habboonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habboonaan
(Habboonaan-ta)
Si toosan ahaan; habbanaan; wanaagsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habboonaan
m.f.dh eeg habboon. la-mid: habbanaan, habbanaansho, habboonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habboonaan
f. n., [abstract] suitability, appropriateness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiicnaanta iyo si wanaagsan ahaan; si habboon ahaan. Hablaha Soomaaliyeed habboonaanta waa lagu yaqaan. Dh: wacnaan, saxsanaan, fiicnaan. Li: qaaldanaan, qalloocsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habboonaan
de: suitability, appropriateness
lx: habboonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: habboonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonayn
-ta: (magac, dhedig keli) si habboon ka dhigid; wanaajin. Dh: habboonays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ikhtiyaar la'aan, aan xorriyad la haynin. Dh: qasboonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habbanaan
(Habbanaan-ta)
Si habban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habbanaan
m.dh la-mid: habboonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habbanaan
f. n., [abstract] correctness, rightness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si habban ama toosan ahaan. Aad baan ugu farxay sida habbanaanta leh ee aad xaajada u gashay. Dh: haboonaan, wanaagsanaan, toosnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habbanaan
a: habboonaan
de: correctness, rightness
lx: habbanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: habbanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonay
(fal) si habboon ka dhig; wanaaji; si wacan oo wanaagsan ka dhig. Dh: hagaaji, wanaaji, haboonay. Li: xumee, xumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamboonaan
m.dh la-mid: gemboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax afka u rogan ahaan; genboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habboonayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nabad iyo ammaan ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuntamid
(Cuntamid-da)
(u cuntamid) Cunto u noqon kara; u dhigmid; u qalmid; ku habboonaansho; istaahilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habbanaansho
m.l/dh la-mid: habboonaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
convenience
/konviiniyansi/ (n) 1. habboonaan (n) 2. sahlanaan (dhib yaraan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
expediency
/ikispiidhiyansi/ (n) 1. habboonaansho (duruufta ku-habboon) (n) 2. danays-tanimo (dan shakhsi ah eegasho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fit in
/fit-in/ (v) ku-habboonaansho, waafiqid, la mid-noqosho (v) 2. gelin, ku-ciriiryid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fitness
/fitnes/ (n) 1. jir-dhisnaan, caafimaad-qab (n) 2. habboonaan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
adattarsi
v.rifl. - ku habboonaan, qabatimid, la qabsasho.
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
suit (V)
ha belnaadhaal; his bardhaal
ku habboonaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuddoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) habboonaan; wax cuddoon ahaan; toolmoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuntamid
-da: (magac, dhedig, keli) u qalmid; habboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuntan
(fal) (u ~) u qalan; ku habboonaw.
cuntan -ka: (magac, lab, keli) «u ~» u qalmid; ku habboonaan; istaahilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqmaati
-ga: (magac, lab, keli) wax, in la dhaqdo ku habboonaan; wax dhaqmi kara ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qumman ahaan. Hagaagsanaan baa himiladaada lagu hantaa. Dh: habboonaan, toosnaan, fiicnaan. Li: qaldanaan, xumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) habboonaan wanaagsanaan. Maadoonaantu waa waxaan ku doortay. Dh: suubbanaan, fiicanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalmid
-da: (magac, dhedig, keli) u cuntamid, u dhigmid, ku habboonaan. Isku qalmidda wiilka iyo gabadha waa la isku raacay. Dh: istaahilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shacni
-ga: (magac, lab, keli) bilic ama qurux, habboonaan; fiicnaan. Dh: bilic. Li: foolxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habboonaansho
m.l/dh la-mid: habboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonaansho
-ha: (magac, lab, keli) si habboon ahaansho; wanaagsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaabboonaan
m.f.dh eeg asaabboon. la-mid: asaabboonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaabboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan gefaf lahayn oo daacad ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbacnaan
m.f.dh eeg dhabbacan. la-mid: dhabbacnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si dhabbac ah u jiifsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlloonaan
m.dh la-mid: hawllanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlloonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid mashquulsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawshoonaan
m.dh la-mid: hawllanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
okobboonaan
m.dh la-mid: okobbanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
okobboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) oggolaan, diidmo la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobboonaan
m.f.dh eeg toobboon. la-mid: toobboonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toobboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaagsanaan; habboonaan. Dh: gudboonaan, toolmoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habboon
Si toosan; habban; eg; wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habboon
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax hagaagsan ahaansho. 2. Ku h.: Wax, wax ku fiican ahaansho. la-mid: habban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habboon
