habe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habe
m.l 1. Weel aan biyaha ama caanaha si fiican u celin karin. 2. Dhulka ciiddiisu biyaha si sahlan u sii deyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habe
-ha: (magac, lab, keli) koob aad u yar oo caruurta aan cuntada baran wax lagu siiyo. Dh: afkulibidh, bilaale.
habe -ha: (magac, lab, keli) meesha carradeeda biyuhu ka dusaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habee
f.g 2 (-beeyay, -baysay) H./isku h.: wax kala daadsan ama aan nidaamsanayn isku duwid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habee
f.g2 (-beeyay, -baysay) H./isku h.: wax kala daadsan ama aan nidaamsanayn isku duwid. m.f.dh, habayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habee
v. order, arrange, organize, plan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habee
-yey / habeysay: (v) organize (oorgenaayz), systematize (sistamataayz); arrange (areenj); order (oordher); sort (soort); marshal (maarshal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habee
(fal) si quruxsan oo hab wanaagsan ah u qaabee; wax isku hagaaji oo nidaami. Dh: qurxi, hannaani, wanaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habee
de: order, arrange, organize, plan
lx: habee
pd: (habeeyey)
ps: v2b=
key: habee
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hable
Regular
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybe
m.l Midab madow-dhalaal ah; hurre.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Haybe
name-m prestige, respect, social prominence; having a pleasing personality
name-m esteem; one who has esteem
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Haybe
magac ama naanays loo baxsho wiil midab aad u madaw leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybe
-ha: (magac, lab, keli) geedka ugu wanaagsan geedaha tusbaxa laga qoro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caawa
1. Habeenka markaas la joogo.
2. Maalinta la joogo, habeenka ku soo socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddo
(Cadda-da)
Bisha dayaxa labadeeda toddobaad oo hore; habeen dayax leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casho
(Casha-da)
1. Cunnada fiidkii (habeenkii) la cuno; xeraad; fiidimo.
2. Maalin iyo habeen; 24 saac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caweyn
(Caweyn-ta)
Fiid soo jeedid; habeen gelinkiisa hore, sheeko ama wax kale, ku soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caweys
(Caweys-ka)
1. Habeenka gelinkiisa hore oo la soo jeedo.
2. Cayaaraha habeenkii la tunto oo lagu soo jeedo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caweysin
(Caweysin-ka)
Habeenka qaarkiisa hore; fiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawo
(Cawa-da)
1. Laba-iyo-tobanka saac oo qorraxdu maqan tahay; habeen.
2. Nasiib-wanaag; ayaan; qadan; ul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirkayeer
(Cirkayeer-ka)
Shinbir cod dheer oo habeenkii keliya cidiisa la maqlo; (shinbir la arkay ma aha); (ama cirsankayeer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cishe
(Cisha-ha)
1. Habeenka bilawgiisa; fiid.
2. Salaadda kolkaas la tukado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuddoon
Si wanaagsan loo habeeyey; is le'eg; culayskeedu isu dheellitiran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayax-madoobaad
(Dayax-madoobaad-ka)
Kolka inta dhulku kala dhexgalo qorraxda iyo dayaxa, hooska dhulku dayaxa, habeenkii, wada qabto ama qaar ka qabto oo madoobeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharab
(Dharab-ka)
Biyo dhibco ah oo cawska, caleenta, geedaha iyo dhulka habeenkii ku dega oo dabaysha qaboobi keento; sayax; yaxni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheel
(Dheel-ka)
1. Qabowga habeenkii soo dhaca; nadwad.
2. Cayaar; dhayal; cayaayir; dheelaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelmasho
(Dheelmasha-da)
Habeen socosho; guurayn; gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelmid
(Dheelmid-da)
(xoolo, kd.) habeen kaxayn; guuraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibi
(Dhibi-da)
Kaadida awrta qooqani isku sayriso oo habeedda madow ku noqota (ama dhebi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhixid
(Dhixid-da)
1. Soo hoyasho la'aan.
2. (ku dhixid) meel habeen ku maqnaansho.
