gusuraati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gusuraati
-ga: (magac lab keli) qoraalka sida uu u dhigan yahay aan loo akhriyi karin oo aan la garan karin waxa looga jeedo. Dh: madmadaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guraati
m.dh la-mid: guraanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musuraarid
(Musuraarid-da)
Musaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musuraarid
m.dh la-mid: musaraarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musuraarid
-da: (magac, dhedig, keli) musaraar qaadid oo fajac iyo sas la yuururid. Dh: anfariirid, fajicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guurti
(Guurti-da)
Koox waxgarad ah, oo arrin adag inay ku garnaqdo oo wax ka qabato loo magacaabo; guddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurti
m.dh (-iyo, m.l) Guddi; ikhyaar; duqow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guurti
m.dh (-iyo, m.l) Guddi; ikhyaar; duqow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurti
f. n., [collective] wise men; council of elders; committee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guurti
-da: (n) council of elders
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurti
-da: (magac, dhedig, keli) odayaal arrimaha dhaqanka iyo talada reeraha gala waxna kala saara. Dh: cuqaal, xeerbeegti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurti
de: wise men; council of elders; committee
lx: guurti
pd: (-da)
ps: n1-f, n2a-f-col
syn: cuquul, guddi
key: guurti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulati
-da: (magac dhedig keli) dhul cidlo ah. Guulati dheer baan soo marnay. Dh: guulato.
guulati -da: (magac dhedig keli) dad socod dheer ku soo maray dhul cidlo ah. Guulati baan ahayn saddex cisho. Dh: safar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guraanti
m.dh 1. Geri dheddig oo weyn. 2. la-mid: guraati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurraate
-ha: (magac lab keli) jaad xamaaratada yaryar ka mid ah oo mulaca waaweyn u eg, midabkiisuna madaw yahay.
gurraate-ha: (magac lab keli) qof aad u gaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guubaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid inay wax ku tallaabsato ku boorin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guubaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid inay wax ku tallaabsato ku boorin. m.f.dh, guubaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guubaabi
v. encourage, exhort; incite, stir people up to violence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guubaabi
-yey I say: (v) urge to course of action; stir up, exhort (igzoorf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guubaabi
(fal) cid kale, dhiirigeli; qof tirtirsii; wax ku boorri. Carruurta ku guubaabi waxbarashadooda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guubaabi
de: encourage, exhort; incite, stir people up to violence
lx: guubaabi
pd: (guubaabiyey)
ps: v2a=
key: guubaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musuraar
(Musuraar-ka)
Musaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musuraar
musuraar¹: m.l la-mid: musaraarid.
musuraar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: musaraar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musuraar
m. n. shock
musuraar [inchoative] v. be shocked ~ shaken
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musuraar
(fal) sas oo argagax. Ka musaraar wax meesha ka dhacay.
musuraar-ka: (magac, lab, keli) argaggar sa ama wax kale oo lala maanwareero; saamas la miyirbeelo. Dh: fajac, musaraar.
musuraar -ka: (magac, lab, keli) galo biyo joogi leh oo caws ka baxo. Dh: gale, dooxo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuuraani
name-m the light
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulukaati
m.l.kh Bir-xaar dusha dheen dahab ahi ka marsanyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bulukaati
m.l.kh Bir-xaar dusha dheen dahab ahi ka marsanyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulukaati
m. n. costume jewelry; silver ~ gold plate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulukaati
-ga: (n) costume jewellery (ju-walari) also jewelry; gold coated or imitation jewellery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulukaati
-ga: (magac, lab, keli) jaajuur aqallada lagu dhiso, sibidhka iyo niiska ama dhoobada laga sameeyo oo siyaabo kala duwan loo sameeyo. Dh: bulakeeti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulukaati
de: costume jewelry; silver ~ gold plate
lx: bulukaati
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: bulukaati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dululaati
(Dululaati-ga)
Dulalaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dululaati
m.l la-mid: dulalaati.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dululaati
m. n. opening, way through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dululaati
-ga: (magac, lab, keli) meel banaan oo labadhexaad ah; meel hud ama labo geed isugu yimaaddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dululaati
a: dulalaati
de: opening, way through
lx: dululaati
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dululaati
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juquraafi
-ga: (n) geography (jiyoo-garafi).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUKURAARI
(Mukurari) S Cucumis halabrada Chiov. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tusunaami
Tsunami
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bujurwaasi
m. n. bourgeois, bourgeoisie
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bujurwaasi
a: burjuwaasi {Eng}
de: bourgeois, bourgeoisie
lx: bujurwaasi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: bujurwaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musaraarid
(Musaraarid-da)
Musaraar ku dhicid. (ama musuraarid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musaraarid
m.f.dh eeg musaraar². la-mid: musaraar¹ (1), musareer¹, musareerid, musuraar¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) musaraar qaadid oo fajac iyo sas la yuururid. Hanjabadd iyo cagajuglaynta ninkeeda ayay musaraarid ka qaadday. Dh: anfariirid, fajicid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musuraar_1
a: musaraar
de: shock
hm: 1
lx: musuraar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: musuraar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musuraar_2
de: be shocked ~ shaken
hm: 2
lx: musuraar
pd: (musuraaray)
ps: v1=inch
key: musuraar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunsulaato
(Qunsulaata-da)
Xafiiska ama guriga qunsulka (ama qunsuliyad).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunsulaato
f. n. consulate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunsulaato
de: consulate {It}
lx: qunsulaato
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qunsulaato
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
usurpation
usurpation, n.f. - boos qof kale qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuraa
m.l Dhicis xoolaad oo isagoo bakhti ah dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduri
(Guduri-ga)
Haadka waaweyn jaad kamid ah; qoormurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduri
m.l la-mid: gudur (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduri
m. n., [collective] large bird species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduri
-ga: (magac, lab, keli) nooc gorgorka ka mid ah oo qoor diiran. Sida guduri neef loo qalay dhab u galaydhayne.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduri
de: large bird sp.
