haanfuuqid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) si foolxun, dareere u fuuqsasho. Dh: haanfuurid, fuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuurid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere, si foolxun u haanfuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuq
(fal) si foolxun dareere u fuuqso. Shaaha adaa jecele weligaaba haanfuuq ku dheh. Dh: haanfuur, fuuqso.
haanfuuq -a: (magac, lab, keli) wax dareere ah sida shaaha, si foolxun u fuuqsasho. Haanfuuqu waa ceeb. Dh: haanfuur, fuuqsad.
haanfuuq-a: (magac, lab, keli) dheecanka iyo fuuqa meel bugta ama nabar ka dareera. Dh: fuuq, dheecaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuur
(fal) si foolxun wax dareere ah u haanfuuq.
haanfuur-ka: (magac, lab, keli) eeg haanfuuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habuuqid
m.f.dh eeg habuuq². la-mid: haquuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuunid
(Hanuunid-da)
Hanuun helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuunid
m.f.dh eeg hanuun³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuunid
-da: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ee fiican ku toosid oo ku hagaagid. Dh: hanuunis, hagaagid. Li: hallaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haquuqid
m.dh la-mid: habuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduumid
m.dh la-mid: daadduumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguurid
m.f.dh eeg jaanguur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haanfuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqanguurid
(Dhaqanguurid-da)
Dhaqanguur ku dhacay; dhaqanwareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqanguurid
m.f.dh eeg dhaqanguur². la-mid: dhaqanguur¹ (2), dhaqanguuris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqanguurid
-da: (magac, dhedig, keli) is beddelid oo caadooyinkii iyo dhaqankii dadka aad ku abtirsato ka tegid; dhaqan kale qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuugid
-da: (magac, dhedig, keli) naas jiqid, naas dhaadhyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daganduugid
m.f.dh eeg daganduug². la-mid: daganduug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daganduugid
-da: (magac, dhedig, keli) wax deggan dabada ka marid oo dhicid ama wada dilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haan -fuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afuufid
(Afuufid-da)
Neef afka ka soo deyn, oo meel ama wax ku toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufid
m.f.dh eeg afuuf². la-mid: afuuf¹ (1).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afuufid
-da:(n) the act or an instance of blowing air from the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) dabka oo naqas lagu tuuro si loo huriyo.
afuufid-da: (magac, dhedig, keli) neef afka ka soo deyn oo meel ama wax mug leh ka buuxin. Dh: afuufis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuugid
m.f.dh eeg afuug². la-mid: afruug¹, afruugid, afuug¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuuni
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid dawga san ku toosin. 2. Dhaqan, figrad, ama aragti cid ku barbaarin. 3. Cid meel aanay garanayn tusid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanuuni
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid dawga san ku toosin. 2. Dhaqan, figrad, ama aragti cid ku barbaarin. 3. Cid meel aanay garanayn tusid. m.f.dh, hanuunin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanuuni
v. counsel, advise, orient, guide
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanuuni
-yey / say: (v) show someone the way by leading, directing, or advising; guide (gaaydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuuni
(fal) cid kale waxa wanaagsan u tilmaan oo ku du'. Dh: hanooni, toosi. Li: hallee, baadiyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanuuni
de: counsel, advise, orient, guide
lx: hanuuni
pd: (hanuuniyey)
ps: v2a=tr
key: hanuuni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaluqid
(Baaluqid-da)
Shan iyo toban sano gaarid; baaluq noqosho; qaangaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaluqid
m.f.dh eeg baaluq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqid
-da: (magac,dhedig, keli) waqtigii baaluqa gaadhid; da'dii xilqaadashada gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduuqid
m.dh la-mid: baduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabuqid
m.f.dh eeg caabuq³. la-mid: caabaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuqid
-da: (magac, dhedig, keli) nabarkii jidhka ku yaallay oo dib u barar ama millila, hoosta na dheecaan ku yeesha. Dh: caabaqid, hurgumow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahfuud
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun tacab, xummad iyo casiraad leh oo ay keento bakteeriya ka dhalata biyo iyo cunto aan nadiif ahayn. Ninkii Sahal daahfuud ayaa ku dhacay. Dh: tayfood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaruqid
m.f.dh eeg faaruq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faquuqid
(Faquuqid-da)
Gooni u saarid, u eryid, u goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faquuqid
m.f.dh eeg faquuq². la-mid: faquuq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faquuqid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama neef inta kale ka dhex saarid. Dh: takoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuumid
m.dh eeg hamuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hamuuni hayso ahaansho, baahi sigaar, qaad, cunto ama wax kale qab. Dh: xaraaro, baahi.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HANBUUHI
[HANBOOHI] Aerva javanica 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanfadid
(Hanfadid-da)
Handadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfadid
m.dh la-mid: handadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfadid
-da: (magac, dhedig, keli) si cir weyni ku jirto wax u doonid. Hanfadidda waxba ku heli mayside tartiibso. Dh: hanfadis, gooddin.
