habeendhax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeendhax
m.l (-xyo, m.dh) 1. Safar habeen lagu dhaxo. 2. Gunno yar oo la siiyo qof shaqo meel u aaday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeendhax
m. n., [compound] overnight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeendhax
-a: (n) an overnight stay or trip: overnight (oovarnaayt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeendhax
-a: (magac, lab, keli) meel habeen lagu nagaado; habeen meel uu dhixid ama joogid. Dh: hebeenbari.
habeendhax -a: (magac, lab, keli) masaafo saddex illaa afar caanamaal la socda oo habeen la dhaxo. Labada magaalo waxay isku jiraan, habeendhax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeendhax
de: overnight (e.g., having to stay out or travel overnight; small quantity of food or money, sufficient for lasting one full day)
lx: habeendhax
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: habeendhax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawadhaxmo
m.dh Habeendhax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeendhalad
-ka: (magac, lab, keli) nasiib badan oo Ilaahay qofka kolba ta san ku ilhaamiyo, ducadiisa iyo habaarkiisana la arko. Haybad baa i guud taal, waxan ahay habeendhalad, hadalkiisa la arkaa. Dh: hameendhalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeenkahar
m.l (-rro, m.dh) Hooska ay yeeshaan walxuhu subaxnimada hore.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeenkahar
(fal) eeg habeenkahadh.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Habeen-ka
nuit.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeenbar
m.l Bartamaha habeenka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeenbar
-ka: (n) 1. midnight (midh-naayt) ~ 2 ka habaynimo, habeembar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeenkahadh
-ka: (magac, lab, keli) hooska ay yeeshaan walxuhu subaxnimada hore.
habeenkahadh -ka: (magac, lab, keli) nabad ku waabberiisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaandhab
(fal) wax dhaqdhaqaaji ama lullul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabaandhaw
(Dhabaandhaw-ga)
Nabarro ku dhufdhufasho; gargaraacid; jafjafid; tuntumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaandhaw
dhabaandhaw¹: m.l 1. Si aayar ah oo gacanta loogu garaaco carruurta marka la seexinayo. 2. Hadal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraahdo. la-mid: dhabaandhebid.
dhabaandhaw²: f.g1 (-dhebay, -dhawday; -dhebi) 1. Ilmo la seexinayo, si tartiib ah oo aan kala go' lahayn gacanta ugu garaacid. 2. Haldal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraashdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabaandhaw
dhabaandhaw¹: m.l 1. Si aayar ah oo gacanta loogu garaaco carruurta marka la seexinayo. 2. Hadal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraahdo.
dhabaandhaw²: f.g1 (-dhebay, -dhawday; - dhebi) 1. Ilmo la seexinayo, si tartiib ah oo aan kala go' lahayn gacanta ugu garaacid. 2. Haldal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraashdo. m.f.dh, dhabaandhebid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabaandhaw
v. pat repeatedly, stroke; pet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaandhaw
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday inta u danbaysa xaadhxaadhid oo wax ka dayid. Waataan dhabaandhabay sidii dhiilka caanaha e hurgufid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabaandhaw
de: pat repeatedly, stroke; pet
lx: dhabaandhaw
pd: (dhabaandhabay / dhabaandhawday)
ps: v1=
key: dhabaandhaw
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeen hore
n. phr., time: the night before last
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeen_hore
de: the night before last
lx: habeen hore
ps: np-time
key: habeen_hore
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeedi
f.mg2 (-iyay, -isay) Isku h.: geel kaadi isku daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeedi
(fal) kaadi isku saydhi sida geela, sarajoog ku kaadi. Dh: kaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habeeno
(Habeena-da)
(indha habeeno)
1. Iin araggu yeesho oo wixii fog aan dhab loo arki karin.
2. Aragga maalintii wanaagsan habeenkiina xun oo dhib wax ku arka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeeno
m.dh Iin araggu yeesho oo si fiican habeenkii aan wax loo arag. la-mid: habeeniso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habeeno
m.dh Iin araggu yeesho oo si fiican habeenkii aan wax loo arag. m.dh, habeeniso. la-mid: habeeniso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeeno
f. n., [abstract] short-sightedness, myopia; night blindness, poor night vision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeeno
-da: (magac, dhedig keli) iin ama xanuun indhaha dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo habeenkii araggu yaraado ama waxba la arag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeeno
de: short-sightedness, myopia; night blindness, poor night vision
lx: habeeno
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: habeeno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handhac
-a: (magac lab, keli) qof hanwaynaa oo imika hankii lahayn oo hanyaraaday. Handhac ayaa ku yimi Cali oo wuu qabjabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beendaac
-a: (magac, lab, keli) qof lagu yaqaan in uu had iyo jeer been sheego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beridhax
(Beridhax-a)
Meel inta la dego waxyar kaddib laga guurayo; meel aan lagu raageyn, aan sal ahayn; beridhaxmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beridhax
m.l Baryidda habeen meel la baryo. la-mid: beridhaxmo (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beridhax
m.l Baryidda habeen meel la baryo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beridhax
m. n., [compound] camp of a day ~ two; stopover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beridhax
-a: (n) an overnight stay or trip; overnight (oovarnaayt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beridhax
-a: (magac, lab, keli) meel inta maalin la dego laga sii guuro; meel aan lagu raagayn, aan sal ahayn. Beridhax baa loo degi jirey halaky beladu noo diidday. Dh: berdhaxmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beridhax
a: beridhaxmo (/da) [n6-f-cmp]
de: camp of a day ~ two; stopover
lx: beridhax
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: beridhax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeedin
m.f.dh eeg habeedi. la-mid: habeedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeedin
