gurray
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GURRAY
[GURAY, GU-RHEYEJ Commiphora gurreh 01
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guray
m. n. left-handed person
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GURAY
Commiphora gurreh 02
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guray
-ga: (n) one who is left-handed; left-hander (laft-heendher) ~ gurey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guray
naanays loo bixiyo qofka gacanta bidix ku qabsada hawshii ay midigtu qaban lahayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guray
a: gurey
de: left-handed person
lx: guray
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: guray
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunray
m.l la-mid: gunre.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunray
m. n. coniferous plant species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUNRAY
Commiphora gurreh 01
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunray
de: coniferous plant sp.
lx: gunray
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: gunre
key: gunray
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurrac
(Gurrac-a)
Qallooc; sirgax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurrac
gurrac¹: m.l Qallooc; dabcixumo.
gurrac²: f.g1 (-cay, -cday) Wax qalloocin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurrac
f.g1 (-cay, -cday) Wax qalloocin. m.f.dh, gurricid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurrac
m. n. bentness, crookedness; stubbornness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurrac
-a: (magac, lab, keli) si qallooc ah; six un. Dh: maroor, sirgax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurrac
de: bentness, crookedness; stubbornness
lx: gurrac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: gurrac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurran
Qof gurta wax ku qabsada; wixii gacanta midig lagu qaban jirey, gacanta bidix ku qabta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurran
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof adeegsiga gacanta bidix ku badsada ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurran
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof adeegsiga gacanta bidix ku badsada ahaansho. m.f.dh, gurranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurran
der. [adjective] left-handed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gurran
-gurmaa I gurmayd: (adj) left-handed (laft-heendidh). Ex: wuu gurran yahay; he is left-handed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurran
(tilmaame) qof gacanta bidix wax ku qabsada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurran
cf: gur, gurey
de: left-handed
lx: gurran
pd: (gurranaa)
ps: adj-der
key: gurran
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hurray
/huurey/hooray; (inter) baga, bagah e.g. You have done it! Hurray!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murray
m.l Nooc ka mid ah kuusha dumarku qoorta ku xirtaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurray
-da: (magacwadareed) xoolaha boqolka lagu bixinayo, geela inta buuxda ee irmaan ama rimman. Waxa middiiba lagu qiimeeyaa labo iyo toban laxaad oo u dhiganta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irmaan
1. (Irmaan-ka) Nafley dheddig oo caano leh; aan gurrayn.
2. (Irmaan-ta) (Shaxda) kataan; weddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurraysnaan
m.f.dh eeg gurraysan. la-mid: gurraysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurraysnaansho
m.l/dh la-mid: gurraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waxyeellada jinku u gaysto insiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurrani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gurranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurreyn
m.f.dh eeg gurree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guryayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guryo dhisid. Dh: deegaamayn, dejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guurayn
(Guurayn-ta)
Habeen socosho; gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurayn
m.f.dh eeg guuree. la-mid: guurays, guureggelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) habeen socdaalid. Dh: guure, gudid, gudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurays
m.l la-mid: guurayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurays
vl. n. walking ~ traveling at night
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurays
de: walking ~ traveling at night
lx: guurays
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: guurays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurrays
m.l 1. Dabaggaalle. 2. Ubad geel ama dad oo diifeysan ama korriimmadii ka xumaatay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gray
/grey/ (ame) grey (bre); (n) 1. beey, midabka dambaska (adj) 2. cirro, timaha cirrada leh (v) 3. cirro-yeelasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gray
grey, a., cirro leh; gray beard and hair, n., cirro, -di; gray horse, maydal, -ki; whitish-gray horse, caynab, -ki.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Array
Teed
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Array
Teed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
array
/arrey/arrays, arraying, arrayed; (n) 1. wax tiro badan oo il gabato leh. 2. wax meel lugu sharraxay ama lugu waray si ay dadka u soo jiitaan. e.g. She looked in the window at the array of jewellery.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
array
v.tr., (attire) xarrago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buray
buray¹: m.dh la-mid: buro¹.
