habi'la'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habi'la'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) indheergarasho la'aan iyo fahmadarro. Dh: maangaabni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habila'aan
(Habila'aan-ta)
Laab la'aan; fiiroggaabi; maangaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habila'aan
m.dh Caqli yari, nacasnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habila'aan
f. n., [abstract] stupidity, lack of intelligence; bad luck
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habila'aan
de: stupidity, lack of intelligence; bad luck
lx: habila'aan
pd: (-ta)
ps: n1-f-abs
key: habila'aan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsi la'aan
(adj) fearless (fiir-les); without fear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaki-la'aan
(adj) doubtless (dhaawt-les); certain (seer-tan); without doubt ~ xaqiiqa ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) tol iyo qaraabo la'aan. Caddaawe waxa uu reeraha kale baahada ula bixiyaa waa abla'aan. Dh: tolla'aan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabi'ahaan
-ba: (adv) entirely (in taayer li); wholly (hooli); completely (kem piliit li)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habi'laawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan fiiro dheer lahayn oo maan gaaban. Dh: maangaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) hadh waayid. Banka duhurkii hadhla'aan baan loo lugayn karin. Dh: hadhli'i. Li: hadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlla'aan
m.f.dh eeg hawlla'. la-mid: hawl-la'aansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo la'aan; hawlli'i.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawola'aan
-ta: (n) absence of moving of air; airlessness (eerles nes), stuffiness (istaafines)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabacla'aan
m.dh la-mid: debecla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabacla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) dabeecad xumaan. Dabacla'aantu waa cudur dadka kaa dhexsaara. Dh: dabcixumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalla'aan
m.dh Aamusnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadalla'aan
f. n., [abstract] lack of discussion, no discussion (at all); lack of talking, without argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) aamusnaan iyo waxsheeg la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadalla'aan
de: lack of discussion, no discussion (at all); lack of talking, without argument
lx: hadalla'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: hadalla'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagarla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) daacadnimo iyo ikhlaas; hedel la waakashala'aan. Dh: ikhlaas, daacadnimo, hagarli'i.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawl-la'aan
-ta: (n) idleness (eey-dhelnes), inactivity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damiirla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) yeelasho la'aanta dareenka kala sooca xumaanta iyo samaanta. Damiirla'aan buu la diiri waayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinla'aan
m.dh la-mid: miciinla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maciinla'aan
f. n., [abstract] harshness, lack of feeling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciinla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) gargaar iyo taageero waayid. Maciin la'aan Eeboow ha na badin. Dh: gargaar la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maciinla'aan
de: harshness, lack of feeling
lx: maciinla'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
see: miciinla'aan
key: maciinla'aan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabab la'aan
(adj) without reason; unreasonable (an-riisanabal) ~ aan sabab lahayn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
samir la'aan
-ta: (n) inability to wait; impatience (im-peey-shansi); intolerance (in-too-laransi) ~ aan sugi karin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shago la'aan
Disoccupazione
Unemployment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqo la'aan
-ta: (n) unemployment (an-implooy-mant)-, joblessness (joob-les-nes) ~ shaqo-li'i, shaqola'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afla'aan
m.dh Afgaroocnimo. la-mid: afla'aansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afla'aan
f. n. not knowing how to speak properly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) weel ama meel aan afaaf la'aan.
afla'aan -ta: (magac, dhedig, keli) cid aan si wanaagsan u hadli aqoon; qof aan balaaqo lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afla'aan
a: afla'aansho (/ha)
de: not knowing how to speak properly
lx: afla'aan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: afla'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habitaan
-ka: (magac, lab, keli) quudinta carruurta aan weli dareere ma ahee wax kale quudan. Habitaan baa ilmaha wax lagu siiyaa. Dh: habid.
habitaan-ka: (magac, lab, keli) haan iyo wax la mid ah, biyo ama dareere kale sii deyn. Dh: heemitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hala'kan
(falkaabe) halkan; kobtan; meeshan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illa'aan
m.f.dh eeg illa'. la-mid: illa'aansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danla'aan
(Danla'aan-ta)
Aan dani ku jirin; muraad la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danla'aan
m.dh Seegseeg iyo shaqo la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danla'aan
m.dh Seegseeg iyo shaqo la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danla'aan
f. n., [abstract] lack of interest, aimlessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan dan iyo waxkorodhsi aan ku xisaabtamin. Dh: madaneyste.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danla'aan
de: lack of interest, aimlessness
lx: danla'aan
pd: (-ta)
ps: n1-f-abs
key: danla'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibla'aan
m.dh 1. Dib la'aanshada. 2. (fk) Si fudud u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habbanaan
(Habbanaan-ta)
Si habban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habbanaan
m.dh la-mid: habboonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habbanaan
f. n., [abstract] correctness, rightness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si habban ama toosan ahaan. Aad baan ugu farxay sida habbanaanta leh ee aad xaajada u gashay. Dh: haboonaan, wanaagsanaan, toosnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habbanaan
a: habboonaan
de: correctness, rightness
lx: habbanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: habbanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habilaawe
(Habilaawa-ha)
Aan laab lahayn; fiiraggaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habilaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan caqli badan lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habilaawe
m. n. (adj.): unintelligent person; stupid; unlucky
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habilaawe
de: unintelligent person; [atr.] stupid; unlucky
lx: habilaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: habilaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsamaan
m.f.dh eeg habsan. la-mid: habsamaansho, habsami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cuddoonaan iyo qummanaan; hannaan wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof hawl haya ahaan; mashquulnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) nolol la'aan. Nin la'aan waa nafla'aan.
