haan-dhurwaa
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAAN-DHURWAA
(Han-durwa) C,N Adenia aculeata (Hook.F.) Engl. Passifloraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haandhurwaa
(Haandhurwaa-da)
Geed sillan oo haan weynaatey u eg; waa wada buruq oo laamo la sheego ma leh; xoolahaa lagu dhacariyaa oo inta loo jarjaro cuna oo ku oon beela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haandhurwaa
m.dh 1. Dhoondhurwaa; adaahi; haandawaco. 2. Buulallo weyn oo quraanyada geedaha dushooda ka samaysata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haandhurwaa
f. n., [compound] large plant species, resembling a water jar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haandhurwaa
-da: (magac, dhedig, keli) geed silloon oo qaabka haan weynaatay u eg, oo aan laamo la sheegona lahayn oo xoolahaa waqtiga jiilaalka lagu oontiro buruqdiisa. Haandhurwaa baan xoolaha maanta u jarjarnay. Wa: haandhurwaayo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haandhurwaa
de: large plant sp., resembling a water jar
lx: haandhurwaa
pd: (-da)
ps: n5-f-cmp
key: haandhurwaa
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUUN-DHURWAA
(Dun-dorwa) N Adenium obesum (Forsk) Roem. & Schult. Apocynaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banedhurwaa
-ga: (magac, lab, keli) dhaxan ama qabow aad u daran. Banedhurwaa banka nagu heshiyo bayaxaw barinay xalay oo buudhku nagu yaalle. Dh: haamadday, dayradhaaf.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DUN-DHURWAA
(Dun-dorwa) N Adenium obesum (Forsk) Roem. & Schult. Apocynaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
god-dhurwaa
m.l God dhurwaagu galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoondhurwaa
m.dh (-aayo, m.dh) Adaahi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkindhurwaa
-ga: (magac, lab, keli) eeg adaahi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhiwaa
-ga: (magac, lab, keli) hawl fulinteed, gaadhi waayid. Dh: gaariwaa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haandaraab
-ka: (n) a fastening, as for a door or gate: latch (laaj) ~ qataar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhursad
m.l la-mid: hundhursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhursan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hundhura ahaansho (qof).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUS-DHURWAAY
(Guss-duruei) N Dorstenia foetida (Forsk) Schweinf. & Engl. Moraceae.
N Kleinia lunulata (Chiov)Jeffrey. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haan -fuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taran-foolwaa
m.l (xisaab) Taranka laba leeb oo marka la isku dhufto ku siiya foolwaa. Taranka foolwaa ee leebabka A iyo B waxa lagu qeexaa A.B=AB cos theta. Taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na ay tahay xagasha u dhexeysa labada leeb.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taran-foolwaa
m.l (xisaab) Taranka laba leeb oo marka la isku dhufto ku siiya foolwaa. Taranka foolwaa ee leebabka A iyo B waxa lagu qeexaa A.B=AB cos theta. Taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na ay tahay xagasha u dhexeysa labada leeb.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqan-dhaqaale
-dhaqaalaha: (n) socioeconomics (soo-se-yoo-eke-noo-mikis); social and economic factors