guxuushaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuushaa
m.l Nin aad u da' weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guxushaa
-ga: (magac, lab, keli) oday duq ah oo gaboobay. Guxushaa gabooboo geedkan gaadhin baa tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucushaa
-ga: (magac, lab, keli) nin waayeelay oo oday da' ah noqday. Gucucshaaga odaygee, guurtinimo ku idishahay misna maragga aan gelin…
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurgurshaa
m.l Rati xoog leh, hayin ah oo gurgurka iyo maxasta la saaro. la-mid: gurgurshe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurgurshaa
m. n. calm ~ docile pack-camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurgurshaa
-ga: (magac, lab, keli) awr hayin ah oo xammilqaad leh. Dh: hayin, gurgurqaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurgurshaa
de: calm ~ docile pack-camel (which can be loaded with delicate items)
lx: gurgurshaa
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: gurgurshaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuumnaan
m.dh la-mid: gamuuxanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guxuumnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan af fiiqan lahayn; gamuuxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wuxuush
m.dh.w eeg waxash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wuxuush
-ta: (magacwadareed) dugaag aan wax hanbayn. Dh: waxash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guxuuman
Gamuuxan; gamuuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuuman
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gamuuxan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guxuuman
der. [adjective] blunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guxuuman
(tilmaame) aan af fiiqan lahayn. Dh: gamuuran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guxuuman
a: gamuuxan
de: blunt
lx: guxuuman
pd: (guxuumnaa)
ps: adj-der
key: guxuuman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruushad
f.mg1 (-day, -dday) Dhuxul noqosho (wax).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruushad
-ka: (magac, lab, keli) aad u gubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluushan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale la dhexgeliyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluushan
(tilmaame) dhex gashan oo gudaha ugu jira. Libaax baa geedka xuluushan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudnaan
m.f.dh eeg guduudan. la-mid: guduudnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduudnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) midab guduudan lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuuxnaan
m.dh la-mid: gamuuxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusnaan
m.f.dh eeg xusuusan. la-mid: xusuusnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) maanka ku hayn oo xafidsanaan. Xusuusnaan ha ku tala galin waad illoobi kartaaye qoro. Dh: xasuusnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluushanaan
m.f.dh eeg xuluushan. la-mid: xuluushanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluushanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xuluushan oo gudaha ugu jira ahaan. Birta xuluushanaanta dabka u daa ha casaatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duxush
-ka: (magac, lab, keli) magac loo yaqaanno libaaxu marka uu gaboobo. Dh: aarjaamaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucuus
-ka: (magac, lab, keli) hadal gaagaaban oo aan sare loo dhawaaqine hoos loo yidhaahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guluus
m.l (-syo, m.dh) Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. la-mid: galuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guluus
m.l (-syo, m.dh) Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. la-mid: galuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guluus
m. n. button
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guluus
-ka: (n) button (bateri), used to join two parts of a garment ~ badhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guluus
-ka: (magac, lab, keli) shey wax yar oo xalleef wareegsan ah oo dhexka daloollo ku leh oo dharka lagu tolo inta daloolada laysu sudho, dacallada isku qabta. Dh: sureer, badhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guluus
a: galuus
de: button
lx: guluus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: guluus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuus
gunuus¹: m.l la-mid: gunuunuc¹.
gunuus²: f.mg1 (-say, -stay) la-mid: gunuunuc².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunuus
v. grumble, growl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunuus
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan sare loo qaadayn oo hoos loo leeyahay, xishood ama baqdin darteed. Gunuuska badan iska daa oo waxaaga saani u sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunuus
de: grumble, growl
lx: gunuus
pd: (gunuusay)
ps: v1=
key: gunuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guxuun
(Guxuun-ka)
Gamuux; gamuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuun
guxuun¹: m.l la-mid: gamuux¹.
guxuun²: f.g1 (-uumay, -uuntay) la-mid: gamuux².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guxuun
m. n., [abstract] bluntness
guxuun v. make blunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guxuun
-ka: (magac, lab, keli) wax af dhuuban aanan lahayn; af gammuuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuus
nuxuus¹: m.l (-syo, m.dh) 1. N. ah: xilli ay dadku sharaystaan. 2. N. ah: qof dhashay maalin la sharaysto. 3. N. ah: tabar yari nafley ka muuqata. la-mid: naxuus¹, nuxus.
nuxuus²: f.mg1 (-say, -stay) Wax daciif ah noqosho. la-mid: naxuus².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuxuus
m.l (-syo, m.dh) 1. N. ah: xilli ay dadku sharaystaan. 2. N. ah: qof dhashay maalin la sharaysto. 3. N. ah: tabar yari nafley ka muuqata. la-mid: naxuus, nuxus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuxuus
m. n. weak ~ unfortunate person, weakness; ill-omened day ~ time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuxuus
-ah: (adj) dim (dhiim); faint (feeynt); weak (wiik). Ex: nal nuxuus ah; a dim lightbulb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxuus
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun xoolaha caloosha kaga dhaca oo itaal darro ku rida. Beryahan xoolaha nuxuus baa naga gashay.