nafla'aan -ta: (magac, dhedig, keli) faa'iido iyo waxtar la'aan. Meeshu way abaarawday oo nafla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) xog iyo wacaal la'aan. Warla'aan la deris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) qalabla'aan; alaabla'aan. Xafiiska agab la'aan laguma wareegi karo.
agabla'aan -ta: (magac, dhedig, keli) gargaar iyo ciirsi la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadla'aan
m.dh 1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caadla'aan
m.dh 1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadla'aan
f. n., [abstract] (adj.): cloudlessness; clarity, clearness; clear, evident
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) aan caad ku rognayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadla'aan
de: cloudlessness; clarity, clearness; [atr.] clear, evident
lx: caadla'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: caadla'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharla'aan
m.f.dh eeg dharla'². la-mid: dharla'aansho, dharra'aan, dharra'aansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diinla'aan
m.dh Diinlaawe ahaansho. la-mid: diinli'i.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diinla'aan
f. n., [abstract] atheism, being without religion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diinla'aan
-ta (n) atheism (eey-thi-yiisim); Godlessness ~ diinli'i
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diinla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid aan diinta si fiican ugu dhaqmin ahaan. Dh: gaalnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diinla'aan
a: diinli'i (da)
de: atheism, being without religion
lx: diinla'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: diinla'aan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaf la'aan
f. n., [abstract] faultlessness, correctness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaf_la'aan
de: faultlessness, correctness
lx: gaf la'aan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: gaf_la'aan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gebi'ahaan
-ba: (adv) entirely (in taayer li); wholly (hooli); completely (kem-piliit-li)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawllanaan
m.dh eeg hawllan. la-mid: hawllanaansho, hawlloonaan, hawlloonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawllanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof hawl haya ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabla'aan
(Laabla'aan-ta)
Qof laabla' ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabla'aan
m.f.dh eeg laabla'. la-mid: laabla'aansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabla'aan
f. n., [abstract] short-term memory, absent-mindedness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laabla'aan
-ta: (n) forgetfulness (for-gat-fuul-nes); unmindfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof laabla' ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabla'aan
de: short-term memory, absent-mindedness
lx: laabla'aan
pd: (-ta)
ps: n1-f-abs
key: laabla'aan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaabla'aan
-ta: (n) shapelessness (sheeyp las-nes); formlessness (foorm-lesnes)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xad la'aan
-ah: (adj) boundless (baawnd-les); infinite (in-finit); eternal (i-teer-nal)
xad la'aan -ta: (n) limitlessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carabla'aan
-ta: (magacwadareed) ereyada qaarkood oo aan qofku ku dhawaaqi karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayillanaan
m.f.dh la-mid: cayilnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayillanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cayilnaan; buuranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribla'aan
m.dh Ciribdambeed xumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) aayola'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debecla'aan
m.dh 1. Debciddarro. 2. (fk) Si isdabaraac u ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debecla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) jiidnaan oo aad u giijisnaan. Dh: dabacla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) cudur ka dhasha dhiigga guduudan ama cas oo yaraada. Dh: dhiigyaro, dhiigyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habacsanaan
m.f.dh eeg habacsan. la-mid: habacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dabacsanaan iyo jiljilicsanaan dhinaca kartida ah. Li: firfircoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haliilitaan
-ka: (magac, lab, keli) si hamuun iyo doonis ah wax ugu gariirid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyirla'aan
-ta: (adj) unconscious (ankoon shas) miyirbeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala garasho la'aan aan waxba la kasin. Dh: miyirdoorsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorisla'aan
m.dh Xaaladda uu ku sugan yahay qof aan waxna qorin waxna akhrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorisla'aan
m.dh Xaaladda uu ku sugan yahay qof aan waxna qorin waxna akhrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqala'aan
m.dh Xaaladda uu ku sugan yahay qof shaqo uu wax ka tacbado aan haysan.