haad-ka-adag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-ka-adag
m.dh Shimbir galleyrka u eg oo madax weyn, majo guduudan iyo ciddiyo dhaadheer leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haadka-adag
f. n. hawk
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadka'adag
(Haadka'adag-ta)
Gorgor aad u weyn oo xoog badan; wuxuu lee yahay madax guduudan iyo bidaar iyo addimo iyana gudguduudan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadka'adag
-ga: (magac, lab, keli) gorgor aad u weyn oo xoog badan. Wuxuu leeyahay madax guduudan, bidaar iyo addimo iyana gudguduudan. Raqda la lama wadaagi karo haadka'adagta.
haadka'adag -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah haadka yaryar ee shimbiraha ugaadhsada. Dh: baas, shimbirolaaye, baqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-kacarar
m.l.kh H. ah: qof fulay ah. la-mid: haad-karoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-haad
hąad-hąad¹: m.l.kh Fudfudayd xagga dabeecadda ah.
hąad-hąad²: f.mg1 (-day, -dday) Fudfudayd muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haad-haad
hąad-hąad: m.l.kh Fudfudayd xagga dabeecadda ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haad-haad
(fal) eedaad; leelleel.
haad-haad: (fal) sida haad u bood bood. Haad'haad si aad u dhaqsato. Dh: boodbood, duulduul.
haad-haad -ka: (magac, lab, keli) salfudayd qofka nusqaan ku ah oo lagu naco. Dh: salfudayd, alaal.
haad-haad -ka: (magac, lab, keli) duulduulidda; eedaadista; leelleelka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-haadid
hąad-hąadid: m.f.dh eeg hąad-hąad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haad-haadid
-da: (magac, dhedig, keli) duulduulid; eedaadid; leelleelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadkacarar
-ka: (magac, lab, keli) qofka fulaha ah ee wax walba ka carara, haadna ha noqotee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaadan
conj., vl. pron., neg. if you ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddaadan
de: if you ... not = haddii + aad + aan
lx: haddaadan
ps: conj + vpro + neg
key: haddaadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilka-adag
m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilka-adag
f. n., [collective] fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxadag
(tilmaame) ra'yigiisa mooyee ku kale aan dhegaysan xitaa hadduu khaldan yahay. Degtaatoorku waa nin madaxadag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadahaade
m.l (-dayaal, m.l/dh) Cayayaan yaryar, caddaan xigeen ah, baalal jilicsan leh oo meseggeda ku dhasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadahaade
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo meseggeda ku dhasha. Midabkiisu caddaan buu xigaa, baalal jilicsanna leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indha-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof aan ceeb ka baqaynin ama xishood yar ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indha-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof aan ceeb ka baqaynin ama xishood yar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indha-adag
adj., [expression] shameless, unscrupulous, having no shame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof aan wax laga dhaadhicin karin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madax-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof aan wax laga dhaadhicin karin ahaansho. m.f.dh, madax-adkaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madax-adag
Comp. adj., (ie. n., adj.): stubborn, obstinate, hard-headed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax-adag
-madax-adkaa: (adj) unreasonable; stubborn (istaban), obstinate (oobastineeyt), unyielding (an-y Hl-ding), tenacious (ta-neey-shas), headstrong or dogged man ~ canaadi, macangag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadqaadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax sixran ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaya-arag
m.l.kh W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iyo wixi lamida. la-mid: waayo-arag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waaya-arag
m.l.kh W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iyo wixi lamida. la-mid: waayo-arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaya-arag
m. n.,abs. experience; expert, experienced person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaya-arag
-ah: (adj) experienced (ikis-pirii-yansid); skilled (iskil-idh); expert (ekis-peert); veteran (vee-taran)
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waaya-arag
خبرَة، تَجْرِبَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadki-arag
m.l Cantalyaa, coomaadi. la-mid: wedki-arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadki-arag
m. n., [compound] bird species, said to be in a state of fear at all times
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-karoor
m.l.kh la-mid: haad-kacarar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haad-haaditaan
-ka: (magac, lab, keli) leellitaan, duulduulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaalkahadal
-ka: (magac, lab, keli) dib ka hadal; mar dambe hadal.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAXARO-KA-CADDE
(Waharo-ka-ade) N Tarchonanthus camphoratus L. Compositae.