guulmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulmid
(Guulmid-da)
Sida wax la guuley oo cabsiyi gashay dib u joogsasho, hakasho, leexasho, didid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulmid
m.f.dh eeg guulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulmid
-da: (magac, dhedig, keli) sida qof cabsi gashay dib u gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulid
(Guulid-da)
1. Habeen ceel iyo aroor ku dhixid.
2. Bajin; cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulid
m.f.dh eeg guul³. la-mid: guul¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulid
-da: (magac, dhedig, keli) is gargaarsi; is kaashi. Guuliddu waxay fududaysaa hawl aan keli la qaban karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maagasho
(Maagasha-da)
1. Wax la fali lahaa, cabsi darteed isaga deyn; alaalabbiqid; guulmid.
2. Yeelid la'aan; diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maagid
(Maagid-da)
1. Wax qalloocan oo xumaato la isaga doonayo, cid kula kicid; aabyood; daandaansasho.
2. (”) Biqid; cabsasho; guulmid.
3. Maagasho; diidid.
4. Damcid; doonid; rabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aguugmid
m.f.dh eeg aguugan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guxuumid
(Guxuumid-da)
Gamuuxid; gamuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuumid
m.dh la-mid: gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuli
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo aroor ama wabax ah meel aan xeradeeda ahayn habeyn ku hoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uumid
(Uumid-da)
Wax aan hor u jirin abuurid; alkumid; curin; khalqid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumid
m.f.dh eeg uun².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uumid
Creazione
Creation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin abuurid; wax cusub alkumid. Dh: alkumid, curin, khalqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulmid
(Bulmid-da)
Wax bulmay noqosho; sii gurmid; sii rifmid; shiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulmid
m.f.dh eeg bulaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulmid
vl. n. decay, decomposition, deterioration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulmid
-da: (magac, dhedig, keli) bul iyo shaash noqosho. Xiggu bulmidda wuu ku fiican yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulmid
de: decay, decomposition, deterioration rw: bulan
lx: bulmid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: bulmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuulid
m.f.dh eeg cuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmid
m.dh la-mid: dulmiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmid
-da: (magac, dhedig, keli) dulan iyo gardarro kula dhaqmid dadka kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duulid
(Duulid-da)
1. Hawada dhexdeeda marid sida haadka iyo dayuuradaha; haadid; lalid; heehaabid.
2. Col badani, inuu soo dagaallamo oo cid wax soo yeelo, u bixid; xarbi aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duulid
duulid: m.f.dh eeg duul². la-mid: duulis.
dųulid: m.f.dh eeg dųul². la-mid: dųulis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duulid
vl. n. flight, act of flying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duulid
-da: (n) flight (falaayt); the act of flying ~ duulis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulid
-da: (magac, dhedig, keli) marka noole taagnida ka kaco ama uu duulo. Aboodigu waa shinbir duulid badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duulid
de: flight, act of flying
lx: duulid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: duulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuulid
(Fuulid-da)
Korid; tafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulid
m.f.dh eeg fuul. la-mid: fuulis², fuullimaad, fuulmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuulid
vl. n. boarding, act of getting on a vehicle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dusha uga bixid; dushiisa korid. Dh: fuulis, koris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuulid
de: boarding, act of getting on a vehicle
lx: fuulid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: fuulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gulfid
(Gulfid-da)
Guluf ku duulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfid
m.f.dh eeg guluf². la-mid: guluf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulfid
-da: (magac, dhedig, keli) guluf ku duulid; weerar weyn ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulin
m.f.dh eeg guuli. la-mid: guulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulis
m.l la-mid: guulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guumis
(Guumis-ka)
(geel) nirig lab oo qaalini ku curatay; (ama guubis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guumis
m.l (-syo, m.dh) Rati qaalin ugubi ku curatay. la-mid: guubis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guumis
m. n. firstborn male camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guumis
-ka: (magac, lab, keli) geel, nirig lab oo qaalini ku curatay. Dh: guubis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guumis
a: guubis
de: firstborn male camel
lx: guumis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: guumis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guurid
(Guurid-da)
1. Cid meel ay degganeyd ka rarata oo degmo kale aadda.
2. (cid, reer, dad) meel la degganaa ka tegid.
3. (ka guurid, u guurid) meel ka rarasho; meel u rarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurid
m.f.dh eeg guur². la-mid: guuris².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurid
vl. n. migration, emigration, changing one's place of residence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guurid
-da: (n) the act of moving away, migration (maagareey shin) ~ guuris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad hore u daganayd ka tegid oo meel kale degid. Dh: geeddi, hayaamid, qayaadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurid
a: guuris (ta) [vn-f]
de: migration, emigration, changing one's place of residence
lx: guurid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: guurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuxid
(Guuxid-da)
1. Guux soo saarid.
2. Farxid; wax u bogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuxid
m.f.dh eeg guux². la-mid: guux¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulmid
(Kulmid-da)
Meel isugu imaansho; ururid; isgaarid; shirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmid
m.f.dh eeg kulan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel isugu imaansho. Dh: shirid.
kulmid-da: (magac, dhedig, keli) marka falaadho (ilays, kul, kaah) oo barbarro u wada socda, wax ay isku soo duwaan ama ay soo dhexmaraan ee ay meel ku kulmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuulid
(Kuulid-da)
(indho) indhakuul marin, ku qurxin, ku madoobeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulid
m.f.dh eeg kuul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kuulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulmid
(Lulmid-da)
1. Caano ruxmay oo subag ka soo go'ay noqosho.
2. Wax lulmay ama ruxmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulmid
m.f.dh eeg lulan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmid
-da: (magac, dhediq, keli) caano ruxmay oo subag ka soo go'ay noqosho.
lulmid-da: (magac, dhedig, keli) wax lulmay ama ruxmay noqosho. Dh: ruxmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luulid
(Luulid-da)
Carruurta aan weli calaliska bilaabin, carrabkooda calalin, ruugid; waxay calaamo u tahay inay calalis doonayaan oo u baahan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luulid
m.f.dh eeg luul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luulid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabjalaqada caruurta hadalbaradka ah; carrabcalaliska ubadka aan weli ababin. Luuliddu caruurta inta badan way ka ba'daa. Dh: jabago, carrabjalago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suulid
(Suulid-da)
Baabbi'id; tirtirmid; tegid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulid
-da: (magac, dhedig, keli) isqarin; qarsoomid; suulis; aroorid, baabbi'id, tirtirmid. Suulidda urta ku dadaal horta ha la soo galo aqalka ee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suumid
m.f.dh eeg suun³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuulid
(Tuulid-da)
Tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuulid
m.dh la-mid: tųurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulid
-da: (magac, dhedig, keli) isdulsaarida, isduldhigida. Dh: tuulista.
tuulid-da: (magac, dhedig, keli) tuurid, tuumin, taallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uunmid
(Uunmid-da)
Iska abuurmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunmid
m.f.dh eeg uuman².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunmid
-da: (magac, dhedig, keli) abuurmidda wax aan hore u jirin; waa awood Eebbe u gaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buusmid
(Buusmid-da)
Hoos isugu diismid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buusmid
m.f.dh eeg buusan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurmid
m.f.dh eeg cuuran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubmid
m.f.dh eeg duuban¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugmid
m.f.dh eeg duugan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugmid
-da: (magac, dhedig, keli) baabi'id oo wax dabargo'ay noqosho. Dh: dabargu'id.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Guuleed
name: Victor
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guuleed
name-m victor; victorious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Guuleed
(n) 1. Victor (vikter); 2. winner (win ner)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guuleed
magac loo baxsho wiil guul iyo barwaaqo ay dhalashadiisu horseedday ama sidaa laga filanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Guuleed
de: Victor
lx: Guuleed
ps: name-m
key: Guuleed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huudmid
-da: (magac, dhedig, keli) si aad u xagjir ah ula colloobid. Dh: colloobid, isnicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusmid
(Kuusmid-da)
Wax kuusan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusmid
m.f.dh eeg kuusan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusmid
-da: (magac, dhedig, keli) soo foocanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuqmid
(Suuqmid-da)
Wax suuqan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuqmid
m.f.dh eeg suuqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax suuqan noqosho, miiqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daguugmid
m.f.dh eeg daguugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daguugmid
-da: (magac, dhedig, keli) xobkismid oo wixii dul saarnaa ka hobobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulaalmid
m.f.dh eeg gulaalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulaalmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad rabtay ku hungoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudaamid
m.f.dh eeg guudan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guudmarid
(Guudmarid-da)
Hadal duuban oo kormar ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudmarid
m.f.dh eeg guudmar². la-mid: guudmar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taluulmid
m.f.dh eeg taluulan¹.