gurmaggo'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurmaggo'an
(Gurmaggo'an-ka)
(dhir) laamihii laga jaray; baargo'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmaggo'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Wax salka laga jaray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurmaggo'an
m. n. tree with branches lopped off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurmaggo'an
-ka: (magac, lab, keli) dhir laamihii laga jaray. Dh: baargo'an.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurmaggo'an
de: tree with branches lopped off
lx: gurmaggo'an
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gurmaggo'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmaggo'naan
m.f.dh eeg gurmaggo'an. la-mid: gurmaggo'naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurmaggo'naan
-ta: (magac, dhedig, keli) geed baarka laga jaray ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmaggoyn
m.f.dh eeg gurmaggoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmaggoo
f.g2 (-ooyay, -ooysay) Geed iyo wixi lamida salka ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garigo'an
(tilmaame) meel aan biyo iyo baad midna lahayn. Garigo'an gabbal kuugu dhac. Dh: gerigo'an.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gerigo'an
(tilmaame) dhul cidlo ah oo aan biyo lahayn. Geriggo'an gabbal kuugu dhac!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgo'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Wax cad cad u kala qeybsamay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
googgo'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Wax cad cad u kala qeybsamay ahaansho. m.f.dh, googgo'naan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googgo'an
(tilmaame) wax la jarjaray oo la yaryareeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turmaagan
Turmaag ah; dhereran, yuuban; malluugan; liqdaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turmaagan
f.g4 (-gnaa, -gnayd) Wax, si toos ah oo aan dhaqdhaqaaq lahayn u taagan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
turmaagan
der. [adjective] standing upright, erect and immobile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turmaagan
(tilmaame) turmaag ah, dhereran, yuuban, qalluuban, liqdaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
turmaagan
de: standing upright, erect and immobile
initial: t
lx: turmaagan
pd: (turmaagnaa)
ps: adj-der
key: turmaagan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariggo'an
m.l Daruur weyn, biyo lahayn oo aan daruur kale ka hooseyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eeriggo'an
m.l/dh la-mid: geeriggo'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeriggo'an
m.l/dh.kh Meel aan dad joojin, aan wax dhaqaaqa joogin; cidla'. la-mid: eeriggo'an.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geeriggo'an
m.l/dh.kh Meel aan dad joojin, aan wax dhaqaaqa joogin; cidla'. la-mid: eeriggo'an.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeriggo'an
m. n., [compound] (adj.): isolated place; desolate, forsaken
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geeriggo'an
-ta: (n) a remote or unknown place: nowhere (noo-weer) ~ cidla ciirsila. Ex: waxaa laga helay meel geeriggo'an ah; it was found in the middle of nowhere
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeriggo'an
de: isolated place; [atr.] desolate, forsaken
lx: geeriggo'an
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: geeriggo'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turmaagnaan
m.f.dh eeg turmaagan. la-mid: turmaagnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turmaagnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) malluugnaan; liqdaarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
googo'an
der. [adjective] cut ~ chopped (up), broken apart; torn, tattered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
googo'an
-aa: (adj) cut into small pieces; chopped (jaapidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
googo'an
de: cut ~ chopped (up), broken apart; torn, tattered
lx: googo'an
ps: adj-der
see: googgo'
key: googo'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudaggal
f.g1 (-alay, -ashay; -geli) Hawl iyo wixi lamida u gondadegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gudaggal
f.g1 (-alay, -ashay; -geli) Hawl iyo wixi lamida u gondadegid. m.f.dh, gudaggelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudaggal
v. examine ~ investigate something thoroughly; enter inside
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gudaggal
-ay /gudaggashay: (v) explain in detail. Ex: sheekaddii bay aad u gudaggashay; she explained the story in detail
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudaggal
de: examine ~ investigate s.t. thoroughly; [lit.] enter inside Atl: gudagal
lx: gudaggal
pd: (gudaggalay)
ps: v1=tr
key: gudaggal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gugguban
adj., pl. burnt (ones); object with several burn marks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gugguban
-aa: (adj) having burnt (burned) spots or marks
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gugguban
de: burnt (ones); object with several burn marks
lx: gugguban
pd: (Sg: guban)
ps: adj-pl
key: gugguban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaaxan
gumaaxan¹: f.mg1 (-xmay, -xantay; -xmi) Wax gumaaxmay noqosho.
gumaaxan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la gumaaxay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guriggal
guriggal¹: m.l la-mid: guriggelid.
guriggal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Laba qof oo isguursaday markii ugu horraysay si rasmi ah guri u wada gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guriggal
f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Laba qof oo isguursaday markii ugu horraysay si rasmi ah guri u wada gelid. m.f.dh, guriggelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guriggal
v., [compound] go to a new home after the wedding; get married
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guriggal
de: go to a new home after the wedding; get married
lx: guriggal
pd: (guriggalay)
ps: v1=cmp
syn: aqalgal
key: guriggal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurmasho
(Gurmasha-da)
Meel dhiillo laga keenay ama shil weyni ka dhacay, degdeg ciidan ugu dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmasho
m.f.dh eeg gurmo. la-mid: gurmad (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurmasho
vl. n. act of rushing to the rescue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurmasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhiillo ama wax kale ka dheceen taageero degdeg ugu dirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurmasho
a: gurmad
de: act of rushing to the rescue
lx: gurmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gurmasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurmogoo
(fal) geed gunta ka xaabi oo wada jar oo waxba ha kaga tegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurracan
Qalloocan; sirgaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurracan
gurracan¹: f.g1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax la gurracay noqosho.
