habhablays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habhablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablay
(fal) habhab u soco ama u orod. Dh: hanbulhanbullee, buldhuqbuldhuqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) habhab ut socosho ama u ordid. Dadka culculus orokoodu waa habhableyn. Dh: habhablays, buldhuqbuldhuqleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habaqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habhableyn
(Habhableyn-ta)
Habhab u socosho ama u ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habhableyn
m.f.dh eeg habhablee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghaglays
-ka: (magac, keli) eeg haghaglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabrablays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rabrablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhablaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax daadsan, kolba mid qaad. Dh: haldhabaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhablayso
(fal) eeg haldhabaalayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg haldhabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalays
-ka: (magac, lab, keli) abaar aad u daran oo aafo ah. Waxaa arligii beddelay, abaar iyo aafo kulul, abaalays baa ka dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlay
(fal) socod aan kala go' lahayn samee. Dh: habaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socdaal dheer oo xidhiidhsan marid; socod aan kala go' lahayn samayn. Laba habeen oo habaqlayn ah ayaan ku soo gaadhnay magaalada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habhablee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Habhab u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habhablee
v. walk ~ run with difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablee
(fal) sidii qof culus ama da' weyn u buldhuqlee. Dh: habhablay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habhablee
de: walk ~ run with difficulty
lx: habhablee
pd: (habhableeyey)
ps: v2b=intr
key: habhablee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habhableh
f.mg4 (-lahaa, -lahayd) Qof habhablaya ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habhableh
adj., [expression] running slowly and heavily (as the elderly do)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habhableh
de: running slowly and heavily (as the elderly do)
lx: habhableh
pd: (habhablahaa)
ps: adj-expr
key: habhableh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghaglay
(fal) hadalka googgoo oo si xidhiidh ah ha u wada odhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhalays
-ka: (magac, lab, keli) noole da'dii la dhalayay gaadhay oo xanuun ama abuur Ilaahay darteed aan dhalin isaga oo galmoodkii loo baahnaa sameeyey Sac madhalays ah ayuu iibsaday. Li: dhalooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalays
-ka: (magac, lab, keli) sabaalayn; sasabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalays
m.l la-mid: tabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghaglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadalka joojoojin oo celcelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halhalaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax meel kuu yaalay ama yaacsan midmid u gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hangallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabqablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) alaab iyo wax la mid ah qabqabta hayn oo iska dabadhicid. Gaadhiga faaruqnimada ayaa qabqablaynta ugu wacan.
qabqablayn -ta: (magac, dhedig, keli) qabqable iska dhigid oo jiidhjiidh iyo arbush wadid. Qabqablayn wax laguma helee qun yar soco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabrablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si rable ah u boodboodid. Rabrablayn badanaa ma dabagaallaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaabacays
m.l la-mid: dhabaabacayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abla'ablays
-ka: (magac, lab, keli) eeg abla'ablayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbaslays
m.l la-mid: alabbasleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halalaclays
-ka: (magac, lab, keli) si halalac ah u bidhdhaamid. Dh: halalaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haljaflaysi
m.l la-mid: haljalaflaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haljaflayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: haljalaflayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallaysi
-ga: (magac, lab, keli) kolba hal lug ah ku boodboodis. Hangallaysigu wuxu ka mid yahay waariga carruurta. Dh: hangoollaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallayso
(fal) lug keli ah ku boodbood. Dh: hangoollayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbaallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg humballayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aflays
-ka: (magac, lab, keli) eeg laba'aflayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labacanlays
m.l la-mid: labacanlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacanlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg labacanlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadablayn
m.f.dh eeg labadablee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labadiblays
-ka: (magac, lab, keli) eeg labadiblayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabulayn
m.f.dh eeg tabaabulee. la-mid: tabaabulo, tabaabulshayn, tabaabu-lyayn, tabaabulyo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tabaabulayn
Impostazione
Setting out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tabaabushayn; tabaabulyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala filiqsan ama daassan, kolba mid qaadid. Gorowgii waxan ku dhammeeyey haldhablayn. Dh: halhalayn, haldhablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalays
-ka: (magac, lab, keli) hadallo sarbeeb ah isku xidhid oo ku tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaqublaysi
m.l la-mid: kabbaqableysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta sanqarta 'bab' oo tilmaamaysa wax xoog iyo dhakhso wax kale loogu dhuftay, iskana soo daba noqday. Ma ul buu derbiga la dhacayaa, bablayntu waa maxay?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baslays
-ka: (magac, lab, keli) baslayn u dhaqaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fahlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gaal ka yeelid.
