habaqlays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habaqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlay
(fal) socod aan kala go' lahayn samee. Dh: habaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socdaal dheer oo xidhiidhsan marid; socod aan kala go' lahayn samayn. Laba habeen oo habaqlayn ah ayaan ku soo gaadhnay magaalada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habhablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalays
-ka: (magac, lab, keli) abaar aad u daran oo aafo ah. Waxaa arligii beddelay, abaar iyo aafo kulul, abaalays baa ka dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaqleyn
m.f.dh eeg habaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalays
-ka: (magac, lab, keli) sabaalayn; sasabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalays
m.l la-mid: tabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylayso
(fal) xoolo, dhanka dabaysha u kac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabaalayn
(Dhabaalayn-ta)
1. Dhabbaalo ku dhufasho.
2. Guubaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalayn
m.f.dh eeg dhabaalee. la-mid: dhabaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) awr, mid kale qallaxato ku dhufasho. Dh: qallacatayn.
dhabaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) guubaabin oo gooddin iyo boorrin iskugu darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) habhab ut socosho ama u ordid. Dadka culculus orokoodu waa habhableyn. Dh: habhablays, buldhuqbuldhuqleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habjaqleyn
m.f.dh eeg habjaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghaglays
-ka: (magac, keli) eeg haghaglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hangallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabrablays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rabrablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaalays
-ka: (magac, lab, keli) shaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaas
(Habaas-ka)
1. Ciidda budada ah oo waddooyinka, kd., ka kacda; boor; siigo; awaare; bus.
2. (xoolo) Jimic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaas
m.l 1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaas
m.l 1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaas
m. n., (mass n.): dust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaas
-ka: (n) dust (dhast) ~ boor, firo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaas
-ka: (magac, lab, keli) ciid iyo boodh cawlan oo budo ah kana kaca meelaha banka iyo waddooyinka xilliyada dabayluhu dhacayaan. Carruuri habaas gashoo hooyadeed ku reebtay. Dh: boodh, siigo, awaare, bus.
habaas -ka: (magac, lab, keli) marka neefka sidkiisu dhammaado ee dhalmo qarka u saaran yahay. Habaasku si fiican buu candhada rida uga muuqdaa. Dh: jimic, dhays, caris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaas
cf: boor, bus, siigo, sufur
de: dust
lx: habaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-mass
key: habaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habays
(Habays-ka)
Habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habays
m.l la-mid: habayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habays
vl. n. act of ordering, arranging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habays
-ka: (n) the act of organizing; arrangement (a-reenjiment), organization (orgizaayshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habays
-ka: (magac, lab, keli) qaab wax loo dhigo ama loo qorsheeyo laftiisa. Habayska ayaa markii hore idinka xumaaday. Dh: qaabays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habays
de: act of ordering, arranging
lx: habays
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: habays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baslays
-ka: (magac, lab, keli) baslayn u dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlays
m.l la-mid: biqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlays
-ka: (magac, lab, keli) biqlo samayn oo boodboodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gaal ka yeelid.
gaalays-ta: (magac, dhedig, keli) middi weyn oo af badan. Cali gaallays buu soo tuntay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg haarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Socod si kala dambayn ah qofba mar u yimaado. 2. H. ah: dad si kala dambaysa qofba mar u yimaado. 3. Daal ama gaajo la luudidda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaqle
m. n. person who walks in an exhausted fashion because of weakness, hunger, etc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqle
-ha: (magac, lab, keli) qof baahane ah oo aan maal iyo duunyo haysan oo iska jahawareersan.
habaqle-ha: (magac, lab, keli) socod aan kala go' Jahayn oo iska daba socda; socod dheer oo badanaa reer miyigu socdaan.
habaqle -ha: (magac, lab, keli) qof iska socda oo aan garanayn meel uu ku hagaago.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaqle
de: person who walks in an exhausted fashion because of weakness, hunger, etc.
