guur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guur
(Guur-ka)
Nin iyo naag, si sharci ah, laysugu xiro inta laysu mehersho, si ay u wada joogaan oo u wada dhaqmaan oo iyaga iyo carruurta ay dhalaanba qoys u noqdaan oo u wada noolaadaan; aroos; nikaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guur
guur¹: m.l 1. Xiriir mideynaya nin iyo naag ayadoo wada noolaanshahooda lagu saleynayo heshiis sharciyeysan oo dammaanad u ah xaas inuu unkamo. 2. Meel la degganaa ka tegid (cid, reer, dad).
guur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Reer meel uu degganaa ka guurid, ayadoo uu meel kale degayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guur
guur¹: m.l 1. Xiriir mideynaya nin iyo naag ayadoo wada noolaanshahooda lagu saleynayo heshiis sharciyeysan oo dammaanad u ah xaas inuu unkamo. 2. Meel la degganaa ka tegid (cid, reer, dad).
guur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Reer meel uu degganaa ka guurid, ayadoo uu meel kale degayo. m.f.dh, guurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guur
v. move away, migrate; move house, change residence
guur m. n. marriage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guur
-ka: (n) marriage (maareeyj); wedlock (weed look) ~ guursad
guur: -ay / tay: (v) go from one residence or location to another: move (muuv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guur
(fal) geeddi gal; meeshaad degganayd ka tag oo meel kale tag. Halkeed u guurteen? Dh: qayaad, hayaan. Li: deg, nagaw
guur: (fal) goor habeen ah soco.
guur -ka: (magac, lab, keli) isku xidhanka sharciga ah ee labka iyo dhedigga aadamaha. Li: furriin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucur
-ka: (magac, lab, keli) qof liita ama cadaw ah. Dh: nacas, gocor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudur
(Gudur-ka)
Hilibka geela intiisa adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudur
m.l 1. Hilib jiir ah oo adag. 2. la-mid: guduri. Nooc gorgorka ka mid ah oo leh qoor diiran iyo midab madow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudur
m. n., [collective] tough part of camel meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudur
-ka: (magac, lab, keli) hillibka xoolaha iyo ugaadha ee weydda ah jiidhka adagna ah. Dh: taxmuur, weyd. Li: caddiin, shilis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudur
de: tough part of camel meat
lx: gudur
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gudur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guure
(Guura-ha)
Socod habeenka gudihiisa la socdo; gudoodi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guure
m.l Socodka habeenkii la socdo. la-mid: guureggal¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guure
m.l Socodka habeenkii la socdo. la-mid: guureggal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guure
m. n. nighttime travel
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guure
name-m night traveler; lit: he who was born during a night time travel. Syn: Guureeye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guure
-guuraha: (n) night travelling ~ dheelmasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guure
ama Guureeye, magac loo baxsho wiil guure habeenaad ku dhashay ama aabbihii habeenkii uu dhashay guure reerka ugu soo hoyday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guure
-ha: (magac, lab, keli) socod habeenimo oo meel laga tegayo meel kalena la tegayo. Waxa aan loo noqon doonin guure habeennimo oo danbe. Dh: guurayn; guuragal; gudid; gudis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guure
de: nighttime travel
lx: guure
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: guure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Aroos gelbin. 2. (f.g) Qoraal meel kala ku naqilid. 3. (f.mg) U g.: wiil ama gabar u aroosin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guuri
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Aroos gelbin. 2. (f.g) Qoraal meel kala ku naqilid. 3. (f.mg) U g.: wiil ama gabar u aroosin. m.f.dh, guurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuri
v. marry (off), arrange a marriage, give in marriage
guuri v. move, drive (people) to migrate; transfer someone's belongings; copy out (of a book)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guuri
-yey / say: (v) copy (koopi); make a copy by writing or drawing
—u guuri -yey I say: (v) cause someone to marry, arrange a marriage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuri
(fal) meel kale ku qor; wax meel ku qoran meel kale u rar oo ku qor. Dh: naqli, wareeji.
guuri: (fal) inanta ama inanka reer u samee oo u dhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alkun
(Alkun-ka)
