habfarsamadeed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habfarsamadeed
m.l (-dyo, m.dh) 1. Hab gaar ee wax qabad, badanaa hab la xiriira xirfad gacan ka qabasho. 2. Xirfad iyo awood ee farshaxan, isboorti ama waxqabasho gacmeed, taasoo aad horay ugu martay tababar iyo hawl gacmeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hab-farsamadeed

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeesabadeed
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah jaadadka kalluunka oo si guud ugu eg abeesada berriga kase yare xalleefsan; sun ma laha oo waa la cunaa.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hab xisaabeed
Sistema contabile
Accounting system
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farasbadeed
(Farasbadeed-ka)
Kalluun afka seef dheer oo xoog badani ka taagan tahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farasbadeed
m. n., [compound] large fish species, similar to swordfish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farasbadeed
-ka: (magac, lab, keli) kalluun afka seef dheer oo xooggani kaga taagan tahay; nooc ka mid ah kalluunka badda ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farasbadeed
de: large fish sp., similar to swordfish
lx: farasbadeed
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: farasbadeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarramid
m.f.dh eeg habaarran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarramid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xumaa, Alle uga baryid; habaartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaartamid
m.f.dh eeg habaartan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdhismeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg habdhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habqoraxeed
m.l Qorraxda iyo meereyaasha waaweyn ee ku dul wareega.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habqoraxeed
m.l Qorraxda iyo meereyaasha waaweyn ee ku dul wareega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagardaamee
f.g2 (-meeyay,-maysay) Cid hagardaamo ku samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagardaamee
v. annoy, pester, badger, trouble, molest, torment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagardaamee
(fal) cid kale, dhibaatee oo wax yeellee. Dh: dibindaabyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagardaamee
de: annoy, pester, badger, trouble, molest, torment
lx: hagardaamee
pd: (hagardaameeyey)
ps: v2b=
key: hagardaamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsubaxeed
m.l Hooska ay walxuhu yeeshaan subaxii marka ay qorraxdu ku dhacdo; hoos-horaad. la-mid: harsubxeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsubaxeed
-ka: (magac, lab, keli) hadhka subaxa ee u jeeda cadceeddhaca. Li: hadhgalabeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabyaaladee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Nidaam qabyaaladeed qof kula dhaqmid; qof qabyaalad darteed uga eexasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabyaaladee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Nidaam qabyaaladeed qof kula dhaqmid; qof qabyaalad darteed uga eexasho. m.f.dh, qabyaaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabyaaladee
(fal) nidaamqabyaaladeed qof kula dhaqmid; qof qabyaalad darteed uga eexasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rabbaayadee
-yey / rabbaayadeysay: (v) tame (teeym); domesticate (du-mes-ti-keeyt)
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxarsaleed
m.l (-dyo, m.dh) (c.fal) Magac guud oo ay wadaagaan dhammaan saxarrada uu maatarku ka kooban yahay ee aan loo sii kala jabin saxarro ka sii yar.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hab lacageed
Sistema monetario
Monetary system
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habayaraatee
(xidhiidhiye) tilmaamaya diidmo ama waxba la'aan adag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habqorraxeed
m. n. solar system
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habqorraxeed
-ka: (magac, lab, keli) nidaamka iyo qaabka dhigan ee ay xiddigaha badhkood cadceedda ugu wareegaan oo ugu raadaysmaan.
habqorraxeed -ka: (magac, lab, keli) qaabka dab iyo tamar looga dhaliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habqorraxeed
de: solar system
lx: habqorraxeed
pd: (-ka)
ps: n0-m
syn: bah cadceedeed
key: habqorraxeed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abeesa-badeed
f. n., [collective] moray, voracious marine eel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abeesabbadeed
m.dh.u Nooc mallay badeedka la mid ah oo abeesada u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abeesabbadeed
m.dh.u Nooc mallay badeedka la mid ah oo abeesada u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abeesabbadeed
de: moray, voracious marine eel
lx: abeesabbadeed
pd: (-da)
ps: n2a-f-col
key: abeesabbadeed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamadheeri
f. n. far-reaching ~ extensive practical knowledge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farsamadheeri
de: far-reaching ~ extensive practical knowledge
lx: farsamadheeri
pd: (-da)
ps: np-f
key: farsamadheeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsaxaafadeed
-ka: (magac, lab, keli) war kooban oo loogu talaggalay warbaahinta oo jiho la ogyahay ka soo baxa. Waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada. Li: warmurtiyeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabagcadaadeed
-da: (magac, dhedig, keli) cabag cad oo laga guro geedka cadaadda ama bilcinka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf qaaradeed
Continental glacier
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhacaanganaceed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhacaanka ka qayb qaata dheefshiidka oo laga sameeyo ganaca. Soo saarkeed waxa kiciya hormoonayaal laga soo daayo xiidmaha qayb ka mid ah (duwoodenam) oo ayagana ay kicisay taabasha cunnada caloosha ka soo dagtay.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Fasax sannadeed
Licenza annuale
Annual leave
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAMBOOHI-BADEED
(Ambohi-baded) S, C Atriplex farinosa Forsk. Chenopodiaceae.
S Aerva lanata (L) Schultes Amaranthaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabag-cadaadeed
-da: (n) arabic-gum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shahaadosharafeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg shahaadosharaf.