haanfuuritaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haan -fuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haanfuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuuritaan
m.l la-mid: abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg afuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuurid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere, si foolxun u haanfuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo ama dareere kale oo joogay ama socday, dhinac u jeexitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haajiritaan
-ka: (magac, lab, keli) meesha aad joogto meel ka durugsan u gudaalitaan; meel fog aaditaan. Dh: haayiritaan, dalwid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haajiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfaditaan
-ka: (magac, lab, keli) u cagajugleyn; u hanjebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) asaruuridda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barifuritaan
-ka: (magac, lab, keli) ku kicidda falka ballanjebinta. Barifuritaan ninkii falay fidmadi haysataa. Dh: badhifuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantuugitaan
-ka: (magac, lab, keli) cabitaan ama cunno, ka afbuuxsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) cashuur ka qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneeditaan
-ka: (magac,lab, keli) eeg haaneedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamnuucitaan
-ka: (magac, lab, keli) joojitaan; wax reebban oon la isku oggolayn ka dhigitaan. Mamnuucitaanka sigaarku waa sax. Dh: diiditaan, joojitaan, reebitaan. Li: oggolaan, saamixitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mansuugitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la bakhaylitaan. Mansuugitaanka iska jir waa caado xune. Dh: bakhaylid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) canshuur ka qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo iyo wax la mid ah, huube ka miiris. Dh: jarruuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadguuritaan
-ka: (magac, lab, keli) xaalufid oo wax abaaroobay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraanburitaan
-ka: (magac, lab, keli) god ka mid ah gododka suugaanta ku baraanburis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambaaburitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hambaaburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayaritaan
-ka: (magac, lab, keli) si tartiib ah oo aanu degdeg iyo adayg ku jirin. Dh: aayarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg asturid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhaafitaan
to overtake
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gafuurtaag
gafuurtaag¹: m.l 1. Kibir iyo isla weyni wajiga ka muuqda. 2. la-mid: gafuurtaagid.
gafuurtaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Kibir iyo isla weyni weji ka muujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gafuurtaag
v., [compound]page 1: be proud, haughty ~ brazen; be sulky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafuurtaag
-ga: (magac, lab, keli) wejiga qaarkiisa hore oo kibir dartiis loo taago.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gafuurtaag
bw: santaag
de: be proud, haughty ~ brazen; be sulky
lx: gafuurtaag
nt: gafuurtaag (ga) [vn-m], gafuurtaagid (da) [vn-f]
pd: (gafuurtaagay)
ps: v1=cmp
key: gafuurtaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) afbadnaanta birta wax goynaysa sida middida iyo billaawaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) si foolxun, dareere u fuuqsasho. Dh: haanfuurid, fuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hawirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isfuritaan
-ka: (magac, lab, keli) kala tegidda labo qof oo isqabtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguurin
m.f.dh eeg jaanguuri. la-mid: jaanguuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir. aakhiro m.dh Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aakhir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarguditaan
-ka: (magac, lab, keli) «u» aano la geystay, ciddii lahayd ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduubitaan
-ka: (magac, lab, keli) dad ama duunyo xoog ku kaxaysasho; qafaalashada dad ama duunyo. Dh: afduubid, afduubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alluubitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax yuubitaan Dh: qalluubidtaan, qayuubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qaangaadh noqod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulitaan
-ka: (magac, lah, keli) baytimaalin iyo daadaadin siyaado ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baayirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugitaan
-ka: (magac, lab, keli) burburitaanka walax iyo waxii la mid ah. Dh: jejebitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baguugitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baguugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjaritaan
-ka: (magac, lab, keli) banjarid ku dhacday, taayir naqaskii ka baxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuditaan
-ka: (magac, lab, keli.) eeg caabudid. caabuq': (fal) nabur hoosta ka buka noqo. caabuq-a: (magac, lab, keli) meel jidhka ka mid ah oo bugta oo nabarkii ku yiil hunbululuqay ama malaxaystay; nabar hoosta ka bukooda. Dh: millil, hurgun, hurgumo, arami, caabaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caabuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbusitaan
-ka: (magac, lab, keli) canyayuubitaan; mid jactadsan ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) martiqaaditaan iyo sooryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahiritaan
-ka: (magac, lab, keli) nijaasta iyo wasakhda ka maydhid, uskagga ka maydhid Daahiritaan baan ku ogaa masallaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faquuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faquuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haandhurwaa
(Haandhurwaa-da)