1. Wax aan hor u jirin oo la abuuro; abuur; uun.
2. (Alkun-ka, Alkun-ta) Labada inay is guursadaan isu doonay, waxay isu yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aroos
(Aroos-ka)
Guur cusub iyo cayaaraha iyo dheelaaska loo sameeyo; guur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aroosid
(Aroosid-da)
Aroos gelid; guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beridhax
(Beridhax-a)
Meel inta la dego waxyar kaddib laga guurayo; meel aan lagu raageyn, aan sal ahayn; beridhaxmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bikrad
(Bikrad-da)
Gabar aan weli la guursan; inan; cadrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilcamid
(Bilcamid-da)
Bilcan ka dhigid; guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilcan
(Bilcan-ta)
Naag la guursadey; haweeney; (ama bilcaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boojin
(Boojin-ta)
Qof aan raalli ahayn xoog kula tegid ama ku haysasho, badanaa gabar guur laga rabo ama qof la doona hayo inuu xoolo isku furto ama lagu furto; Afduub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadrad
(Cadrad-da)
Gabar aan la guursan; inan; bikrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carmal
(Carmal-ka)
Naag la guursadey oo ama la furay ama laga dhintay; garoob; (ama carmali).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carraabo
(Carraaba-da)
(socdaal) galab guur; galab socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciddo
(Cidda-da)
Muddo go'an oo haweenka laga dhinto iyo kuwa la furo, tirsadaan, oo intay ku jiraan ayan guursan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadabgal
(Dadabgal-ka)
Dadab loo sameeyo, dadka guurdoonka (gabdhaddoon) u yimaada; riddingal; ardaggal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaaqid
(Dalaaqid-da)
Xiriirkii guurka jebin; dalaaqihii isu dhixidda iyo isqabiddu ku jaba hayeen ku dhawaaqid; xilafurid; furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaacle
(Dhaacla-ha)
1. Xarig si gaar ah oo qurux badan loo rudco.
2. Xarigga jaadkaas ah oo gabdhaha aan weli la guursani dhexda ku xirtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaxsasho
(Dhaxsasha-da)
Xilo qaaddasho; guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelmasho
(Dheelmasha-da)
Habeen socosho; guurayn; gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelmid
(Dheelmid-da)
(xoolo, kd.) habeen kaxayn; guuraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibaad
(Dhibaad-da)
1. Xoolaha xagga reerka gabadha laga guursadey ka yimaada oo kolkii laysu geeyo iyagaas iyo yaradka (xoolaha ninka wax guursadey xaggiisa ka imanaya), aqalka cusub oo la dhisa hayo dhaqaalihiisa gundhig u noqda.
2. Dhiigga dumarku bishiiba kol helo; xayl; caado; dhibaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibaadin
(Dhibaadin-ta)
Xoolo dhibaad ah, gabadha la guursadey siin, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gur
(Gur-ta)
1. Gacanta bidix.
2. Gardarro; jiddarro (gar iyo gur — gar iyo garla'aan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gur
gur: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Geedo, timo iyo wixi lamida jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f. g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) la-mid: gųr².
gųr¹: m.dh 1. Gacanta bidix. 2. Gardarro.
gųr²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Neef irmaanaa candhadiisa caano ka idlaasho. 7. Ceel biyo lahaa dawrid. la-mid: gur² (6).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gur
f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Geedo, timo iyo wixi lamida jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f.g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) la-mid: gųr². m.f.dh, gurid.
gųr¹: m.dh 1. Gacanta bidix. 2. Gardarro.
gųr²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Neef irmaanaa candhadiisa caano ka idlaasho. 7. Ceel biyo lahaa dawrid. m.f.dh, gųrid. la-mid: gur (6).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gur
v. collect, pack up; pick, pluck
gur v. run dry; be empty
gur [feminine] n. left hand
gur [feminine] n. wrong, offense; insult
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gur
-ay I tay: (v) pick up; collect (kolekt) ~ gudh. aruuri, gurbi
ku gur: (v) put inside; take inside
ka gur: (v) take out
gur -ay / tay: (v) become dry; no longer produce, especially milk ~ gur. Ex: sac guray; a dry cow; webi guray; a dry river
gur -ta: (n) left (laft) hand; left side
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gur
(fal) alaab, midho ama wixii la mid ah qaadqaad. Li: daadi.
gur-ta: (magac, dhedig, keli) gacanta bidix. Gurta wax laguma cuno. Li: midig.
gur -ta: (magac, dhedig, keli) xidhmo weyn oo caws ama caleen ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uur
(Uur-ka)
1. Nafleyda waaweyn, inta u dhexaysa bogga iyo miskaha iyo labada kelyood; waxaa ku jira beer, beeryaro, calool, xiidmo. ganac, kelyo, kaadihays, kd.
2. Cur weyn oo ilmo ku jiraan; (xoolo) rimman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uur
m.l 1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iyo wixi lamida. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uur
m.l 1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iyo wixi lamida. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uur
-ka: (n) 1. pregnancy (pareg-nan-si)', gestation (jas-teey-shiri) ~ xaammil. 2. abdomen (aab-do-man), stomach (istoo-mak)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uur
Gravidanza
Pregnancy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uur
-ka: (magac, lab, keli) ilmaggaleenka dhedigga kolka uu cunug ku jiro.
uur-ka: (magac, lab, keli) naflayda waaweyn inta u dhaxaysa miskaha iyo bogga iyo labada keliyood ee ay ku jiraan uurkujirtu sida: beer, beeryaro, ganac, xammayti, kaadihays iyo wixii la mid ah.
uur-ka: (magac, lab, keli) garashada iyo maanka qarsoon ee wax lagu kala sooco. Dh: maan, haab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uur
de: pregnancy; [atr.] pregnant; stomach, abdomen, belly; [ext.] internal organs, viscera
initial: u
lx: uur
pd: (-ka Pl: uurar)
ps: n4-m
xe: She is pregant again.
xv: calool; wab
key: uur
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
uur
حمل، حبل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buur
(Buur-ka, Buur-ta)
Dhul kooban oo kor iyo xagga cirka aad ugu dheeraada oo badanaa madax fiiqan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buur
buur¹: m.l/dh (-rar/-ro, m.l) 1. Wax sida dhagax ciid iyo wixi lamida oo inta la is-dul-saaray dhulka ka yare kacsan. 2. Cuf dhul ah oo in door ah ka sarreeyo dhulalka ku wareegsan kana joog dheer gunbur.
buur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax sida ciid, dhagxaan iyo wixi lamida meel tuurid. 2. Afka b.: caro darteed la aamusid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buur
buur¹: m.l/dh (-rar/-ro, m.l) 1. Wax sida dhagax ciid iyo wixi lamida oo inta la is-dul-saaray dhulka ka yare kacsan. 2. Cuf dhul ah oo in door ah ka sarreeyo dhulalka ku wareegsan kana joog dheer gunbur.
buur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax sida ciid, dhagxaan iyo wixi lamida meel tuurid. 2. Afka b.: caro darteed la aamusid (qof).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buur
Mountain, Jabel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buur
f. n./m: mountain, bare-topped hill
buur v. make a mountainous object; enlarge; bundle up
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Buur
nickname-m fattie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buur
-ta: (n) [buuro / buuraha] mountain (maawn tan); hill (hiil)
buur -ay/tay: (v) make a large heap; pile up~tuur, dhoob
buuraleey ah: (adj) mountainous (maawn-ta-nas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buur
(fal) intii hore ka weynaysii. Xadhigga ii buur.
buur-ta: (magac, dhedig, keli) dhul kor iyo xagga cirka u dheeraada, badanaa dhagax badan. Buurta Caarray haddaan u baxo, oon baroor iyo qaylo diro, baahidayda billow ogaa. Dh: haar, qarri.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buur
جبل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuur
(Cuur-ka)
1. (dad, kd.) koox; horin; xayn.
2. Aan teelteel ahayn; cumur;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuur
cuur¹: m.l 1. Ciyaarta laylada godadkeeda mid ka mid ah oo bocool, dhagxaan iyo wixi lamida ka buuxaan. 2. C. ah: wax badan meel ku wada urursan.
cuur²: f.g1 (-ray, -rtay) Weel aad u buuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuur
m. n., [collective] group; crowd; dense clouds, thick trees, (etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuur
(fal) buur oo qaro u yeel. Cuur xadhiga in uu kaa dhuubane.
cuur-ka: (magac, lab, keli) aan teelteel ahayne is haya. Dh: cumudh, jiq, cumur.
cuur-ka: (magac, lab, keli) dad ama wax kale oo xoog leh.
cuur-ka: (magac, lab, keli) madax geela ama ka badan. Cuur geela nin dhaqdaa cuud haysta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuur
de: group; crowd; dense clouds, thick trees, (etc.)
lx: cuur
pd: (-ka Pl: cuurar (ka))
ps: n4-m-col
key: cuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duur
(Duur-ka)
1. Geedo badan oo meel ku wada yaal; hawd; jiq; miyi.
2. Geed magici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duur
m.l 1. Meel geedo badan oo jiq ah leh, oo aan cidi degganayn. 2. D.gal: duudgaloobidda (qof). 3. (-rar, m.l) Nooc cawska ka mid ah oo aad u dhaadheer, oo hawdka ka baxa xooluhuna cunaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duur
m.l 1. Meel geedo badan oo jiq ah leh, oo aan cidi degganayn. 2. D.gal: duudgaloobidda (qof). 3. (-rar, m.l) Nooc cawska ka mid ah oo aad u dhaadheer, oo hawdka ka baxa xooluhuna cunaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duur
m. n. jungle, woods, forest, wilderness
duur m. n. bush plant species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DUUR
(Dur) Al.Som. Schizachyrium kelleri (Hack) Stapf. Gramineae.
