gurisamaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurisamaad
m.l Degaan barwaaqo iyo nabad leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurisamaad
m. n. thriving and hospitable ~ welcoming place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurisamaad
-ka: (magac, lab, keli) xilli barwaaqo ah guriga la deggan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurisamaad
de: thriving and hospitable ~ welcoming place Pl: guryosamaad (ka)
lx: gurisamaad
pd: (-ka)
ps: np-m
key: gurisamaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Berisamaad
(Berisamaad-ka)
Nur samaaday; barwaaqo; bashbash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berisamaad
m.l (-dyo, m.dh) Waqti barwaaqo badan oo aan dhibaato jirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
berisamaad
m.l (-dyo, m.dh) Waqti barwaaqo badan oo aan dhibaato jirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
berisamaad
m. n., [collective] prosperity, good times
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
berisamaad
-ka: (n) heyday (heey-dheey)-, the period of greatest prosperity or success
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berisamaad
-ka: (magac, lab, keli) xilli dad iyo duunyaba lagu jiro raaxo iyo raynrayn lagu badhaadhay. nur samaaday. Dh: barwaaqo, bashbash, samalaho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
berisamaad
de: prosperity, good times
lx: berisamaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: berisamaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uursamaan
m.f.dh eeg uursan. la-mid: uursamaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uursamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) uurxaadhnaan iyo caloolsamaan. Dh: uursami, caloolsamaan, uurxaadhni, uurfiyoobi, caloolxaadhnaan, kalsamaan. Li: uurxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guridambays
m.l Carruur isku hooyo ah kan ugu dambeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guridambays
m.l Carruur isku hooyo ah kan ugu dambeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gummaad
m.l (-dyo, m.dh) Cunto; gasiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gummaad
m.l (-dyo, m.dh) Cunto; gasiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gisaasad
-da: (magac, dhedig, keli) muraayadda faynuuska ee dibaaradda dabaysha ka ilaalisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdamid
(Gurdamid-da)
Gurdan la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdamid
m.f.dh eeg gurdan². la-mid: gurdan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo, u ordid si xooggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurxamid
(Gurxamid-da)
Ci gurxan ah, ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurxamid
m.f.dh eeg gurxan ².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurxamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn oo aan dhammaanayn ku hadlid. Dh: guryamid, gurxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guryamid
(Guryamid-da)
Hadal guryan ah tixid; guraabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guryamid
m.f.dh eeg guryan². la-mid: duryamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guryamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo aan milqo lahayn ku hadlid. Dh: duryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
risaalad
m.dh la-mid: risaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
risaalad
-da: (magac, dhedig, keli) farriin Ilaahay u soo dhiibo Nebi oo dad wax loogu sheego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tulimaad
m.l Waa dhigidda uu dhigo wakiil dabiici ihi adke uu sidey oo uu ka keenay meel kale ama fog. Tusaale, webiyadu waxa ay tuulaan dhoobo iyo quruurux, dabayluhuna ciid badan iyo boodh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tulimaad
m.l Waa dhigidda uu dhigo wakiil dabiici ihi adke uu sidey oo uu ka keenay meel kale ama fog. Tusaale, webiyadu waxa ay tuulaan dhoobo iyo quruurux, dabayluhuna ciid badan iyo boodh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urxamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) calooxumaan iyo ciilqabid. Dh: uurxumaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusimaad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan barakaysnayn; aan khayr qabin. Dh: khayrlaawe.
uusimaad -ka: (magac, lab, keli) marka la la laayo dad ama la dooxdooxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durraamad
(Durraamad-da)
Durraamasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durraamad
m.l la-mid: durraamasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durraamad
-da: (magac, dhedig, keli) bahal lagu ciyaaro oo la isku maaweeliyo xilliyada firaaqad ah. Durraamad bay ciyaarayaan wiilashii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosimaad
-ka: (magac, lab, keli) daaq badan; caws badan oo meel ka baxay. Goosimaadka meeshii lahayd waa gelgelintaase.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guraabaas
-ka: (magac, lab, keli) hadal canaan ah oo aan kala joogsi lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurranaan
(Gurranaan-ta)
Gurranaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurranaan
m.f.dh eeg gurran. la-mid: gurranaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurranaan
f. n., [abstract] left-handedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof gacanta bidixda adeegsada ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurranaan
de: left-handedness
lx: gurranaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: gurranaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hursanaan
m.f.dh eeg hursan. la-mid: hursanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurushaad
-da: (magac, dhedig, keli) ood gabowday buburkii ka hadhay. Dh: jabad, guri.
hurushaad -ka: (magac, lab, keli) aad u gubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaraamaad
f. n. miscellaneous expenses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraamaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaadhaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaraamaad
de: miscellaneous expenses
lx: qaraamaad
pd: (-da Pl: qaraamaad (ka))
ps: n5-f
key: qaraamaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quraafaad
-ka: (n) superstition (supar-sti-shiri), myth (mith)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacaad
surbacaad¹: m.l Rafaad; dhibaato.
