habar_gidir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Habar_Gidir
cf: Hawiye
de: clan name
lx: Habar Gidir
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: Habar_Gidir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Habar Gidir
f. n. clan name
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habarjiid
Milky Way
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabarjeedin
m.f.dh eeg dhabarjeedi. la-mid: dhabarjeedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarjeedin
-ta: (magac, dhedig, keli) sii jeedsasho oo orod isa sii dayn; dagaal ka baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabarjeedis
m.l la-mid: dhabarjeedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarjeedis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhabarjeedin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Habar_yoonis
cf: Isaaq
de: clan name
lx: Habar yoonis
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: Habar_yoonis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aargudid
(Aargudid-da)
Aarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargudid
m.f.dh eeg aargud. la-mid: aargudasho, aargudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargudid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) ciddaada oo aano loo geystay, ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargudis
m.dh la-mid: aargudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargudis
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» cid kale aanadeed celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarugid
m.f.dh eeg baarug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariidin
(Bariidin-ta)
Weyddiin in nabad lagu baryey; aroor nabdaaddiyid; waabberigii salaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariidin
m.f.dh eeg bariidi. la-mid: bariidis, bariido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bariidin
m.f.dh eeg bariidi. la-mid: bariido (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariidin
-ta: (magac, dhedig, keli) tooyashada waxay ku baryeen ama ogaanshaha xaalkooda. Bariidin idiin ku imid baryo uma socon. Dh: salaan, nabaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariidis
m.l la-mid: bariidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasariir
°(Gasariir-ka)
1. Abaar aad iyo aad u xun.
2. Jimicdarro; naxdin la'aan; (ama geseriir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasariir
gasariir: m.dh (-rro, m.dh) Ceeb weyn.
gąsariir¹: m.l 1. Abaar daran. 2. Turriinsho la'aan; naxdiin la'aan. la-mid: geseriir¹.
gąsariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Wax abaar darani heshay ahaansho. 2. Wax aan raxmad lahayn noqosho. la-mid: geseriir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gasariir
gąsariir: m.l 1. Abaar daran. 2. Turriinsho la'aan; naxdiin la'aan. la-mid: geseriir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gasariir
m. n. severe drought, famine; emaciation
gasariir v. be starved, weak and emaciated ~ deformed by malnutrition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasariir
-ka: (magac, lab, keli) naxdin la'aan.
gasariir -ka: (magac, lab, keli) meel abaar ah. Waa gasariir meeshuye xoolaha ha iska geyn. Dh: gabaahiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaligid
-da: (magac, dhedig, keli) si aad iyo boob ah wax u cunid. Haldhaa iyo maroodaan bartiyo yey wax haaliga'e. Dh: hiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabid
(Habaabid-da)
Iska socosho, iyadoo aan dhulka la mara hayo, la kala garanayn; lumid; anbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabid
m.f.dh eeg habow². la-mid: habow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabid
-da: (magac, dhedig, keli) lumid meeshii habboonayd meel aan ahayn la maro. Dh: lumid, ambasho, dayow, asqoobid, hallaabid, habaabis, lumitaan, hallaabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarid
(Habaarid-da)
Qof, kd., wax xun ugu duceyn; inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarid
m.f.dh eeg habaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax xun iyo dhib Alle uga baryid. Habaaridda laguma degdego. Li: ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaryar
(Habaryar-ta)
Hooyada walaasheed ama abtiga walaashi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaryar
m.dh (-ro, m.l) Hooyada walaasheed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaryar
m.dh (-ro, m.l) Hooyada walaasheed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaryar
f. n., [compound] maternal aunt, mother's sister
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaryar
-ta: (n) the sister of one's mother; aunt (aunt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaryar
-ta: (magac, dhedig, keli) hooyo walaasheed. Habaryar waa hooyo naasa la'. Dh: habo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaryar
cf: abti (mother's brother), eeddo (father's sister)
de: maternal aunt, mother's sister
lx: habaryar
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
key: habaryar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafarmid
m.f.dh eeg hafaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafarmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax aan la siin, lagu sheegay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagaagid
(Hagaagid-da)
1. Qallooc la'aan u socosho; si toosan u dhaqaaqid.
2. Sidii la rabey noqosho; wanaagsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaagid
m.f.dh eeg hagaag². la-mid: hagaag¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) qallooc la'aan u socosho; si toosan ah u dhaqaaqid.
hagaagid -da: (magac, dhedig, keli) wax markii hore qaldanaa wanaagsanaan oo fiicnaan; sidii la rabey noqosho. Dh: wanaagsanaasho, hagaagis, hagaagsami fiicnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaagid
(Halaagid-da)
Baabbi'in; layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaagid
m.f.dh eeg halaag². la-mid: halaag¹ (2), halaajin, halaajis, hallig¹, hallig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaagid
-da: (magac, dhedig, keli) baabi'in oo dabargoyn. Dh: halaagis, dabargoyn. Li: badbaadis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hasarder
hasarder, v. - isbiimayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hybrider
hybrider, v. - la hirgaliyo dhalasho wax aan isku asal ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jacariir
-ka: (magac, lab, keli) adaygga candhada xoolaha aan weli godlan ama nabar aan dheecaankiisu weli bislaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaridid
m.f.dh eeg raarid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaridid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid kale wax ka dhaadhicin oo si wanaagsan u fahansiin.
