haaka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaka
Mahadnaq; baga!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaka
e.d Mahadnaq; baga! la-mid: haakaalle, haakah, hakah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaka
inter. good!, well done!; bravo!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haaka
(interjection) used to express approval or agreement; good (guudh)-, OK; bravo (baraavo)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaka
haaka! (tilmaame) wax laga haqabbeelay oo loo jeellanaa; wax la qaayibay; wax la guddoomay. Adoo hiil ii taray weli haaka! kuma odhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haaka
de: good!, well done!; bravo!
lx: haaka
ps: intj
key: haaka
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haadka
de: hawk
lx: haadka
pd: (-ta)
ps: n-f
key: haadka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haakah
e.d la-mid: haaka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haakah
(tilmaame) eray la adeegsado kolka dhib laga baxo ama wax lagu farxo lala kulmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haka
haka! (tilmaame) erey la yidhaahdo marka wax wannagsan oo laga raalli yahay la arko; guddoomay. Dh: haakah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halka
n. phr., loc. here
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halka
(adv) here (hiyer) ~ halkaan, halkan. Ex: xaggee dhigaa? Fadlan, halka dhig! where shall I put? Please put it here!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halka
de: here Lit: the place
lx: halka
ps: np-loc
xe: We came here to talk to you.
xv: Halka waxaannu u nimid inaan kula hadallo.
key: halka
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
halka
هَهُنَا وَ هُنَا
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaka
Maalinta la joogo labadeeda gelin kan hore oo la kala baray, barkiisa hore; subaxa kolkaas la joogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaka
fk. Maalinta la joogo subaxeeda. la-mid: saakay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaka
fk. Maalinta la joogo subaxeeda. la-mid: saakay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaka
adv., time: this morning
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saaka
ce matin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaka
-da: (magac, dhedig, keli) maalinta la joogo labadeeda gellin, kan hore; subaxa la joogo. Dh: aroor, subax. Li: galab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaka
de: this morning
initial: s
lx: saaka
pd: (saakay)
ps: adv-time
key: saaka
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saaka
هذا الصباح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haakaalle
e.d la-mid: haaka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakah
e.d la-mid: haaka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haakaalle
(tilmaame) wax laga raalli yahay oo la qaayibay. Dh: haaka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halakan
Halka kan; kobtaan; meeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halakan
adv-loc: here, in this place
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halakan
a: halkan
de: here, in this place
lx: halakan
ps: adv-loc
key: halakan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakay
(fal) nabarro gaadhsii; aad u waxyeellee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawakac
hawakac¹: m.l la-mid: hiyikac¹.
hawakac²: f.mg1 (-cay, -cday; -kici) la-mid: hiyikac².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawakac
v. be worried ~ preoccupied (about), be agitated (over)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawakac
-a: (magac, lab, keli) laabkac; qalbikac; maanwelef.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawakac
de: be worried ~ preoccupied (about), be agitated (over) (with preposition u)
lx: hawakac
nt: hawakac (a) [vn-m], kawakicid (da) [vn-f]
pd: (hawakacay)
ps: v1=intr
key: hawakac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-haaga
de: your
lx: -haaga
ps: pro-det-2sg
xe: your key
xv: =-kaaga
key: -haaga
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaada
imperative v., pl. you all be ...!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahaada
(v) [ singular of ahow] you be... Ex: Haddaad dhul qalaad tagtaan, Islaam ahaada; if you go to a foreign land, be Muslims [don't lose your faith]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaada
de: you all be ...!
lx: ahaada
pd: (ahow)
ps: v5a-imp-pl
xe: Goodbye [lit: be good; said to a group]
xv: Nabad ahaada!
key: ahaada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baakad
m.l/dh (-dyo, m.l/-do, m.dh) Warqad adag oo qaab sanduuq leh oo badeecooyinka lagu rido. la-mid: baako.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baakad
m.l/dh (-dyo, m.l/-do, m.dh) Warqad adag oo qaab sanduuq leh oo badeecooyinka lagu rido. la-mid: baako.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baakad
-da: (n) parcel (paar sal); package (paakeeyj); packet (paakit) ~ baako
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baakad
-da: (magac, dhedig, keli) buqshad waraaq ama kartoon ka samaysan oo afar gees oo iska soo horjeeda leh oo alaabaha lagu moodhgareeyo sida qafiska sigaarka. Dh: baakidh, baakeed, buqshad, baako, baakir.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
baalka
wing
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaaxa
In badan; badanaa; aalaa; qajeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaxa
fk. Inta badan, marar, badan, badanaa, aalaa. Tusaale: “Dh. buu ku sugay”. la-mid: dhaaxaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaxa
fk. Inta badan, marar, badan, badanaa, aalaa. Tusaale: Dhaaxa buu ku sugay. la-mid: dhaaxaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaxa
[adverb] or [adverbial] [expression] usually, mostly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaxa
(falkaabe) sida badanaa dhacda; inta badan. Dh: qajeela.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaxa
de: usually, mostly
lx: dhaaxa
ps: adv
syn: aalaa, badanaa, qajeel
key: dhaaxa
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhanka
(n) the direction (di-rek-shin) ~ dhinac. Ex. dhankee u socotaa? in which direction are you going? dhanka koonfureed: southbound (sawth-bawndh) ~ koofur u socda. Dhanka galbeed: westbound (west-bawn dh) galbeedka u-socoda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haabad
(Haabad-ka)
Haabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haabad
m.l la-mid: haabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haabad
-ka: (magac, lab, keli) hiigsashada wax aan gacantaada ku jirin ama kaa fog. Dh: hiigsad, haabasho, gacantogaaleyn, tiigsad.
