gunuunucid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunuunucid
(Gunuunucid-da)
Hadal gunuunuuc ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuunucid
m.f.dh eeg gunuunuc². la-mid: dunuunucid, gunuunsid, gunuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunuunucid
-da: (magac, dhedig, keli) ku hadlidda hadal gunuunuc ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunuunucid
m.dh la-mid: gunuunucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunuunucid
-da: (magac, dhedig, keli) hoosta ka guuxid oo sidii ilmo wax diidaya u nuunaasid. Dunuunicidda jooji oo waxaad tabanayso sheego. Dh: gunuunicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuunusid
m.dh la-mid: gunuunucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunuunuc
(Gunuunuc-a)
Hadal aan lagu dheeraysan oo hoos laga guryamo; (ama dunuunuc).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuunuc
gunuunuc¹: m.l Hadal hoos loo yiraahdo oo diidmo ku jirto. la-mid: dunuunuc¹, gunuunus¹, gunuus¹.
gunuunuc²: f.mg2 (-cay, -cday) Hadal diidmo ku jirto hoos u dhihid. la-mid: dunuunuc², gunuunus², gunuus².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gunuunuc
gunuunuc¹: m.l Hadal hoos loo yiraahdo oo diidmo ku jirto. la-mid: dunuunuc, gunuunus.
gunuunuc²: f.mg2 (-cay, -cday) Hadal diidmo ku jirto hoos u dhihid. m.f.dh, gunuunucid. la-mid: dunuunuc, gunuunus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunuunuc
v. mutter, murmur, grumble; whisper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gunuunuc
-a: (n) grumble (garam-bal); murmur (mer-mer); complaint (kampleeynt) ~ cabasho, nuunaas, guraabbaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunuunuc
(fal) hadal aan la maqlayn hoos ka dheh. Dh: dunuunuc.
gunuunuc-a: (magac, lab, keli) hadal cadho iyo cabasho ku jirto oo hoos loo yidhaahdo. Dh: yuus, guraabaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunuunuc
de: mutter, murmur, grumble; whisper
lx: gunuunuc
nt: gunuunuc (a) [vn2a-m]
pd: (gunuunucay)
ps: v1=
key: gunuunuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuunufid
m.f.dh eeg unuunuf². la-mid: anaanufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuunufid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aan calaf iyo cunto badan lahay, wax yar ka urursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guluulucid
(Guluulucid-da)
Gabay aan codka kor loo qaadayn tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guluulucid
m.f.dh eeg guluuluc². la-mid: guluuluc¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuunaasid
(Nuunaasid-da)
Hadal nuunaas ah ku hadlid; guryamid; gunuunucid; guraabbaasid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
yammer
/yaamar/ (infl) (v) gunuunucid; guryamid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
brontolare
v.intr. - gunuunucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunaasid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacal iyo diidmo ku gurxamid. Dh: duryamid, gunuunucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuusid
-da: (magac, dhedig, keli) cabasho badan oo gunuunuc ah samayn. Naag xumi way yuusid badan tahay Dh: gunuunucid, niiclayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
murmure
murmure, n.m. - gungunuus; gunuunucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dunuunuc
(Dunuunuc-a)
Gunuunuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunuunuc
dunuunuc¹: m.l la-mid: gunuunuc¹.
dunuunuc²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: gunuunuc².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dunuunuc
m. n. murmur, mumbling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunuunuc
-a: (magac, lab, keli) reenka geela kolka isaga oo aan afka kala qaadin uu cod guux ah bixiyo. Dh: nuunaas, guux, gunuunuc, reen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dunuunuc
de: murmur, mumbling
lx: dunuunuc
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: dunuunuc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gungunud
(fal) gunud oo kolba gunud. Xadhigga gungunud. Dh: xidhxidh.
gungunud -ka (magac, lab, keli) rarada jaad ka mid ah oo laga sameeyey caws la isku gunguntay. Gungunudka soo saar awrka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuunus
gunuunus¹: m.l la-mid: gunuunuc¹.
gunuunus²: f.mg1 (-say, -stay) la-mid: gunuunuc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunuunus
(fal) hadal gaaban oo aan la maglayn hoos u dheh.
gunuunus-ka: (magac, lab, keli) hadal gaaban oo aan sare loogu dhawaaqine hoos loo yiraahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuusid
m.dh la-mid: gunuunucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
junuunid
m.dh la-mid: jinaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuluulucid
m.f.dh eeg dhuluuluc². la-mid: dhuluuluxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuuni
f.g2 (-iyay, -isay) Haan, dhiil iyo wixi lamida haruub ku daboolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuunuf
unuunuf¹: m.l Af-ku-urursiga cunta yar oo dhulka daadsan afka lagu uruursado. la-mid: anaanuf¹
unuunuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Nafley cunto yar oo dhulka ku daadsan uruursasho. la-mid: anaanuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuunuf
(fal) meel aan calaf iyo cunto badan lahay, wax yar ka ururso.
