gunno dhib
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gunno dhib
Indennità disagiata
Hardship allowance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhab
-ka: (magac, lab, keli) weel dhulka gunta ugudhufasho si waxa ku jiraa gunta ugu ururaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhig
(Gundhig-ga)
Waxa la biirina hayo ama la tarmina hayo, inta ugu horraysa oo laga bilaabo; saldhig; raasammaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhig
gundhig¹: m.l Wax la biirinayo ama la tarminayo inta ugu horreysa oo laga bilaabo; saldhig; raasamaal.
gundhig²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax la biirinayo ama la tarminayo intooda ugu horreysa asaasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gundhig
m.l Wax la biirinayo ama la tarminayo inta ugu horreysa oo laga bilaabo; saldhig; raasamaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gundhig
m. n., [compound] beginning; foundation; starting capital
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gundhig
-a: (n) 1. basic (baay-sik). Ex: gundhiga xisaabta; the basics of math. 2. base (beeys)-, foundation, (fown-dheeyshen)
u gundhig -ay: (v) find a basis for; establish (istaabalish)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gundhig
Iniziale
Initial
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhig
-ga: (magac, lab, keli) meesha wax ka unkamaan: wax kaste saldhiggiisa.
gundhig-ga: (magac, lab, keli) haynta ama aduunka la rogrogayo ama lagu shaqaynayo bilowgeeda. Dh: raasamaal.
gundhig-ga: (magac, lab, keli) qooshka loxooxda ee la ganaanayo ama caanaha la dhitaynayo. dhannaaniso lagaga horaysiiyo weelka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gundhig
cf: salsal
de: beginning; foundation; starting capital
lx: gundhig
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: gundhig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhin
(Gundhin-ta)
1. Soo dhifasho; jiidid; dhaqaajin.
2. Qandhuufasho; ciddi ku jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhin
m.f.dh eeg gundhi². la-mid: gundhi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhin
-ta: (magac, dhedig, keli) in la gudhiyo; kala boodid. Hashu gudhin bay u baahan tahay si ay u dhasho mar kale. Dh: jiidid, dhaqaajin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gundhin
Hinjin, kiintaarin, dallicid, kuunyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhis
m.l Bir daab qori ah leh, afkana fantax ku leh oo wax lagu tolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhis
-ka: (magac, lab, keli) aalad bir ka samaysan sida mudaca oo xagga danbe daab qori la qabsado ku leh oo lagu tolo kabaha. Kabtan gundhiska i mari wey iga kala fuqdaye.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Goobo dhig
Circ1e of longitude
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gungaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) ka war keenid; hubsasho aad ah; ka salgaadhid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
GUNNO GURI
Indennità di alloggio
House allowance
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gunno guri
Indennità di alloggio
Accommodation allowance
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
GUNNO JAGO
Indennita di carica
Responsibility allowance
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gunno jago
Indennità di carica
Responsibility allowance
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
GUNNO SAFAR
Indennità di trasferta/missione
Travel allowance
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gunno safar
Indennità di viaggio
Travel allowance