guurabahallayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurabahallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guure habeennimo gal; habeenkii oo sida bahalaha dhul cidlo ah la guuro. Guurabahallayn baan xalay ku tagay meel fog. Dh: guure, guuragal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbaallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod hunbaalle ah u socoshada. Dh: humbaalleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbaallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod isku dhex daadsan oo qaabka iyo dharkaba la damallooliyo oo hunbulhunbul ah. Dh: humbaallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirtaallayn
(Cirtaallayn-ta)
Xagga cirka u ganid; kor u ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirtaallayn
m.f.dh eeg cirtaallee. la-mid: cirtaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirtaallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga cirka u ridid; kor u ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbaallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg humballayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humbaalleyn
m.f.dh eeg humbaallee. la-mid: humbaalle (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbaalleyn
(Hunbaalleyn-ta)
Socod hunbaalle ah, socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadallo is dhaaf ah oo kala duwan, ku hadlid; marba si u hadlid; labo siyood oo is burinaya ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labacanlayn
(Labacanlayn-ta)
Si labacanle ah wax u cunid, u boobid; xagga iyo xaggaba ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labacanlayn
m.f.dh eeg labacanlee. la-mid: labacanlays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacanlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labada can ba wax ku cunid oo aad u boobid oo dhinac walba ku calalin. Dh: labacanlays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadablayn
m.f.dh eeg labadablee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labakaclayn
(Labakaclayn-ta)
Labo jeer kicid ama boodid ama soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labakaclayn
m.f.dh eeg labakaclee. la-mid: labakacle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labakaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo jeer kicid ama boodid. Riddadaydu labakaclayn bay sii samaysay intaanay derbiga gaadhin.
labakaclayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax la dhammeeyay oo laga bogsaday haddana dib u soo gocasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurawaaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) midho udgoon oo loo isticmaalo hagaajinta cuntada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadihallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale khatal.doc jidka ka lamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burobahalaad
m.dh (-dyo, m.l) (daawo) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. la-mid: burabbahalaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burobahalaad
m.dh (-dyo, m.l) (daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. la-mid: burabbahalaad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burobahalaad
-da: (n) an abnormal mass of tissue; wart (woort)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagataallayn
m.f.dh eeg cagataallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagataallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka warwareegid; ka meermeerid; ka cagadtaallays.
cagataallayn -ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka warwareeg, ka meermeer. Dh: ceegataallayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Guudahaaneyn
Generalization
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burabbahalaad
m.dh (-dyo, m.l) (daawo) Buro halis ah oo jirka ku faafto, dishana nafleyda ay ku dhacdo. la-mid: burobahalaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burabbahalaad
m.dh (-dyo, m.l) (daaw.) Buro halis ah oo jirka ku faafto, dishana nafleyda ay ku dhacdo. la-mid: burobahalaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burabbahalaad
-da: (magac, dhedig, keli) burada noolaha ka soo baxda, nooceeda xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabqalallayn
m.f.dh eeg dhabqalallee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaalayn
m.f.dh eeg suuldhabaalee. la-mid: suuldhabaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadh laga sameeyo suulka iyo fardhexada oo laysla dhacaayo. Suuldhabaalayn ayaad iigu yeedhay.
suuldhabaalayn -ta: (magac, dhedig, keli) suuldhabaalays; kindho samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabkutaaglayn
(Garabkutaaglayn-ta)
Amarkutaaglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabkutaaglayn
m.dh la-mid: garabkutaagle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaallaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax uurkutaallo hayso ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaallaysan
(tilmaame) murug iyo ciil qaba.