guuxaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuxaweyn
m.dh Qoorta geela inteeda hoose.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg uurarweyn. Dh: geedadari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulaameyn
(Guulaameyn-ta)
Wax guulaameynaya noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulaameyn
m.f.dh eeg guulaamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guurayn
(Guurayn-ta)
Habeen socosho; gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurayn
m.f.dh eeg guuree. la-mid: guurays, guureggelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) habeen socdaalid. Dh: guure, gudid, gudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxeyn
(Nuuxeyn-ta)
(fardo, kd.) Socod nuuxe ah socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxeyn
m.f.dh eeg nuuxee. la-mid: nuuxe (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) fardo socod nuuxe ah ku socosho. Nuuxeyn ayay ku socdeen farduhu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurreyn
m.f.dh eeg guurree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uubateyn
(Uubateyn-ta)
Sida uubato u dhawaaqid; qaylo dheer samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uubateyn
m.f.dh eeg uubatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubateyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaylo dheer ka kacid; uubato samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurarweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) midho udgoon oo loo isticmaalo hagaajinta cuntada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buursameyn
m.dh (jool.) Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulxawaareyn
m.f.dh eeg dulxawaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulxawaareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) aad u dul'ordid; xoog u dul caymadid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Guudahaaneyn
Generalization
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caweyn
(Caweyn-ta)
Fiid soo jeedid; habeen gelinkiisa hore, sheeko ama wax kale, ku soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caweyn
m.f.dh eeg cawee. la-mid: caweys (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caweyn
vl. n. spending the evening, socializing in the evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caweyn
-ta: (n) sociable conversation in the evening; social gathering in the evening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) fiid soo jeedid ama habeen gelinkiisa hore waaryid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caweyn
de: spending the evening, socializing in the evening
lx: caweyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: caweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daweyn
(Daweyn-ta)
Dawo ku samayn; cudur biskoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweyn
m.dh la-mid: daaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid jirran dawo u qorid ama siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax yaabis ahaa iidaan lagu daro. Dh: dufaneyn. duxbeel -ka: (magac, lab, keli) marka shay ka dhammaato nafaqadii uu lahaa. Dh: nafaqobbeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faweyn
m.f.dh eeg fawee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabeyn
m.f.dh eeg gabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bannaan awdid; dalool daboolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gufeyn
(Gufeyn-ta)
Weel afki ama meel kaloo daloosha ama furan, guf gelin, ku awdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufeyn
m.f.dh eeg gufee. la-mid: cufayn, cufays, gufeys (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gujo ku dhufasho. Wayshu way gujayn badan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gujeyn
(Gujeyn-ta)
Gujo ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujeyn
m.f.dh eeg gujee. la-mid: gujeys, gujin, gujis (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, liidid oo gun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurayn
(Gurayn-ta)
Gaadiid raran guro la fuulo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurayn
m.f.dh eeg guree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaadiidka raran guro la fuulo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurxan
(Gurxan-ka)
Ci gaar ah oo nafleyda qaarkeed samayso oo badanaa guhaad iyo wax doonis lug ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurxan
gurxan¹: m.l Cod gaar ah oo nafleyda qaarkeed samayso oo badanaa ku lug leh guhaad ama wax doon (libaax, ey, iyo wixi lamida).
gurxan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Gurxan samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurxan
gurxan¹: m.l Cod gaar ah oo nafleyda qaarkeed samayso oo badanaa ku lug leh guhaad ama wax doon (libaax, ey, iyo wixi lamida).
gurxan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Gurxan samayn. m.f.dh, gurxamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurxan
v. growl
gurxan vl. n. growl, roar, act of roaring
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gurxan
name-m growl, roar; the act of roaring
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gurxan
-ka: (n) animal noise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gurxan
magac loo baxsho wiil oohin iyo geydh badan oo sida libaaxa u gurxama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurxan
(fal) hadal hoose oo guux ah samee.
