habeedin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeedin
m.f.dh eeg habeedi. la-mid: habeedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeedin
-ta: (magac, dhedig, keli) geel, habeed isku saydhin ama iska keenid. Dh: kaadin, habeedis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeedi
f.mg2 (-iyay, -isay) Isku h.: geel kaadi isku daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeedi
(fal) kaadi isku saydhi sida geela, sarajoog ku kaadi. Dh: kaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeedis
m.l la-mid: habeedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeedis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg habeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaneedin
(Haaneedin-ta)
Haaneed ka dhigid; hab wanaagsan u yeelid; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedin
m.f.dh eeg haaneedi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneedin
-ta: (magac, dhedig, keli) lisidda geela lafteeda. Haaneedinta hasha ayrada ah labo nin uun baa iska xajin karta.
haaneedin -ta: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan oo loo haneedi karo u joojin.
haaneedin -ta: (magac, dhedig, keli) haaneed ka dhigid; hab wanaagsan u yeelid. Dh: haaneedis, qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habeed
(Habeed-da)
Raadka kaadidu geela lugihiisa danbe ku reebto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeed
m.dh Raadka kaadida geelu lugihiisa dambe ku reebto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeed
f. n., [collective] dirt on camel's back legs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeed
-da: (magac, dhedig, keli) raadka kaadida geelu lugaha ku reebto, gaar ahaanna xilliga uu aadka u harraadan yahay. Habeenkaa wax laga dhiijiyaa dhay habeed badane. Dh: kaadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeed
de: dirt on camel's back legs
lx: habeed
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: habeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habeen
(Habeen-ka)
Inta u dhexaysa kolka qarraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxdo; (ama hameen, habeyn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeen
m.l (-nno, m.dh) Waqtiga u dhexeeya kolka qarraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxayso. la-mid: hameen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habeen
m.l (-nno, m.dh) Waqtiga u dhexeeya kolka qarraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxayso. la-mid: hameen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeen
m. n. night
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeen
-ka: (n) night (naayt) ~ habayn, cawo
habeen hore (expression) last night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeen
-ka: (magac, lab, keli) inta u dhaxaysa kolka qorraxdu dhacdo iyo inta ay soo baxayso. Nin habeen kaa weyni habeen ba'as kaa wen. Dh: hameen. Li: dharaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeen
de: night
lx: habeen
pd: (-ka)
ps: n2-m-time
xe: cawo
xv: hameen, habeyn
key: habeen
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
habeen
ليل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebin
m.f.dh eeg xabeebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale daalin oo aad uga hadalsiin ilaa uu xabeebsanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xareedin
(Xareedin-ta)
(ka xareedin) Codka ama hadalka ama heesta, si gaar ah oo loola jeedo qurxin iyo macaanin, u sheegid, uga luuqin, u jejebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xareedin
m.f.dh eeg xareedi. la-mid: xareedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xareedin
-ta: (magac, dhedig, keli) ci'yid oo sida dacawada u qalylin. Dacawooy wankaygii cuntaye xareedinta uun iga daa. Dh: ci'yid, xareedis.
xareedin -ta: (magac, dhedig, keli) hadalka ama codka qurxin oo hagaajin.
xareedin -ta: (magac, dhedig, keli) dhawaaq barwaaqo tusaya ku dhawaaqid. Dh: ciyid, xareedis.
xareedin -ta: (magac, dhedig, keli) miirid oo dhoobada iyo qushka kala reebid. Li: dhooqayn, ajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbeedid
m.f.dh eeg badbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedid
-da: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, si toos ah uga hortagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedis
-ta: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, toos uga hortagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel qorraxda waxba aanay ka xigin dhigid; debed u soo saarid oo cadceedda u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabgelin
m.f.dh eeg dhabgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) is daba gelin oo aad ugu kululayn. Dh: dabgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanjeedin
(Fanjeedin-ta)
Fanka u duwid, u jeedin; dhabar u duwid; dib u noqosho ama u laabasho; tegid; cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjeedin
m.f.dh eeg fanjeedi. la-mid: fanjeedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanjeedin
-ta: (magac, dhedig, keli) fanka u duwid; dhanka danbe u jeedin; dib u noqosho ama u laabasho. Dh: tegid, cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaneedid
(Haaneedid-da)
(geel) haaneedka iska taagid oo lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedid
m.f.dh eeg haaneed². la-mid: haaneedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneedid
-da: (magac, dhedig, keli) geel dhinaca iska taagid oo lisid. Dh: haaneedis.
haaneedid -da: (magac, dhedig, keli) neef geel ah, ka lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedis
m.dh Haaneedka iska taagid oo lisid (geel). la-mid: haaneedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneedis
-ta: (magac, dhedig, keli) geel dhinaca iska taagid oo lisid. Dh: haaneedis.
