habbane
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Habbane
name-m right, correct, suitable, nice. Syn: Habban. Cf: Habboon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Habbane
magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu noqdo nin wanaagsan oo habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habban
Sidii ekayd ah; toosan; habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habban
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: habboon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habban
der. [adjective] right, correct, suitable, nice
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Habban
name-f right, correct, suitable, nice. Syn: Habbane. Cf: Habboon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Habban
magac loo baxsho gabadh la filayo in ay dhaqan wanaagsan oo lagu jeclaado yeelato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habban
(tilmaame) sidii fiicnayd ah. Si habban ayaa doodda looga qayb qaatay. Dh: haboon, ekoon, qumman, toosan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habban
a: habboon
de: right, correct, suitable, nice
lx: habban
pd: (habbanaa)
ps: adj-der
key: habban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbane
(Cabbana-ha)
Geed saliiddiisa laysku dacarfaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbane
m.l Geed saliiddiisa la isku qaras falo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbane
m.l Geed saliiddiisa la isku qaras falo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabbane
name: Abbane
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbane
m. n., [collective] plant species, used as a purgative
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabbane
name-m well-armed, ready for combat; a well-built man; shapely. Cf: Cabban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cabbane
magac loo bixiyo wiil dabacsanaan laga arkay markuu dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbane
-ha: (magac, lab, keli) geed saliiddiisa la isku dacarbixiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabbane
-ha: (magac, lab, kali) qaadka la cuno subaxa ilaa qadada horteed.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Habboon
name-f suitable, appropriate, correct, rightful. Cf: Habban, Habbane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibbane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Qof dhibaato la gaarsiiye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibbane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Qof dhibaato la gaarsiiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibbane
m. n. injured party, victim (of theft ~ accident)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibbane
-dhibbanaha: (n) victim (vik-tem); sufferer (safa-rar); persecutee (peer-sikiyuutii)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibbane
-ha: (magac, lab, keli) qofka dhibta loo geysto ee wax tabanaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibbane
de: injured party, victim (of theft ~ accident)
lx: dhibbane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhibbane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabbanee
(fal) cun subaxa hore jaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shibbane
(Shibbana-ha)
1. Xaraf aan keligi lagu dhawaaqi karin; waxaa la maqli karaa kolka shaqal weheliyo; xaraf kasta oo aan shaqal ahayn.
2. Aammusane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shibbane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (naxwe) Xaraf aan kaligii lagu dhawaaqi karin in shaqal lagu daro ma ahee; waxaa la maqli karaa kolka uu shaqal weheliyo. Tusaale: “b(a), t(a), j(a) iyo wixi lamida”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shibbane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (naxwe) Xaraf aan kaligii lagu dhawaaqi karin in shaqal lagu daro ma ahee; waxaa la maqli karaa kolka uu shaqal weheliyo. Tusaale: b(a), t(a), j(a) iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shibbane
m. n. silent person, quiet thing
shibbane m. n. consonant {grammar} b, c, d, dh, f (etc.)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shibbane
nickname; name-m silent, mum, not talking, quite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shibbane
-shibbanaha: (n) [plural shibbanayaal -sha] 1. a consonant (kon-se-nant); [as distinct from a vowel] a letter such as b, kh, 1, m... 2. one who does not speak
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibbane
-ha: (magac, lab, keli) alifba'da farta inta neg oo aamusan oo aan keli ahaan loogu dhawaaqi karin, midkood; shibbanaha waxa codkiisa haga ku xidhiidhinta shaqalka oo marba docda uu ka raaco ama caynta uu yahay ku hoggaamiya ku codayntiisa; waxa ka mid ah shibbanayaasha far Soomaaliga: b, c, d, f, g iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haban
(magacuyaal) tilmaama qofka kowaad oo wadar ah. Haddi ay socdeen, haban ka daba tegno. Dh: aan, han.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abyane
Characteristic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abyane
-ha: (magac, lab, keli) 'logaridam' erey xisaabta loo adeegsado oo tilmaama qayb ka mid ah logaridamka tiro ee ah abyoonaha ku yaalla bidixda barta tabanlaha logaridamka.