lx: guduri
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: guduri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guraar
-ta: (magac, dhedig, keli) geed la qoro oo caloosha laga bixiyo dabadeedna, labo af loo sameeyo oo geedaha dushooda la saaro si shinnidu malabka ugu samayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guursi
m.l la-mid: guursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guursi
-ga: (magac, lab, keli) xaas yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurto
m.dh 1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guurto
m.dh 1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurto
f. n. movable goods; group of people traveling and not settled yet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guurto
-guurtada: (n) movable assets or properties
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurto
-ta: (magac, dhedig, keli) hantida dhaqdhaqaaqda ee aan maguurtada ahayn sida xoolaha iyo lacagta. Dh: maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurto
de: movable goods; [ext.] group of people traveling and not settled yet Opp: magguurto 'unmovable goods'
lx: guurto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: guurto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaati
(Shaati-ga)
Gashi; garbaggale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaati
m.l (-iyo, m.dh) la-mid: shaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaati
m. n. shirt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaati
-ga: (n) shirt (sheert) ~ shaadh, shaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaati
-ga: (magac, lab, keli) eeg shaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaati
bw: shaadh ~ shaar
de: shirt
initial: s
lx: shaati
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
syn: garbaggale, garbaggashi, gashi
key: shaati
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shaati
قميص
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suraar
-ka: (magac, lab, keli) badhan; ilac.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Suurat
name-f medicinal; tall and beauty. Syn: Surad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuraan
f. n., [abstract] stoutness, obesity, fatness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuraan
de: stoutness, obesity, fatness Alt sp: buurraan
lx: buuraan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
syn: cayillaan, shishlaan
key: buuraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraati
(Faraati-ga)
1. Fargashi; kaatun.
2. Ilmasideenka madaxiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraati
m.l (-iyo, m.dh) 1. Shay farta la gashado xarrago darteed. 2. Ilmasidaha afkiisa (minka).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraati
m.l (-iyo, m.dh) 1. Shay farta la gashado xarrago darteed. 2. Ilmasidaha afkiisa (minka).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraati
m. n. ring (for the finger); cervix of the womb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraati
-ga: (n) ring worn on the finger ~ faraanti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraati
-ga: (magac, lab, keli) ilmagaleenka madixiisa. Faraatigaa hasha ka soo dhacay.
faraati -ga: (magac, lab, keli) kaatun farta la gashado. Faraati dahab ah baa gabadha lagu meheriyey. Dh: fargal. Wa: faraatiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraati
cf: fargashi, kaatun
de: ring (for the finger); cervix of the womb
lx: faraati
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: faraati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadi
(fal) xal u hel. Adaa falaye furaadi. Dh: maaree, maaroodi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaari
f.mg2 (-iyay, -isay) Qof suuxay ahaansho. Tusaale: “Far garaarisa baa laga waayay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaari
f.mg2 (-iyay, -isay) Qof suuxay ahaansho. Tusaale: Far garaarisa baa laga waayay. m.f.dh, garaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubaabi
(fal) cid kale, hadal gubaabo ah u jeedi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guhaadi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ka caraysiin. 2. Qof guubaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guhaadi
v. stir up, make someone angry; exhort, incite, stimulate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guhaadi
de: stir up, make s.o. angry; exhort, incite, stimulate (usually by reminding s.o. of past events so he/she will fight or take action)
lx: guhaadi
pd: (guhaadiyey)
ps: v2a=tr
key: guhaadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunufaa
-ga: (magac, lab, keli) ka wax la cunay ama rag wixii ka hadhay sii feenfeenta. Shabeel giir leh gunufaa dhurwaa, harimacad guuxaaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurrani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gurranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guubali
-da: (magac dhedig keli) xabagta udgoon ee ka baxda geedka xiiska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudaan
guudaan¹: m.l Nooc cudur ka mid ah cudurrada geelaha oo geeri leh.
guudaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Geel guudaan haya ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guudaan
m. n. disease of camels with a fatal outcome
guudaan v. murmur, talk senseless words
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guudaan
-ka: (magac, lab, keli) cudur geela qoorta kaga dhaca oo lafaha jejebiya. Neefka guudaanka qaba waa laga gubaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuhaad
f. n., [collective] behavior, conduct
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guuhaad
-da: (n) ill will; resentment (rizentmenf); hatred (heeyterid) ~ guhaad, caddaawo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuhaad
-da: (maga dhedig keli) qof aad ka itaal roonaatay oo hadal kulul lagu yidhaahdo. Guuhaad iyo afxumo waxaan ku qabo waanad garanayne. Dh: canaan, haddidaad, hanjabaad.