haaneedis-ta: (magac, dhedig, keli) neef geel ah, ka lisid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Habeenimo
la nuit.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeeniso
m.dh eeg habeeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelin
m.f.dh eeg hanjeeli. la-mid: hanjeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harreemin
m.f.dh eeg harreemi. la-mid: harreemis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebin
m.f.dh eeg jalbeebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habee
f.g 2 (-beeyay, -baysay) H./isku h.: wax kala daadsan ama aan nidaamsanayn isku duwid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habee
f.g2 (-beeyay, -baysay) H./isku h.: wax kala daadsan ama aan nidaamsanayn isku duwid. m.f.dh, habayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habee
v. order, arrange, organize, plan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habee
-yey / habeysay: (v) organize (oorgenaayz), systematize (sistamataayz); arrange (areenj); order (oordher); sort (soort); marshal (maarshal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habee
(fal) si quruxsan oo hab wanaagsan ah u qaabee; wax isku hagaaji oo nidaami. Dh: qurxi, hannaani, wanaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habee
de: order, arrange, organize, plan
lx: habee
pd: (habeeyey)
ps: v2b=
key: habee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beecin
m.dh la-mid: biicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beecin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax iibin; wax gadid. Anu beecin kama shaqeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beejin
(Beejin-ta)
Dhis ama wax kale oo quruxdooda la muujiyo, oo la soo bandhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beejin
m.f.dh eeg beeji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beejin
vl. n. craft fair, display, exhibition, exhibit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beejin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo dad leeyihiin xoog ku qaadasho. Dh: boojin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beejin
de: craft fair, display, exhibition, exhibit
lx: beejin
pd: (-ta)
ps: vn1-f
syn: carwo, macrad
key: beejin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenin
(Beenin-ta)
Been ka dhigid; rumayn la'aan; asaraarid; beenayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenin
m.f.dh eeg beeni. la-mid: beenayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenin
-ta: (n) rebuttal (ribatel); the act of refuting; disaffirmation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenin
-ta: (magac, dhedig, keli) war lagaa hor sheegay xogtisa shaacid oo wax aan jirin ka soo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerin
m.f.dh eeg beeri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beydin
vl. pron. you [plural.],
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beydin
a: ayeydin
de: you [plural] + [FOCUS] = baa + aydin
lx: beydin
pd: (baydin)
ps: focus + vpro
key: beydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadin
(Haadin-ta)
Badarka la tumay, kd., oo inti kor la geeyo ama loo sayro hoos loo soo daadsho ama loo soo qubo si neecawdu u dhexmarto oo buunshaha u bitiso; duulin; buubin; (ama haatin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadin
m.f.dh eeg haadi. la-mid: haadis¹, haatin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhuudh la tumay iyo wixii la mid ah oo inta weel lagu shubo ee kor loo saydho buushiga iyo qashinka laga tuuro. Haadinta hadhuudhka xilliga dabaysha ayaa lagu beegaa. Dh: hufid.
haadin -ta: (magac, dhedig keli) «u» qof meel fog jooga gacanta u lulid si uu kuu arko. Haadintayda miyaanad arkayn gellin baan gacanta kuu lulaye?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habbin
(Habbin-ta)
Wax culus oo ballaaran korka ka saarid; ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habbin
m.f.dh eeg habbi. la-mid: habbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habbin
-ta: (magac, keli) cid kale, wax culus oo ballaadhan korka ka saarid ama ku dhifasho. Dh: habbis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeyn
-ka: (n) night (naayt) ~ habeen,cawo
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
HALEEN
(I) Manza;
(E) Heifer
(S) HALEEN (S. c. m.; Halen); MA Rimmantai (S. c. m.: Ma rimmantai)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hameen
m.l la-mid: habeen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hameen
m. n. night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hameen
-ka: (magac, lab, keli) inta u dhaxaysa kolka qorraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxdo. Dh: habeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hameen
a: habeen
de: night
lx: hameen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hameen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardin
m.dh la-mid: hardiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale madax ku riixid. Ninka hardinta ka daa oo dagaal u badheedh. Dh: herdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareed
m.l Timo ka soo baxa labada dhaban ee ragga. la-mid: harreed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hareed
m.l Timo ka soo baxa labada dhaban ee ragga. la-mid: harreed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hareed
m. n. side-burns; whiskers (of an animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hareed
-ka: (n) sideburns (saaydhbuurnis)-, whiskers (wiskeris) ~ harreed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareed
-ka: (magac, lab, keli) timaha isku xidha gadhka iyo kuwa dhafoorka ee madaxa ka yimaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hareed
de: side-burns; whiskers (of an animal)
lx: hareed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: harreed
key: hareed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haween
(Haween-ka)
Naagaha guud ahaan; dumar: dheddigood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haween
m.l.u Dheddigga dadka guud ahaan; dumar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haween
m.l.u Dheddigga dadka guud ahaan; dumar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haween
m. n., [collective] women, womankind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haween
-ka: (n) [Plural] women (wamen) ~ naago, dumar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haween
-ka: (magacwadareed) dadka intiisa aan ragga ahayn ee dhedig. Dh: dumar. Li: rag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haween
de: women, womankind
lx: haween
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
syn: bilis, dumar
key: haween
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hebdin
(Hebdin-ta)
Hebed ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hebdin
m.f.dh eeg hebdi. la-mid: hebdid (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hebdin
-ta: (magac, dhedig, keli) hebed ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemin
(Heemin-ta)
Heenka ka dhurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemin
m.f.dh eeg heemi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere la cabbayo dhammayn, fuuqsasho.
heemin -ta: (magac, dhedig, keli) hilib ama lafo karsamaya, duffanka dusha soo mara, ka dhurid.
heemin-ta: (magac, dhedig, keli) heenka ka dhurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerin
(Heerin-ka)
Gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara.