haba'ahaatee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haba'ahaatee
(xidhiidhiye) loo adeegsado isku xidhka labo weedhood oo ta danbe laga duwaayo macnaha weedhii hore. Roobku si fiican buu u da'ay, haba'ahaatee dhul baa weli oomman. Dh: hase'ahaatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ha'ahaatee
Hase'ahaatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ha'ahaatee
xi. la-mid: hayeeshee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ha'ahaatee
(xidhiidhiye) loo adeegsado kala soocidda labo weedhood oo uu u dhexeeyo. Roobku wuu da'ay, ha'ahaatee dhulbaa weli harraadan. Dh: haseyeeshee, hase ahaatee, laakiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habayaraatee
(xidhiidhiye) tilmaamaya diidmo ama waxba la'aan adag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haba yaraatee
[adverbial] [expression] at least
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haba yaraatee
(adj) least (liist). Ex: haba yaraatee waxuu kala jecel yahay majiraan; he didn't care the least bit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haba_yaraatee
de: at least
lx: haba yaraatee
ps: adv-expr
key: haba_yaraatee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ha ahaatee
conj-phr. but, however
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ha_ahaatee
a: hase ahaatee
de: but, however
lx: ha ahaatee
ps: conj-phrase
key: ha_ahaatee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hase ahaatee
xi. la-mid: hayeeshee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hase ahaatee
conj-phr. but, however
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hase ahaatee
(conjunction) although; even though ~ hase yeeshee, inkastoo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hase ahaatee
لَكِنَّ وَلَكِنْ
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hase_ahaatee
a: ha ahaatee
de: but, however
lx: hase ahaatee
ps: conj-phrase
key: hase_ahaatee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadahaade
m.l (-dayaal, m.l/dh) Cayayaan yaryar, caddaan xigeen ah, baalal jilicsan leh oo meseggeda ku dhasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadahaade
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo meseggeda ku dhasha. Midabkiisu caddaan buu xigaa, baalal jilicsanna leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqabatee
(fal) wax horaantoodii ku dhaafay xagga danbe ka gaadh oo ka caymi halista iyo dhibaatada uu ku waajahanyahay shaygaasi. Dh: caymin, badbaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haasaawee
f.g2 (-weeyay, -waysay) 1. Cid sheeko maaweelo leh u sheegid. 2. Nin iyo naag sheeko xodxodasho leh isweydaarsasho. la-mid: haasaawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habhablee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Habhab u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habhablee
v. walk ~ run with difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablee
(fal) sidii qof culus ama da' weyn u buldhuqlee. Dh: habhablay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habhablee
de: walk ~ run with difficulty
lx: habhablee
pd: (habhableeyey)
ps: v2b=intr
key: habhablee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaqaate
m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caadaqaate
m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadaqaate
m. n. member of low caste (one of the inferior Somali clans)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadaqaate
-caadaqaataha: (n) freeloader (frii-lowder) parasite (paar-a-sayt); sponger (span-jar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaqaate
-ha: (magac, lab, keli) qof saqajaan ah oo aan waxba ka xishoon. Dh: saqajaan.
caadaqaate -ha: (magac, lab, keli) waxay ahayd qayb bulshada Soomaalida ka tirsan oo qaadata samaanyaha kolka reer wiil u dhasho ama aroos la dhiso. Waxa la aaminsanaa, haddii aan wax la iska siin in ay ileeyaan farxaddaa oo ay cawryaan. Wiilkaaga caadaqaataa arkaye wax ka sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadaqaate
de: member of low caste (one of the inferior Somali clans)
lx: caadaqaate
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: caadaqaate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabayaaqee
(fal) soo gabagabee oo ha kuugu dambayso. Dh: jooji, dhammee. Li: bilow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabi'ahaan
-ba: (adv) entirely (in taayer li); wholly (hooli); completely (kem piliit li)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarqabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Qof dhib badan. 2. Qof waalidkii habaaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaarqabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Qof dhib badan. 2. Qof waalidkii habaaray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaarqabe
m. n. cursed man ~ male
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaarqabe
-habaarqabaha: (n) accursed male
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarqabe
-ha: (magac, lab, keli) qof xun oo habaar ku dhacay. Habaarqabe hoodo kuma reeyee, ducaan ku hantinay habeen wacane hee dheh! Li: ducaqabe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaarqabe
de: cursed man ~ male
lx: habaarqabe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: habaarqabe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habi'laawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan fiiro dheer lahayn oo maan gaaban. Dh: maangaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanadee
(fal) cid u hanjab oo afka kala dirir. Dh: guhaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aflee
(fal) labo hadal oo isburinaya oo iska soo hor jeeda ku hadal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabayaakhee
(fal) hawl ama arrin soo gabagabee. Dh: jooji, dhammee. Li: billow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaabacee
f.mg2 (-ceeyay, -caysay) Hab dhabaabaco ah u ordid (geel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabaabacee
v. run very fast, rush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaabacee
(fal) orod oo cagaha dhulka la dhac. Sida geela u dhabaabacee. Dh: baabacee, durduri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabaabacee
de: run very fast, rush
lx: dhabaabacee
pd: (dhabaabaceeyey)
ps: v2b=
key: dhabaabacee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagardaamee
f.g2 (-meeyay,-maysay) Cid hagardaamo ku samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagardaamee
v. annoy, pester, badger, trouble, molest, torment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagardaamee
(fal) cid kale, dhibaatee oo wax yeellee. Dh: dibindaabyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagardaamee
de: annoy, pester, badger, trouble, molest, torment
lx: hagardaamee
pd: (hagardaameeyey)
ps: v2b=
key: hagardaamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaammacee
