guuntoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuntoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Neef dheddig, lab orgeeya waayid. la-mid: guuntow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guguntoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Neef dheddig oo tabsan abaahi waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuntood
m.f.l eeg guuntoo. la-mid: guuntoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuntood
m. n. female animal remaining unmated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuntood
-ka: (magac, lab, keli) eeg guntoobid. guuntow: (fal) lax, wan saarta waa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuntood
de: female animal remaining unmated
lx: guuntood
pd: (-ka)
ps: n-m
key: guuntood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guunto
m.dh.kh G. ah: neef dheddig oo wax rimiya waayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuntow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: guuntoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuntow
-ga: (magac, lab, keli) eeg guuntoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guguntood
m.f.l eeg guguntoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guunfood
(Guunfood-ka)
Neef dheddig, kolka uu inta awr u baahdo waayo oo sidaas darteed u rimi waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunto
f.g/mg3 (-taday, -tatay) 1. (f.g) Wax si loo xafido meel ku xirasho. 2. (f.mg) Maro sabarka ku xirasho. 3. (f.mg) U g.: hawl qabashadeeda isu diyaarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gunto
f.g/mg3 (-taday, -tatay) 1. (f.g) Wax si loo xafido meel ku xirasho. 2. (f.mg) Maro sabarka ku xirasho. 3. (f.mg) U g.: hawl qabashadeeda isu diyaarin. m.f.dh, guntasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunto
v. tie ~ wrap something around oneself; dress oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunto
(fal) shay meel ku xidho oo ku qaado ama labo dhinac isku xidh. Intan sonkorta ah faraqa ku gunto aad caawa karsatide.
gunto: (fal) maro qaarka hoose ku xidho. Macawista si wanaagsan u gunto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunto
de: tie ~ wrap s.t. around oneself; dress oneself rw: gunud
lx: gunto
pd: (guntaday)
ps: v3a=
key: gunto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuto
(Guuta-da)
1. Ciidanka dagaallama qaybihiisa, qayb kamid ah.
2. Dad aan yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuto
m.dh.u (-ooyin, m.l) 1. Qaybaha ciidamadu u qaybsanyihiin mid ka mid ah oo gaasna ka yar, ururna ka badan. 2. Dad badan oo wadajira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guuto
m.dh.u (-ooyin, m.l) 1. Qaybaha ciidamadu u qaybsanyihiin mid ka mid ah oo gaasna ka yar, ururna ka badan. 2. Dad badan oo wadajira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuto
f. n., [collective] group of warriors, squad, brigade; mature people
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guuto
-guutada: (n) [military] brigade (brigeeydh)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Guuto
Brigata
Brigade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuto
-da: (magac, dhedig, keli) col fara badan, ciidan nabar ah. Guuto ciidan ah ayaa loo diray dembiilayaashii dadka laayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuto
de: group of warriors, squad, brigade; mature people
lx: guuto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: guuto
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
guuto
لوَاء سَرِيَّة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buunto
* (Buunta-da)
Kaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buunto
m.dh la-mid: buundo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buunto
f. n. bridge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunto
-da: (magac, dhedig, keli) kaabad webi ama dix ka tallawda. Buuto weyn ayaa dixda xumbuli ka dhisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buunto
a: buundo {It}
de: bridge
lx: buunto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: buunto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuunto
m.dh.kh Ukun waqtigii la isticmaali lahaa dhaaftay oo aan waxtar lahayn. la-mid: fuundo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuunto
m.dh.kh Ukun waqtigii la isticmaali lahaa dhaaftay oo aan waxtar lahayn. la-mid: fuundo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuunto
-fuutada: (n) stale or decayed, usually egg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuunto
-da: (magac, dhedig, keli) wax qudhmay. Fuunto qadhmuun baa uraysa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
guanto
s.m. - gacangashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guufto
-da: (magac, dhedig, keli) maro madaxa lagu duubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guunso
m.dh Surta inteeda adag; gaws.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guunyo
m.dh la-mid: guuyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guunyo
f. n., [collective] wealth, inheritance; livestock
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guunyo
-guunyada: (n) animal husbandry; stock farm: livestock (laapv istaak) ~ guuyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guunyo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la dhaqdo. Nimaan guunyo lahayn ha guursan. Dh: mooro, adduun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guunyo
de: wealth, inheritance; livestock
lx: guunyo
pd: (/da)
ps: n-f-col
see: guuyo
key: guunyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurto
m.dh 1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guurto
m.dh 1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurto
f. n. movable goods; group of people traveling and not settled yet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guurto
-guurtada: (n) movable assets or properties
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurto
-ta: (magac, dhedig, keli) hantida dhaqdhaqaaqda ee aan maguurtada ahayn sida xoolaha iyo lacagta. Dh: maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurto
de: movable goods; [ext.] group of people traveling and not settled yet Opp: magguurto 'unmovable goods'
lx: guurto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: guurto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuunto
m.dh (-ooyin, m.l) Futo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuunto
m.dh (-ooyin, m.l) Futo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuntow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ukun fuunto noqosho. la-mid: fuundow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuuntow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ukun fuunto noqosho. m.f.dh, fuuntoobid. la-mid: fuundow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuntow
(fal) eeg fuundow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gugunto
m.dh Guunto; orgeysguur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunsoo
(fal) qosol dhoolla caddayn ah oon weyneyn qosol. Kolkood qoslaysid afka ha waaxine muunsoo. Dh: muusood, dhoollacaddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xuurto dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuurtoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Xuurto dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtoo
(fal) aad u xiiq oo hiinraag. Aad u orod oo u xuurtoo. Dh: neefqabataw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuntoobid
m.dh la-mid: guuntood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuntoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef dhedig oo ido ah oo asooshay oo haddana wayda wan saarta sidaana ku asoolcelisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn. m.f.dh, dhuungoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuungoo
-ga: (magac, lab, keli) cudur cunaha xidha oo loo dhinto.