unuunuf -ka: (magac, lab, keli) meel aan calaf iyo cunto badan lahay, wax yar ka urursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuncunid
(Cuncunid-da)
Meel oogada kamid ah oo cuncunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuncunid
m.f.dh eeg cuncun³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuncunid
vl. n. itching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuncunid
-da: (magac, dhedig, keli) meel oogada ka mid ah, xajiin darteed xoqniin doonid. Dh: cuncunis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuncunid
de: itching
lx: cuncunid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: cuncunid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuunin
m.f.dh eeg ganuuni. la-mid: ganuunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuunis
m.l la-mid: ganuunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guluuluc
(Guluuluc-a)
Gabay aan lagu dheeraysanayn oo la tirsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guluuluc
guluuluc¹: m.l 1. Hoos u qaadidda gabay ama hees, hoos loo qaado. 2. la-mid: guluulucid.
guluuluc²: f.mg1 (-cay, -cday) Hees ama gabay hoos u qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guluuluc
m. n. poem recited in a low voice; low bellow of a camel (when it is sick ~ thirsty)
guluuluc v. recite a poem in a low voice; bellow in a low pitch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guluuluc
-a: (magac dhedig keli) ku luuqaynta gabayga oo hoos loo dhawaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuuxid
m.dh la-mid: gamuuxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunnucso
(fal) orod aan xawaare dheer lahayn ku orod. Dh: guclee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guxuumid
(Guxuumid-da)
Gamuuxid; gamuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuumid
m.dh la-mid: gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuunid
(Hanuunid-da)
Hanuun helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuunid
m.f.dh eeg hanuun³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuunid
-da: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ee fiican ku toosid oo ku hagaagid. Dh: hanuunis, hagaagid. Li: hallaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
junuubid
m.dh la-mid: jinaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukuucid
(Rukuucid-da)
Salaadda dhexdeeda, rukuuc la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukuucid
m.f.dh eeg rukuuc². la-mid: rakuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukuucid
-da: (magac, dhedig, keli) rukuuc samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanuunid
(Sanuunid-da)
Sanuun yeelasho, ka soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanuunid
m.f.dh eeg sanuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanuunid
-da: (magac, dhedig, keli) sanuun yeelasho; sanuun ka soo bixid Dh: fookhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunuunad
-da: (magac, dhedig, keli) maraqa cas ee ka kooban tamaadhada duqad oo lagu darsado bariiska ama baastada. Sunuunad ii keen roodida an ku cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suusucid
(Suusucid-da)
Suusuc noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusucid
m.f.dh eeg suusuc². la-mid: suusacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suusucid
-da: (magac, dhedig, keli) suusuc noqosho. Suusicid ku ma wanaagsana caanaha lo'du. Dh: dhanaanid. Li: dhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuunid
(Xanuunid-da)
Xanuun yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuunid
m.f.dh eeg xanuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuunid
-da: (magac, dhedig, keli) laxaw iyo xanuun yeelasho. Nabar bukaayi xanuunid ma daayo. Dh: xanuunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguumid
m.f.dh eeg ganguun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gungunuus
-ka: (magac, lab, keli) yuus iyo oohin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qushuucid
(Qushuucid-da)
Khushuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushuucid
m.dh la-mid: kushuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qushuucid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi Eebbe dareemid oo iimaan la foorarid. Dh: khushuucis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guluuluc_1
cf: giis
de: poem recited in a low voice; low bellow of a camel (when it is sick ~ thirsty)
hm: 1
lx: guluuluc
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: guluuluc_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guluuluc_2
de: recite a poem in a low voice; bellow in a low pitch
hm: 2
lx: guluuluc
pd: (guluulucay)
ps: v1=
key: guluuluc_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunaanadid
(Gunaanadid-da)
1. Qof dhimanaya gunaanad u samayn; yaasiimin.
2. (arrin; kd.) dhammaystirid; ebyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaanadid
m.f.dh eeg gunaanad². la-mid: gunaanad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunaanadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof sii dhimanaya quraan ku dul'akhrin.
gunaanadid -da: (magac, dhedig, keli) hadal ama hawl socotay, soo afjarid. Gunaanadidda shirka ha ka maqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuluuluxid
m.dh la-mid: dhuluulucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guruuructan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Gunuunuc is waydaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guruuructan
v. mumble, grumble
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guruuructan
de: mumble, grumble
lx: guruuructan
pd: (guruuructamay)
ps: v1=intr
key: guruuructan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbuluuluqid
(Hunbuluuluqid-da)
Hunbuluuluq yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbuluuluqid
-da: (magac, dhedig, keli) hunbuluuluq yeelasho.