habdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habdarro
(Habdarra-da)
Si xun u habaysan; agaasin xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdarro
m.dh Nidaamdarro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdarro
m.dh Nidaamdarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habdarro
f. n. disorder, untidiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdarro
-da: (magac, dhedig, keli) qaab xumo, si xun u samaysnaan. Dh: agaasinxumo, nidaam-xumo, maamulxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habdarro
de: disorder, untidiness
lx: habdarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: habdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabdarro
(Dhabdarra-da)
Gardarro; jid-darro; maag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabdarro
m.dh Gardarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabdarro
f. n. offense, injustice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabdarro
-da: (magac, dhedig, keli) arrin aan munaasib ahayn oo qof lagula kaco. Li: gardarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabdarro
de: offense, injustice
lx: dhabdarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhabdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabdarroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku dh.: cid dhabdarro kula kicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabdarroo
(fal) cid gardarro ku samee; hadal xun iyo canaan cid ku dheh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hayndarro
m.dh (daaw.) Soo dhaafid aan la ogeyn ee kaadida ama saxarada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabdarro
(Qaabdarra-da)
1. Qaab aan wanaagsanayn; qaabxumo.
2. Falfalxumo; baxaallixumo.
3. Foolxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabdarro
m.dh Qaab xumaanta ay wax leeyihiin; qaabxun. la-mid: qaabdarri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabdarro
m.dh Qaab xumaanta ay wax leeyihiin; qaabxun. la-mid: qaabdarri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaabdarro
f. n. mess, disorder, shapeless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaabdarro
-qaabdarrada: (n) shapelessness (sheeyp-les-nes); deformity (difoor'mati); ugliness (ag'li nes) ~ qaabxumo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qaabdarro
Cattiva maniera
Ill-manner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabdarro
-da: (magac, dheddig, keli) qaab xumaanta ay wax leeyihiin. Dh: qaabxumo.
qaabdarro -da: (magac, dhedig, keli) foolxumo muuqaalka iyo samayska guud ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaabdarro
de: mess, disorder, shapeless
lx: qaabdarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qaabdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afdarro
(Afdarra-da)
Af la'aan; saawirnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdarro
m.f.dh la-mid: afdarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdarro
f. n. (adj.): muteness, speechlessness; mute, speechless
afdarro [feminine] n., [abstract] bluntness, dullness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdarro
-da: (magac, dhedig, keli) af la'aanta bir ama aalad wax lagu jarto. Afdarrada billaawahan way muuqataa; baruur na kuuma jarayo. Dh: afbeel, saawirnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarro
-da: (magacwadareed) tartarka iyo. siddayaasha caloosha. Sabarrada gimraha lagu jaree lagu santaaleeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacdarro
(Dacdarra-da)
Rafaad iyo si xun ku noolaansho, (ka yimid hagar iyo iskullad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarro
m.dh Dhibaato badan oo ay nafley nolosha kala kulanto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacdarro
m.dh Dhibaato badan oo ay nafley nolosha kala kulanto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacdarro
f. n. mistreatment, neglect, not using something properly; oppression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacdarro
-dacdarrada: (n) lack of caring; mistreatment (mistiriitment) !
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarro
-da: (magac, dhedig, keli) rafaad iyo dayac dartood si xun u noolaansho. Dacdarro ayaan ku noolahay sannad in ka badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacdarro
de: mistreatment, neglect, not using s.t. properly; oppression
lx: dacdarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dacdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dandarro
(Dandarra-da)
Ayaandarro; dhibaato; dacas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandarro
m.dh Diif ka muuqata nafley oo ka timaadda nafaqo darro ama cudur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dandarro
m.dh Diif ka muuqata nafley oo ka timaadda nafaqo darro ama cudur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dandarro
f. n., [abstract] extreme poverty; bad luck; misery, suffering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dandarro
-dandarrada: (n) suferring (safarring) misery (mizari); poverty (po-verti) ~ dacdarro
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dandarro
Indigenza
Indigence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandarro
-da: (magac, dhedig, keli) hayndarro ama ayaandarro qof haysata. Dh: dhibaato, dacas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dandarro
de: extreme poverty; bad luck; misery, suffering
lx: dandarro
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dandarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawdarro
(Dawdarra-da)
Gardarro, jid-darro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawdarro
f. n., [abstract] injustice
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dawdarro
Torto
Wrongful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdarro
-da: (magac, dhedig, keli) gardarro aan daw lahayn. Dadka dawdarrada kala fadhiiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawdarro
de: injustice
lx: dawdarro
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dawdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardarro
(Gardarra-da)
Wax aan gar ahayn; xumaan; qallooc; dhabdarro; gef; gaboodfal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarro
m.dh Xumaan aan la mutaysan oo qof, qof kale ku sameeyo; gef; gaboodfal. la-mid: gardarri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gardarro
m.dh Xumaan aan la mutaysan oo qof, qof kale ku sameeyo; gef; gaboodfal. la-mid: gardarri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardarro
f. n. offense, wrong, injustice, intimidation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gardarro