f.g2 (-ceeyay, -ceysay) la-mid: halaammacoodi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabajaabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) la-mid: jaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'atamle
-ha: (magac, lab, keli) molikuyuul ka kooban labo atam. Haydarojiin (H) Ogsajiin (O) Naytarojiin (N) iyo halojiinaduba waxay tusaale u yihiin curiyayaasha laba'atamlaha ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labadaraale
(adv) nevertheless (nevarthales), however (haw evar); in spite of that ~ si kastaba ha ahaatee; labadaraadle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labajaraale
m.l (-layaal, m.l/dh) Laba jaro ay isugu xigsato laba qofood oo wada ciyaaraysa midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballaabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Laba arrimood oo wax laga qaban lahaa ku tallamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laballaabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Laba arrimood oo wax laga qaban lahaa ku tallamid. m.f.dh, laballaabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laballaabee
v. be uncertain, undecided, doubtful about something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laballaabee
de: be uncertain, undecided, doubtful about s.t. Lit: having two thoughts
lx: laballaabee
pd: (laballaabeeyey)
ps: v2b=tr
key: laballaabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: maradhaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabaraabee
(fal) kooxkoox aan isku jirin oo midba dhan u joogta ka dhig. Dh: kooxakooxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabasaabee
(fal) 'carruur' sasab; ruux waxa uu tabayo illowsii. Ubadka lama uleeyee waa la saabasaabeeyaa. Dh: sab, sabaabli, suubaansalaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannahaabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) la-mid: sannaabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabannaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Qof dharbaaxo dhabnaha kala dhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabannaanee
v. box on the ears, slap someone in the face
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabannaanee
-yey / dhabannaaneysay: (v) slap on the face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabannaanee
(fal) dharbaaxo la dhac. Wiilka yar budka ka daa oo dhabannaanee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabannaanee
de: box on the ears, slap s.o. in the face
lx: dhabannaanee
pd: (dhabannaaneeyey)
ps: v2b=
key: dhabannaanee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalee
(fal) cid kale, masalo furiddeedu adagtahay ku xujay; halxidhaale weydii.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labadaraadle
(adv) nevertheless (nevar tha les), however (hawevar)-, in spite of ~ labadaraale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macasalaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qof laga tegayo sii nabadgelyeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macasalaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qof laga tegayo sii nabadgelyeyn. m.f.dh, macasalaamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macasalaamee
v. bid farewell, say goodbye (to someone)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macasalaamee
-yey / macasalaameysay: (v) say goodbye; bid farewell (feer-weel); see off (sii of) ~ sagooti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macasalaamee
(fal) qof dhoofaya sagooti oo macasalaama ku dheh. Macasalaamee gabadha dhoofaysa. Dh: nabadgelyee, sagooti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macasalaamee
bw: Arabic
de: bid farewell, say goodbye (to s.o.)
lx: macasalaamee
pd: (macasalaameeyey)
ps: v2b=
key: macasalaamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilbawadaageen
m.l la-mid: hilbawadaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayma'abaareed
-ka: (magac, lab, keli) dhibicda roobka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabagcadaadeed
-da: (magac, dhedig, keli) cabag cad oo laga guro geedka cadaadda ama bilcinka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ha yaraateeba
[adverbial] [expression] at least
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ha_yaraateeba
a: haba yaraatee
de: at least
lx: ha yaraateeba
ps: adv-expr
key: ha_yaraateeba
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hab xisaabeed
Sistema contabile
Accounting system
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaqjalaqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Arrin laga hadlaayo wax yar ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiwadaagee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Hanti gaar ah hanti guud ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiwadaagee
v. socialize (an institution ~ the economy)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiwadaagee
(fal) nidaamka hantiwadaagga ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiwadaagee
de: socialize (an institution ~ the economy)
lx: hantiwadaagee
pd: (hantiwadaageeyey)
ps: v2b=tr
key: hantiwadaagee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaddaraadle
fk. Si kastaba; hubaal ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labaddaraadle
fk. Si kastaba; hubaal ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labaddaraadle
[adverbial] [expression] in any case, anyhow, however
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaddaraadle
-ha: (magac, lab, keli) labo shay oo kala daran kala doorshadood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labaddaraadle
de: in any case, anyhow, however
lx: labaddaraadle
ps: adv-expr
key: labaddaraadle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labafarraarle
m.l (-layaal, m.l/dh) Ul gadaal laba ganood ku leh. la-mid: labatarre.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labafarraarle
m. n. walking stick with a small fork at the lower part
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labafarraarle
-ha: (magac, lab, keli) ul caaradkiisu uu labo u kala qaysamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labafarraarle
de: walking stick with a small fork at the lower part (to give greater balance)
lx: labafarraarle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: labafarraarle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalwaayeel
-sha: (magac, dhedig, keli) xabaal weyn oo qof weyn loogu talagalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hab-farsamadeed
m.l (-dyo, m.dh) 1. Hab gaar ee wax qabad, badanaa hab la xiriira xirfad gacan ka qabasho. 2. Xirfad iyo awood ee farshaxan, isboorti ama waxqabasho gacmeed, taasoo aad horay ugu martay tababar iyo hawl gacmeed.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabag-cadaadeed
-da: (n) arabic-gum