-ta: (magac, dhedig, keli) geel, habeed isku saydhin ama iska keenid. Dh: kaadin, habeedis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeedis
m.l la-mid: habeedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeedis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg habeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeenso
v. spend the night away from home
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeenso
de: spend the night away from home
lx: habeenso
pd: (habeensaday)
ps: v3a=
key: habeenso
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hacienda
hacienda, n.f. - aseendo; beer iyo aqal is wata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeembar
m. n. midnight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeembar
-ka: (magac, lab, keli) eeg habeembadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeembar
a: habeenbar
de: midnight
lx: habeembar
pd: (-ka)
ps: n-m-time
syn: saq-dhexe
key: habeembar
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Habeenimo
la nuit.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeeniso
m.dh eeg habeeno.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hareeraha
(n) [Plural] surroundings (sa-rown-dhingis) ~ nawaaxiga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeensad
m.l la-mid: labeensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeenbari
-ga: (magac, lab, keli) cunto yar oo habeen keliya la karsan karo. Safarku kulkuu raago reer miyigu habeenbariga way kala amaahdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habeennimo
(Habeennima-da)
Habeen gudihi; habeen ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeennimo
m.dh.fk Waqti habeen ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habeennimo
m.dh.fk Waqti habeen ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeennimo
f. n. night, nightfall; darkness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeennimo
-habeennimada: (adv) during the night; overnight (oovarnaayt) ~ isla habaynkaas, habaynnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeennimo
-da: (magac, dhedig, keli) milay habeen ah. Habeennimo ayaa xafladda arooska loo ballamay. Li: dharaarnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeennimo
de: night, nightfall; darkness
lx: habeennimo
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: before nightfall
xv: habeennimada horteeda
key: habeennimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleendhacsi
m.l la-mid: caleendhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleendhacsi
-ga: (magac, lab, keli) geed, caleendaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleendhacso
f.mg3 (-saday, -satay) Caleemo iska ridid (geed).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caleendhacso
f.mg3 (-saday, -satay) Caleemo iska ridid (geed). m.f.dh, caleendhacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caleendhacso
v. lose leaves (of a tree)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleendhacso
(fal) geed, caleenta iska daadi si ay tu kali kuugu soo baxdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caleendhacso
de: lose leaves (of a tree)
lx: caleendhacso
pd: (caleendhacsaday)
ps: v3a=intr
key: caleendhacso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsan'udhac
-a: (magac, lab, keli) xidhiidhinta wadajirka laxanka muusigga ee dhaliya jabaq iyo cod hallaasi ah oo la dhegaysan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceeddhac
-a: (magac, lab, keli) xilliga uu gabbalku galbeedka ka dhaco. Cadceeddhaca ayaa la afurnaa bisha Ramadaan.
cadceeddhac -a: (magac, lab, keli) jihada galbeed ay cadceeddu ka dhacdo galabtii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caleen ubax
n. phr. bud
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caleen_ubax
de: bud
lx: caleen ubax
ps: np
key: caleen_ubax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleenkhayr
-ka: (magac, lab, keli) geed jinaw ah ama dhanaan oo caleentiisuna tahay sida xinnaha oo ay dumarku wallaca u cunaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaandhow
-ga: (magac, lab, keli) gargaraacio oo nabarro u yeelid. Dh: jafjaf, fajaas, gargaraac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeensasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel habeen u dhalasho.
habeensasho-da: (magac, dhedig, keli) intaanad hawshii ama socodkii aad rabtay qaban, gabbalkii kuu dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeenaysad
m.l la-mid: labeenaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeenaysad
-ka: (magac, lab, keli) lakab xalleefsan oo dufan ah yeelasho. Dh: labeenaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhabaandhab
afdhabaandhab¹: m.l 1. Baaq si aayar ah afka gacanta loogu garaaco si cid hadlaysa loo aammusiiyo. 2. la-mid: afdhabaandhabid.
afdhabaandhab²: f.g1 (-bay, -btay) Si cid hadlaysa loo aammusiiyo afka aayar gacanta ugu garaacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afdhabaandhab
m.l 1. Baaq si aayar ah afka gacanta loogu garaaco si cid hadlaysa loo aammusiiyo. 2. la-mid: afdhabaandhabid. Tusaale: Afdhabaandhab aayar ah nin ku aamusaan ahaye. - Raage Ugaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdhabaandhab
v. shush someone up, put one's hands on someone's mouth to silence someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhabaandhab
(fal) biyo yar oo aan harraad bi'in, afka marmari.
afdhabaandhab: (fal) cid hadlaysa, aamusii adoo afkaaga aayar gacanta u saarsaaraya.
afdhabaandhab -ka: (magac, lab, keli) qof dhib qoonsaday ka baabi'in; qof kale xaaladdiisa, hadal ku dejin. Hadalkaad i leedahay, afdhabaandhab weeyaan, arrintu na intaa dheer. Dh: sabaalayn, sasabid.
afdhabaandhab -ka: (magac, lab, keli) biyo yar oo aan harraad bi'in; biyo suququl ah; sangaagurro biyood. Nin harraad idlaystoo, afdhabaandhabaan ahay. Dh: leefleef, afdhabaandhow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afdhabaandhab
de: shush s.o. up, put one's hands on s.o.'s mouth to silence s.o.
lx: afdhabaandhab
pd: (afdhabaandhabay)
ps: v1=tr
key: afdhabaandhab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhabaandhaw
m.l la-mid: afdhabaandhabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhabaandhaw
(fal) eeg afdhabaandhab.
afdhabaandhaw -ga: (magac, lab, keli) eeg afdha baandhab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleendhacsad
m.l la-mid: caleendhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleendhacsad
-ka: (magac, lab, keli) xilliyada qaarkood oo geeduhu caleenta dhacsadaan, si ay biyaha u ilaashadaan.