abyane-ha: (magac, lab, keli) 'huban' erey xisaabta loo adeegsado oo tilmaama jawaabta abyanka fansaar kasta ee hal doorsoome.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babban
m.l (-nno, m.dh) la-mid: bamban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babban
-ka: (magac, lab, keli) qori darandoorri u dhaca co ay rasaastu silsilad ugu taxantahay. Dh: boobe, biriggaan, haridalool.
babban: (tilmaame) mid walhanaya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cabane
cabane, n.f. - Dargad; Cariish.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabban
Aan waxba u adkaysan karin; aan dhabar adkayn; aan hawlkar ahayn: jilicsan; nugul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax adkaysi yar leh ahaansho; nuglaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabban
pr. n., [feminine] Abban
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabban
[adjective] weak, feeble
cabban [adjective] well-armed, ready for combat; well-built (man), shapely, well-proportioned (woman)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabban
name-f well-armed, ready for combat; shapely, a well-proportioned woman. Cf: Cabbane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabban
(tilmaame) aan waxba u adkaysan karin; aan dhabar'adayg lahayn. Dh: jilicsan, nugul. Li: adag, carcar, firfircoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habbin
(Habbin-ta)
Wax culus oo ballaaran korka ka saarid; ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habbin
m.f.dh eeg habbi. la-mid: habbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habbin
-ta: (magac, keli) cid kale, wax culus oo ballaadhan korka ka saarid ama ku dhifasho. Dh: habbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habqan
habqan¹: m.l 1. Socod daal iyo dhibaato darteed dad wada socda ku kala haraan. 2. Dhawaaq dad kala dambeeyaa isdhaafsadaan.
habqan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Habqan samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habqan
v. walk in succession, one after the other
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habqan
-ah: (adj) coming one after another irregularly; happening an irregular sequence ~ kala socda
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habqan
(fal) hadal aan macno lahayn iska dheh; si aan caddayn u yeedhyeedh. Dh: yabaq.
habqan: (fal) dad, col ama ciidan, si aan habaysnayn u soco; si iska daba tegid ah u soco.
habqan -ka: (magac, lab, keli) hadal badan oo an macno iyo milgo lahayn.
habqan -ka: (magac, lab, keli) socod ama orod isdhexyaac ah oo ay dadku kala hadhhadhayaan. Dh: habayaaq.
habqan-ka: (magac, lab, keli) dad ama wax kale oo raaberaabe ama kooxkoox u socda. Habqankaagii, hadba qaar yimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habqan
de: walk in succession, one after the other
lx: habqan
pd: (habqamay)
ps: v1=
key: habqan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Wax si fiican loo farsameeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habsan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Wax si fiican loo farsameeyey ahaansho. m.f.dh, habsamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsan
der. adj.; [adv.]: orderly, organized; methodically
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habsan
-ah: (adj) 1. absent (ab sent), not present. 2. having a systematic arrangement; neat (niit); orderly (oordherli)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Habsan
magac loo baxsho gabadh hannaan wanaagsan oo bilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsan
(tilmaame) mid maqan oo aan joogin ama raagay.