-gardarrada: (n) the act of initiating aggression or hostilities; aggression (ag-reshen)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gardarro
Torto
Fault
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarro
-da: (magac, dhedig, keli) xadgudub lagula kaco cid kale; doondoonasho dawdarro ah. Gardarrada sokeeyaha rag baa gees biciid u leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardarro
de: offense, wrong, injustice, intimidation
lx: gardarro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: baaddil, jiddarro
key: gardarro
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gardarro
ظُلْم، إيذاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan la nidaamin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan la nidaamin ahaansho. m.f.dh, habdarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habdaran
Comp. adj., (ie. n., adj.): badly off; poorly organized, disorganized, disorderly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdaran
(tilmaame) si xun loo habeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habdaran
de: badly off; poorly organized, disorganized, disorderly
lx: habdaran
pd: (habdarnaa)
ps: adj-cmp
key: habdaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaaro
m.dh 1. Dhib, luggooyo iyo wixi lamida oo cid loo geysto. 2. Weyddiin badan oo cid aan wax hayn la weyddiiyo. la-mid: haydaarto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haydaaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg haydaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabrarro
(Kabrarra-da)
Geed-quwaaxa geed kamid ah oo xagarka qaarki u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabrarro
m.dh Geed quwaax gaaban, xagarka u eg oo leh asal wanaagsan. la-mid: gabrar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabrarro
f. n., [collective] tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabrarro
-da: (magac, dhedig, keli) geed bahda quwaaxa ka mid ah oo xagarka u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabrarro
de: tree sp.
lx: kabrarro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: kabrarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kasdarro
m.dh 1. Garasho yari. 2. Degga-naan la'aan iyo fudfudeyd cidi leedahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kasdarro
m.dh 1. Garasho yari. 2. Degganaan la'aan iyo fudfudeyd cidi leedahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasdarro
f. n., [abstract] slowness, lack of intelligence; hyperactiveness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasdarro
-da: (magac, dhedig, keli) caqlidarro iyo maangaabni. Dh: maandarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasdarro
de: slowness, lack of intelligence; hyperactiveness
lx: kasdarro
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: kasdarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacdarro
-da: (magac, dhedig, keli) tamar iyo itaalla'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqdarro
m.dh Eex; caddaalad xumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaqdarro
m.dh Eex; caddaalad xumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaqdarro
f. n., [abstract] injustice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaqdarro
-ah: (adj) unjust (anjast); unfair (an-feer); biased (baaysidh) ~ caddaalad daro.
xaqdarro -xaqdarrada: (n) injustice (in-jas-tis); unjust act
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqdarro
-da: (magac, dhedig, keli) dulmi iyo xadqudub cid lagu sameeyo oo xaq wuxuu u lahaa sharcidarro looga horjoogsado. Dh: xadgudub, dulmi, caddaalad darro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaqdarro
de: injustice
initial: x
lx: xaqdarro
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: xaqdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabdarrood
(Dhabdarrood-ka)
Dhabdarro kula kicid: gardarrood; jiddarrood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabdarrood
m.f.l eeg dhabdarroo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabdarrood
m. n. state of being treated unjustly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabdarrood
-ka: (magac, lab, keli) hadalxun iyo canaan cid lagu yidhaa. Dhiig yimiddaaba dhabdarrood hadh. Dh: gardarrood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabdarrood
de: state of being treated unjustly
lx: dhabdarrood
pd: (-ka)
ps: n-m
key: dhabdarrood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayn-darro
m.dh (daawo) Soo dhaafid aan la ogeyn ee kaadida ama saxarada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabardarro
f. n. weakness, lack of strength or energy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabardarro
-tabardarrada: (n) weakness (wiik-nes); feebleness (fiibal-nes); impotence (im-po-tansi); incapability; lack of power or strength ~ tabaryari, taagdarro
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabardarro
de: weakness, lack of strength or energy
initial: t
lx: tabardarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tabardarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayadarro
-da: (magac, dhedig, keli) waxtar la sugayey oo lagu hongoobay. Dh: aayadarni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacdarrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax dacdarro la kulmay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacdarrow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax dacdarro la kulmay noqosho. m.f.dh, dacdarroobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacdarrow
inch. v. live in distressful circumstances, be neglected ~ distressed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacdarrow
(fal) wax bisaaradaysan oo baahi hayso noqo. Shaqo adaa diidee weligaaba dacdarrow. Dh: bisaaradow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacdarrow
de: live in distressful circumstances, be neglected ~ distressed
lx: dacdarrow
pd: (dacdarroobay)
ps: v1=inch
key: dacdarrow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawdarroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku d.: qof, cid kale gaf ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawdarroo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku d.: qof, cid kale gaf ku samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdarroo
(fal) gardarro aan jid lahayn cid kula kac. Dh: gardarraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurdarro
m.dh Aayaxumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhurdarro
f. n., [abstract] disgrace; unhappiness; misfortune