buray²: m.dh la-mid: buro².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
curry
/keri/ (n) 1. dhirta cuntada (geedaha cuntada lugu carfiyo) (n) 2. suugo (v) 3. suugo dallacid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
curry
v.tr., (dress leather) yeel naq; (a kind of sauce used in India) sanuunad, -di, (see kahri in Supplement.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duray
m.l (daawo) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duray
m. n. cold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duray
-ga: (n) common cold; flu (fuluuf influenza (in fuluu-weens dy, cold (kooldhiy coryza (koraayza) ~ durey, ifilo, hargab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duray
-ga: (magac, lab, keli) xanuun qufac iyo xummad leh oo inta badan qofka cabbudhiya. Dh: hargab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duray
de: cold
lx: duray
pd: (-ga)
ps: n-m
see: durey
key: duray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furay
(fal) meel daloosha, fur qeli oo awd. Dh: gufay, gufee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
furry
/feri/ (adj) dogor-leh, siiba dhogorta xayawaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goray
(Goray-ga)
Goroyada keeda lab; haldhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goray
m.l (-yo, m.dh) 1. Gorayo lab. 2. G. ah: awr aan gulgulada soo ridi karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goray
m.l (-yo, m.dh) 1. Gorayo lab. 2. G. ah: awr aan gulgulada soo ridi karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goray
m. n. male ostrich
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goray
-ga: (n) male ostrich (os tarish) ~ haldhaa. [opposite of goroyo]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goray
-ga: (magac, lab, keli) gorayada keeda lab. Hablihii sida gorayga ciideed, gelbin jirey tallaabada…
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goray
bw: goroyo, goroyacawl
de: male ostrich
lx: goray
pd: (-ga)
ps: n2-m
syn: haldhaa
key: goray
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUDAY
Cordia suckertii 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUDAY
(Dudai) C Cordia suckertii Chiov. Boraginaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurad
(Gurad-ka)
Gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurad
m.l la-mid: gurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurad
vl. n. gathering, collecting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurad
-ka: (magac, lab, keli) wax gurasho, wax xaabsi; wax urursi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurad
de: gathering, collecting
lx: gurad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
see: gurasho
key: gurad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guran
1. La guray; la uruurshey.
2. (cunno) la bisleeyey oo weelashii lagu cuni lahaa lagu guray.
3. (xoolo) aan irmaanayn; galoof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guran
guran: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax aan caano lahayn ahaansho. 2. Wax aan biyo lahayn ahaansho. 3. Wax weelkay ku jireen laga saaray ahaansho (cunno).
gųran¹: m.l Geel aan irmaanayn; horweyn.
gųran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Neef irmaan canihii ka dhamaasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax aan caano lahayn ahaansho. 2. Wax aan biyo lahayn ahaansho. 3. Wax weelkay ku jireen laga saaray ahaansho (cunno). m.f.dh, gurnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guran
der. [adjective] collected, gathered; served up (of food)
guran m. n., [collective] (adj.): herd of camels no longer giving milk that are kept far from dwelling areas; milkless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guran
-aa: (aadj) dried up (daraayidh ap); no longer producing, especially milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guran
(tilmaame) wax la aruurshay oo la guray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurey
(Gurey-ga)
Qof gacanta bidix wax ku qabsada ee aan, sida loo badan yahay, gacanta midig wax ku qabsan; qof gurran; labammidigle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurey
m.l Nin gacanta bidixda uga isticmaal badan gacanta midigta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurey
m.l Nin gacanta bidixda uga isticmaal badan gacanta midigta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurey
m. n. left-handed person
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUREY
Commiphora gurreh 01
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gurey
nickname-m left-handed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gurey
-ga: (n) one who is left-handed: left-hander (laft-heendher) ~ guray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gurey
magac ama naanays loo baxsho wiil gurran ama gacantiisa bidix adeegsada kolka uu wax qabanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurey
a: guray
cf: gurran
de: left-handed person
lx: gurey
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: gurey
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gurey
أيْسَر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurro
m.dh Dhibaatada niyadda ka gaarta ilmo ay korisay naag aabbihii qabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurro
m.dh Dhibaatada niyadda ka gaarta ilmo ay korisay naag aabbihii qabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurro
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaatada niyadda ka gaadha ilmo ay korisay naag aabbihii qabo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hurry
/hari/ (n) deg-deg, dhakhso. (v) 2. deg-degid, dhakh-sasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hurry
n., hawl badan; the man is in a hurry, ninki hawsha badnaa; v.tr., degdeg u qabo; v.i., degdeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuray
(Kuray-ga)
Wiil aan weli qaangaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuray
m.l (-yo, m.dh) Wiil carruurnimo ka baxay oo aan weli qaangaarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuray
m.l (-yo, m.dh) Will carruurnimo ka baxay oo aan weli qaangaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuray
m. n. lad, boy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuray
-ga: (n) teenaged boy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuray
-ga: (magac, lab, keli) wiil aan wali qaan gaadhin. Ali imika waa kuray xoogle. Dh: goofil, doob Wa: kurayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuray
de: lad, boy (under fifteen years old)
lx: kuray
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: kuray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuray
(fal) uur u yeel haweeney. Dh: rimi.
uuray: (fal) uuro iyo siigo kici. Dh: siigay.
uuray-da: (magac, dhedig, keli) qof yar oo calool weyn. Uuray baad tahaye jimicsiga ciyaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuray
(fal) 'bahal' yur ku dheh. War libaaxa yuray.