nuxuus-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nuxuska.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuxuus
de: weak ~ unfortunate person, weakness; ill-omened day ~ time
lx: nuxuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: naxuus
key: nuxuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunsha
-ha: (magac, lab, keli) eeg baal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuushan
f.g4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale dusha ka saaran ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuushan
f.g4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale dusha ka saaran ahaansho. m.f.dh, fuushanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuushan
der. [adjective] on top of, standing on ~ upon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuushan
-aa / ayd: (adv) on board a car, aircraft, or other passenger vehicle; aboard (a-boordh) ~ saaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuushan
(tilmaame) wax kale dusha ka saaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuushan
de: on top of, standing on ~ upon
lx: fuushan
pd: (fuushanaa)
ps: adj-der
xe: Ahmed was on the plane.
xv: Diyaaradda Axmed baa fuushanaa.
key: fuushan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunufaa
-ga: (magac, lab, keli) ka wax la cunay ama rag wixii ka hadhay sii feenfeenta. Shabeel giir leh gunufaa dhurwaa, harimacad guuxaaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuhaad
f. n., [collective] behavior, conduct
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guuhaad
-da: (n) ill will; resentment (rizentmenf); hatred (heeyterid) ~ guhaad, caddaawo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuhaad
-da: (maga dhedig keli) qof aad ka itaal roonaatay oo hadal kulul lagu yidhaahdo. Guuhaad iyo afxumo waxaan ku qabo waanad garanayne. Dh: canaan, haddidaad, hanjabaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuhaad
de: behavior, conduct See also: guhaad
lx: guuhaad
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: guuhaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guursad
(Guursad-ka)
Guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guursad
m.l la-mid: guursasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guursad
vl. n. marriage, wedding; act of getting married
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guursad
-ka: (n) the act of marrying; marriage (maareeyj) ~ guur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guursad
-ka: (magac, lab, keli) qof kale guur isugu xirid. Dh: guursasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guursad
a: guursasho (/da) [vn6-f]
de: marriage, wedding; act of getting married
lx: guursad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: guursad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuxuusi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax daciif ka dhigid. la-mid: naxuusi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuxuusi
v. weaken, debilitate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuxuusi
-yey say: (v) make dim; darken (daar-ken)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuxuusi
de: weaken, debilitate
lx: nuxuusi
pd: (nuxuusiyey)
ps: v2a=tr
key: nuxuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruush
m.dh eeg qarshi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruush
f. n., pl. coins
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quruush
-ta: (n) coin (koyn); metal money; change ~ qaddaadiic
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruush
bw: Arabic
de: coins
lx: quruush
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
see: qarshi
key: quruush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruquush
(fal) eeg ruquus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uduufaa
m.l.kh 1. Neef yar (siiba nayl) oo caato ah. 2. Cunug yar oo caato ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufaa
-ga: (magac, lab, keli) dhallaanka xoolaha gaar ahaan kuwa adhiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wuxuuna
conj. and what he ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wuxuuna
[personal pronoun he] plus action verb] and he... used masculine nouns ending -ka; -ga
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wuxuuna
de: and what he ... [CLEFT FOCUS]
initial: w
lx: wuxuuna
ps: focus + conj
key: wuxuuna
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaashaa
1. Xumo ka fog, ka dheer; taasna daa; maya.
2. Erey la yiraahdo kolka wax loo bogo; baga! (ama xaasha).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaashaa
inter. bravo!, hooray!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaashaa
(faalkaabe) eray la dhaho kolka wax loo bogo. Xaashaa'e Xuseenoow taladu waa xayi intaad tahaye. Dh: baga, xaashi.
xaashaa: (falkaabe) erey la yidhaa kolka wax xumo laga fogaynaayo oon sina loo aqbali karin. Xaashaa e nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaabe. Dh: maya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaashaa
de: bravo!, hooray!
initial: x
lx: xaashaa
ps: intj
syn: baga; Also see: xaasha
key: xaashaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gomoshaa
(Gomoshaa-ga)
Geed caleemo balballaaran oo miro la cuno leh; (ama gomosh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gomoshaa
m.l Geedgaab caleemo balballaaran leh iyo miro macaanoo la cuno. la-mid: gomosh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gomoshaa
m.l Geedgaab caleemo balballaaran leh iyo miro macaanoo la cuno. la-mid: gomosh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gomoshaa
m. n., [collective] plant species, with broad leaves and edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gomoshaa
-ga: (maac, lab, keli) geed caleemo balballaadhan iyo midho la cuno leh. Dh: gomosh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gomoshaa
de: plant sp., with broad leaves and edible fruit
lx: gomoshaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: gomoshaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudan
Midab guduud ah leh; cas; dhiin ah; xamar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax midab guduud ah leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guduudan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax midab guduud ah leh ahaansho. m.f.dh, guduudnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduudan
der. [adjective] red, reddish-brown; brown
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Guduudan
rouge.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guduudan
-aa: (adj) red (reedh); reddish (reedish)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduudan
a: gaduudan
de: red, reddish-brown; brown
lx: guduudan
pd: (guduudnaa)
ps: adj-der
syn: cas
key: guduudan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuuxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) la-mid: gamuuxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuusid
m.dh la-mid: gunuunucid.