habaabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabid
(Habaabid-da)
Iska socosho, iyadoo aan dhulka la mara hayo, la kala garanayn; lumid; anbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabid
m.f.dh eeg habow². la-mid: habow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabid
-da: (magac, dhedig, keli) lumid meeshii habboonayd meel aan ahayn la maro. Dh: lumid, ambasho, dayow, asqoobid, hallaabid, habaabis, lumitaan, hallaabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabid
m.dh eeg abaab². la-mid: ababid. la-mid: abaab¹, abaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xaabista iyo unuunufka wax meel ku daadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof marinka toosan ka weecin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof marinka toosan ka weecin. m.f.dh, habaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaabi
v. mislead, lead ~ send astray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaabi
-yey / say: (v) lead astray; misguide (mis-gaaydh) ~ meel xun u horseed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabi
(fal) cid kale, lumi oo jidka qumman ka leexi. Habaabi colka oo meel kale u tilmaan. Dh: anbi, dhumi, lumi, hallee. Li: hanuuni, toosi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaabi
de: mislead, lead ~ send astray
lx: habaabi
pd: (habaabiyey)
ps: v2a=tr
key: habaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabin
(Habaabin-ta)
Qof, kd., dhul uusan kala aqoon ku dhex lumin; anbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabin
m.f.dh eeg habaabi. la-mid: habaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) anbinta qof jidkii qummanaa laga anbiyo ama laga leexiyo. Dh: Jumin, anbin, hallayn. Li: toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabis
m.l la-mid: habaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) jidkii toosnaa ka leexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarid
(Habaarid-da)
Qof, kd., wax xun ugu duceyn; inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarid
m.f.dh eeg habaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax xun iyo dhib Alle uga baryid. Habaaridda laguma degdego. Li: ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbasho
(Anbasha-da)
Jid ama meel ka habaabid; dhumid; lumid; anbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhumid
(Dhumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lumid
(Lumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; anbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habow
habow¹: m.l 1. Dhumidda laga dhumo jidka toosan. 2. la-mid: haabab. H. ah: qof jidkii toosnaa ka dhumay. 3. H. ah: dad cayr la dalaabay. 4. la-mid: habaabid.
habow²: f.mg1 (-baabay,-baabtay;-baabi) 1. Jidka toosan ka lumid. 2. Cayrnimo la dalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilduuf
ilduuf¹: m.l 1. Hog aan loo baahnayn oo laga guuro ama laga qaado ama la dego (shax). 2. Jidkii loo baahnaa oo laga habaabo.
ilduuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Hogaan loo baahnayn ka guurid, ka qaadid ama degid. 2. Jidkii loo baahnaa ka habaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatif
khatif¹: m.l Habaabidda laga habaabo meel la mari lahaa. la-mid: khaddif¹.
khatif²: f.mg1 (-fay, -ftay) Marin ka habaabid. la-mid: khaddif².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murguco
murguco¹: m.dh Lafaha kalaggoysyada. la-mid: murgoco, murkuco¹.
murguco²: f.mg3 (-cday, -catay) 1. Xubnaha kalagoysyada lafaha dhaadheer kala maroojin jug ku gaarsiin. 2. Ka m.: arrin sidii loo rabay ka marin habaabid. Tusaale: “Arrintii cali waa ka murgucatay”. la-mid: murgaco, murkuco².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadceedso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid. m.f.dh, cadceedsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habow
habow¹: m.l 1. Dhumidda laga dhumo jidka toosan. 2. la-mid: haabab. H. ah: qof jidkii toosnaa ka dhumay. 3. H. ah: dad cayr la dalaabay.
habow²: f.mg1 (-baabay,-baabtay;-baabi) 1. Jidka toosan ka lumid. 2. Cayrnimo la dalaabid. m.f.dh, habaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilduuf
ilduuf¹: m.l 1. Hog aan loo baahnayn oo laga guuro ama laga qaado ama la dego (shax). 2. Jidkii loo baahnaa oo laga habaabo.
ilduuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Hogaan loo baahnayn ka guurid, ka qaadid ama degid. 2. Jidkii loo baahnaa ka habaabid. m.f.dh, ilduufid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murguco
murguco¹: m.dh Lafaha kalaggoysyada. la-mid: murgoco, murkuco.
murguco²: f.mg3 (-cday, -catay) 1. Xubnaha kalagoysyada lafaha dhaadheer kala maroojin jug ku gaarsiin. 2. Ka m.: arrin sidii loo rabay ka marin habaabid. Tusaale: Arrintii cali waa ka murgucatay. m.f.dh, murgucasho. la-mid: murgaco, murkuco.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stray
/strey/ (v) 1. habaabid (lumid, ambasho) (n) 2. haboow (ambad; baxsad).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sbandare
v.intr. - habaabid; baabuur iwm. oo waddada ka baxa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
smarriménto
s.m. - lumid (da), habaabid (da).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
smarrirsi
v.rifl. - lumid, habaabid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
spèrdersi
v.rifl. - lumid, habaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambad
-ka: (magac, lab, keli) jid ama wax kale oo la higsanyey ka habaabid. Ambadkayga maad arag, siduu uurku kuu rabo. Dh: lumid, ambasho, dhumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asqow
(fal) harraad oo oon dartii la ildarraw. Dad asqoobay baan soo badbaadinnay.
asqow: (fal) ka habaw meesha aad u socoto. Waan asqoobay. Dh: jaahwareer.
asqow-ga: (magac, lab, keli) harraad iyo oon dartii la ildarraansho.
asqow -ga: (magac, lab, keli) meeshii loo socday, ka habaabid. Dh: jaahwareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqanwareegid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqanguurid oo habaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaabid
m.dh la-mid: dembaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaabid
-da: (magac, dhedig, keli) dembi galid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarmid
m.f.dh eeg habaaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof habaar ku dhacay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsaamid
m.f.dh eeg habsaan². la-mid: habsaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsaamid
-da: (magac, dhedig, keli) ka maqnaasho xilligii loo baahnaa; dib u dhicid. Dh: raagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gacanta ku qabasho oo meel fog ku tuurid. Dh: halgaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hallaabid
(Hallaabid-da)
1. Xoolo ama alaabo aan la aqoon meel ay aadeen ama jiraan; baxsasho; lumid.
2. Waxyeello gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallaabid
m.f.dh eeg hallow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama alaabo meel lagu ogaa ka waayid iyadoon sababta maqnaashana la garanayn. Dh: baadiyow, lumid, dhumid, waayid. Li: helid.
hallaabid-da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday noqosho. Dh: kharribmid, xumaad, cilladaysasho, caddilmid, kharribnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaabir
f.mg1 (-ray, -rtay) Hurdo degdeg uga soo boodid; baraarugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambaabir
-ka: (fal) ku baraarugid; ku toosid; ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaasid
m.f.dh eeg hambaas². la-mid: hambaas¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarid
m.f.dh eeg khabaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, u warramid. Dh: akhbaarid, waramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaabid
(Kharaabid-da)
Kharaab noqosho; kharribmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaabid
m.f.dh eeg kharaab². la-mid: khar-raabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday noqosho. Dh: kharibmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbaabid
-da: (magac, dhedig, keli) afdhuubyaalayn: afdhuubyaalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaabid
m.f.dh eeg sharaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaabid
-da: (magac, dhedig, keli) sharaab, cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabi
f.g2 la-mid: ababi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaabi
f.g2 la-mid: ababi. abaabul f.g1 (-ulay, -ushay) Si hannaan ama qaab habeysan leh dad u hawlgelin, arrin isku duwid, qabanqaabin. m.f.dh, abaabulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ababid
(Ababid-da)
Yaraanta iyo korriimada hore, wax ku barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ababid
m.f.dh eeg abab². la-mid: abaab¹, abaabid, abaabis, abab¹, ababis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ababid
vl. n. teaching (of the very young)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababid
-da: (magac, dhedig, keli) daaqbarashada xoolaha yaryar. Dh: daaqbarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ababid
de: teaching (of the very young)
lx: ababid
pd: (-da)
ps: vn2-f, vn1-f
key: ababid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabid
-da: (magac, dhedig, keli) fal qofka ruuxiisa dhiba ku akhriyid; girigiri u samayn; sixir iyo wax xun u qabad. Baabiddu waa xaaraan. Dh: sixrid, baabis, qataarid, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaab
m.l.kh (-byo, m.dh) H. ah: dabinkabood; lumid. la-mid: habow¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaab
v. be lost, go astray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaab
-ay / tay: (adj) unable to find one's way: lost (loost) ~habaw. Ex: ilmo habaabay; a lost child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaab
(fal) lun oo jidkii saxda ahaa garan waa. Ka habaab waddada oo, hilin toosan yaad marin. Dh: lun, habaw, hallaw, gadan. Li: toosnow.
