habdhis kulan
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdhis kulan
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Qaanuun, bar kasta oo ku taalla dulalaati lagu muujiyo urur tirooyin ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habdhis kulan
System, coordinate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdhiskulan
-ka: (magac, lab, keli) qaanuun, bar kasta oo ku taalla dulalaati lagu muujiyo urur tirooyin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis-kulan
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Qaanuun, bar kasta oo ku taalla dulalaati lagu muujiyo urur tirooyin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidib
dhidib¹: m.l (-bbo, m.dh) 1. Qori dheer, xooggan, af fiiqan leh oo godadka aqal Soomaaliga lagu qodo. 2. Qori yar oo godka dabinka gees laga geliyo oo lagu celiyo fitiligta. 3. la-mid: dhidbid.
dhidib²: m.l 1. (xisaab) Xarriiqda uu shaxan ku wanqaaranyahay. 2. (xisaab) Mid ka mid ah xarriiqyada tixraac ee maguuraanka ah ee lagu isticmaalo garaaf ama habdhis kulan. 3. (xisaab) Xarriiqda uu xood ama walaxi ku dul waniino.
dhidib³: f.g1 (-dbay, -dibtay; -dbi) Wax si adag dhulka ugu aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalis
m.l (-syo, m.dh) (xisaab) Urur tirooyin ah ama baro ah oo ku yaalla habdhis kulan oo qeexaya dhammaan qiimayaasha u dhexeeya laba bar dhammaad. Haddii labada bar dhammaad ay jiraan g.ka waa gaalin oodan, haddii an ku jirinna waa g. furan.

joometeriga saafan
m.l (xisaab) Barashada shaxanno joometeriyeed iyo xoodad iyada oo la isticmaalayo habdhis kulan iyo habab aljebareed; joometeriga kaart.

kulannada Kaartis
m.l (xisaab) Habdhis kulan ee rugta ay bari taallo lagu helo fogaanta ay bartaasi u jirto xarriiqyo tixraac oo lagu magacaabo dhidibbo. Laba addimaa-leyaasha waxaa la adeegsadaa laba xarriiqood, badanaaba labada xarriiqood waa ay isku qotomaan. Waxa ayna sammeeyaan habdhiska kulannada laydi. Xarriiqda jiifta waa dhidibka - x, tan taaganna waa dhidibka - y. Barta ay labada xarriiqood iska gooyaan 0, waa unugga habdhiska kullanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhidib
dhidib¹: m.l (-bbo, m.dh) 1. Qori dheer, xooggan, af fiiqan leh oo godadka aqal Soomaaliga lagu qodo. 2. Qori yar oo godka dabinka gees laga geliyo oo lagu celiyo fitiligta.
dhidib²: m.l 1. (xisaab) Xarriiqda uu shaxan ku wanqaaranyahay. 2. (xisaab) Mid ka mid ah xarriiqyada tixraac ee maguuraanka ah ee lagu isticmaalo garaaf ama habdhis kulan. 3. (xisaab) Xarriiqda uu xood ama walaxi ku dul waniino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaalis
m.l (-syo, m.dh) (xisaab) Urur tirooyin ah ama baro ah oo ku yaalla habdhis kulan oo qeexaya dhammaan qiimayaasha u dhexeeya laba bar dhammaad. Haddii labada bar dhammaad ay jiraan g.ka waa gaalin oodan, haddii an ku jirinna waa g. furan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
joometeriga saafan
m.l (xisaab) Barashada shaxanno joometeriyeed iyo xoodad iyada oo la isticmaalayo habdhis kulan iyo habab aljebareed; joometeriga kaart.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulannada Kaartis
m.l (xisaab) Habdhis kulan ee rugta ay bari taallo lagu helo fogaanta ay bartaasi u jirto xarriiqyo tixraac oo lagu magacaabo dhidibbo. Laba addimaaleyaasha waxaa la adeegsadaa laba xarriiqood, badanaaba labada xarriiqood waa ay isku qotomaan. Waxa ayna sammeeyaan habdhiska kulannada laydi. Xarriiqda jiifta waa dhidibka - x, tan taaganna waa dhidibka - y. Barta ay labada xarriiqood iska gooyaan 0, waa unugga habdhiska kullanka.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
System, coordinate
Habdhis kulan
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdhisdegaan
m.l (-no, m.dh) (baay.) Beel bayolojiyeed iyo deegaanka muuqaaleed ee la xidhiidha iyada.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habdhis tobanle
System, decimal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdhisdeegaan
-ka: (magac, lab, keli) beel bayolojiyeed iyo deegaanka muuqaaleed la xidhiidha.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hadhaa kul
After-heat
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hab Iskubah
System, Homogenous
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habdhis tiro
System, number
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis-deegaan
m.l (-no, m.dh) (baayoloji) Beel bayolojiyeed iyo deegaanka muuqaaleed ee la xidhiidha iyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis-tobanle
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Habdhis tiro ee ku salaysan tirada toban. Tirooyinka waxaa lagu muujiyaa godadka 0, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, iyo 9 oo qiimahoodu ku xiran yahay hadba rugta ay yaalliin (eeg sal tiro).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdhistobanle
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Habdhis tiro ee ku salaysan tirada toban. Tirooyinka waxaa lagu muujiyaa godadka 0, 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, iyo 9 oo qiimahoodu ku xiran yahay hadba rugta ay yaalliin (eeg sal tiro).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdhistobanle
-ha: (magac, lab, keli) habdhis tiro ee ku salaysan tirada toban. Tirooyinka waxaa lagu muujiyaa godadka 0,1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, iyo 9 oo qiimahoodu ku xiran yahay hadba rugta ay yaalliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) afbadnaanta birta wax goynaysa sida middida iyo billaawaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hadhsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaalan
(tilmaame) mid taageero haysta oo badhikintaalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdhismeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg habdhis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddii kale
conj-expr: if not, otherwise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddii kale
(adv) under other circumstances; otherwise (atharwaays) ~ si kale. Ex: haddii kale waan caawimaayaa; otherwise I might have helped
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalis furan
m.l (-syo ..., m.dh) (xisaab) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libdhisanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax libidhsan ahaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waqdhac huban
Certain event, sure event