gaalays-ta: (magac, dhedig, keli) middi weyn oo af badan. Cali gaallays buu soo tuntay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg haarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halhays
(Halhays-ka)
Erey ama tix gaaban oo aan ulajeeddo lahayn oo qof ku soo daro hadalkiisa had iyo goor; aalaa inta maskaxdu hadalka isku duweyso baa la yiraahda oo lagu sii sugaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halhays
m.l 1. Erey ama weer qof caadaysto in uu hadalkiisa soo dhexgeliyo had iyo jeer; halqabsi. 2. la-mid: halhayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halhays
m.l 1. Erey ama weer qof caadaysto in uu hadalkiisa soo dhexgeliyo had iyo jeer; halqabsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halhays
m. n. characteristic phrase; slogan, motto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halhays
-ka: (n) slogan (s/owgan); motto (maatow) ~ hal ku dheg, oraah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halhays
-ka: (magac, lab, keli) eray ama tix gaaban oo aan ulajeeddo lahayn, had iyo jeer na uu qof ku soo daro hadalkiisa oo caado u noqota. Waxa aalaa la adeegsadaa inta maskaxdu hadal la odhan doono isku duwayso. Aweys wuxuu halhays u leeyahay: imikiyo dan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halhays
de: characteristic phrase; slogan, motto A word or phrase generally used by a person and identified with him
lx: halhays
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: halhays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallays
m.l la-mid: hallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hallayn. hallaysan: (tilmaame) wax xumaaday oo cillaysan ama kharriban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hambayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalays
-ka: (magac, lab, keli) geed geedaha ku marma oo xooluhu cunaan. Daaraddayada laalays baa ka baxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaaabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbays
-ka: (magac, lab, keli) shaqada barbaarinta lafteeda.
rabbays-ka: (magac, lab, keli) eeg rabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rablays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalays
-ka: (magac, lab, keli) saalo dhigis xoolaad. Geel ban jooga oo yamaarug daaqay, saalays badanaa.
saalays -ka: (magac, lab, keli) eeg saalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababay
(fal) sabab u yeel. Sababee abbaartaada, hadalkana sar weedhiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbays
m.l la-mid: sabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbays
-ka: (magac, lab, keli) sabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabays
-ta: (magac, dhedig, keli) xaabo gurasho. Meel magaalo ka fog ayaa xaabays lagu yagaan. Dh: qoryays, xaabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg baallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg calalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg Carabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg danabayn. danabaysan: (tilmaame) walax ama atam la danabeeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqlays
m.l la-mid: dhaqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaallays
(Gaallays-ta)
Jaad hore oo toorrey oo loo tuman jirey in gaalada lagu laayo oo lagula dagaallamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaallays
gaallays¹: m.l.kh Waran g. ah: nooc warmaha waaweyn ka mid ah lagu dagaallamo.
gaallays²: m.dh.kh Toorrey g. ah: toorrey dheer oo birsulub leh oo lagu dagaallamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaallays
f. n. dagger
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaallays
de: dagger (used in former times to kill infidels)
lx: gaallays
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: gaallays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabis
m.l la-mid: habaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) jidkii toosnaa ka leexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo, wax halabaysan oo dheeraaday ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaclay
(fal) iftiin sida fallaadhaha ah bixi; walacwalac samee. Warankaygu wuu halaclaynayaa. Dh: halaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg halakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjalas
-ka: (magac, lab, keli) daruur roobka ka horaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramays
-ka: (magac, lab, keli) eeg haramayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haydalas
-ka: (magac, lab, keli) coon, doqon, nacas. Haydalas hawl looma dirto. Dh: caran. Li: fariid. Wa: haydalasyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabhaday
(fal) dagaal ku qaad oo maamul uga hortag si goosgoos ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalay
(fal) wax qof uu diidanyahay ama saluugganyahay oggalaysii; qof xanaaqsan raaligeli.