gurguurato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurguurato
-da: (magacwadareed) xayawaannada xamaartada ah. Dh: xamaarato.
gurguurato -ta: (magac, dhedig, keli) cudur haweenka ummula ku dhaca; uuryaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurguurto
(Gurguurta-da)
Cudur haweenka ummula ku dhaca; uuryaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurguurto
m.dh.u Cudur ummulaha ilmagaleenka kaga dhaca labada toddobaad oo u horreysa dhalmada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurguurto
f. n., [collective] post-partem pains (of women who have recently given birth)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurguurto
cf: uuryaal
de: post-partem pains (of women who have recently given birth)
lx: gurguurto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: gurguurto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurguurasho
(Gurguurasha-da)
Labada low iyo labada gacnood ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurguurasho
m.f.dh eeg gurguuro. la-mid: gurguurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurguurasho
-da: (magac, dhedig, keli) gurguurad; jilbaha ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurguuro
f.g3 (-rtay, -ratay) Gacmaha iyo lowyaha ku socosho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurguuro
f.g3 (-rtay, -ratay) Gacmaha iyo lowyaha ku socosho (qof). m.f.dh, gurguurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurguuro
v. walk on all fours, crawl
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gurguuro
-gurguurtay / gurguuratay: (v) creep (kiriip)-, crawl (korool)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurguuro
(fal) gacmaha iyo jilbaha ku soco. Dadqal looma gurguurto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurguuro
de: walk on all fours, crawl
lx: gurguuro
nt: gurguurad (ka) [vn-m], gurguurasho (/da) [vn-f]
pd: (gurguurtay)
ps: v3b=
key: gurguuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurguurad
(Gurguurad-ka)
Socod labada low iyo labada gacnood lagu socdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurguurad
gurguurad¹: m.l la-mid: gurguurasho.
gurguurad²: m.l.kh G. ah: ilmo marxaladdii fadhiga iyo istaagga u dhexeeya oo jilbaha iyo labada gacmood ku socda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurguurad
m.l.kh G. ah: ilmo marxaladdii fadhiga iyo istaagga u dhexeeya oo jilbaha iyo labada gacmood ku socda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurguurad
-ka: (magac, lab, keli) gacmaha iyo jilbaha oo lagu socdo siiba carruurta aan socodka baran iyo dadka cagaha la' ama curyaansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uuryaal
(Uuryaal-ka)
1. Aan dibadyaal ama ifyaal ahayn; maskaxda iyo maanka lagu garan karo: aan la taaban karin; dahsoon; (magac uuryaal ah, sida: male, run, boqortooyo).
2. Gurguurato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuryaal
-ka: (magac, lab, keli) wax aan debedyaal ama ifyaal ahayn; wax maskaxda iyo maanka lagu garan karo.
uuryaal -ka: (magac, lab, keli) magacyada intooda indhuhu aanay qaban karin, sida: male, run, iyo wixii la mid ah.
uuryaal -ka: (magac, lab, keli) eeg gurguurato.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gurguur
Creep
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durduurasho
(Durduurasha-da)
Si durduur ah wax u cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduurasho
m.f.dh eeg durduuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durduurasho
-da: (magac, dhedig, keli) kolka biyaha xooluhu ka dhergaan ee dib loo marinayo kol labaad. Dh: rakaad, maris. Li: kamiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gugunto
m.dh Guunto; orgeysguur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulato
m.dh (-ooyin, m.l) Naag aan sarriig lahayn oo martidu ku soo dhiirran aqalkeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulato
-da: (magac, dhedig, keli) meel aan dad joogin; cidlo ciirsila'; waaqla.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruurso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: aruurso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduuro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Xoolo biyo ku noq-noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durduuro
v. drink repeatedly ~ without stopping (of animals), gulp down, guzzle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durduuro
(fal) ka dhereg biyo iyo wixii la mid ah oo ku noqnoqo. Ma dagteen jannada weli, ma durduuranteen malab. Dh: hirqo, rakaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durduuro
bw: ladaabo
de: drink repeatedly ~ without stopping (of animals), gulp down, guzzle
lx: durduuro
nt: durduurasho (/da) [vn6-f]
pd: (durduurtay)
ps: v3b=
key: durduuro
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
figurato
agg. - shaxan leh, afka maldahan, sarbeeban.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Furuurac
Emulsion
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
graduato
agg. - ku habaysan darajooyin kala sarreeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurgurid
(Gurgurid-da)
Wax meel laga qaada hayo oo meel kale la geyna hayo, oo aan isku mar la qaadin ee hadba inta in yar la qaado, loo soo noqnoqona hayo; diqdiqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurgurin
-ta: (magac, dhedig, keli) awrka marka la heeryeeyo alaab kale oo gurgur ah ku rarid. Gurgurintu waa gibilka hortii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurguur
(fal) kolba guuri; hayaanka badi; marba geeddi gal. Li: degganaw; nagaw.
