habdhis-dareenwade
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdhis-dareenwade
m.l (-dayaal, m.l) (baay.) Habdhiska unugyada iyo nudaha xayawaannada unugyo badanleyda ahi ay ugu kala gudbiyaan wararka unugyada dareenka iyo organnada dhaqdhaqaaqa, sida, muruqyada iyo qanjidhada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis-dareen-wade
m.l (-dayaal, m.l) (baayoloji) Habdhiska unugyada iyo nudaha xayawaannada unugyo badanleyda ahi ay ugu kala gudbiyaan wararka unugyada dareenka iyo organnada dhaqdhaqaaqa, sida, muruqyada iyo qanjidhada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikaynoodeermaata
m.dh (baayoloji) Faylam wanqaran gacaneed laf dhabarla' ah oo had iyo jeer leh shan fallaadhood oo unugyo badanley ah, kuna nolol degaan badeed. Tusaale ah: kalluun xiddigeed. Faylamkani ma laha madax iyo habdhis dareenwade.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ikaynoodeermaata
m.dh (baay.) Faylam wanqaran gacaneed laf dhabarla' ah oo had iyo jeer leh shan fallaadhood oo unugyo badanley ah, kuna nolol degaan badeed. Tusaale ah: kalluun xiddigeed. Faylamkani ma laha madax iyo habdhis dareenwade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis-deegaan
m.l (-no, m.dh) (baayoloji) Beel bayolojiyeed iyo deegaanka muuqaaleed ee la xidhiidha iyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
unug-dareenwade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdhis-tirolabaale
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Habdhis tiro oo ku salaysan sal laba godadka 0 iyo 1 oo keliya ayaa la adeegsadaa, halka habdhiska tobanle lagu adeegsado toban god. Godadka waxa ay u taaganyihiin koowaad, labaadyo, afraadyo, siddedaadyo, toban iyo lixaadyo iyo wixi lamida; halka habdhiska tobanle ay u taaganyihiin koowaadyo, tobnaadyo, boqollaadyo iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis-limfeed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis-tobanle
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Habdhis tiro ee ku salaysan tirada toban. Tirooyinka waxaa lagu muujiyaa godadka 0, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, iyo 9 oo qiimahoodu ku xiran yahay hadba rugta ay yaalliin (eeg sal tiro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unug-dareen-wade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis-tiro-labaale