raaridid-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka soo dhaadhicin oo ka soo shalwid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaridin
-ta: (magac, dhedig, keli) barid oo si wanaagsan u fahamsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: samirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsii
(fal) sabir ku waani; samirsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxariir
(Saxariir-ta)
Dhibaato aad u daran; silic; rafaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxariir
saxariir¹: m.dh Dhibaato aad u badan; silic; rafaad.
saxariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dhibaato weyn la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxariir
saxariir¹: m.dh Dhibaato aad u badan; silic; rafaad.
saxariir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dhibaato weyn la kulmid. m.f.dh, saxariirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxariir
f. n. distress, suffering, torment, misery
saxariir v. suffer, be in distress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxariir
-ta: (n) suffering (saf-fer-ing); misery (mi-zeri); hardship (haadh-shiip); difficulty (difi-kalti); adversity (aadh-veer-siti); misfortune (mis-foor-jin) ~ dhibaato, rafaad
saxariir -ay/tay: (v) be in a miserable situation
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saxariir
Miseria
Misery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxariir
-ka: (magac, lab, keli) dhibaato aad u daran. Dh: silic, rafaad, dhibaatood, leelleel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaridid
m.f.dh eeg waarid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaridid
-da: (magac, dhedig, keli) dibed ka keeid; alaab ganacsi soo dejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babaasiir
-ta: (magac, chedig, keli) eeg baabasiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaahiir
(Gabaahiir-ta)
Meel bannaan oo aan waxba ka bixin; gabaaddiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaahiir
m.dh.kh la-mid: gabaaddiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabaahiir
m. n. uninhabited place, desert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaahiir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gabaaddiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabaahiir
cf: cidla'
de: uninhabited place, desert
lx: gabaahiir
pd: (-ta)
ps: n2-m
key: gabaahiir
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HABAANTIR
(Habantir) S Phyllanthus suffrutescens Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarmid
m.f.dh eeg habaaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof habaar ku dhacay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habar'ari
(Habar'ari-da)
Xilliyada ama bilaha sanada Soomaalidu u qaybsanto mid kamid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Habar'ari
f. n. name of one month on the new Somali calendar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habar'ari
-da: (magac, hedig, keli) eeg habar'adhi.
habar'ari -da: (magac, dhedig, keli) eeg habar'adhi.
habar-ari -ga: (magac, lab, keli) xilliyada ama bilaha ay Soomaalidu tirsato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Habar'ari
de: name of one month on the new Somali calendar
lx: Habar'ari
pd: (-da)
ps: n-f-time
key: Habar'ari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habar-ari
m.dh 1. Roobka deyrta ugu horreeya. 2. Bilaha Soomaaliga mid ka mid ah. la-mid: habar-eri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habar-eri
m.dh la-mid: habar-ari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) duq weynaatay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaysmid
m.f.dh eeg habaysan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaysmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hab iyo hannaan leh noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagarbixi
v., [compound] relieve someone of responsibility
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagarbixi
de: relieve s.o. of responsibility
lx: hagarbixi
pd: (hagarbixiyey)
ps: v2a=cmp
key: hagarbixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagarli'i
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hagarla'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanfariir
(Hanfariir-ka)
Argaggax; didmo; sas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfariir
hanfariir¹: m.l Argaggax; didmo; sas. la-mid: anfariir¹.
hanfariir²: f.mg1 (-iiray, -iirtay) Bixid, argagixid. la-mid: anfariir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanfariir
f.mg1 (-iiray, -iirtay) Bixid, argagixid. m.f.dh, hanfariirid. la-mid: anfariir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanfariir
m. n., [abstract] fright
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfariir
(fal) argagax oo yaab iyo tacajab ha kugu dhacaan. Dh: anfariir, did, sas.
hanfariir-ka: (magac, lab, keli) wax laga yaabo oo didmo iyo sas kugu rida; argagax iyo amakaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanfariir
a: hinfiriir
cf: argaggax, didmo, sas
de: fright
lx: hanfariir
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: hanfariir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mabaasiir
-ta: (magac, dhedig, keli) cad bukooda oo malawadka ama futada afkeeda hore ka soo baxa oo ciddii yeelata laga jaro. Nin mabaasiir laga jaray ma fadhiisan karo. Dh: bawaasiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaabiir
-ta: (magacwadareed) dad xil ahaan cilmi ahaan, diin ahaan ama sharaf ahaan lagu weyneeyo. Shirka waxa iskugu yimid qabaabir. Dh: qammaammur, jabbaabiir; qamaamuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaariir
-ta: (magac, dhedig, keli) dad waawayn oo dherer iyo dhumuc leh. Qoomkii reer Caad qabaabiir ayay ahaayeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarridid
m.f.dh eeg raarrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsiin
m.dh la-mid: samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabir ku adkayn; sabir ku waanin. Dh: samrin, samirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabarsiis
m.l la-mid: samirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabarsiis
-ka: (magac, lab, keli) sabirsiin; samirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalgudid
(Abaalgudid-da)
Abaalmarin; abaalcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaalgudid
m.f.dh eeg abaalgud². la-mid: abaalgud¹.