gungunnaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gungunnaf
m.l Oraho ama falal cid sameyso oo keeni kara iska hor imaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gungunaaf
-ka: (magac, lab, keli) dad ama wax la isku geegeeyey oo wada dhaqmay. Dh: ururis.
gungunaaf -ka: (magac, lab, keli) waxa ku hadha gunta weelka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gungunud
(fal) gunud oo kolba gunud. Xadhigga gungunud. Dh: xidhxidh.
gungunud -ka (magac, lab, keli) rarada jaad ka mid ah oo laga sameeyey caws la isku gunguntay. Gungunudka soo saar awrka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gungunuus
-ka: (magac, lab, keli) yuus iyo oohin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gunrunner
/gan-ranar/ (n) hub soo-galiye, siiba qof waddan qoryo si sharci darro ah u soo geliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guggundhaw
m.l Koor hal carrab leh oo jalaqda ka weyn boodaantana ka yar oo geela loo xiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guggun
-ka: (magac, lab, keli) guux cadho ku jirto. Jannadii gudhoo geeljirkii wuu guggumayaaye, kolka daaqsiyow kala dareer duco laguu yeelye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunnad
(Gunnad-da)
Kolay laga sameeyo harag ama dun ama wax kale oo lacag iyo alaabo kaleba lagu rito; kiish; qundul; qandi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunnad
m.dh (-do, m.l) Weel yar oo caw, dun iyo wixi lamida ka samaysan oo leh midabyo badan iyo aabbur waxyaabaha udgoon oo la shito lagu rito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunnad
f. n. bag (of woven fiber); handbag, purse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunnad
-da: (magac, dhedig, keli) qindi yaroo caw, dun ama harag ka samaysan oo wax lagu gurto. Dh: qandi, qindi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunnad
de: bag (of woven fiber); handbag, purse
lx: gunnad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: gunnad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguun
f.g1 (-uumay, -uuntay, -uumi) Geed iyo wixi lamida jirridda ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gugunto
m.dh Guunto; orgeysguur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gungaar
gungaar¹: m.l la-mid: gungaarid.
gungaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Ka g.: wax ka jibakeenid; ka salgaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gungaar
f.mg1 (-ray, -rtay) Ka g.: wax ka jibakeenid; ka salgaarid. m.f.dh, gungaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gungaar
m. n. analysis, study (of an issue), getting to the bottom of something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gungaar
-ay I tay: (v) [with preposition ka] dig down into, go deep into, research, inquire on investigate ~ ka gungaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gungaar
-ka: (magac, lab, keli) arrin dhacday ka salgaadhid oo xaqiijin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gungaar
a: gungaadh
de: analysis, study (of an issue), getting to the bottom of s.t.
lx: gungaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gungaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gungume
(Gunguma-ha)
Bahal godadka duddumooyinka gala oo addimo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gungume
m.l la-mid: guggume.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gungume
m. n. snake species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gungume
-ha: (magac, lab, keli) halaq aad u waynaada oo ah ka ugu xoogga badan bahalaha hoose.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gungume
de: snake sp.
lx: gungume
pd: (/ha)
ps: n7-m
see: guggume
key: gungume
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunufaa
-ga: (magac, lab, keli) ka wax la cunay ama rag wixii ka hadhay sii feenfeenta. Shabeel giir leh gunufaa dhurwaa, harimacad guuxaaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuunuf
unuunuf¹: m.l Af-ku-urursiga cunta yar oo dhulka daadsan afka lagu uruursado. la-mid: anaanuf¹
unuunuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Nafley cunto yar oo dhulka ku daadsan uruursasho. la-mid: anaanuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuunuf
(fal) meel aan calaf iyo cunto badan lahay, wax yar ka ururso.
unuunuf -ka: (magac, lab, keli) meel aan calaf iyo cunto badan lahay, wax yar ka urursasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gubguban
-aa: (adj) having burnt (burned) spots
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gugguban
adj., pl. burnt (ones); object with several burn marks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gugguban
-aa: (adj) having burnt (burned) spots or marks
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gugguban
de: burnt (ones); object with several burn marks
lx: gugguban
pd: (Sg: guban)
ps: adj-pl
key: gugguban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guguntoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Neef dheddig oo tabsan abaahi waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunaanad
(Gunaanad-ka)
1. Qofka dhimanaya oo si wanaagsan Quraan loogu sagootiyo; qofka intaan naftu ka bixin, Quraanka lagu akhriyo; yaasiinka oo lagu akhriyo qofka dhimanaya.
2. Dhammaystir; ebyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaanad
gunaanad¹: m.l 1. Dhammaystiridda wax la dhamaystiro. 2. la-mid: gunaanadid.
gunaanad²: f.g1 (-day, -dday) 1. Qof dhimanaya quraan ku akhriyid. 2. Dood iyo wixi lamida dhammaystirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gunaanad
gunaanad¹: m.l Dhammaystiridda wax la dhamaystiro.
gunaanad²: f.g1 (-day, -dday) 1. Qof dhimanaya quraan ku akhriyid. 2. Dood iyo wixi lamida dhammaystirid. m.f.dh, gunaanadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunaanad
v. read ~ recite the Koran to a dying person; conclude, summarize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gunaanad
-ay: (v) bring to an end; sum up; conclude (ken kuluudh) summarize (samaraayz) —soo gunaanad; make conclusion. 2. last; care for the dying person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunaanad
(fal) qof sii dhimanaya, quraan ku dul akhri.
gunaanad: (fal) hawl socotay soo afjar; hadal ama hawl socotay soo xidh ama soo dabayaagee.