dhuungoo -ga: (magac, lab, keli) qof bakhayl ah oo aan cidda u dhaw waxba siin.
dhuungoo-ga: (magac, lab, keli) qof wax gawraca oo xoolaha dhuunta jara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuntow
(Dhuuntow-ga)
Cudur dalqada ku dhaca; majin: qun; xoqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuntow
m.l Cudur qanjirrada dalqada ku dhaca; majin; qun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuntow
m.l Cudur qanjirrada dalqada ku dhaca; majin; qun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuntow
m. n. disease of the throat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuntow
-ga: (magac, lab, keli) cudur cunaha ku dhaca oo loo dhinto. Dh: xoqato, majin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuntow
de: disease of the throat
lx: dhuuntow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dhuuntow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucundho
-da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo dhulka isku ballaadhiya oo bixiya qodxo kuuskuus oo xanuun kulul. Dh: gocondho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guudhoon
(tilmaame) wax tuqan oo cidhiidhi ah sida gadh iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurdoon
m.l.kh 1. Qof in uu guursado diyaar u ah. 2. Qof gaaray da'dii lagu guursan lahaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guurdoon
m.l.kh 1. Qof in uu guursado diyaar u ah. 2. Qof gaaray da'dii lagu guursan lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurdoon
-ka: (magac, lab, keli) guur raadis; qofka maaggan inuu guursado. Li: guurdiid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LUUQTOOL
(Lugtole) S, C Commiphora cassan Chiov. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mucurtoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U m.: wax baahi weyn u qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mucurtoo
(fal) baahi ad aad wax ugu baahan tahay la dhibaatoo. Weligaaba mucurtoo kol uunbaad ka bixi doontaaye. Dh: dhibaatoo, baaho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunsood
-ka: (magac, lab, keli) qosol dhoolla caddayn ah oon afka la kala waaxin. Muunsoodku waa calaamad raali ahaansho. Dh: dhoollacaddayn. Li: afkalawaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) Nafley madaxa ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuungoo
(fal) noole madaxa ka goo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuurtood
(Xuurtood-ka)
Xuurto qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtood
m.f.l eeg xuurtoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuurtood
m.f.l eeg xuurtoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuurtood
-ay / xuurtootay: (v) become exhausted (ig-zoostidh) ~ daal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtood
-ka: (magac, lab, keli) hiinraag iyo hiinfaadh uu orodku keeno. Kolka xuurtoodku kaa ba'o ku celi orodkii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtoon
-ka: (magac, lab, keli) neefqabatow ku yimaad harraad iyo daal. Nin xuurtoon baan biyihi waraabiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuntoobid
m.f.dh eeg fuuntow. la-mid: fuundoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuntoobid
-da: (magac, dhedig, keli) naalo iyo wixii la mid ah, qudhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guno
m.dh la-mid: gunno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guun
(Guun-ka)
Qof filkiisu weyn yahay aanse laga garan, oo dhallinyaro la moodo; coon; hoosubbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guun
m.l/dh.kh Qof fil weyn oo aan da'du ka muuqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guun
m. n. dwarf, midget
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guun
-ka: (n) 1. midget (mijit) ~ hoos u bax, coon. 2. person who looks younger than his age. 3. ancient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guun
-ka: (magac, lab, keli) inanka aan u guursan ee doobnimo ku gabooba.
guun-ta: (magac, dhedig, keli) gashaanti gabowday; inanta inannimo ku weynaata oo aan la guursan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guun
de: dwarf, midget
lx: guun
pd: (-ka Pl: guunan (ka))
ps: n4-m
syn: coon
key: guun
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
unto
agg. e s.m. - dufanle; dufan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunto
(Cunta-da)
Cunno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunto
m.dh la-mid: cunno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cunto
m.dh la-mid: cunno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunto
f. n., (mass n.): food