ereyga

guryonoqo

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

guryonoqo

DHAN

(fal) aqalkaagii hore dib ugu laaban.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

guryonoqod

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) aqal ama dal ku laabasho; marka reerku meel ka guuro ee uu guri kale dego oo ay maqashu dib ugu noqoto gurigii hore ee laga soo guurey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

guryannoqo

DHAFAN

f.mg3 (-qday, -qotay) Xero laga soo guurey u noqosho (xoolo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

guryannoqo

DHAFAN

v., [compound] return home (of flock); return to the fold; go back to an old ~ previous home (of pet)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

guryannoqo

DHAFAN
1

de: return home (of flock); return to the fold; go back to an old ~ previous home (of pet)

2

lx: guryannoqo

3

pd: (guryannoqday)

4

ps: v3b=cmp

5

key: guryannoqo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daah

DHAABAN
1

(fal) geel, dabaysha raac oo xeradii laga soo guuray dib ugu noqo. Geelidii rimayda ahaa oo dhan wuu daahay.

2

daah: (fal) ila xidh u samee. Aqalka dabaysha ka daaha.

3

daah: (fal) arrin ama wax kale, maqalka iyo aragga ka xannib. Dh: qari, khabbee. Li: caddee, muuji.

4

daah: (fal) waqtigii aad tegi lahayd ka dibdhac, goortii aad gaadh lahayd meel ka dibdhac. Dh: raag, habsaan.

5

daah: (fal) (ka ~) soo xanuun ku hayay, ka soo roonaansho. Wuxu raafada xanuunkii maanta wuu ka soo daahay.

6

daah -a: (magac, lab, keli) geel marka uu u soo lumo xeryihii iyo waddankii uu yaqaaney ee laga raray. Rimayda daaha ka ilaaliya. Dh: guryonoqod.

7

daah-a: (magac, lab, keli) xanuun ka soo raysasho ah laakiin weli diifi ka sii muuqato. Daah baan Ilaahay kaaga baryeynaa.

8

daah -a: (magac, lab, keli) maryo ama wax kale oo oo daliigan oo albaabbada iyo daaqadaha laga laallaadiyo si iftiinka iyo indhaha ka soo gali lahaa la iskaga qariyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hoyaad

DHAABAN
1

-ka: (magac, lab, keli) meel la deggan yahay ku dheelmasho; shaqa dabadeed reerkii u guryonoqosho. Dh: hoyasho, hoyaatin.

2

hoyaad -ka: (magac, lab, keli) meel habeennimadii la gaadhi karo, lagu hoyan karo.

3

hoyaad -ka: (magac, lab, keli) habeen meel joogid; hoyaadin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

guryonoqosho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) aqal ama dal ku laabasho; marka nooluhu uu ku soo noqdo baradiisii hooyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Guryannoqod

DHAFANDHAAF
1

(Guryannoqod-ka)

2

(xoolaha yaryar) guriga laga guuro oo dib loogu soo noqdo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

guryannoqod

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: guryannoqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

guryannoqod

DHAFANDHAAF

vl. n. return of pets to old home ~ previous residence

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

guryannoqod

DHAFANDHAAF
1

de: return of pets to old home ~ previous residence

2

lx: guryannoqod

3

pd: (-ka)

4

ps: vn2a-m

5

key: guryannoqod

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gurmogoo

DHAFANDHAAF

(fal) geed gunta ka xaabi oo wada jar oo waxba ha kaga tegin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

guryosamo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) meel ama dhul barwaaqo ah oo nabadna lagu nool yahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gurood

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) Wadda yar; wadiiqo; diqdiq.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gurood

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) Wadda yar; wadiiqo; diqdiq.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Guryan

DHAFANDHAAF
1

(Guryan-ka)

2

Hadal badan oo aan milgo lahayn; guraabbaas; (ama duryan).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

guryan

DHAFANDHAAF
1

guryan¹: m.l Hadal badan oo aan murti lahayn. la-mid: duryan¹.