gurracan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la gurracay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurracan
gurracan¹: f.g1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax la gurracay noqosho. m.f.dh, gurracmid.
gurracan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la gurracay ahaansho. m.f.dh, gurracnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurracan
der. [adjective] bent, crooked; erratic, wrong
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gurracan
-aa: (adj) 1. wicked (wikidh) ~ aad u-xun, khaldan. 2. crooked (kurukidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurracan
(tilmaame) mid sirgaxan oo qalloocan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurracan
de: bent, crooked; [fig.] erratic, wrong
lx: gurracan
pd: (gurracnaa)
ps: adj-der
key: gurracan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GURYAFAN
(Guriafan) C,S Withania somnifera (L) Dunal. Solanaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guryafan
-ka: (magac, lab, keli) geed aan midhihiisa la cunin xooluhuna daaqin oo ka baxa jabadka guryaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggo'oo
-ga: (magac, lab, keli) xadhig aad u adag oo aan la goyn karin oo maydhax aad loo tidcay ama balaastiig ah. Maggo oo ku xidh haduu is waalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargo'an
f.mg4 (-'naa, -nayd) Ku s.: wax, wax kale la jin ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sargo'an
f.mg4 (sargo'naa, sargo'nayd) Ku sargo'an: wax, wax kale la jin ah ahaansho. m.f.dh, sargo'naan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sargo'an
Parity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurmaran
m.dh Naasley aan uurkeeda ilmo ku jirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eerigo'an
-ta: (magac, dhedig, keli) deegaan waaqle ah oo an ciirsi lahayn. Dh: gerigo'an, waagle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guriggeyn
(Guriggeyn-ta)
Labada is aroosay, gurigooda cusub, gelbin ku geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guriggeyn
m.f.dh eeg guriggee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guriggeyn
vl. n. procession accompanying the bridal couple to their new home
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guriggeyn
-ta: (n) 1. the act of escorting or accompanying the wedding to show honor ~ galbis, galbin. 2. bringing at home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guriggeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo is aroosatay gurigoodi gelbin ku geyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guriggeyn
de: procession accompanying the bridal couple to their new home
lx: guriggeyn
nt: guriggee [v2b=]
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: guriggeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurranaan
(Gurranaan-ta)
Gurranaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurranaan
m.f.dh eeg gurran. la-mid: gurranaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurranaan
f. n., [abstract] left-handedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof gacanta bidixda adeegsada ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurranaan
de: left-handedness
lx: gurranaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: gurranaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ilmo yar wax niyadda laga dilay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaango'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Ku j.: wax, wax kale la cabbir ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaango'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Ku j.: wax, wax kale la cabbir ah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaango'an
(tilmaame) wax la qorsheeyay; arrin qorshaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalago'an
(tilmaame) shay aan isku oollin oo kala jaran. Xadhig kalago'an xaabo laguma rarto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xurmaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xurmo leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xurmaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xurmo leh ahaansho. m.f.dh, xurmaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xurmaysan
der. [adjective] respected, honored, held in high regard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurmaysan
(tilmaame) la xurmeeyey oo si wanaagsan loo karaameeyey ah. Intaan reerka la joogay nin xurmaysan ayaan ahaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xurmaysan
de: respected, honored, held in high regard
initial: x
lx: xurmaysan
pd: (xurmaysnaa)
ps: adj-der
key: xurmaysan
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Bari go'an
Karingaabad, radeeb go'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraggoyn
m.f.dh eeg carraggoo. la-mid: carraggoys (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabargo'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Wax dabargo'ay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabargo'an
der. [adjective] eradicated, eliminated, destroyed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabargo'an
(tilmaame) wax halaagsamay oo aan waxba ka jirin. Kol hadduu ninkii dhintay reerkaasi wuu dabargo'an yahay. Dh: cidhibtiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabargo'an
de: eradicated, eliminated, destroyed
lx: dabargo'an
pd: (dabargo'naa)
ps: adj-der
key: dabargo'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaaxnaan
m.f.dh eeg gumaaxan². la-mid: gumaaxnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurracnaan
m.f.dh eeg gurracan². la-mid: gurracnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurracnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qalloocsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guryayafan
-ka: (magac, lab, keli) geed xididkiisa lagu daweeyo xoolaha balalooda. Guryayafan ayaa guriga yaallee soo qaad.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Fadka go'an
Iligga girgirbixiyuhu fad go'an ayuu dhexda ku leeyahay kaasoo dhex gala meeriska wareegsan ee kasoo baxsan miisaanka sare isla markaana ilkaha laga wadaaliyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
garbage can
/gaarbij kaan/ trash can (n) weelka qashin-qubka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurraysnaan
m.f.dh eeg gurraysan. la-mid: gurraysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiime go'an
n. phr. fixed price