habaab -ka: (magac, lab, keli) jidkii qummanaa oo laga leexdo; ka lumitaanka waddada xaqa ah. Dh: hallaw, lumitaan, dhumitaan, anbasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaab
bw: habaw
de: be lost, go astray
lx: habaab
pd: (habaabay)
ps: v1=intr
syn: ambo, lum
key: habaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabin
m.dh la-mid: ababin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama ilmo yar, sida wax loo cuno, barid. Dh: ababin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabis
m.dh la-mid: Abaabid; ababid. la-mid: ababis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama ilmo dhowaandhalad ah, sida wax loo cuno baris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaadid
(Abaadid-da)
(ku abaadid) ku daa'imid, ku waarid, ku ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadid
m.f.dh eeg abaad². la-mid: abaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadid
-da: (magac, dhedig, keli) duugowga iyo dabargo'a tilmaamaya baabi'idda wax jiray. Dh: goofid, gaboobid, raagid, duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaasi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Boor kicin. 2. Neef riman candho keenid; carin; gorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaasi
v. blow dust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaasi
(fal) siigo kici, awaaree. Dh: siigay, siigee, awaaree.
habaasi: (fal) neef rimman, muuji calaamadihii dhalitaanka oo gor yeelo; candhada weynee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaasi
de: blow dust
lx: habaasi
pd: (habaasiyey)
ps: v2a=
key: habaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabi
(fal) cid kale, ka saar muruqa qabtay ama xididka haya; ku diiri maro qoyan ama dufan la mariyey oo dabka lagu kulayliyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sababid
(Sababid-da)
Sabab u noqosho; dilid; melgid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sababid
m.f.dh eeg sabab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababid
-da: (magac, dhedig, keli) sabab u noqod; sabab u noqod dhib qof kale; dilid; melgid; qatalid.
sababid -da: (magac, dhedig, keli) wax dhiciddood keenid; wax dhiciddood wicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
albaabid
m.f.dh eeg albaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
albaabid
-da: (magac, dhedig, keli) «ku ~» meel, wax kale ku awdid; ka horgeyn. Ku albaaba taladiinna, xikmaddii la soo tuuray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabaadid
(Cabaadid-da)
Cabaad soo saarid; qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaadid
m.f.dh eeg cabaad². la-mid: caabad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadid
-da: (magac, dhedig, keli) cabaad soo saarid; qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaabid
(Cadaabid-da)
Cadaab ku ridid; kadeedid; saxariirin; naarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaabid
m.f.dh eeg cadaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabid
-da: (magac, dhedig, keli) kadeedid oo saxariirin; dhib gaadhsiin.
cadaabid -da: (magac, dhedig, keli) 'awood Ilaahay' cadaab ku ridid; naarta geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cataabid
(Cataabid-da)
Hadal cataw ah ku hadlid; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cataabid
m.f.dh eeg catow². la-mid: catow¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cataabid
vl. n. reproaching; rebuke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cataabid
-da: (n) complaining (kom-pleeyning) ~ cabasho