habaysni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaysni
-da: (magac, dhedig, keli) hab iyo hannaan wanaagsan lahaansho. Dh: qaabsani, nidaamsani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farangaaggo
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala taagtaagan oon isku dubbaridnayn; wax meel ku wada yaal laakiin u kala farcama si an habaysnayn. Dh: kala taagtaagni. Li: habaysni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaysmid
m.f.dh eeg habaysan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaysmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hab iyo hannaan leh noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaysni
-da: (magac, dhedig. keli) eeg waabaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habayn
(Habayn-ta)
Hannaan wanaagsan u yeelid; qaab iyo hab qurux badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habayn
m.f.dh eeg habee. la-mid: habays.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habayn
Regulation
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
habayn
to organize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habayn
-ta: (n) organizing, ordering or arranging ~ isku-duwid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Habayn
Impostazione
Setting up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab ama hab quruxsan oo loo bogo u yeelid. Hawsha fulinteeda, habayn baa ka horraysa. Dh: qaabayn, habays, nidaamin, qurxin, hannaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habays
(Habays-ka)
Habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habays
m.l la-mid: habayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habays
vl. n. act of ordering, arranging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habays
-ka: (n) the act of organizing; arrangement (a-reenjiment), organization (orgizaayshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habays
-ka: (magac, lab, keli) qaab wax loo dhigo ama loo qorsheeyo laftiisa. Habayska ayaa markii hore idinka xumaaday. Dh: qaabays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habays
de: act of ordering, arranging
lx: habays
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: habays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afaysani. afayso: (fal) mindi iyo wax la mid ah af u yeelo. Dh: soofayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaasi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Boor kicin. 2. Neef riman candho keenid; carin; gorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaasi
v. blow dust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaasi
(fal) siigo kici, awaaree. Dh: siigay, siigee, awaaree.
habaasi: (fal) neef rimman, muuji calaamadihii dhalitaanka oo gor yeelo; candhada weynee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaasi
de: blow dust
lx: habaasi
pd: (habaasiyey)
ps: v2a=
key: habaasi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habayso
v.auto: plan, organize
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habayso
de: plan, organize
lx: habayso
pd: (habaystay)
ps: v3b=auto
key: habayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax kaa fog gaadhiddiisa ku hamiyid. Dh: haloosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysi
(Labaysi-ga)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysi
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg labaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaysi
-ga: (magac, lab, keli) jidh maydhasho. Saabuun ayaa qabaysiga loogu talagalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysni
-da: (magac, dhedig, keli) mid cadhaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabayshi
m.l la-mid: dabayshad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka g.: qof gabay ku beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaysii
(fal) ka dhig inuu gabyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaysan
habaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la nadaamiyey noqosho.
habaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la nadaamiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaysan
habaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la nadaamiyey noqosho. m.f.dh, habaysmid.
habaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la nadaamiyey ahaansho. m.f.dh, habaysnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaysan
-aa: (adj) systematically; ordered (oordheridh), arranged (areenjidh), methodical (methodikal) ~ hannaan leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaysan
(tilmaame) wax nidaamsan oo isku hagaagsan. Waxa lagaa rabaa shaqo habaysan. Dh: nidaamsan, hannaansan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaysni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg jibaysnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaynnimo
-habaynnimada: (adv) during the night; overnight (oovarnaayt) ~ isla habaynkaas, habeennimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaysnaan
m.f.dh eeg habaysan². la-mid: habaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hab iyo hannaan fiican u dhignaan. Dh: hannaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka d.: wax, wax kale gadaashooda dhigid. m.f.dh, dambaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaysii
(fal) ha laga horreeyee u dambaysii; xagga dambe gee. Hadalkaaga dambaysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaysiin
m.f.dh eeg gabaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, u oggolow inuu gabay tiriyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaysani
-da: (magac, dhedig, keli) wax galaysan ahaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habacsane
-ha: (magac, lab, keli) qofka jilicsan ee karti la'aan darteed kala daadsan. Dh: habacyac, doqon. Li: firfircoone. Wa: habacsaneyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabaysi
(Halabaysi-ga)
Halabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabaysi
m.l la-mid: halabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg halabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaysad
m.l la-mid: haybadeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubaysmid
m.f.dh eeg hubaysan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaysii
(fal) cid kale, ka xishoodsii ama ceeb dareensii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khawaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Been iyo khayaano cid ka dhaadhicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khawaysii
v. confuse, mislead, bamboozle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khawaysii
(fal) mukhawi ka dhig oo wareeri; maskaxda ka qabso. Dh: khalad, habaabi, wareeri, qawisii. Li: waani, toosi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khawaysii
de: confuse, mislead, bamboozle
lx: khawaysii
pd: (khawaysiiyey)
ps: v2a=
key: khawaysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg labacsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Ka sh.: qof in uu shaqo qabto ku kallifid. 2. Ka sh.: matoor iyo wixi lamida oo aan shaqaynayn hagaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqaysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Ka sh.: qof in uu shaqo qabto ku kallifid. 2. Ka sh.: matoor iyo wixi lamida oo aan shaqaynayn hagaajin. m.f.dh, shaqaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabaxsani
-da: (magac, dhedig, keli) mid wabaxsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yakaysani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yakaysanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aasnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haban
(magacuyaal) tilmaama qofka kowaad oo wadar ah. Haddi ay socdeen, haban ka daba tegno. Dh: aan, han.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habas
(Habas-ka)
Shinbir yar oo u badan inuu dhulka dhabbacdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habas
m.l (-syo, m.dh) Shimbir yar oo midab dambas ah leh oo badanaa dhulka dhabbacda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habas
m. n., [collective] small bird species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habas
-ka: (magac, lab, keli) shimbir yar oo dhulka u eg oo minjo yaryar. Badanaa dhulka ayay dhabbacataa. Habastu baadkay wax ku dhirbaaxdaa. Dh: hanbadh, ugubi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habas
de: small bird sp.