3. (u dhixid) maranti u ahaan; xilo u ahaan; qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbad
(Dibbad-ka)
1. Dibbasho; dhixid.
2. Habeenka bisha dayaxa ugu danbeeya oo dayuxu qarsoomo oo uusan soo bixin; (ama dubbad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbood
(Dibbood-ka)
(xoolo) aan habeenkii soo xeroon ee dibadda ku dhaxa; dibjir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibboodid
(Dibboodid-da)
(xoolo) lumay oo aan habeenkii soo xeroon; dibad ku dhixid; dibjirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abe
-ha: (magac, lab, keli) meel bannaan oo nefis ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hab
(Hab-ka)
Sida wax loo qabto ama loo sameeyo; hannaan; qaab; tab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hab
hab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Sida wax loo qabto ama loo sameeyo. 2. Caano ama biyo aan badnayn oo loogu talaggalay in carruurta la siiyo. 3. la-mid: habid.
hab²: m.l (-bab, m.l) (naxwe) Habka uu hadluhu u soo bandhigo hawlaha (ama sifooyinka) ay falalku muujiyaan.
hab³: m.dh Habsiin.
hab⁴: f.g/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Ilmo dhashay caano ama biyo ku qabasho. 2. (f.mg) Weel, hoore dhibic-dhibic u sii dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hab
hab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Sida wax loo qabto ama loo sameeyo. 2. Caano ama biyo aan badnayn oo loogu talaggalay in carruurta la siiyo.
hab²: m.l (-bab, m.l) (naxwe) Habka uu hadluhu u soo bandhigo hawlaha (ama sifooyinka) ay falalku muujiyaan.
hab³: f.g/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Ilmo dhashay caano ama biyo ku qabasho. 2. (f.mg) Weel, hoore dhibic-dhibic u sii dayn. m.f.dh, habid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hab
Process, System
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hab
m. n. mode, process, system, method, manner; regulation, rule; fashion, style, pattern, model; mood {grammar}
hab vl. n. hug, embrace; act of hugging
hab v. feed a baby from a cup
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hab
-ka: (n) manner (maan ner); order (oodhar); method (methadh); mode (mowdh); way (weey), system (sistam), , process (pro-sees); style (istaayl); fashion (faashen) ~ nidaam, qaab
hab -ta: (n) hug (haag); embrace (em bareey); cuddle (kadhel) ~ haanyo, habsiin. Ex: eeraboorka baan hab isku siinay oo isku dhunkanay; we received hugs and kisses at the airport
hab -ay / tay: (v) feed [nourish] baby, usually with milk from cup or cup-like container
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hab
Sistema; modo
System; manner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hab
(fal) qof yar oo canug ah, caano ama biyo sii.
hab: (fal) haan iyo wixii la mid ah, dareerihii kuugu jiray, sii daa.
hab-ka: (magac, lab, keli) hannaanka ama qaabka wax loo qabto oo loo sameeyo. Dh: qaab, hannaan, tab. Wa: habab.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hab
نظام
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabe
-ha: (magac, lab, keli) eeg aabbe.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
babe
/beyb/babes; (n) 1. cunug yar (ilmo yar) e.g. What a beautiful babe! (n) 2. magac loogu yeero qofka aad jeceshahay gaar ahaan, xaaskaaga, ninkaaga, iwm. e.g. Do you need any help, babe?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haba
'ha' iyo 'ba' baa kolkol lays xijiyaa oo laysku kabaa (sida: haba yaraatee = ha yaraateeba), ulajeeddaduna ma baddalanto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haba
class, [conjunction] in any case; always
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haba
(falkaabe) loo adeegsado diidmada qayaxan. Hadduu kula diriray haba u tegin. Dh: ha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haba
de: in any case; always = ha + -ba
lx: haba
ps: class + conj
key: haba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habi
(Habi-ga)
Fiirada wax lagu kala garto; laab; qalbi; caqli; maan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habi
m.l Caqli, maan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habi
m. n., [collective] intelligence, thought
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habi
-da: (magac,dhedig, keli) ul sherbi ah.
habi -ga: (magac, lab, keli) fiirada iyo garashada wax lagu kala garto. Habiyow indhahaygu, ha arkaan indhahaagee, i agjoog abidkaa oo, meel kaleeta ha aadin. Dh: laab, qalbi, caqli, maan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habi
de: intelligence, thought
lx: habi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: habi
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HABO
(Habo) N. Limonium somalorum (Vierh) Hutch & Bruce. Plumbaginaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg habaryar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
haie
haie, n.f. - ood.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hale
/heyl/ (adj) aad u-fiyoow (caafimaad qaba).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hâle
hâle, n.m. - casaan; midabka dadka mediterranianka ku nool.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hare
/heer/ (n) bakayle.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hare
n., bakayle, -ihi; hare-lipped man, nin faruuran.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hase
hase, n.f. - dhaddiga bakaylaha
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hate
/heyt/ (n) 1. nacayb, karaahiyo. e.g. He looked at me with hate in his eyes. (v) 2. karhid, nebcaysi. e.g. I hate getting up early in the morning.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hate
hatred, n., necbaan, -ti; feeling of hate, uur ku taalo, -adi.