N Andropogon abyssinicus Fresen. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duur
-ka: (n) bush (bush)-, forest, jungle ~ kayn, baaddiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duur
-ka: (magac, lab, keli) meel aan la degganayn oo ay ah.
duur-ka: (magac, lab, keli) caws dhuudhuuban oo adayg badan leh iyo xubno oo dhaadheer oo burbur u baxa lagana sameeyo aloolka iyo wixii la mid ah. Dad iyo duur ba waxaanad filayn baa kaagaga soo baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuur
(Fuur-ka)
1. Dibbiridda iyo soo buurashada waxa dhinta.
2. Waxa ciir ama dhanaanno lagu daro, oo soo buurta ama kara ama soo fooca.
3. Wax duuban ama buuran oo dhulka hoostiisa ama biyaha hoostooda, sida likaha uga soo baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuur
fųur¹: m.l 1. Geed gaab aad u baxay oo dhulka qariyey. 2. Wax dhulka ka soo fooca. 3. F. ah: caano dhanaanay oo intii faarka ahayd kor soo martay.
fųur²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Dibirid. 2. Dhulka ka soo foocid. 3. Caano dhanaan awgeed faar kor soo marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuur
fųur¹: m.l 1. Geed gaab aad u baxay oo dhulka qariyey. 2. Wax dhulka ka soo fooca. 3. F. ah: caano dhanaanay oo intii faarka ahayd kor soo martay.
fųur²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Dibirid. 2. Dhulka ka soo foocid. 3. Caano dhanaan awgeed faar kor soo marid. m.f.dh, fųurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuur
m. n. bloated corpse
fuur v. be blown up, inflated; swell; rise (of dough, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuur
-ay / tay: (v) become swollen or inflated; bloat (baloot)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuur
(fal) naqas calooshaada ha buuxi oo fooc.
fuur: (fal) wax mar hore naftii ka haadday noqo.
fuur-ka: (magac, lab, keli) dibbiraad iyo soo buurnaansho wax dhintay ama baqtiyey. Dh: fooc.
fuur -ka: (magac, lab, keli) meel wax lagu moofeeyo. Dh: moofo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guud
(Guud-ka)
1. Timaha dheer oo fardaha, kd., surkooda, dhinaca kore, ku yaal.
2. Timaha weyn oo madaxa oo dadku deysto.
3. Wax joog leh, ama kor u dheer, madaxa ugu korreeya; kor; kore; sure; baar; fiin.
4. Aan gaar ahayne, wax badan kooba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guud
m.l 1. Aan gaar ahayn. 2. Timaha dheer oo fardaha iyo wixi lamida surkooda, dhinaca kore, ku yaal. 3. Timaha weyn oo madaxa oo dadka deysto. 4. Wax kor u dheer, madaxa ugu korreeya; kore; sare; baar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guud
m.l 1. Aan gaar ahayn. 2. Timaha dheer oo fardaha iyo wixi lamida surkooda, dhinaca kore, ku yaal. 3. Timaha weyn oo madaxa oo dadka deysto. 4. Wax kor u dheer, madaxa ugu korreeya; kore; sare; baar.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Guud
General
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guud
m. n. (adj.): common ~ ordinary thing; general, overall, public
guud m. n. mane; large head of hair, spreading hairstyle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guud
name-m high caste, noble; above all. Cf: Gob
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guud
-ka: (n) outer portion; exterior (ikis-tiriyor); surface (serfas) ~ dusha sare
guud (adj) common, ordinary, average; general (jenaral); public (pablik). Ex: hantida guud; general asset
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Guud
Generale
General
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guud
-ka: (magac, lab, keli) xagga sare. Dh: dul, guro, oogo.
guud -ka: (magac, lab, keli) timaha dheer ee lala baxo. Gashaantidu guud bay la baxday.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
guud
عام
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuf
-ka: (magac, lab, keli) cowda galka u ah timirta ee lagu soo rido ama lagu keeno. Guufka timirta ha tuurin ee xoolaha siiya.
guuf -ka: (magac, lab, keli) wixii aad u taagan ee coof ah.
guuf -ka: (magac, lab, keli) kiish raashin ah oo buuxa oo afka ka tolan. Dh: joonyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guul
1. (Guul-ka) Habeenka xoolaha aroorka ah ceelka agtiisa lagu hoyiyo, iyagoo ama weli oomman (guul-oommane; oonguul) ama cabbey oo fulliin ah (guul-cukane; wabaxguul).
2. (Guu-sha) dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin; liibaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guul
guul¹: m.l 1. Xoolo aroor ah oo ka dhaxay xeradoodii. 2. la-mid: guulid.
guul²: m.dh (-lo, m.l) Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin; liibaan.
guul³: f.g/mg1 (-uulay, -uushay) 1. (f.g) Cid haddadid. 2.(f.mg) Xoolo aroor ama wabax ah meel ceelka u dhow habeen u hoyasho. 3. (f.mg) Xoolo iyo wixi lamida dhaan isugu keenid. Tusaale: “Geelii wuxuu isugu guulmay gasada”.