Geed sillan oo haan weynaatey u eg; waa wada buruq oo laamo la sheego ma leh; xoolahaa lagu dhacariyaa oo inta loo jarjaro cuna oo ku oon beela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haandhurwaa
m.dh 1. Dhoondhurwaa; adaahi; haandawaco. 2. Buulallo weyn oo quraanyada geedaha dushooda ka samaysata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haandhurwaa
f. n., [compound] large plant species, resembling a water jar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haandhurwaa
-da: (magac, dhedig, keli) geed silloon oo qaabka haan weynaatay u eg, oo aan laamo la sheegona lahayn oo xoolahaa waqtiga jiilaalka lagu oontiro buruqdiisa. Haandhurwaa baan xoolaha maanta u jarjarnay. Wa: haandhurwaayo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haandhurwaa
de: large plant sp., resembling a water jar
lx: haandhurwaa
pd: (-da)
ps: n5-f-cmp
key: haandhurwaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) xumaan iyo dhib, qof kale, Eebbe uga baryitaan. Li: ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaafitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handaditaan
-ka: (magac, lab, keli) selel dartii, u booditaan.
handaditaan -ka: (magac, lab, keli) cid kale, u cagajugleyn; u hanjebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hujuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hujuumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbulitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax humbulan ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg maamulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanguursan
(tilmaame) dawakhsan oo dhulku la wareegayo ah. Nin maanguursan lalama hadlo. Dh: maskaxguursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) la saayiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santuurnaan
m.f.dh eeg santuuran. la-mid: santuurnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suquuritaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo gataatidhac ah seexad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waafaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) talo ama wax kale aqbalitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaaluf noqosho Dh: xaalufid, abaaroobitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbudhitaan
-ka: (magac, lab, keli) dabool saarista lafteeda. Aabbudhitaanka ceelka Cumar baa u xilsaaran. Dh: daboolitaan. Li: furitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anaanufitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg anaanuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanbixitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadduucitaan
-ka: (magac, lab, keli) neef ido ah labada lugood qabasho oo sare u qaadid, labada jeeni oo hore ku socodsiin oo hore u riixid.
dadduucitaan -ka: (magac, lab, keli) qof inuu meel tago diiddan si dhib leh ku kaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanbiyitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faanbiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falluuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) falluuqidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanfurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wixiisa wax ka bixiya oo dadka kale wax u quudha. Dh: deeqsinnimo, faxalnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraamitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, guulguulid oo canaanasho. Dh: canaanasho, hiifitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageeritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg maageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mabsuuditaan
-ka: (magac, lab, keli) farxid kal iyo laab ah. Ducadu waxay la socotaa mabsuuditaanka waalidka. Dh: mustreexitaan, masuudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macsuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg casuumad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) si jactadan o kala dhaadheer u tolitaan. Tolmaha malluugi taanku wuu foolxumeeyaa. Dh: cuyubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masruufitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg masruufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) shamuumidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluufitaan
-ka: (magac, lab, keli) dusha sare wax ka xaadin; badh ka xalluufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhabarka ku qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhifuritaan
-ka: (magac, lab, keli) axdijebin iyo ballanfuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarcaaritaan
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg caarcaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaluulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaafulitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, beddelitaan oo sixrid. Dh: qataarid, sixrid, sixritaan, falitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been'abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax aan jirin la imasho. Beenabuuritaanka iyo belada aad waddo jooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarbaarritaan
-ka: (magac, lab, keli) samaynta baarbaarridda lafteeda iyo tamashlaynta. Baarbaarritaankii beryahan waan ka baaqsadaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiiditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanadiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiiqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanadiiqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg dalandoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haad-haaditaan
-ka: (magac, lab, keli) leellitaan, duulduulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaanhalitaan
-ka: (magac, lab, keli) calaacalitaan oo cataabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haqabbeelitaan
-ka: (magac, lad, keli) eeg haqabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinfaadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hiinfaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahanbaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) hungoobi taanka, lugo'itaanka waxba laga soo waayo meel aad ku talo gashay.