lx: habaqle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: habaqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallays
m.l la-mid: hallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hallayn. hallaysan: (tilmaame) wax xumaaday oo cillaysan ama kharriban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiqlays
m.l la-mid: hiqhiqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalays
-ka: (magac, lab, keli) geed geedaha ku marma oo xooluhu cunaan. Daaraddayada laalays baa ka baxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rablays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saalays
-ka: (magac, lab, keli) saalo dhigis xoolaad. Geel ban jooga oo yamaarug daaqay, saalays badanaa.
saalays -ka: (magac, lab, keli) eeg saalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqlays
m.l (-syo, m.dh) la-mid: saqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg baallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg calalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqlays
m.l la-mid: dhaqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaallays
(Gaallays-ta)
Jaad hore oo toorrey oo loo tuman jirey in gaalada lagu laayo oo lagula dagaallamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaallays
gaallays¹: m.l.kh Waran g. ah: nooc warmaha waaweyn ka mid ah lagu dagaallamo.
gaallays²: m.dh.kh Toorrey g. ah: toorrey dheer oo birsulub leh oo lagu dagaallamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaallays
f. n. dagger
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaallays
de: dagger (used in former times to kill infidels)
lx: gaallays
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: gaallays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si habaqle ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlee
(fal) eeg habaqlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaclay
(fal) iftiin sida fallaadhaha ah bixi; walacwalac samee. Warankaygu wuu halaclaynayaa. Dh: halaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg halakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramays
-ka: (magac, lab, keli) eeg haramayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jabaqayn
Sounding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaqlay
-da: (magac, dhedig, keli) kalagoyska tagoogta iyo calaacashu halka ay iska galaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaqoys
m.l Geed nagaar dhulka ku fida, leh caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan oo markii lagu istaago kabaha qooya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaqoys
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo u eg baskallaxda oo markii lagu istaago kabaha qooya.
kabaqoys -ta: (magac, dhedig, keli) dhibcaha yaryar ee biyaha ah ee subaxa hore doogga saarsaaran ee dheelku keeno habeenkii. Dh: dharab, yaxni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaqayd
m.l Maro laba qayd ka kooban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg nafaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalay
(fal) wax qof uu diidanyahay ama saluugganyahay oggalaysii; qof xanaaqsan raaligeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqays
m.l la-mid: sadaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaqlayn
m.f.dh eeg waaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oohin badan ooyid; cod 'waaq' ah ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg yabarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylayn
m.f.dh eeg dabaylee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga dabaysha u kaxayn. Xoolaha dabaylaynta ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalay
(fal) awr, mid kale qallaxatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablay
(fal) habhab u soco ama u orod. Dh: hanbulhanbullee, buldhuqbuldhuqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadalhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dheer ka bidhaamid. Halaclaynta xareedda meeldheerbaa laga arkaa. Dh: walacwalaclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hataaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacamlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg nacamlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka 'qabac' samayn oo ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalayn
-ta: (magac, dhadig, keli) cid sabaale ku wadid, sasab ku qancin. Sabaalayn buu qoys ku dhaqmaa. Dh: sasabaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalays
-ka: (magac, lab, keli) sagaal ka dhigis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaalayn
(Tabaalayn-ta)
Tabo u helid; farsamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalayn
m.f.dh eeg tabaalee. la-mid: tabaalayo, tabaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaataynta; silcinta waxyeello iyo kadeed la gaadhsiiyo, noole. Dh: tabaalays, dhibaataynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalayo
m.dh la-mid: tabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg walaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalays
m.l la-mid: xalaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xalaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaqjaflays
m.l la-mid: halaqjaflayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbaslays
m.l la-mid: alabbasleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabaqadays
-ka: (magac, lab, keli) sumad inta kale lagaga soo sooco u yeelid. Daabaqadays u samee ahminka intaanad kaxaynin. Dh: daabaqadayn. daabaqadaysan: (tilmaame) neef calaamadaysan ama suntan. Adhi daabaqadaysan baa gaadhiga saaran. Dh: calaamadaysan, sumadaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylaysad
-ka: (magac, lab, keli) xagga dabaysha u kicid. Dabaylaysadka ka ilaaliya maqashab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaalaysi
(Dhaqaalaysi-ga)
Dhaqaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaalaysi
m.l la-mid: dhaqaalaysasho.