lx: habas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: habas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habay
(Habay-ga)
Weel cusub oo la tolay (gocoy), kolka biyo ama wax kale oo la mid ah lagu shubo, sii deynta uu sii daayo, oo dhibcuhu aayar aayar, daldaloollada tolmada uga soo baxbaxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habay
habay¹: m.l 1. H. ah: weel cusub oo la tolay, markaa la agloolay oo hoorihii lagu shubo sii daaya. 2. la-mid: habyid. la-mid: habayo.
habay²: f.mg1 (-byay, -bayday; -byi) Weel dareere lagu shubay sii dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habay
f.mg1 (-byay, -bayday; -byi) Weel dareere lagu shubay sii dayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habay
m. n. leak; condition of new woven vessel that leaks slightly; special utensil for feeding a baby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habay
(fal) hannaani oo qurxi; nidaami oo hagaaji.
habay-ga: (magac, lab, keli) weel dhawaan la tolay oo cusayb ahaan wixii lagu shubo u sii daaya ama ay uga tiftifqaan. Habaygii biyaha qubay, miyuu dhibic hanbeeyaa. Dh: gocay, habayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habay
de: leak; condition of new woven vessel that leaks slightly; special utensil for feeding a baby
lx: habay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: habay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg habsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haysi
m.l la-mid: haysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg haysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayn
(Aabayn-ta)
1. Tixgelin; aabayeelid; daryeelid.
2. (weel) xoolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabayn
m.f.dh eeg aabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aabbayeelid iyo tixgelin. Aabbaynta waalidku waa axsaan loo aayo.
aabayn-ta: (magac, dhedig, keli) samo iyo wanaag abaabulid oo wanaajin. Umuurtii aad leedahay ninkii, kuu aabaynaaya. Dh: habayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaydi
v. wean
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaydi
-yey -say: (n) wean (wiin); accustom [the young camel] to take nourishment other than by suckling ~ naas ka goyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaydi
de: wean
lx: abaydi
pd: (abaydiyey)
ps: v2a=
key: abaydi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bir la geliyey dhamac ama bayteriga oo dab iyo tamar loo yeelo iyadoo la adeegsanayo koronto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabays
-ka: (magac, lab, keli) dab u yeelis. Dabays badan weli umaad yeelin birtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg haadsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaas
(Habaas-ka)
1. Ciidda budada ah oo waddooyinka, kd., ka kacda; boor; siigo; awaare; bus.
2. (xoolo) Jimic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaas
m.l 1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaas
m.l 1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaas
m. n., (mass n.): dust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaas
-ka: (n) dust (dhast) ~ boor, firo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaas
-ka: (magac, lab, keli) ciid iyo boodh cawlan oo budo ah kana kaca meelaha banka iyo waddooyinka xilliyada dabayluhu dhacayaan. Carruuri habaas gashoo hooyadeed ku reebtay. Dh: boodh, siigo, awaare, bus.
habaas -ka: (magac, lab, keli) marka neefka sidkiisu dhammaado ee dhalmo qarka u saaran yahay. Habaasku si fiican buu candhada rida uga muuqdaa. Dh: jimic, dhays, caris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaas
cf: boor, bus, siigo, sufur
de: dust
lx: habaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-mass
key: habaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habayo
(Habaya-da)
Weel habya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habayo
m.l 1. Weel biyood. 2. la-mid: habay¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habayo
f. n. leaky vessel; improvised baby feeder