haabad -ka: (magac, lab, keli) wax aan la arkayn, indhaha ku raadin. Dh: haabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaday
haaday! (ereydhawaaq) qof dhibaato weyni gaadhay oo inta uu is celin waayo ku dhawaaqa. Dh: hoogay, jabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadda
(falkaabe) milayga la joogo. Dh: iminka, imika.
haadda: (falkaabe) erey uu ku celceliyo qof qof kale war ka guraya oo u dhigma 'gartaye, gaddana' ama 'sii wad warka'. Dh: haaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg haar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaran
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, guulguulid. Dh: haaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraw
-ga: (magac, lab, keli) haar yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaray
(fal) cid kale, haar iyo calaamad nabar ah u yeel ama ku dhifo. Dh: calaamadee, haaree, qoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haasaw
(fal) (la ~) sheeko iyo shukaansad samee; gabadh ama wiil la sheekayso. Dh: sheekayso, shukaanso.
haasaw -ga: (magac, lab, keli) eeg haasaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haatan
Haddatan la joogo; haddeer; hadda; eegga; amminka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haatan
fk. Hadda tan la joogo; amminka, hadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haatan
fk. Hadda tan la joogo; amminka, hadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haatan
adv., time: now, at this moment; right now
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haatan
(adv) at this time, at present: now (naaw). Ex: haatan miyaad tagaysaa? are you leaving now1?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haatan
(falkaabe) tusaaleeya waqtiga ama aminta isla marka la hadlayo la joogo; haddan la joogo. Haatan waa la joogaa, hadhow waa la sugayaa. Dh: imika, haddadatan, hadda, eegga, aminka, eegadan, eegadatan, amminka, imminka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haatan
de: now, at this moment; right now = hadda + tan
lx: haatan
ps: adv-time
key: haatan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawad
(Haawad-ka)
Haawasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawad
m.l la-mid: haawasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawad
-ka: (magac, lab, keli) afbannaanida shey ay dabayshu ku dhacayso.
haawad -ka: (magac, lab, keli) iska hadlid aan milgo lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawas
m. n. neglect, leaving something out in the open
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haawas
a: haawasho (/da) [vn6-f]
de: neglect, leaving s.t. out in the open
lx: haawas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: haawo
key: haawas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayad
-da: (magac dhedig, keli) urur samafal ama adeeg guud ka shaqeeya. Dh: hay'ad, hey'ad, munadamo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hab-ka
modèle.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Haj-ka
pèlerinage.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hakkad
Sosta; virgola
Break; comma
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hal-ka
lieu, au lieu de.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halako
(Halaka-da)
Waxyeelo daran oo qof, kd., la gaarsiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halako
m.dh (-ooyin, m.l) Dhaawac culus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halako
m.dh (-ooyin, m.l) Dhaawac culus. halamacood m.l Holac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halako
f. n. severe harm, damage, bad wound
halako inter. serves you right!
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Halako
nickname-unisex severe harm, damage, grievous wound (difficult delivery condition); or he may serve you right
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halako
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo nabarro cid la gaadhsiiyo. Dh: haluko, waxyeello. Wa: halakooyin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkaa
n. phr., loc. there
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Halkaa
ici.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkaa
(adv) at or in that place; there (theer) ~ halkaan, meeshaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkaa
(falkaabe) lagu tilmaamo meel hadlaha ka durugsan laakiinse u muuqata. Dh: kobtaa, halkaas, meeshaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkaa
a: halkaas
de: there Lit: that place
lx: halkaa
ps: np-loc
key: halkaa
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkan
n. phr., loc. here, at this place
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Halkan
ici.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkan
(adv) at or in this place: here (hiyer); hither (hith er) ~ meeshaan. Ex: halkan waan nimcahay inaan joogo; I hate staying here
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkan
(falkaabe) lagu tilmaamo meel hadlaha u dhow. Dh: kobtan, meeshan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkan
de: here, at this place
lx: halkan
pd: (halkani)
ps: np-loc
xe: Give me two kilos of this [lit: from here].
xv: halkaan
key: halkan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkay
conj., vl. pron. where she / it [fem.] ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkay
de: where she / it [fem] ... = hal (ka) + ay
lx: halkay
ps: conj + vpro
key: halkay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawkar
(Hawkar-ka)
Dhul joogiddiisa ama dhexmarkiisu dhib badan tahay; oomasoore; xadaafiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawkar
m.l.kh Dhibaato, daal, cabsi iyo wixi lamida oo lagala kulmo socdaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawkar
m.l.kh Dhibaato, daal, cabsi iyo wixi lamida oo lagala kulmo socdaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawkar
m. n., [collective] inhospitable terrain, uninhabitable country
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawkar
-ka: (magac, lab, keli) dhul ku noolaanshihiisa ama dhex mariddiisu ay dhib badan tahay. Dh: oomasoore, xadaafiir. Li: barwaaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawkar
de: inhospitable terrain, uninhabitable country
lx: hawkar
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: hawkar