surbacaad²: f.mg1 (-day, -dday) Rafaad la kulmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacaad
-ka: (magac, lab, keli) rafaad; dhibaato.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
turjumaad
-da: (n) interpretation (in-ter-pa-teey-shin); translation (taraanis-leey-shin); explanation (ikis-pala-neey-shin) ~ tarjumaad, tarjumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaxsimaad
-ka: (magac, lab, keli) caanaha oo aan neefka laga lisin ama laga nuugin muddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedsaraad
m.l.u Geedaha intooda dhulka aad uga sara-kacda, oo aan saar ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedsaraad
m.l.u Geedaha intooda dhulka aad uga sara-kacda, oo aan saar ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufisaarid
-da: (magac, dhedig, keli) jirrid bixin; dhul la jaray gufi ka gurid si loo qoto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurgurqaad
-ka: (magac, lab, keli) awrka lagu guuro ee sida xamaanta hoose ee aqalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basrisanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax habaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burursanaan
m.f.dh eeg burursan. la-mid: burursanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burursanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax burursan oo kala bashaaqsan ahaan. Muuska burursanaan laguma cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digrisalaan
-ka: (magic, lab, keli) salaan qasiido ah oo la isku soo dhoweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirsanaan
m.f.dh eeg dirirsan. la-mid: dirirsanaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirirsanaan
-ta: (n) hostility (hoostiliti)-, hostile acts; antagonism (an-taago-niizim); enmity (en-miti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dagaalsanaan oo colaadi ka oognaan. Dh: dagaalsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmisanaan
m.dh la-mid: dulmanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duricaymeed
-ka: (magac, lab, keli) duray ku dhaca duurjoogta. Duricaymeed baan ka soo qaaday dalxiiskii shalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durugsanaan
m.f.dh eeg durugsan. la-mid: durjisnaan, durjisnaansho,durugsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruqsanaan
m.dh la-mid: durugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiqsanaan
m.dh la-mid: filiqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firiqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala daadsanaan iyo firidhsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firirsanaan
m.f.dh eeg firirsan. la-mid: firdhisnaan, firdhisnaansho, firirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala daadsanaanta, wax hore u urursanaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furuxsanaan
m.f.dh eeg furuxsan. la-mid: furuxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furuxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha sare ee walax wax yeelid; xoodhsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbasaarad
(Garbasaarad-ka)
Garbasaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbasaarad
m.l la-mid: garbasaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbasaarad
-ka: (magac, lab, keli) maro garbasaar ka dhigasho; garbasaar huwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedmisanaan
m.f.dh eeg gedmisan. la-mid: gedmisanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giijisanaan
m.dh la-mid: giigsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorofsanaan
(Gorofsanaan-ta)
Wax gorofsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorofsanaan
m.f.dh eeg gorofsan. la-mid: gorofsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gorofsanaan
f. n., [abstract] state of being thrown away ~ discarded
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gorofsanaan
de: state of being thrown away ~ discarded
lx: gorofsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: gorofsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdowalaaq
m.l Orgi aan gaarin da'dii uu riyaha ku rimin lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guridanbays
-ka: (magac, lab, keli) ilmaha reerka u yar ee lagu dhalmo daayo. Dh: gurudanbays. Li: curad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormosalaad
hormosalaad¹: m.l Ku soo yaacidda meel wax yaalliin ama wax ka dhaceen lagu soo yaaco. la-mid: qamaan¹.
hormosalaad²: f.mg1 (-day, -dday) Meel ay wax yaalliin ama wax ka dheceen ku yaacid. la-mid: qamaan².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kiristaanad
-da: (n) Christian (kiris shan)-, a Christian female
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirirsanaan
m.f.dh eeg mirirsan. la-mid: mirirsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muransanaan
m.f.dh eeg muransan. la-mid: muransanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugsanaan
(Murugsanaan-ta)
Wax murugsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugsanaan
m.f.dh eeg murugsan. la-mid: murugsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugsanaan
f. n., [abstract] anxiety, state of being worried, preoccupation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) war murugsan oo xalkeeda loo maaro la'yahay ahaan Dh: murgid.
murugsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) murugo iyo welwel ku jirid. Dh: murugeysnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murugsanaan
de: anxiety, state of being worried, preoccupation
lx: murugsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: murugsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruxsanaan
m.f.dh eeg muruxsan. la-mid: muruxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caleen ama dhogor la'aan. Neefka cadho ayaa muruxsanaanta ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbisamaan
m.f.dh eeg qalbisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbisamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) uurxaadhnaan; wax niyad wanaagsan ahaan. Daaciga qalbisamaan ayaan laga rabaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorisla'aan
m.dh Xaaladda uu ku sugan yahay qof aan waxna qorin waxna akhrin.