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax hagaagsan ahaansho. 2. Ku h.: Wax, wax ku fiican ahaansho. m.f.dh, habboonaan. la-mid: habban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Habboon
pr. n., [feminine] Habon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habboon
der. [adjective] suitable, appropriate, correct, rightful
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Habboon
name-f suitable, appropriate, correct, rightful. Cf: Habban, Habbane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habboon
-aa: (n) appropriate to a purpose or an occasion: suitable (suutabal), appropriate (aporo-piryeeyt)-, suited (suutidh), proper (proper)-, fit (fit) ~ ku habboon
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Habboon
Appropriato; adatto
Appropriate; suitable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Habboon
gabadh laga filayo inay dhinac kasta ka wanaagsanaato oo ay habdhaqan dumar oo wanaagsan yeelato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboon
(tilmaame) si toosan; si wanaagsan. Dh: toosan wanaagsan. toolmoon. Li: qaloocan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
habboon
مُناسِب، مُلائم
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habbooni
-da: (magac, dhedig, keli) wanaagsani; si habboon ahaan. Dh: sami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arkoonaan
m.f.dh eeg arkoon. la-mid: arkoonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arkoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la arkay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbanaan
(Cabbanaan-ta)
Ku cabban ahaan; nuglaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbanaan
m.f.dh eeg cabban. la-mid: cabbanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbanaan
f. n., [abstract] weakness, incapability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) adkaysi la'aan; nuglaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbanaan
de: weakness, incapability
lx: cabbanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: cabbanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ebyoonaan
(Ebyoonaan-ta)
Wax dhammaystiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebyoonaan
m.dh la-mid: ebyanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ebyoonaan
f. n. completion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ebyoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ebyanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ebyoonaan
de: completion
lx: ebyoonaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: ebyoonaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habboon_1
a: habban
de: suitable, appropriate, correct, rightful
hm: 1
lx: habboon
pd: (habboonaa)
ps: adj-der
key: habboon_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Habboon_2
de: Habon
hm: 2
lx: Habboon
ps: name-f
key: Habboon_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonee
(fal) eeg habboonay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habboonow
inch. v. be suitable, right ~ proper; become appropriate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonow
(fal) wanaagsanoow; si habboon noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habboonow
a: habboonoow
de: be suitable, right ~ proper; become appropriate
lx: habboonow
pd: (habboonaaday)
ps: v3a=inch
key: habboonow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboobaan
m.f.dh eeg qabow³. la-mid: qaboobaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboobaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ama meel aan diirranayn oo qabaw ah ahaan. Sharaabku qaboobaan ayuu ku macaan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabburnaan
m.f.dh eeg aabburan². la-mid: aabburnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabburnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo wax la mid ah oo daboolan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbirnaan
m.f.dh eeg cabbiran. la-mid: cabbirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) walax inta ay tahay qiyaasteeda ogaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cusboonaan; qurxoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonaan
m.f.dh eeg cusboon. la-mid: cusboonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusboonaan
f. n., [abstract] newness, freshness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusboonaan
de: newness, freshness
lx: cusboonaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: cusboonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dabbaqay oo sidii uu ahaa loo fuliyay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbisnaan
m.f.dh eeg dabbisan. la-mid: dabbisnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboolnaan
m.f.dh eeg daboolan². la-mid: daboolnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dahsoonaan
(Dahsoonaan-ta)
Wax dahsoon ahaansho; muuqasho la'aan; qarsoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahsoonaan
m.f.dh eeg dahsoon². la-mid: dahsoonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahsoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dahsoon oo aan indhaha dadka u muugan ahaan. Dh: qarsoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gemboonaan
m.f.dh eeg gemboon. la-mid: gemboonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudboonaan
(Gudboonaan-ta)
Gudboonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudboonaan
m.f.dh eeg gudboon. la-mid: gudboonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudboonaan
f. n., [abstract] appropriateness, suitability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) «la la sinnaan ama ku toosnaan.
gudboonaan-ta: (magac, dhedig, keli) «la ~» wax ku habboon ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudboonaan
de: appropriateness, suitability
lx: gudboonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: gudboonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarnaan
m.f.dh eeg habaaran². la-mid: habaarnaansho.