guurguur -ka: (magac, lab, keli) kolba guuris; hayaan badni; meel ku ekaansho la'aan; ra'yi beddelid. Guurguurka iska daa oo meel uun degganaw. Li: degganaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguurto
-da: (magac, dhedig, keli) hanti rasmi ah oo meesheeda ka dhaqaaqayn sida guryaha iyo beeraha. Dh: maguuraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mucuurto
-da: (magac, dhedig, keli) baahi xoog ah oo wax loo qabo oo uu qofku galo xaalad isciilkaambi ah. Dh: ciilkaambi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Quruurax
Granules
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawgurato
-da: (magacwadareed) dadka cawda gura oo ka shaqaysta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gargaarto
f. n. nurse; hostess
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarto
-da: (magac, dhedig, keli) gabadha kalkaaliyaha caafimaad ah ee cusbitaal ama goob caafimaad ka shaqeysa. Dh: kalkaaliso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gargaarto
de: nurse; hostess
lx: gargaarto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gargaarto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirato
-da: (magac, dhedig, keli) suxulku markuu laabanyahay meeshiisa soo fiiqan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gurgur-ka
meubles.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurgurshe
m.l la-mid: gurgurshaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurgurshe
-ha: (magac, lab, keli) awr hayin ah oo maxasta lagu raro. Gurgurshihii baa ka dhintay reerkii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magguurto
m.dh 1. Hanti m. ah: hanti aan guurguurin oo deynta lagu qaadan karo, sida beeraha guryaha iyo wixi lamida. 2. Dad si joogto ah meel u deggan oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magguurto
m.dh 1. Hanti m. ah: hanti aan guurguurin oo deynta lagu qaadan karo, sida beeraha guryaha iyo wixi lamida. 2. Dad si joogto ah meel u deggan oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magguurto
f. n. immovable object ~ goods
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magguurto
-magguurtada: (n) immovables (im-muufabalis); real property that cannot be moved; Ex: hanti maguurto ah; real estate property
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magguurto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maguuraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magguurto
de: immovable object ~ goods
lx: magguurto
pd: (/da)
ps: n-f
xe: immovable property ~ real estate; Opp: guurto
xv: hanti magguurta ah
key: magguurto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murudsato
m.dh Farta gacanta oo suulka iyo fardhexada u dhexeysa. la-mid: murugsato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murudsato
m.dh Farta gacanta oo suulka iyo fardhexada u dhexeysa. la-mid: murugsato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murudsato
-da: (magac, dhedig, keli) faraha gacanta tan u dhexaysa fardhexada iyo suulka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murugsato
(Murugsata-da)
Murdiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugsato
m.dh la-mid: murudsato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murugsato
f. n. forefinger, index finger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murugsato
-murugsatada: (n) index finger (indhekis fingar); forefinger (foor-fingar) ~ farta ku xigta suulka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murugsato
-da: (magac, dhedig, keli) farta lagu tasbiixsado ee suulka iyo fardhaxada u dhaxaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murugsato
de: forefinger, index finger Counted as the fourth finger by Somalis
lx: murugsato
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: murdiso
key: murugsato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurgurqaad
-ka: (magac, lab, keli) awrka lagu guuro ee sida xamaanta hoose ee aqalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furufurasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax soohnaa ama xidhxidhnaa, xadhiggii ama liillimadii ama duntii isu haysey ama ku tolnayd meelo ka bixbixid oo kala furfurmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabrarato
-da: (magacwadareed) dad aan lahayn deegaan, rug iyo raastoona oo alaabtooda mar walba dusha ku sita. Garabrarato meel kuma gabbatee, guura bahaleeya.
garabrarato -da: (magacwadareed) ganacsato aan meel degganayn ee degta ku sidata waxay iibinayaan.
garabrarato -da: (magacwadareed) qofka wax xammaala ee garabkiisa kiraysta. Dh: xammaal, walqiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumasho
m.f.dh eeg garruumo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guruuructan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Gunuunuc is waydaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guruuructan
v. mumble, grumble
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guruuructan
de: mumble, grumble
lx: guruuructan
pd: (guruuructamay)
ps: v1=intr
key: guruuructan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurkuursasho
(Kuurkuursasha-da)
Iyadoo la fadhiyo, dhaqdhaqaaqid, nuuxnuuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurkuursasho
m.f.dh eeg kuurkuurso. la-mid: kuurkuursad, kuurkuursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurkuursasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo la fadhiyo, dhaqdhaqaaqid, nuuxnuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurmuursasho
(Muurmuursasha-da)
Bushimaha iyo carrabka dhaqdhaqaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg muurmuursad.