHAFANDHAAF

m.l Samo la isu galay oo wixii uu mudnaa aan lagu gudin. la-mid: abaaldhicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

abaaldhac

DHAFANDHAAF
1

v., [compound] not repay a favor, fail to reciprocate

2

abaaldhac vl. n., [compound] ingratitude, ungratefulness, failure to reciprocate a favor

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abaaldhac

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) wanaag la isu taray oo aan la gudin. Abaaldhac uquubo ayuu dhalaa. abaaldhigad -ka: (magac, lab, keli) cid wax u tarid iyada oo abaal danbe mustaqbalka laga sugayo. Soomaalidii hore abaaldhigad bay lahayd. Dh: abaaldhigasho. Li: abaaldar.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dib'udhac

DHAFANDHAAF
1

-a: (magac, lab, keli) marka cidi ka habsaanto waqtigii lagu talogashanaa.

2

dib'udhac -a: (magac, lab, keli) horumar la'aan. Li: horumar.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gabaldhac

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) qorraxdhaca, makhribka hortii.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

hoosudhac

DHAFANDHAAF

m.l (dhaq.) Xilli waddan dhaqaalihiisu uu hoos u dhaco, dhinaca wax soo saarka, beeraha, warshadaha, taaso ay keento hoos u dhac qiimaha lacagta, iyo shaqo la'aan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

hoosudhac

DHAFANDHAAF

-a: (n) downfall (dhawn-fool)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hoosudhac

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) wax meel ay taagnaayeen ka soo yaraada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gabbaldhac

DHAFANDHAAF
1

(Gabbaldhac-a)

2

Qorraxdhac; maqrib.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gabbaldhac

DHAFANDHAAF

m.l Waqti qorraxdu sii dhacayso iftiinkeeduna gabaabsi yahay. la-mid: gabbaldhicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gabbaldhac

DHAFANDHAAF

m.l Waqti qorraxdu sii dhacayso iftiinkeeduna gabaabsi yahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gabbaldhac

DHAFANDHAAF

vl. n., [compound] sunset

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

gabbaldhac

DHAFANDHAAF

-a: (n) late afternoon [before the sunset] casarliiq, gabbalgaab

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gabbaldhac

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) maqribka hortii yar; milayga ay cadceeddu sii dhacayso. Gabaldhac ayay noo yimaadeen.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gabbaldhac

DHAFANDHAAF
1

de: sunset

2

lx: gabbaldhac

3

pd: (-a)

4

ps: vn2a-m-cmp

5

xe: at nightfall; Opp: qorraxbax

6

xv: gabbaldhicii

7

key: gabbaldhac

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

habar'adhi

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) xilli ama bilaha sannadka Soomaalidu tirsato midkood. Habar'adhi bay iduhu dhalayaan. Dh: habar'ari.

2

habar'adhi -ga: (magac, lab, keli) roobka deyrta ugu horreeya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

habeendhax

DHAFANDHAAF

m.l (-xyo, m.dh) 1. Safar habeen lagu dhaxo. 2. Gunno yar oo la siiyo qof shaqo meel u aaday.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

habeendhax

DHAFANDHAAF

m.l (-xyo, m.dh) 1. Safar habeen lagu dhaxo. 2. Gunno yar oo la siiyo qof shaqo meel u aaday.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

habeendhax

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] overnight

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

habeendhax

DHAFANDHAAF

-a: (n) an overnight stay or trip: overnight (oovarnaayt)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

habeendhax

DHAFANDHAAF
1

-a: (magac, lab, keli) meel habeen lagu nagaado; habeen meel uu dhixid ama joogid. Dh: hebeenbari.

2

habeendhax -a: (magac, lab, keli) masaafo saddex illaa afar caanamaal la socda oo habeen la dhaxo. Labada magaalo waxay isku jiraan, habeendhax.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

habeendhax

DHAFANDHAAF
1

de: overnight (e.g., having to stay out or travel overnight; small quantity of food or money, sufficient for lasting one full day)

2

lx: habeendhax

3

pd: (-a)

4

ps: n2a-m-cmp

5

key: habeendhax

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadhaadhac

DHAFANDHAAF
1

(fal) hantaatac; calaacal; nuunaas.

2

hadhaadhac -a: (magac, lab, keli) hantaataca; calaacalka iyo nuunaaska.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qabandhaco

DHAFANDHAAF

m.dh Jariirico oogada ku fidda oo ay dhaliso naxdin, dhaxan ama jirro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qabandhaco

DHAFANDHAAF

m.dh Jariirico oogada ku fidda oo ay dhaliso naxdin, dhaxan ama jirro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

qabandhaco

DHAFANDHAAF

f. n. physical ~ mental illness which causes shivering and spasm; goosepumps

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qabandhaco

DHAFANDHAAF

-qabandhacada: (n) goose bumps (gnus bampis); goose pimples (guus pimpalis); gooseflesh (guusfaleesh) ~jiriirico

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qabandhaco

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) jidhiidhico qabawga ama murugadu sababto oo jidhku la madoobaado. Warkii loo sheegay ayay qabandhaco ku habstay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

qabandhaco

DHAFANDHAAF
1

de: physical ~ mental illness which causes shivering and spasm; goosepumps

2

lx: qabandhaco

3

pd: (/da)

4

ps: n-f

5

key: qabandhaco

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhabaandhab

DHAFANDHAAF

(fal) wax dhaqdhaqaaji ama lullul.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhabaandhaw

DHAFANDHAAF
1

(Dhabaandhaw-ga)

2

Nabarro ku dhufdhufasho; gargaraacid; jafjafid; tuntumid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhabaandhaw

DHAFANDHAAF
1

dhabaandhaw¹: m.l 1. Si aayar ah oo gacanta loogu garaaco carruurta marka la seexinayo. 2. Hadal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraahdo. la-mid: dhabaandhebid.

2

dhabaandhaw²: f.g1 (-dhebay, -dhawday; -dhebi) 1. Ilmo la seexinayo, si tartiib ah oo aan kala go' lahayn gacanta ugu garaacid. 2. Haldal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraashdo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhabaandhaw

DHAFANDHAAF
1

dhabaandhaw¹: m.l 1. Si aayar ah oo gacanta loogu garaaco carruurta marka la seexinayo. 2. Hadal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraahdo.

2

dhabaandhaw²: f.g1 (-dhebay, -dhawday; - dhebi) 1. Ilmo la seexinayo, si tartiib ah oo aan kala go' lahayn gacanta ugu garaacid. 2. Haldal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraashdo. m.f.dh, dhabaandhebid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhabaandhaw

DHAFANDHAAF

v. pat repeatedly, stroke; pet

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhabaandhaw

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday inta u danbaysa xaadhxaadhid oo wax ka dayid. Waataan dhabaandhabay sidii dhiilka caanaha e hurgufid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhabaandhaw

DHAFANDHAAF
1

de: pat repeatedly, stroke; pet

2

lx: dhabaandhaw

3

pd: (dhabaandhabay / dhabaandhawday)

4

ps: v1=

5

key: dhabaandhaw

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dharsingudhin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) neef sida uu kolkuu godladaba u dharsayo ku gudhid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gabbalsiidhac

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: qorraxdhac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laba'aabudhan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) weel iyo daboolkii oo labada ba la buuxshay, dabadeed na la aabudhay.

waa la naqliyay ✓