gurxan-ka: (magac, lab, keli) hadal hoose oo guux ah laguna cabbirayo wax doonis. Dh: guraabaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudey
m.dh Sagaarada weyn ee dheddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulan
f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax isu ururay oo gadaal u gurtay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guulan
inch. v. be intimidated, become terrified; retreat (from an attack)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guulan
de: be intimidated, become terrified; [ext.] retreat (from an attack)
lx: guulan
pd: (guulmay)
ps: v1=inch
key: guulan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haweyn
m.f.dh eeg hawee. la-mid: haweys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quweyn
(Quweyn-ta)
Quwo u yeelid; xoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quweyn
m.f.dh eeg quwee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl ama wax kale, xoojin. Dh: quwadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uulayn
m.f.dh eeg uulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ku celcelinta codka 'uu' oo gurmad lagu doonayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurayn
(Uurayn-ta)
1. Uur u yeelid.
2. Uuro kicin; uuro u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurayn
m.f.dh eeg uuree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurayn
-ta: (n) impregnation (im-pareg-neey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haweeney uur u yeelid. Dh: rimin, uurays.
uurayn -ta: (magac, dhedig, keli) uuro kicin; uuro u yeelid; uurays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xadeyn
(Xadeyn-ta)
Xad u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xądeyn
m.f.dh eeg xądee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xadeyn
-ta: (n) limiting (limit-ing); restricting (ris-tirikt-ing); bordering (boor-dher-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xad iyo qiyaas lagu ogaado oo la yaqaan u yeelid. Dh: xadays.
xadeyn -ta: (magac, dhedig, keli) soohdin u kala samayn; daari u dhaxaysa u kala madayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buukayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo fidhid, isku cufid. Buukayn bisi ma noqotay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxane
-ha: (magac, lab, keli) gododka faalka mid ka mid ah. Ninkaa buuxane ayaa u baxay.
buuxane-ha: (magac, lab, keli) waax buuxa oo dhammaystiran ah. Wiilku waa buuxane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaweyn
m.dh la-mid: dhoweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aa, fogayn keenid. Dh: dhawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garweyn
(Garweyn-ta)
Qalab bir ah oo leh daab iyo labo af (af fiiqan iyo af wax gooya) oo dhulka lagu qodo wixii adagna lagu jebiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garweyn
m.dh (-nno, m.dh) Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garweyn
m.dh (-nno, m.dh) Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garweyn
m. n. pickaxe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garweyn
-ta: (n) a tool for breaking hard surfaces; pick (pik)-, pickaxe (pikaakis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab bir ah oo af fiigan iyo af ballaadhan leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garweyn
de: pickaxe
lx: garweyn
pd: (-ta)
ps: n2-m
key: garweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gerweyn
m.dh la-mid: garweyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si aayar ah u ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gucleyn
(Gucleyn-ta)
Xusulduubid; rucleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gucleyn
m.f.dh eeg guclee. la-mid: gucleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunneyn
m.f.dh eeg gunnee. la-mid: gunneys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurreyn
m.f.dh eeg gurree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guryayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guryo dhisid. Dh: deegaamayn, dejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudaan
guudaan¹: m.l Nooc cudur ka mid ah cudurrada geelaha oo geeri leh.
guudaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Geel guudaan haya ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guudaan
m. n. disease of camels with a fatal outcome
guudaan v. murmur, talk senseless words
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guudaan
-ka: (magac, lab, keli) cudur geela qoorta kaga dhaca oo lafaha jejebiya. Neefka guudaanka qaba waa laga gubaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulaan
-ta: (magac, dhedig, keli) rayo madaw oo roobka kor socota. Guulaan badan ayaa roobkani leeyahay. Dh: daruur; fad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guulane
name-m victorious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guumays
-ta: (n) 1. owl (aawl). 2. a single woman who is beyond the conventional age for marrying; spinster (spinistar) ~ naag weyn oo aan la guursan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guumays
-ka: (magac, lab, keli) nin qaab ahaan aan qurux badnayn oo guumays u eg, guurna ka raagay.
guumays -ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka badda laga soo saaro ka mid ah.
guumays-ta: (magac, dhedig, keli) shinbir ka mid ah kuwa habeenkii ugaadhsada. Waxay leedahay madax ballaadhan, indho waaweyn oo soo taagan iyo labo xirribood oo sare u taagan. Soomaalidu, shinbirtan aad bay u baasaystaan.
guumays -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh da' weyn oo aan la guursan weli. Guumays cirro leh baan ahee war aan ku gaadhsiiyo. Dh: guun, coon.