gunaanad-ka: (magac, lab, keli) aayado quraan ah oo lagu akhriyo qof naftu gurayso ama ka sii baxayso, gaar ahaan Yaasiinka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunaanad
bw: yaasiin
de: read ~ recite the Koran to a dying person; [ext.] conclude, summarize
lx: gunaanad
nt: gunaanad (ka) [vn-m]
pd: (gunaanaday)
ps: v1=
key: gunaanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunuunuc
(Gunuunuc-a)
Hadal aan lagu dheeraysan oo hoos laga guryamo; (ama dunuunuc).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuunuc
gunuunuc¹: m.l Hadal hoos loo yiraahdo oo diidmo ku jirto. la-mid: dunuunuc¹, gunuunus¹, gunuus¹.
gunuunuc²: f.mg2 (-cay, -cday) Hadal diidmo ku jirto hoos u dhihid. la-mid: dunuunuc², gunuunus², gunuus².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gunuunuc
gunuunuc¹: m.l Hadal hoos loo yiraahdo oo diidmo ku jirto. la-mid: dunuunuc, gunuunus.
gunuunuc²: f.mg2 (-cay, -cday) Hadal diidmo ku jirto hoos u dhihid. m.f.dh, gunuunucid. la-mid: dunuunuc, gunuunus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunuunuc
v. mutter, murmur, grumble; whisper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gunuunuc
-a: (n) grumble (garam-bal); murmur (mer-mer); complaint (kampleeynt) ~ cabasho, nuunaas, guraabbaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunuunuc
(fal) hadal aan la maqlayn hoos ka dheh. Dh: dunuunuc.
gunuunuc-a: (magac, lab, keli) hadal cadho iyo cabasho ku jirto oo hoos loo yidhaahdo. Dh: yuus, guraabaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunuunuc
de: mutter, murmur, grumble; whisper
lx: gunuunuc
nt: gunuunuc (a) [vn2a-m]
pd: (gunuunucay)
ps: v1=
key: gunuunuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuunus
gunuunus¹: m.l la-mid: gunuunuc¹.
gunuunus²: f.mg1 (-say, -stay) la-mid: gunuunuc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunuunus
(fal) hadal gaaban oo aan la maglayn hoos u dheh.
gunuunus-ka: (magac, lab, keli) hadal gaaban oo aan sare loogu dhawaaqine hoos loo yiraahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guunguun
m.l (-nno, m.dh) Biito; nooc ciyaar caruureed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunguray
(fal) wax qof keli ahi haysto inuu adi ku siiyo nafta ka doon. Bakhayl xoolihiisa hunguray ha is odhan. Dh: hunguree.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
inguinal
(adj) of, or relating to, or located between the legs, the crease between the legs and the trunk.
sarcant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunuunad
-da: (magac, dhedig, keli) maraqa cas ee ka kooban tamaadhada duqad oo lagu darsado bariiska ama baastada. Sunuunad ii keen roodida an ku cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xunguruf
(Xunguruf-ta)
(sheekaxariiro) bahal qof jeexi ah oo hadba qofkuu doono codkiisa isu yeeli kara, oo dadka wejiga ka muruxsada, ka diirta, ka xangaruufta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xunguruf
m.dh 1. Bahal ka mid ah bahalaha sheekooyinka lagu tebiyo hase yeeshee ayan cidi weli arag oo leh ciddiyo dhaadheer oo ay wejiga kaga xagato dadka. 2. Dafo. 3. Cadaawadnimo yar oo dad ka dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xunguruf
f. n. monster ~ legendary creature
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xunguruf
de: monster ~ legendary creature (in Somali folklore it lures its victims by imitating the human voice; it then peels the skin off of one's face)
initial: x
lx: xunguruf
pd: (-ta)
ps: n-f
key: xunguruf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguuman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Geed iyo wixi lamida wax jirridda laga jaray ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ganuun loo yeelay ahaansho (haan, dhiil iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gongonsad
m.l la-mid: gongonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntanaan
m.f.dh eeg guntan. la-mid: guntanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax la guntahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurguurad
(Gurguurad-ka)
Socod labada low iyo labada gacnood lagu socdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurguurad
gurguurad¹: m.l la-mid: gurguurasho.
gurguurad²: m.l.kh G. ah: ilmo marxaladdii fadhiga iyo istaagga u dhexeeya oo jilbaha iyo labada gacmood ku socda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurguurad
m.l.kh G. ah: ilmo marxaladdii fadhiga iyo istaagga u dhexeeya oo jilbaha iyo labada gacmood ku socda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurguurad
-ka: (magac, lab, keli) gacmaha iyo jilbaha oo lagu socdo siiba carruurta aan socodka baran iyo dadka cagaha la' ama curyaansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: hurgumeysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurgunsan
-aa: (adj) infected (infaktidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murgugaaf
(fal) hor iyo dabo qabo oo tuur. Kabta xaggaa u murgugaaf. Dh: tuur.
murgugaaf: (tilmaame) xoog u tuuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunjuraaf
(Qunjuraaf-ka)
Wax yaryar; jajab; lufluf; xaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunjuraaf
qunjuraaf¹: m.l.u 1. Jajab yaryar oo wax weyn oo dhammaa oo is-haystay ka soo go'ay. 2. Hambo. 3. Socod yar oo wax yar oo lagu noolaado lagu raadsado.
qunjuraaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Xoolo meel unuunufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunjuraaf
m. n., [collective] bits, scraps, fragments
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunjuraaf
-ka: (magac, lab, keli) qoryo jabad ah oo ardaayada iyo daaradaha laga xaadho
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunjuraaf
de: bits, scraps, fragments
lx: qunjuraaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: qunjuraaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguumnaan
m.f.dh eeg ganguuman. la-mid: ganguumnaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gunburbaraf
Drumlin