hanfadid-da: (magac, dhedig, keli) u cagajuglayn iyo u hanjebid. Dh: handedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfafid
m.dh eeg handad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfafid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka faanid laga faano wax la quudhsanayo. Dh: ka faanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuunin
(Hanuunin-ta)
Waddada wanaagga, samafalka iyo Alla-ka-yaabka kuduwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuunin
m.f.dh eeg hanuuni. la-mid: hanuunis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanuunin
vl. n. orientation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuunin
-ta: (magac, dhedig, keli) waddada wanaagga iyo samafalka ku duwid. Dh: hanuunis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanuunin
de: orientation
lx: hanuunin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: hanuunin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuunis
(Hanuunis-ka)
Hanuunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuunis
m.l la-mid: hanuunin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanuunis
vl. n. counseling, act of advising, guiding, orienting
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HANUUNIS
Orientamento
Orientation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuunis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hanuunin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanuunis
de: counseling, act of advising, guiding, orienting
lx: hanuunis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: hanuunis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haquugid
-da: (magac, dhedig, keli) oogada sare wax adag ka dul marmarin oo wixii horay ugu dhejisnaa ka goyn. Dh: xaquuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haruufid
m.dh la-mid: huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huluuqid
(Huluuqid-da)
Si debecsan oo kala fogfog, u tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluuqid
m.f.dh eeg huluuq². la-mid: huluuq¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaruqid
m.f.dh eeg maaruq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaruqid
-da: (magac, dhedig, keli) dacaayadayn been ah; ceebaal aan la la xishoon fidin. Qof maaruqid badan lama jecla. Dh: ceebayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maluuqid
m.f.dh eeg maluuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanfuur
-ka: (magac, lab, keli) finan xanuun badan oo jirka ka soo baxa dadka xagaagii dhulka xeebaha kulul ah. Saanfuur baa wejiga Faadumo ka soo baxay Dh: dhullux, kasoobbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanuunid
(Sanuunid-da)
Sanuun yeelasho, ka soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanuunid
m.f.dh eeg sanuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanuunid
-da: (magac, dhedig, keli) sanuun yeelasho; sanuun ka soo bixid Dh: fookhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waafaqid
m.f.dh eeg waafaq.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waafiqid
-da: (n) conformity (kon-foor-matiy, agreement (agrii-ment); accord (a-koodh); harmony (haar-ma-ni) ~ waafaqsanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanfuuji
(fal) dhar ama wax la mid ah sabuun la'aan maydh oo gacmaha ku jijibi.
xanfuuji: (fal) maro qoyan labada calaacalood xoog ugu qabo oo aad ugu tuuji oo biyaha ka dhammee,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuunid
(Xanuunid-da)
Xanuun yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuunid
m.f.dh eeg xanuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuunid
-da: (magac, dhedig, keli) laxaw iyo xanuun yeelasho. Nabar bukaayi xanuunid ma daayo. Dh: xanuunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaquuqid
(Xaquuqid-da)
Wax xaquuqan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaquuqid
m.f.dh eeg xaquuq². la-mid: xaquuq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaquuqid
-da: (magac, dhedig, keli) dushaka oo renji ama wax kale oo dusha ka marsanla daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasuuqid
m.f.dh eeg xasuuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) aad wax u layn oo u gumaadid. Dh: layn, gumaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabfurid
-da: (magac, dhedig, keli) baab horey la isugu dhigay furid oo burin; fal ama sixir hore qof loogu qabtay rogid. Dh: sixirfurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cantuugid
(Cantuugid-da)
(cunno) kol afka buuxin; afka muggi ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantuugid
m.f.dh eeg cantuug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantuugid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto, sharaab iyo wixii la mid ah, kol keliya afka gelin; afka muggii ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduumi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: daadduumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falluuqid
-da: (magac, dhedig, keli) si dhudhdhub ah gogol ama wax la mid ah u duubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguumid
m.f.dh eeg ganguun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaneedid
(Haaneedid-da)
(geel) haaneedka iska taagid oo lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedid
m.f.dh eeg haaneed². la-mid: haaneedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneedid
-da: (magac, dhedig, keli) geel dhinaca iska taagid oo lisid. Dh: haaneedis.
haaneedid -da: (magac, dhedig, keli) neef geel ah, ka lisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nugul riixid oo ridid. Dh: hantaaqis.
hantaaqid-da: (magac, dhedig, keli) qof culus soo luggayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaajuusid
(Jaajuusid-da)
Jaasuusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaajuusid
m.dh la-mid: jaasuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaajuusid
-da: (magac, dhedig, kali) ku shaqaynta habka wax loo basaaso oo cid kale, xog ka tebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dabar goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanguuri
(fal) wax dabargoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaasuusid
(Jaasuusid-da)
Hadal jaasuusnimo ah cid ka geyn, ka sheegid; (ama jaajuusid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaasuusid
m.f.dh eeg jaasuus². la-mid: jaajuusid.