habsan: (tilmaame) qaab wanaagsan oo qumman; hab cuddoon. Si habsan dirayska u xidho. Dh: nidaamsan, qurxoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habsan
de: orderly, organized; [adv.] methodically
lx: habsan
pd: (habsamaa)
ps: adj-der
key: habsan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
havane
havane, n.f. - nooc tubaakada kamid ah ama sigaarka oo laga helo Kuuba
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabane
-ha: (magac, lab, keli) qof badanaa shark shaqeeya oo aan la fahmin isuna muujiya i wanaagsan yahay. Iska ilaali nabane kugumaga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. (kiimika) Laba saldanab oo isla eg ee walxuhu leeyihiin middood oo elektaroonadu xambaarsan yihiin. 2. (xisaab) Tiro xisaabeed oo eber ka yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. (kiim.) Laba saldanab oo isla eg ee walxuhu leeyihiin middood oo elektaroonadu xambaarsan yihiin 2. (xisaab) Tiro xisaabeed oo eber ka yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabane
m. n. negative number
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabane
-tabanaha: (n) [Mathematics]; negative number (nega-tiv nambar); a number with the negative sign [ - ]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabane
-ha: (magac, lab, keli) wax ka dhiman yihiin. Bisha toomanta ahi waa tabane. Dh: dhiman,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabane
de: negative number
initial: t
lx: tabane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tabane
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cabbage
/kaabbij/ (n) kaabash (khudrad sida salarka u eg).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cabbage
/kaabij/ (n) hunshagaar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cabbage
n., kobi, -gi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbani
-da: (magac, dhedig, keli) waxba u adkaysi la'aan; samir iyo adkaysi la'aan. Dh: jilicsani, nugli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbare
-ha: (magac, lab, keli) lacag ay dawladdu dadka ka qaaddo. Dh: gabbaro, canshuur.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAWRANE
(Hawrane) N Cleome brachycarpa DC. Capparidaceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbane_1
de: plant sp., used as a purgative
hm: 1
lx: cabbane
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: cabbane_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cabbane_2
cf: Cabban
de: Abban
hm: 2
lx: Cabbane
ps: name-m
key: Cabbane_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Cid gardarro kula kicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbaqee
v. insult, offend
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbaqee
(fal) cid iska maag oo aflagaadee. Dh: gardarroo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbaqee
de: insult, offend
lx: dhabbaqee
pd: (dhabbaqeeyey)
ps: v2b=tr
key: dhabbaqee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habacsane
-ha: (magac, lab, keli) qofka jilicsan ee karti la'aan darteed kala daadsan. Dh: habacyac, doqon. Li: firfircoone. Wa: habacsaneyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habbanaan
(Habbanaan-ta)
Si habban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habbanaan
m.dh la-mid: habboonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habbanaan
f. n., [abstract] correctness, rightness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si habban ama toosan ahaan. Aad baan ugu farxay sida habbanaanta leh ee aad xaajada u gashay. Dh: haboonaan, wanaagsanaan, toosnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habbanaan
a: habboonaan
de: correctness, rightness
lx: habbanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: habbanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonee
(fal) eeg habboonay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) la-mid: shaabbadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shabbadee
v. stamp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabbadee
(fal) shabbad ku dhufo; tiimbaree; shaabbadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shabbadee
de: stamp
initial: s
lx: shabbadee
pd: (shabbadeeyey)
ps: v2b=
key: shabbadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabuubane
m.l Badar aan wasaq lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbaale
-ha: (magac, lab, keli) nin aabbihii noolyahay. Li: agoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banbaane
-ha: (magac, lab, keli) eeg bam.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabban_1
de: weak, feeble
hm: 1
lx: cabban
pd: (cabbanaa)
ps: adj
syn: jilicsan
key: cabban_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabban_2
cf: Cabbane [name-m]
de: well-armed, ready for combat; [fig.] well-built (man), shapely, well-proportioned (woman)
hm: 2
lx: cabban
pd: (cabbanaa)
ps: adj
key: cabban_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cabban_3
cf: Cabbane
de: Abban
hm: 3
lx: Cabban
ps: name-f
key: Cabban_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhababan
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Meel duleesha wax la dhababay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhababan
(tilmaame) weel ama meel afka ka oodan oo aad loo adkeeyey. Bohoshu way dhababan tahay. Dh: jufan, awdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbaco
f.g/mg3 (-cday, -catay) Dhabbac u jiifsasho (qof). la-mid: dhambacaadso.