2

guryan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Hadal badan oo aan murti lahayn dabeebasho. la-mid: duryan².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

guryan

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Hadal badan oo aan murti lahayn dabeebasho. m.f.dh, guryamid. la-mid: duryan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

guryan

DHAFANDHAAF
1

m. n. idle chatter, waffling

2

guryan v. chatter, waffle

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

guryan

DHAFANDHAAF

-ka: (n) mutter (matar) jabber (jab ber)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

garoobo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) naag aan la qabin oo ninkeedii furay ama uu ka dhintay. Islaan garoobo ah ayuu Waaberi guursaday. Dh: garoob, carmali.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

garooco

DHAFANDHAAF

f.g3 (-cday, -catay) Wax is haysta in yar ka goosasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

garooco

DHAFANDHAAF

(fal) gooso oo jaro. Hilibka in ka garooco.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

garoomo

DHAFANDHAAF

f.g3 (-ntay, -matay) Madax, timo ka muldhisasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

goronyo

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: goroyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

goronyo

DHAFANDHAAF

f. n. female ostrich

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

goronyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) goroyo; warriile.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

goronyo

DHAFANDHAAF
1

de: female ostrich

2

lx: goronyo

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f

5

see: goroyo

6

key: goronyo

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

goronyo

DHAFANDHAAF

نَعَامَة نَعَامِ زَفُوفَ

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

guranyo

DHAFANDHAAF

m.l Geedka diirta marka uu laba dhegood dhaafo oo laanna uusan weli yeelan. la-mid: gureeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gurbood

DHAFANDHAAF
1

(Gurbood-ka)

2

Carruur; dhallaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gurbood

DHAFANDHAAF

m.l.u Dhallaan; carruur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gurbood

DHAFANDHAAF

m.l.u Dhallaan; carruur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gurbood

DHAFANDHAAF

m. n., [collective] children

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

gurbood

DHAFANDHAAF

-ka: (n) young children ~ carruur, ciyaal

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gurbood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) carruurta da'da yaryar. Gurbood gaajo ma xammilo. Dh: ubad, dhallaan, maati, gorbi. Li: waayeel.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gurbood

DHAFANDHAAF
1

de: children

2

lx: gurbood

3

pd: (-ka)

4

ps: n0-m-col

5

syn: carruur, dhallaan, manqo

6

key: gurbood

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ku noqo

DHAFANDHAAF

v. return to a place; repeat, do something again

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ku_noqo

DHAFANDHAAF
1

de: return to a place; repeat, do s.t. again

2

lx: ku noqo

3

pd: (noqday)

4

ps: v3b=expr

5

key: ku_noqo

waa la naqliyay ✓

Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]

MURYOOD

DHAFANDHAAF

[MWIOT] Grewia tembensis 01

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

autònomo

DHAFANDHAAF

agg. - madaxbannaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barjooqo

DHAFANDHAAF

m.dh (-ooyin, m.l) Caanaha neef guraya ibihiisa ku hara.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gargooyo

DHAFANDHAAF

m.dh Dhexdhexaadinta la dhexdhexaadiyo laba qof oo gar isku haysta.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gargooyo

DHAFANDHAAF

m.dh Dhexdhexaadinta la dhexdhexaadiyo laba qof oo gar isku haysta.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gorogoro

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xooluhu marka ay jiilaalka ka soo doogaan ee roobna da'o dhulkuna aanu lahay waxay cunaan ee ay gaajada iyo qoyaanka la yaacyaacaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

guryan_1

DHAFANDHAAF
1

cf: duryan, guraabbaas

2

de: idle chatter, waffling

3

hm: 1

4

lx: guryan

5

pd: (-ka)

6

ps: n2-m

7

key: guryan_1

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

guryan_2

DHAFANDHAAF
1

de: chatter, waffle

2

hm: 2

3

lx: guryan

4

pd: (guryamay)

5

ps: v1=

6

key: guryan_2

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

MURYOOLE

DHAFANDHAAF

(Muriole) S Phyllanthus pseudoniruri Muell-Arg. Euphorbiaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qurgooyo

DHAFANDHAAF

m.dh Naf ka goynta cid nafta laga gooyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qurgooyo

DHAFANDHAAF

-qurgooyada: (n) beheading; decapitating

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

surgooyo

DHAFANDHAAF

m.dh Nabar cid surka si xoog leh looga dhufto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barqanoqo

DHAFANDHAAF

f.mg3 (-qday, -qotay) Nafley fooftay, goor barqo ah, hoygeeda dib u tegid.

waa la naqliyay ✓