hate, v.tr., nac, necbaw.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
have
/haav/ (v) 1. hay-sasho. e.g. Do you have a pen? (v) 2. ka-dhig, ka-yeel. e.g. Have your hair cut. (v) 3. qaadasho, qaado e.g. Have some sugar. 4. laasim, khasab ah. e.g. I have to go now.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
have
have, adj. - daal iyo cudur ka muuqdo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
have
v.tr., hay, hayso, qab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haye
Waa tahay; hawraarsan; hallayeelo (ama hayeh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haye
fk. Waa tahay; hawraarsan; hallayeelo. la-mid: hayeh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haye
fk. Waa tahay; hawraarsan; hallayeelo. la-mid: hayeh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haye
inter. yes, O.K.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haye
(interjection) used to express approval or agreement, yes (yees); OK
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haye
(falkaabe) marxabba; waan yeelay. Haye habaar ma maro. Dh: hawraarsan. Li: diiday.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haze
Ciiro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
haze
/heyz/ (n) 1. carceero (muuqaal ciiro ku jirto). e.g. The mountains were covered in haze. (v) 2. dhibid, qul-qulatayn, tash-wiish ku furid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
haze
n., shuux, -i, shululuc; the sky is hazy, cirku wa shululucayaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tabe
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo in uu nolosha guulo ka gaadho ama ujeeddooyinkiisa xaqiijiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabe
-ha: (magac, lab, keli) caleenta ka hadha marka kuuska la raro. Wabaha irmaanka u soo ururi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabe
-ha: (magac, lab, keli) dhidib qore ah ama wax kale oo dhulka lagu qotomiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbe
(Dhabba-ha)
Dhul loo falay in la maro oo lagu socdo; marin; daw; hilin; jid; waddo; wadiiqo; kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Jid ay baabuurta, xoolaha iyo wixi lamida maraan oo cagta lagu bixiyey. la-mid: dhabbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabbe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Jid ay baabuurta, xoolaha iyo wixi lamida maraan oo cagta lagu bixiyey. la-mid: dhabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbe
m. n. street, path, way; airstrip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabbe
-dhabbaha: (n) footpath (fuut-paath); path (paath); road, street, way ~ dhabo, wadiiqo, jid, marin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbe
-ha: (magac, lab, keli) jid la maro; daw la maro. Dh: dariiq, waddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabee
f.mg2 (-beeyay, -baysay) Ka dh.: wax dhab ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabee
f.mg2 (-beeyay, -baysay) Ka dh.: wax dhab ka dhigid. m.f.dh, dhabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabee
v. prove, verify, confirm, make something real ~ serious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabee
-yey / dhabeysay: (v) [with preposition ka] prove (puruuv); make it happen; put to the proof; substantiate ~ ka dhabee. Ex: hadal lama rabee ka dhabee; don't talk about it, just prove it
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabee
(fal) run ka dhig oo kaftan iyo ciyaar ka saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabee
de: prove, verify, confirm, make s.t. real ~ serious
lx: dhabee
pd: (dhabeeyey)
ps: v2b=
key: dhabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habeed
(Habeed-da)
Raadka kaadidu geela lugihiisa danbe ku reebto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeed
m.dh Raadka kaadida geelu lugihiisa dambe ku reebto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeed
f. n., [collective] dirt on camel's back legs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeed
-da: (magac, dhedig, keli) raadka kaadida geelu lugaha ku reebto, gaar ahaanna xilliga uu aadka u harraadan yahay. Habeenkaa wax laga dhiijiyaa dhay habeed badane. Dh: kaadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeed
de: dirt on camel's back legs
lx: habeed
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: habeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habeen
(Habeen-ka)
Inta u dhexaysa kolka qarraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxdo; (ama hameen, habeyn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeen
m.l (-nno, m.dh) Waqtiga u dhexeeya kolka qarraxdu dhacdo iyo kolka ay soo baxayso. la-mid: hameen.

m. n. night