haad-kacarar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-kacarar
m.l.kh H. ah: qof fulay ah. la-mid: haad-karoor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadkacarar
-ka: (magac, lab, keli) qofka fulaha ah ee wax walba ka carara, haadna ha noqotee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-ka-adag
m.dh Shimbir galleyrka u eg oo madax weyn, majo guduudan iyo ciddiyo dhaadheer leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadicarar
m.l Neef baadi ah oo reerihii uu la joogay ka carara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadicarar
-ka: (magac, lab, keli) baydadka iyo qaloodka neefka baadida ah oo cidda uu soo raacay la qabsan waaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-karoor
m.l.kh la-mid: haad-kacarar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadka'adag
(Haadka'adag-ta)
Gorgor aad u weyn oo xoog badan; wuxuu lee yahay madax guduudan iyo bidaar iyo addimo iyana gudguduudan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadka'adag
-ga: (magac, lab, keli) gorgor aad u weyn oo xoog badan. Wuxuu leeyahay madax guduudan, bidaar iyo addimo iyana gudguduudan. Raqda la lama wadaagi karo haadka'adagta.
haadka'adag -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah haadka yaryar ee shimbiraha ugaadhsada. Dh: baas, shimbirolaaye, baqay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haadka-adag
f. n. hawk
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqacarar
baqacarar¹: m.l Orod dheer oo ay nafleydu sameeyso baqdin awgeed. la-mid: baqacararid.
baqacarar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cararid baqdin awgeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqacarar
-ka: (magac, lab, keli) dib u gurasho lagu dagaallamo oo iyadoo la baxsanayo dagaalka la sii wado. Dibigu waa baqacarare yaanu ku jiidhin. Dh: baqacaymad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-haad
hąad-hąad¹: m.l.kh Fudfudayd xagga dabeecadda ah.
hąad-hąad²: f.mg1 (-day, -dday) Fudfudayd muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haad-haad
hąad-hąad: m.l.kh Fudfudayd xagga dabeecadda ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haad-haad
(fal) eedaad; leelleel.
haad-haad: (fal) sida haad u bood bood. Haad'haad si aad u dhaqsato. Dh: boodbood, duulduul.
haad-haad -ka: (magac, lab, keli) salfudayd qofka nusqaan ku ah oo lagu naco. Dh: salfudayd, alaal.
haad-haad -ka: (magac, lab, keli) duulduulidda; eedaadista; leelleelka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaadacaad
f. n. boycott; ceasing of diplomatic relations
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadacaad
-da: (n) the act of boycotting; not participating ~ qaadicid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaadacaad
de: boycott; ceasing of diplomatic relations Alt sp: qaaddacaad
lx: qaadacaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qaadacaad
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gaaddasaar
Gaaddada la saaro, Salka dambe ee qaansoruubada waxaa la yiraahdaa gaaddasaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godkucarar
m.l G. ah: dhurwaa iyo wixi lamida oo habeennimo ugaarsi ku daahay oo waagii ku baryey oo baryey oo godkiisii tiigaaya. la-mid: godkuroor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhbacaad
-ka: (magac, lab, keli) waa geedka aan hadhka weyn lahayn ee cadceeddu ka soo dusto. Li: damal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaddacaad
m.dh Go'aan wax lagu diido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaddacaad
m.dh Go'aan wax lagu diido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaddacaad
-da: (magac, dhedig, keli) cid go'doo- min oo cunaqabatayn. Dh: go'doomin.
qaaddacaad -da: (magac, dhedig, keli) diidmo qayaxan oo laga qaato go'aan, arrin, talo walax, iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadwararac
(tilmaame) marka biyaha roobku u qariyaan dhulka si siman. Mayay baa nagu da'ayoo dhulku waa daadwararac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-haadid
hąad-hąadid: m.f.dh eeg hąad-hąad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haad-haadid
-da: (magac, dhedig, keli) duulduulid; eedaadid; leelleelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadimacaan
m.l (daawo) Cudur ay keento shaqo xumo ku dhacda ganaca, kaas oo soo saara insooliin. Insuliinta jidhka ku yaraatana waxay sababtaa sonkorta oo dhiigga ku badata, ka dibna loo qashinsaaro kaadi ahaan. la-mid: kaadimma-caan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadimacaan
m.l (daaw.) Cudur ay keento shaqo xumo ku dhacda ganaca, kaas oo soo saara insooliin. Insuliinta jidhka ku yaraatana waxay sababtaa sonkorta oo dhiigga ku badata, ka dibna loo qashinsaaro kaadi ahaan. la-mid: kaadimmacaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaadimacaan
-ka: (n) diabetes (dhaaya biitas)~kaadisonkorow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadimacaan
-ka: (magac, lab, keli) xanuun ku dhaca dadka oo ka yimaadda beeryarta oo ku fashilanta habaynta sonkorta iyo subagga jidhka. Waxa jidhka ku butaaca ama ka idlaada sonkorta. Waxa uu leeyahay astaamo lagu garto oo ay ka mid yihiin harraad badan, gaajo, cadho iyo kaadida oo aan la haysan karin. Dh: macaan, kaadisonkorow, sonkorow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saambacaraar
-ka: (magac, lab, keli) xoolo iyo wixii la mid ah, bacaraarka sanka; sandal.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AYNAAD-DABAYARE
(Ainad-dabaiere) C Commiphora setulifera Chiov. Burseraceae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raad-guricagaar
m.l (-dad, m.l) (c.cimi.) Muuqaal fallaaraha qorraxeed ee galay gibilka dhulka: gibilku wuxuu u oggolaadaa tamarta qorraxeed ee hirarka gaaban inay gaarto dhulka dushiisa; tamartaasi waxay kululaysaa dusha dhulka, dabadeedna dhulku tamar kulul oo hirarkeedu ay dhaadheeryihiin ayuu gibilka ku sii daayaa, kulaylkaasna gibilka ayaa lagu hayaa gaar ahaan marka cirku caad leeyahay. Sidaas darteed gibilku wuxuu u shaqaynayaa sida qarshada guri cagaar.